Inaad jeega ka sarifatid meelaha jeegaga sarifa aad ayay qaaali u tahay. Suuqa ka raadso bangi ama bangiyadda bulshadu leedahay kuwaas oo adeegooda xisaabta bangiga (akoon) lacagta sida ku meel gaarka ah loogu kaysado iyo kuwa sida rasmiga ah loogu kaysadaaba ay bilaash yihiin ama lacag yar lagaa qaadayo. Eeg haddii ay jiraan siyaabo la isaga ilaalin karo bixinta khidmadaha. Waxaa dhici karta inay noqon karaan sidda waxyaabaha ku dhaafida cadad go’an oo lacag ah akoonkaaga ama sameysiga nidaamka sidda tooska ah lacagtaada akoonkaaga laguugu soo ridayo. Meelo badan oo ka mid ah bangiyadda bulshadu wadda leedahay ayaa waxay aqbalaan qof kasta oo xaafadda ku nool mararka qaarkoodna waxay kuu soo bandhigayaan adeeg ka wanaagsan kan ay bangiyadda waawayni bixiyaan. Waxa wanaagsan inaad marka hore ka furatid xisaab nooca lacagta sida rasmiga ah loogu kaydiyo oo aad lacag yar dhigatid.
Hadii uu bangiga xisaab kaaga furan tahay, sida caadiga ah jeega lacag la’aan ayay kuugu sarifayaan. Kharashkii lagaa qaadi lahaa ayaa kuu baaqanaya markaad jeega ka sarifatid, sumacdaada xagga dayn bixintuna kor ayay u kacaysaa. Hadii ay bangigu ku siiyaan kaarka lacagta bangiga lagula baxo (ATM card) waa inaad xisaabisid inta aad la baxday si aad uga taxadartid inaad isticmaashid lacagtii bangiga kuu taalay lacag ka badan. Kharashka lagaa qaadayo isticmaalidda kaarka ATM si degdeg ah ayay u kordhi kartaa!! Sida aad ugu hortegi kartid in kharashka ATM lagaa qaadaa waa inaad isticmaashid kaar uu bangigaaga ama bangigaaga bulshadu leeyahay.
Hadii aad isticmaashid jeegaaga shakhsiga ah ha qorin wax kabadan lacagta xisaabta bangiga kuugu jirta. Bangiga IYO qofka aad jeega u qortay waxa ay kugu soo dalici karaan khidmado. Khidmadahu waxa ay noqon karaan $35 iyo ka badanba. Khidmadahaasi waa ay isgaargaari karaan waxa ayna ka dhigi karaan jeegtaada xigta ee aad qorto kuwa soo noqdo. Qorida jeega lacagtiisu ka badan tahay lacagta kuugu jirta akoonkaagu waxa ay noqon kartaa sidoo kale dambi.