Dardaaranku uma baahna in maxkamad laga diiwaangeliyo marka la qoro ka dib, laakiin waxaa mar walba wanaagsan inaad dhigtid meel laga heli karo markaad geeriyootid ka dib. Waa inaad dhigtid meel amaan ah. Waxaad u dhiibi kartaa qofka aad wakiilatay maadaama qofkani yahay qof aad aamintay oo aad hubtid inuu dardaarankaaga siduu yahay u fulinayo. Ugu yaraan qofka wakiilka aad ka dhigatay waa inuu ogyahay meesha dardaaranka laga heli karo. Hadii aad dhigtay qasnadda guriga kuu taala ama sanduuqaaga bangiga gaysay waa inaad hubisid inay kala soo bixi karaan.
Gobolka Minnesota, maxkamadaha dhaxalka ama xafiisyadda maamulka maxkamadaha ayaa dadka dardaaranka u hayo iyagoon wax lacag ah ka qaadaynin ama khidmad yar ka qaadanaya. Xaq baad u leedahay inaad wakhti kasto oo aad doonaysid aad la soo noqotid dardaarankaaga.
Hadii qareen kaa caawiyay qoritaanka dardaarankaaga, waxaa laga yaabaa inay kuu soo bandhigaan inay kuu hayaan dardaaranka. Marka hadii qareenku kuu hayo waa in qoyskaaga iyo qofka wakiilka kuu ahiba ay ogyihiin in qareenku dardaarankaagii hayo.