Talooyinka ugu Wanaagsan Ee Kaydsashada Lacagta
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa warbixinada kiridhidyada, sidda loo arki karo kuwaaga, iyo sidda loo saxo wixii khalad ah ee ku jira.
Check if You Qualify for Government Benefits
The government has free programs to help with food, childcare, housing and cash to meet your basic needs. Go to www.MNBenefits.gov to see if you qualify and how to apply.
Ha Amaahan Lacag Horumarin ah Oo Mushaharkaaga Loo Qaadanayo
Waxaa jira kuwo lacag ku dayminaya “ilaa uu Jeega shaqadu kuu soo dhacayo.” Oo aan bangiyo ku xirnayn. Waxaa laga helaa oo ay ka shaqaystaan meelaha dukaamadda iyo barta internetka. Sida ay u shaqeeyaan waxay tahay lacag ayay ku dayminayaan mudo wakhti- gaaban ah oo ah ilaa inta laga gaarayo maalinta jeega shaqadu kuu soo dhacayao. Sida aad u bixinaysaa waxay tahay waxaad u sii qoraysaa jeegaaga shakhsiga ah adigoon weli lacag qaadan AMA hadii uu jeegaagu si toos ah ugu soo dhaco bangigaaga waxaad u ogolaanaysaa inay lacagtooda iyo weliba kharash iyo dulsaar dheeraad ah oo la socota ay kala baxaan bangigaaga marka lacagtu kuu soo dhacdo. Daynta noocan ah waxaa la socda oo aad bixinaysaa dulsaar iyo kharash aad u badan.
Marka ay xayaysiinayaan waxay ku sheegaan inay tahay dayn si degdeg ah laguu siinayo, laakiin aad ayay u adagtahay inaad lacgtaa iyo dulsaarka iyo kharashka la socota bixisid ka dibna ay kuu soo hadho lacag aad biilasha iskaga bixisaa. Sidaa darteed dadka intooda badan waxaa ku dhacda inay iyagoon dayntii hore bixin mid kale qaataan taasina waxay keentaa inuu qofka markasta ka dib dhacsanyahay bixinta daynta lagu leeyahay. Danyta noocan ahi khatar ayay ku tahay dhaqaalahaaga, qaar badana oo ka mid ah kuwa dayntan bixiyaana waa sharci daro.
Amaahda Ha Ku Qaadanin Alaabo Qaali Ah
Waad isticmaali kartaa kaarkaga amaahda ee bangiga hadii ad biilka hal mar wada bixin kartid marka wakhtigiisa la garo. Taasi waxay kordhinaysaa sumcadaada xagga dayn bixinta buundooyin ayayna kor kuu qaadaysaa. Laakiin hadayna suurtogal ahayn inaad daynta kaarka si degdeg ah isaga bixisid waxaa kuu wanaagsan inaadan kaarka isticmaalin oo aad lacag urursataid ka dibna shayga aad rabtid sidaa ku gadatid. Inta badan ganacsiyadda daynta bixiya ama kaarka amaahda ee bangigu waxay ku saarayaan dulsaar aad u sareeya. Taasi waxay keenaysaa in marka aad daynta bixinteeda dhamaysid aad bixisay qiimo aad ugu sareeya kii uu joogay shayga aad daynsatay.
Hadii Lagugu Leeyahay Dayn Aad Iska Bixin Kari Wayday Caawimo Raadso
Dayn badan lagugu yeeshaa waa arin wareerkeeda iyo walwalkeeda leh.Laakiin waxaad heli kartaa caawimo si aad go’aano wanagsan u qaadatid. Waxaa jira meelo kaa caawinaya waxyaalaha ay ka mid yihiin, sidii aad miisaaniyadaada u qorshayn lahayd,sidii aad daynta isaga bixin lahayd ama go’aan qaadasho ku saabsan inaad codsatid in laguu aqoonsado qof cayroobay( bankruptcy) oo aan daynta iska bixin Karin sidaa darteedna daynta lagaa cafiyo. Waxaad wacdaa qaybta Lutheran ka ugu qaabilsan adeega bulshadda ee gobolka Minnesota si ay kaagala talinayaan dhinaca dib u dhisida sumcadda dayn qaadashada (Credit Counseling) halkan ka wac (888) 577-2227. Ama waxaad wacdaa ururka guud ee dib u dhisida sumcadda dayn qaadashada halkan ka wac 1-(800) 431-8157.
Iska ilaali qolyo ku oranaya “ Sumcadaada dayn qaadashadda ayaanu dib u dhisaynaa” ( credit repair) waa hab khiyaano ah oo ay kugula talinayaan inaad samaysid wax sharciga ka baxsan ama lacag ayay kaagaga qaadanayaan adeegyo aad lacag la’aan ku heli kartid.
Hadii aad doonaysid inaad wax ka ogaatid daynta lagugu leeyahay iyo xaaladda ay ku sugan tahay sumcadaada dayn qadashaddu ka waxaad warbixintaa ka fiirisaa meelaha lagu kaydiyo taariikhda sumcada dayn qaadashadda. Sanad walba nuqul bilaash ah ayay ku siinayaan hadaad booqatid bartan internet ka www.annualcreditreport.com. Akhri warbixntan kooban Warbixinta Sumcadda Deyn Bixinta.
Xisaab (Akoon) ka furo Bangiga
Inaad jeega ka sarifatid meelaha jeegaga sarifa aad ayay qaaali u tahay. Suuqa ka raadso bangi ama bangiyadda bulshadu leedahay kuwaas oo adeegooda xisaabta bangiga ( akoon) lacagta sida ku meel gaarka ah loogu kaysado iyo kuwa sida rasmiga ah loogu kaysadaaba ay bilaash yihiin ama lacag yar lagaa qaadayo.meelo badan oo ka mid ah bangiyadda bulshadu wadda leedahay ayaa waxay aqbalaan qof kasta oo xaafadda ku nool mararka qaarkoodna waxay kuu soo bandhigayaan adeeg ka wanaagsan kan ay bangiyadda waawayni bixiyaan. Waxa wanaagsan inaad marka hore ka furatid xisaab nooca lacagta sida rasmiga ah loogu kaydiyo oo aad lacag yar dhigatid.
Hadii uu bangiga xisaab kaaga furan tahay, sida caadiga ah jeega lacag la’aan ayay kuugu sarifayaan. Kharashkii lagaa qaadi lahaa ayaa kuu baaqanaya markaad jeega ka sarifatid ,sumacdaada xagga dayn bixintuna kor ayay u kacaysaa. Hadii ay bangigu ku siiyaan kaarka lacagta bangiga lagula baxo (ATM card) waa inaad xisaabisid inta aad la baxday si aad uga taxadartid inaad isticmaashid lacagtii bangiga kuu taalay lacag ka badan. Kharashka lagaa qaadayo isticmaalidda kaarka ATM si degdeg ah ayay u kordhi kartaa!! Sida aad ugu hortegi kartid in kharashka ATM lagaa qaadaa waa inaad isticmaashid kaar uu bangigaaga ama bangigaaga bulshadu leeyahay.
Hadii aad isticmaashid jeegaaga shakhsiga ah ha qorin wax kabadan lacagta xisaabta bangiga kuugu jirta. Bangiga IYO qofkii aad jeega u qortay labaduba waxay kaa qaadi karaan kharash dheeraad ah. Kharashkaasi wuxuu noqon karaa $35 ama ka badan. Kharashyadani markay is biirsadaan way badanayaan waxayna keeni kartaa in jeegaga dambe eed qortid la soo diido. Sidoo kale hadii aad qortid jeeg ka badan lacagta xisaabta bangiga kuugu jirtay dembi ayay noqon kartaa.
Qorshe u Samee Miisaaniyadaada
Hadii aad qorshaysid waxay kuu sahlaysaa inaad si wanaagsan u ogaatid meesha ay lacagtaadu ku baxdo. Hadii aadan garanayn meesha ay lacagtaadu ku baxdo muddo dhawr usbuuc ah ururi dhamaan warqadaha lacag qabashadda aad wax ku gadatid. Ka dibna waxaad u kala sartaa waxyaalaha aad ku gadatay sida (Cunto, shidaalka gaariga, biilasha kale iwm.) Markaaa intii kharashka isku nooc ahba isku dar si aad u ogaatid meesha ugu badan ee ay lacagtaadu ku baxdo.
Waxaad buuxisaa warqadda aad u isticmaaashid qorshaynta miisaaniyadda. Markaa qof ka socda dadka caawiya macaamiisha ama ah kuwa caawiya dadka guryaha leh ayaa kaa caawin kara sidii aad u qorshayn lahayd miisaaniyadaada, ama adiga ayaaba samayn kara hadii aad isticmaashid foomka ku lifaaqan warqaddan.
Yaree Kharashka Kaa Baxaya
Ka fikir waxyaalaha yar yare ee aad samayn kartid si aad lacagtaada u dhaqaalaysid. Marka ay waxyaalaha yar yari is biirsadaan wax badan ayay noqdaan. Hadii aad hal dhalo oo cabitaan ah aad cabtid maalinkasta sanadkii waxaa kaa baxaysa lacag dhan $300. Intii aad qaddo banaanka ka gadan lahayd gurigaaga qado ka soo qaado.
Ka hor inta aadan gadan alaabo qaali ah sida qalabka wax lagu dayactiro, alaabooyinka guriga, ama qalabka jimicsiga, waydii inay saaxiibadaa ama qaraabadaadu haystaan oo aad ka ergisan kartid. Ama ka fikir inaad alaabtaa ka maarmi kartid ilaa inta aad ka helaysid lacag kugu filan oo aad ku gadatid.
Lacagta Aad Gaariga Ku Gadanaysid Waxaad Ka Soo Daynsataa Bangigaaga Ama Bangiyadda Bulshadu Leedahay/ Si Wanagsan U Raadi Meesha Dulsaarka Ugu yar Kugu Siinaysa
Markaad gaariga ka daynsatid ganacsatada gawaaridda, inta badan ganacsatada gawaaridu lacag ayay ka sameeyaan dayntii ay ku siiyeen. Waxaana dhici karta inay lacag intaa ka badan kaa sameeyaan hadii daynta ay ku siiyeen uu dulsaarkeedu aad u sareeyo.Inta badan bangiga degaanka ama bangiyadda ay bulshadu leedahay ayaa waxaad ka helaysaa dayn dulsaarkeedu yar yahay. Suuqa si wanaagsan u baayac ilaa aad qiimaha ugu wanaagsan helaysid gaarigana u raadi sidii adigoo lacag cadaan ah ku gadanaya ka dibna waxaad is barbar dhigtaa midka kuu raqiisan dulsaarka bangigu kugu siinayo iyo ka ganacsatadda gawaaridu kaa doonayso.
Isku Day Inaad Yaraysid Biilkaaga Korontada Iyo Kulaylka
Waxaad wacdaa shirakadda korontada iyo kulaylka aad ka heshid si ay gurigaaga u xisaabiyaan inta aad ka isticmaalaysid xoogga tamarta. Gurigaaga ayay imanayaan ka dibna waxay ku tusayaan meelaha ay lacagtu kaagag khasaartay. Waxay kuu siinayaan talooyin aad biilka ku yarayn kartid iyo qalab aad guriga dugsoon kaga dhigtid. Waxaa laga yaabaa in arrintani biilkaaga aad hoos ugu dhigto. Wax ka ogow hay’adda korontada iyo kulaylka dadka ka caawiya halkan booqo mn.gov/commerce/consumers/consumer-assistance/energy-assistance.
Biilkaaga bixi adigoo ku jaangoynaya dakhligaaga,- taasoo macnaheedu yahay inaad bil kasta lacag go’an oo isku mid ah bixisid. Hadii aad sidaa samaysid, wakhtiga qaboobaha kuuma imanayo biil wayn oo aadan bixin Karin. Marka aadan isticmaalayn dami nalka guriga,TV yadda, kombuyuutaradda iyo sameecadaha la dhegaysto.
Isku Day Inaad Yaraysid Biilka Tilifoonkaaga
Hadii uu tilifoonka gurigu kuugu jiro ka jar adeegyadda dheeraadka ah sida qaybta ku tusaysa qofka ku soo wacaya (caller-ID,) iyo adeega fariinta kuu duuba. Waxaad raadisaa shirkad qiimo jaban kugu siinaysa wicitaanka goboladda kale ama wadanka banaankiisa ama waxaad soo gadataa kaararka banaanka lagu Waco. Kaararka banaanka lagu Waco laftooda raadi meel qiimo jaban kaagaga gadaysa.
Dad badan ayaa haysta tilifoonka gacanta keliya oo aan haysan tilifoonka guriga. Tilifoonka gacanta laftiisa, waa inaad heshid dhamaan macluumaadka aad u baahan tahay si aad isu barbar dhigtid adeegyadda shirkadahuhu bixiyaan una ogaatid shirkadda kuu wanaagsan.
Hadii dakhligaagu hooseeyo waxaa laga yaaba inaad buuxisay shuruudihii lagugu siin lahaa tilifoonka guriga ama ka gacanta. Oo bilaash ah
Waxaad booqataa halakanwww.lifelinesupport.org (www.Gargaarka khadka nolosha.org) Si aad u ogaatid inaad shuruudihii buuxisay iyo sida aad u dalbanaysid. Waxaad wici kartaa shirkadda adeega tilifoonadda ee degaankaaga waxaanad waydiisaa adeega lagu magacaabo adeega khadkii nolosha (lifeline service)
Ha ka qayb qaadan Khamaar. Hana ka qayb qaadan Bakhtiyaa Nasiib
Noockasta oo khamaar ah,xataa bakhtiyaanasiibku , waxay ku shaqeeyaan qorshe fudud oo u degan. Qorshahaas oo ah in mar walba lacagta ay dadka ka helaan ay ka badan tahay lacagta iyaga laga helo ee ay bixiyaan. MARKASTA. Oo aad lacag badan khamaarka ku ciyaartid ama aad bakhtiyaa nasiib ku ciyaartid waxaa sii badanaya lacagta aad luminaysid.
Si Wanaagsan Ula Soco Xaraynta Canshuurtaada
Waa inaad canshuurtaada xaraysid wakhtigii loogu talogalay waxaanad ka xaraysan kartaa dadka lacag la’aanta ku xareeya. Adeegan lacag la’aanta ah waxaad ka heli kartaa nawaaxiga aad degan tahay hadii aad wacdid tilifoonka dadka sida mutadawacnimadda ah Canshuurta dadka ugu xareeya halkan ka wac (651) 296-3781 Ama (800) 652-9094. Ama barta internetka halkan ka gal https://www.revenue.state.mn.us/free-tax-preparation-sites.
Waa inaad hubisid in lacagta canshuurta ah ee jeegaaga laga gooyay inay sax tahay. Hadii wax lacag ah lagugu yeesho bixi wixii lagugu yeesho si aad uga hortagtid in lagu ganaaxo ama dulsaar dheeraad ah lagu saaro ama in dawladdu la wareegto dakhligaaga iyo hantidaadaba ma guurtada ah. Hadii aadan hal mar wada bixin karin waa inaad laanta canshuuraha (IRS)/ ama gobolka la gashid heshiis kuu saamaxaya inaad lacagta si tartiib tartiib ah u bixisid.
Hadii aadan ku waafaqsanayn lacagta ay IRS kuu sheegeen in lagugu leeyahay, waxaad caawimo ka heli kartaa hay’adda ka caawisa xagga sharciga arrimaha canshuuraha ee Minnesota (MinnesotaLegal Aid Tax Project) waxaanad ka wacdaa tilifoonkan 612‑334‑5970.
Aad uga digtoonoow qolooyinka isku magacaaba “canshuur xalinta” waxay leeyihii xayaysiis ay isku sheegaan inay yihiin mucjiso canshuurta xalisa, waxaa laga yaabaa in adeegyadda noocan ahi ay u shaqeeyaan si sharciga khilaafsan. Waxaa dhici karta inay lacag badan oo kharash ah kaa qaataan wax badana ayna kaa caawin.
Ka Fikir Sidii Aad Guri U Iibsan Lahayd
Waxaa laga yaabaa in hadii aad guri iibsatid ay lacagtu kuu dhaqaaloowdo. Laakiin gadashadu gurigu waa arrin adag oo u baahan ku talagal muddo dheer ah. Waxaad u baahan tahay inaad heshid qof khabiir ku ah xagga daynta oo kaa caawiya sidii aad u heli lahayd dayn wanaagsan isla markaana kaa hubiya in guriga xaaladiisu fiican tahay qiimuhuna yahay mid u qalma guriga. Hadii aadan caawimo wanaagsan helin waxaa laga yaabaa inaad guriga iyo lacagtaadaba lumisid.
La tasho xafiiska la taliya dadka guryaha leh ee degaankaaga ku yaala. Waxay kaa caawinayan sidii aad u heli lahayd barnamijkasta oo kaa caawinkara sidii aad guri u gadan lahayd isla markaana kaala talinaya sidii aad arrinta dayn qaadashadda u wajihi lahayd. Marka hore waa inaad ogaatid dhamaan waxyaalaha aad u baahan tahay inaad samaysid si aad guri u heshid, hana gadanin guri ilaa aad macluumaad dhamaystiran heshid oo aad diyaar garowdid.
Si aad wax uga ogaatid heshiisyada mulkiyadda guryaha iyo guryaha la kiraysto marka dambana aad Yeelanaysid bartan internetka gal ka dibna akhri xogtan kooban Maxaad Dooneysaa Inaad Ka Ogaato Kirada Marka Dambe Aad Mulkiyadda La Wareegto Iyo Heshiiska Mulkiyadda.
Si aad u heshid caawimo iyo macluumaad dheeraad ah waxaad wacdaa:
- Hay’adda United Way 2-1-1 garaac nambarkan 211 meel kasta oo gobolka gudihiisa ah. Sidoo kale fariin qoraal ahaana ayaad uga diri kartaa tilifoonkaaga uguna sheegaysaa nawaaxiga aad degan nambarkan ku dir 898-211 si aad u heshid goobaha caawimadda bixiya ee xaafadda aad degan tahay ama bartan internetka kala xiriirwww.211unitedway.org.
- Xarunta Dhexe Ee Mulkiilayaasha Guryaha Ee Minnesota - (651) 659-9336 magaalooyinka mataanaha ah ama 1(866) 462-6466 Banaanka magaalooyinka mataanaha ah.
Ha Isticmaalin Dukaamadda Alaabta Rahma
Dukaamadda alaabta dadka ka rahmaa waxay ku dayminayaan lacag alaabtaada aad rahamtay qiimaheeda aad uga hooseeya,isla markaana waxay ku saarayaan dulsaar aad u badan. Hadii aad rabtid inaad alaab gadidid meel kale ka gad. Waxaad ka gadaa deriskaaga ama saaxiibkaa ama tabeele ku qor oo ku dheji meesha xaafaddu waxay gadayso ay ku soo dhejiso ama barta internetka. Markaad dhowaan lacag heshid ayaad shaygii mid la mid ah gadan doontaa.
Ha Isticmaalin Dukaamadda Alaabta Aad Ka KIraysato Aad Yeelanayso.
Inta badan habka ah inaad kiraysatid-ka dibna adigu yeelataa ma wanaagsana. Waxaa laga yaabaa in marka aad bixisid intii u dambaysay ee daynta kaagaga hadhanayd inaad bixisay 2 ama 3 laab ka badan qiimihii uu shaygu joogay. Waxaa aad uga wanaagsan inaad lacag urursatid ka dibna aad hal mar lacag cadaan ah ku gadatid shayga aad rabtid.