Ganacsigu waa uu diidi karaa inuu adeego bixiyo iyadoo sababtu tahay inay taasi ku culus tahay. Culuska siyaadada ah macnihiisu waa ay adag tahay in sharciga loo hogaansamo, oo waxayba keeni kartaa taasi in ganacsigu kaco. Hay’ada ADA iyo MHRA waxa ay keeyihiin xeerar ka duwan oo ku saabsan sida loo qeexo culuska siyaadada ah. Waxa ayna eegaan baaxada ganacsiga, kharashka adeegyada iyo arrimo kale oo badan.
Hadii bedelaad samayntu (gargaaridu) aysan suurta gal lahayn dhaqaale ahaan in ganacsigu sii furnaado, waxa ay oron karaan waa nagu culeys arrrintaasi, waxaana dhici karta inaysan khasab ku noqon inay bedelaadda sameeyaan.
Ganacsiyada yar yar ee ku kharash gareeya lacag siyaado ah si ay ugu adeegaan dadka naafada ah waxa ay in badan codsan karaan in canshuurta laga dhaafo. Hadii xarun xanaano ilmo ay tiraa ma awoodo inaan u adeego ilkmahaaga, u sheeg mulkiilahayaasha xarunta inay codsan karaan canshuur ka dhaafid. Dhaafidaas waxaa dhici karta inay ku aado kharashka.