Sharcigu waxa uu siiyaa xaakimka awood badan oo uu ku go’aansado tirtiraadaha. Xataa hadii aad is leedahay waxa aad haysataa kiis fiican, sharcigu waxa uu leeyahay xaakimku wali waa uu oran karaa “maya” hadii taasi ay tahay waxa uu go’aansado inuu sameeyo. Marka kaliya oo ay khasabka ku tahay in xaakimku uu tirtiro kiiska waa hadii kiisku uu yahay tirtirida ‘dirqiga” ah ee ku saabsan la wareegida guriga ama qandaraasyada guryo kala gadashada ah. Hadii aadan ogolayn xaakimka go’aankiisa aadna doonayso racfaan, waxay u badan tahay in maxkamada xigtaa ay ayidi doonto (ku raaci) xukunka xaakimkii hore. Hadii aad qabto in xaakimku uusan tixgelin dhamaan akhbaarta oo dhan ama uusan istcimaalin sharciga quseeya kiiskaaga, waa inaad la hadasho qareen si aad u eegto inaad racfaan qaadato iyo in kale.
Waa isku dayi kartaa inaad mar kale kiiska iska tirtirtid ka dib muddo markii ay ka soo wareegto ayna jiraan waxyaabo badan oo ka dhiga tirtirida kiiska adiga (kireystaha) wax aad uga muhiimsan ogaanta ay qolyaha guryaha ee mustaqbalku ogaanayaan kiiska. Kuwaasi waxay noqon karaan waxyaabahaha sida, ahaanta hoy la’aan, lacagta lagu kharash gareeyey khidmada codsiga ama in guryo lagaaga diiday meelo badan.
Eeg warqadayada Xogta aruursan ee Guri Raadinta iyo Soo Baarida Kireystaha, ee ku saabsan helida guri kolka ay diiwaanka kuugu jirto guri ka saarid hore.
Waxa aad xaq u leedahay inaad ku darto oraah sharxayasa wixii guri ka saaritaan hore ah diiwaankaaga soo baarida kireystaha. Hubi in warbixintaada soo baarida kiraystahu ay sax tahay. Waxaa kaloo dhici karta inay leedahay akhbaar kale oo khalad ah oo adiga kugu saabsan.
Shirkadaha soo baaritaanku waa ay soo sheegi karaan guri saaritaanada ah 7 saano, qolada guriguna waxa ay toos u eegi kartaa kiisaska maxkamada inta maxkamadu ay sii hayso kiisaska hore ee guri ka saarida. Waydiiso shirkadu inay saxdo wixii khalad ah ee ku jira warbixinta.