Qof aad wakiilka ka dhiganeyso waa in ay da’diidu ka weyn tahay 18 sano. Dooro qof aad si wanaagsan u garaneyso oo raacaya sida aad ka dardaaranato, dantaada u taagan oo dhakhtarkaagu heli karo markii uu doodno. Qof kasta ayaa kuu noqon kara wakiil marka laga reebo dhakhtarkaaga ama shaqaalaha caafimaadka ee daryeelka kuu fidinaya, haddii uusan qaraabo kuula aheyn kula dhashay, xiriir guur idinka dhaxeeyo, isu dhaxdaan ama aad korsatay.
Waxa kale oo aad ku sheegi kartaa dardaaranka caaafimaadka sababta aad u dooratay qofkaas.
Waa muhim in aad kala hadasho qofka aad ka dhiganeyso wakiilka haddii ay doonayaan in ay caafimaadkaaga go’aan kaaga gaaraan marka ay muhim noqoto sidaas. Waxaa kale oo lagaa doonayaa in aan gudbiso waxyaabaha aad dooneyso in laga yeelo caafimaadkaaga.