Diyaar ahow. La imow nuqulada dukumiintiyada muhiimka ah, qoraal ka samee waxa kulanka looga wada hadlo, qalinka iyo warqadna hayso.
La wadaag kulanka faallooyinkaaga iyo walaacaaga. Hadii ay kugu adag tahay inaad kulanka ka hadasho, su’aalahaaga qoraal ka dhigo ka dibna u dhiib macallinka kulanka jooga.
Waydii in iskuulku uu hayo wax qoraalo ama macluumaad oo ah dhab-dhaqanka ilmahaaga.
Xasuusnow qorshaha IEP/IFSP waa khasab inuu ku salaysnaado baahida ilmahaaga. Hadii aadan ku raacsanayn kooxda qorshaheeda, u sheeg si cad sababta aadan ugu raacsanayn qorshahooda ka dibna soo jeedi talooyin ku saabsan waxa u baahan in la bedelo.
Waydii iskuulku inuu uga soo jawaabo is bedelada aad codsatay qoraal ahaan – waydii waxa la yiraa “Ogysiisyada hore ee qoran” kolka aad waydiisato inay sameeyaan wax ka duwan IEP.
Hadii lagu waydiisto inaad wax saxiixo xilliga kulanka, ka fakar si taxadar lehna u akhri waxa aad saxiixayso ka hor inta aadan saxiixin. Khasab ma aha inaad wax saxiixso waqtiga kulanka. Waxaad haysataa 14 cisho si aad uga soo jawaabto qoraal ahaan talada qoran ee iskuulku soo jeediyey. U sheeg kooxda inaad doonayso inaad guri u qaadanayso qoraalka aadna akhri ka hor inta aadan saxiixin. Marna ha saxiixin foom banaan ama IEP qayb uun la sameeyey. Mar walba waxaa fiican in IEP ga guriga loo qaato si taxadar lehna loo akhriyo ka hor inta aan la saxiixin. Laakiin hubi inaad qoraal uga soo jawaabto ka hor 14 ka cisho inta aysan dhamaan!
Hadii aadan iskuulka la socodsiin inaadan ku raacsanayn go’aankooda ka hor waqtiga laguu qabtay inaad ka hor soo jawaabto, kolkaa IEP waa uu dhaqan geli saxiixaaga la’aantii. Waxa aad codsan kartaa kulan kale si xal loogu raadiyo arrintantaada.