Sidee Gaari La Soo Isticmaalay Uga Iibsaneysaa Ganacsadaha Gawaarida
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxa la sameeyo kolka aad gadanayso gaari duug ah waxa ayna sharaxdaa hubaasha.
Talooyinka ugu Wanaagsan Sidee Gaari La Soo Isticmaalay Uga Iibsaneysaa 1-7
- Weligaa gaari ha gadan gaari adiga oo aan saaxiibkaa soo kaxeysan. Saaxiibadaa waxay kaa ilaalinayaan inay caddadis badan ku saaraan dilaaliinta gawaarida gadayaa, sidoo kale way kula talinayaan, markhaatina way kuu noqonayaan hadii aad u baahatid inaad hadhow maxkamad aadid. Waxaad isticmaashaa liistada la rabo inaad mid mid isaga saxdid ee xaga dambe kaga lifaaqn warqadan taasoo kaa caawinaysa inaad xasuusatid dhamaan waxyaalaha asaasiga ah ee la rabo inaad iska hubisid.
- Kow, eeg qiimaha ‘buuga buluuga” “(blue book)” ah ee nooca gaariga aad doonayso inaad gadato. Waxaa jira 3 hagayaal oo waaweyn oo ah buuga buluuga ah oo aad ka heli kartid maktabadda deegaankaaga (library) ama khadka (online):
- Kelley Blue Book: www.kbb.com/
- Edmunds: www.edmunds.com/
- Hagaha Gadashada Gawaarida Duuga ah ee Ururka Beeciyeyaasha Gaadiidka ee Qaranka: (National Automobile Dealers Association’s Used Car Guide): www.jdpower.com/
Hagayaashaas waxa ay soo sheegaan qiimeyaasha suuqa ee gawaaridaa cusub ama duuga ah iyagoo ku salaynaya arrimo badan. Ka eegidda gaariga “(buuga buluuga)” waa jid fiican oo lagu ogaado waxa uu yahay waxa uu gooyo gaariga aad rabtaa.
- Ka digtoonoow in lagu khiyaado . Khiyaanooyinka waxaa ka mid ah waxa loogu yeero“Soo xero gelin iyo ka dibna wax wixii ka badalan” taasoo ah in ganacsata gawaarida gadaa ay sameeyaan xayaysiiyo”qiimo dhimid ah” markaad meesha tagtidna lagu yiraahdo wakhtigii qiimo dhimidu wuu dhamaaday. Ka dibna waxay ku tusayaan gaari aad uga qaalisan kii ay xayaysiinayeen. Khiyaanooyinka waxaa ka mid ah marka dilaalka gawaarida gadayaa ku yiraahdo “ Waxaa laga yaabaa in maamulahaygu qiimahan diido, sidaa darteed hore u gado”. Ha degdegin. Hadii aad u ogolaatid inay ku dedejiyaan gaariga qiimo fiican kuma helaysid.
Sidoo kale xaaladani waxay kugu dhici kartaa marka aad lacagta daynsanaysid. Mararka qaarkood waxay kuu ogolaanayaan inaad gaariga qaadatid ka dibna gadaal ayay kaa soo wacayaan waxayna isku deyayaan inay kugu khasbaan inaad saxiixdid dayn ay uu dulsaar keedu aad u sareeyo.
- Inta aadan gaariga gadan ee uuna heshiisku dhicin tus gaariga qof farsamayaqaan ah oo aad ku kalsoon tahay. Hadii dilaalka gawaarida gadayaa diido inaad farsamayaqaan tustid, gaarigaaga meel kale ka gado. Waxay u badan tahay inay wax qarinayaan.
- Dhamaan balan qaadyadda ay kuu sameeyaan waa inay qoraal ka dhigaan. Balanqaad afka ah oo laguu sameeyay ha dhow haday wax dhacaan ma haysatid wax cadayn ah oo aad sharciga la hortagtid wayna adkaanaysaa inaad wax ka heshid.
- Markasta dilaaka waxaad waydiisaa su’aalo khaas ah oo gaariga ku saabsan, sida:
- Gaarigu shil hore miyuu galay?
- Gaariga daad ama biyo miyaa galay?
- Gaariga ma u gaysay farsamayaqaan fiiriya?
- Gaariga miyay ka heleen wax ka halaysan?
- Gaarigu miyuu wax ka qabaa bireegyadda?matoorka?iyo matoorka marshada?
- Mudo intee le’eg ayaad u malaynaysa in matoorka iyo xubnaha kale ee matoorka la shaqeeyaa ay sii shaqayn doonaaan?
- Hadii ayna mudo dheer sii shaqaynin, miyaad samaynaysaa? Imisa ayaad ku smaynaysaa?
- Waxaad ku adkaysataa inay wax kasta oo aad waydiiso jawaab go’an oo cad ku siiyaan, jawaab guud oo iska dulmar ah ha ka aqbalin. Oraahaha ay ka mid yihii sida “ kani waa gaari yar oo fiican” waxaa loogu yeeraa “Kii degdega u neefsanayay” wuxuuna uga jeedaa amaan. Ha aaminin waxay kuu sheegayaaan. Laakiin hadii ganacsatada gawaaridu ku siiyaan qoraal ay ku sheegayaan in gaariga bireegyada laga badalay usbuucii hore si wanaagsana ay u shaqaynayaan, waxaa laga yaabaa inaad ku khasbi kartid inay kuu sameeyaan hadii bireegyaddu xumaadaan waxyar ka dib markii aad gaariga gadatay. Waa inay qoraal kuu sameeyaan!
Talooyinka ugu Wanaagsan Sidee Gaari La Soo Isticmaalay Uga Iibsaneysaa 8-13
- Waa inaad akhridid heshiiska aad kala qorateen, gaar ahaan qaybta farta yayryar ku qoran. Ha saxiixin heshiiska hadii uu qiimuhu ka duwan yahay qiimihii uu dilaalka gaariga kaa gadayay kuu sheegay. Aad isaga hubi qiimaha- gaar ahaan qaybta ka hadlaysa inta ay noqonayso lacagta aad bil walba bixindoontaa iyo dhamaan kharashyada kale ee gadashada gaariga la socda – dhamaantood waa in warqadda heshiiska lagu qoro ka dibna waxaad barbar dhigtaa qiimihii aad adiga iyo dilaalku ku heshiiseen. Ka digtoonoow waxyaalaha kale – ee heshiiska la isu hoos geliyo ( akhri bogga #11).
Hadii aad aragtid meel oranaysa gaariga “sidiisa ayaad ku qaadanaysaa” ama “ damaanad ma laha” taa macnaheedu waa hadii dhowaan gaarigu kaa halaabo kuuma samayn doonaan. Hadii aad lacagta aad gaariga ku gadatay soo daynsatay waa inaad bil walba bixisid intii aad ku heshiiseen.
- Lacagta aad gaariga ku gadanaysid waxaad ka soo daynsataa bangigaaga ama bangiyadda ay bulshadu leedahay (credit union). Hadii aad gaariga ka daynsatid ganacsatada gawaarida laftooda inta badan lacag badan ayay kaa samaynayaan gaar ahaan hadii daynta ay ku siiyeen uu dulsaar keedu aad u sareeyo. Waxaa laga yaabaa in hadii aad lacagta gaariga ka daynsatid bangigaaga ama bangiyadda bulshada inay ku siiyaan dayn uu dulsaarkeedu aad u yar yahay.
- Hadii aad daynta ka qaadatid ganacsatada gawaarida , waxaad waydiisataa inay kuu qoraan warqad ay ku cadaynayaan inay daynta kugu siiyeen dulsaarkii ugu yaraa ee aad u qalantay IYO inayna wax lacag ah ka helin meelaha daynta bixiya. Sidoo kale waydii inay warqadda saxiixaan ooy taariikhdana ku qoraan.
- Ganacsatada gawaaridu waxay isku dayaan inay alaabooyin ama adeegyo dheeraad ah kaa gadaan si ay lacag dheeraad ah kaaga sameeyaaan. Waxyaalaha ay isku deyayaan inay kaa gadaan waxaa ka mid noqon kara, caymiska daynta la geliyo (credit insurance) heshiis adeeg, in wakhti dheeraad ah lagu daro damaanada gaariga , CAYMIS bixinaya wixii lacag ah ee caymiskaagu bixin waayo,ama heshiis adeeg oo ah in gaariga laguu dayactiro haduu kaa halaabo. Sharciyan, gadashada gaariga iyo gadashada adeegyadani iskuma xirna. Sida badan adeegyadani aad ayay qaali u yihiin marka aad u baahatidna inta badan kuma caawinayaan.
- Ka qaado warqadda (lahaanshaha) marka aad gaariga gadatid,haka yeelin haday ku yiraahdaan u soo noqo. Sharciga ayaa sidaa dhigaya.Lacagta ha siinin kuwa gaariga kaa gadaya ilaa aad aragtid warqadda lahaanshaha. Tani waxay meesha ka saaraysaa ama adkaynaysaa, in qof kaa gado gaari uuna isagu lahayn.
- Waydii inuu gaariga ku xiran yahay qalab hadii ay dayntu kula dhaafto wakhtigii aad bixin jirtay, kuu diidaya inaad gaariga istaadhid. Qaar ka mid ah shirkadaha daynta bixiya ayaa waxay gaariga ku xiraan qalab u ogolaanaya inay iyagoo meel fog jooga gaariga kaa damiyaan hadii aad la daahdid lacagtii daynta ee bishaas lagaa sugayay.
Wixii talooyin ah ee kale, ka eeg Buuga Gacanta ee Gawaarida ee Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Minnesota: (Minnesota Attorney General’s Car Handbook): www.ag.state.mn.us/Consumer/Handbooks/Cars
Waa maxay damaanaddu?
Adeega “ damaanaddu” waa balanqaad ku saabsan xaaladda gaariga oo laguu samaynayo maalinta aad gaariga gadatid. Balanqaadkaas waxaa ka mid noqon kara balanqaad ah inay kuu sheegaan mudada uu gaarigu si cillad la’aan ah kuugu shaqayn doono. Waxaa jira 3 nooc oo damaanad ah oo aad u baahan tahay inaad ogaatid: Barnaamijka damaanadda gawaarida la soo isticmaalay ee Minnesota, damaanadda maldahan iyo damaanadda degdega ah.
Sharciga Damaanadda Gawaaridda la Soo Isticmaalay Ee Minnesota (mararka qaarkoodna loogu yeero sharciga lemon (the Lemon Law)
Damaanadani waa mid loogu talagalay gawaarida la soo isticmaalay ee ay gadaan ganacsatada gawaarida (ma aha mid shakhsi loogu talagalaynot) Haddii gaarigu inuu socday in ka yar 200,000 mayl ay ku qoran tahay saacadda maylka.
Damaanadani shaqo kuma leh gawaarida kale sida kuwa naaftada ku socda, iyo gawaarida lagu ganacsado, iwm.
Inta ay soconayso hubaashu (warranty) waxa ay ku xiran tahay inaya maylka gaariga saaran kolka aad gadato:
- In ka yar 36,000 mayl: 60 maalmood ama 2,500 mayl (kii labadooda soo hor mara)
- 36,000 – 75,000 mayl: 30 maalmood ama 1,000 mayl (kii labadooda soo hor mara)
- 75,000 – 200,000 mayl: 15 maalmood ama 500 mayl (kii labadooda soo hor mara)
Hadii birahaa mid ka mid ahi kaa xumaato inta wakhtigii damaanadda lagu jiro ganacsatadu gawaaridu waxay ku khasban yihiin inay:
- Sameeyaan, ama
- Lacagtii kuu celiyaan, ama
- Gaari kale ku siiyaaan.
Hadii ay ganacsatada gawaaridu sharcigan jebiyaan,waad dacwayn kartaa si ay u bixiyaan kharashkii gaariga lagu sameeyay iyo lacagtii qareenka kaaga baxday. Hal sano ka dib markay damaanadu kaa dhamaatay weli waad dacwaynkartaa. Waa inaad qoratid biilasha aad bixisay, diiwaanada tusinaya inaad gaariga dayactirtay iyo taariikhda ay waxyaabahaasi dhaceen. Waxa aad ka xareysan kartaa adigu kiisaskaaMaxkamadaha Dacwadaha Madaniga. Ama raadi qareen ku takhasusay damaanadda gawaarida la soo isticmaalay iyo sharciyadda u yaala. Si aad u heshid qareen ku caawiya oo nawaxigaaga degan waxaad booqataa www.consumeradvocates.org/findanattorney/.
Damaanadda Maldahan
Damaanadda maldahani macnaheedu waa damaanad waad leedahay laakiin qoraal lagama dhigin oo afka ayaa lagaaga sheegay. Sharcigani wuxuu si ”maldahan” u sheegayaa ama u abuurayaa damaanad sheegaysa in gaarigu xaaladiisu fiican tahay si caadi ahna loo isticmaali karo. Sharcigani wuxuu shaqaynayaa keliya, marka aad gaariga ka gadatid ganacsatada gawaarida ka ganacsata laakiin ma khuseeyo hadii aad shakhsi ka gadatid. Hadii aadan aad uga taxadarin daamanadan waad luminaysaa. Hadii heshiiska aad wax ku kala gadateen ay ku jiraan kelmadaha sida “ sidaa uu yahay ku qaado” ama “ dhamaan ciladaha oo dhan” waxay meesha ka saarayaan damaanadda maldahan. Taasi waa sababta loo doonayo inaad qalin qqadatid ood xariijin gudub ah dulmarisid kelmadahaas ka dibna adiga iyo ganacsadaha gaariga kaa gadayaaba aad magacyadiina oo la soo gaabiyay ku dulqortaan meesha aad xariijinta gudubka ah dulmarisay inta aadan heshiiska saxiixin ka hor. Hadii uuna gaarigu damaanad lahayn, waa inaadan lacag badan ka bixinin gaari laga yaabo inuu dhowaan dayactir kaaga baahdo.
Damaanadda Degdega ah
Damaanadda degdega ahi waa balan qaadyo khaas ah, kaa soo noqonkara hadal la isku afgartay ama qoraal la kala qortay, oo ku saabsan gaariga iyo xaaladiisa goorta aad gadatay iyo mudada uu gaarigu sida uu hadda yahay sii ahaanayo. Markasta oo aad gaadhi gadanaysid waydii ganacsadaha gaariga kaa gadaya, ama dilaalka inay heshiiska damaanadda qoraal ka dhigaan. Hadii balan qaadka damaanadda ee laguu sameeyay qoraal yahay ayaa ka wanaagsan in balan qaad afka ah laguu sameeyo waayo hadii aad mustaqbalka maxkamad iska dacwaysaan way fududahay inaad cadayn keentid hadii aad qoraal haysatid, hadii kale way adkaanaysaa inaad cadaysid damaanadda. Sidoo kale hadayna balan qaadkooda qoraal ka dhigin siday u badan tahay way ku dafiri doonaan. Waxaa laga yaabaa in nooca damaanadda degdega ahi ay ku kooban tahay qaar ka mid ah biraha gaariga iyo inta ay birahaasi shaqaynayaan waxaa kale oo damaanadda ku qoran inta uu noqonayo kharashka adiga kaagaga soo beegmaya dayactirka birahaas.
Si aad u heshid caawimo iyo macluumaad dheeraad ah
Waaxda Amaanka dadwaynaha Ee Minnesota
(Minnesota Department of Public Safety)
Qaybta adeega Dirawaliinta iyo Gaadiidka
(Driver and Vehicle Services Division)
651-215-1328 or TTY: 651-282-6555
https://onlineservices.dps.mn.gov/
Waaxda Ganacsiga ee Minnesota
(Minnesota Department of Commerce)
85 East Seventh Place, Suite 500
St. Paul, MN 55101
651-539-1500
www.commerce.state.mn.us
Qaybta macaamiisha ee Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota
(Minnesota Attorney General, Consumer Division)
651-296-3353 or 1-800-657-3787
http://www.ag.state.mn.us/Office/Complaint.asp
Federal Trade Commission
(Guddiga Ganacsiga ee dawladda Dhexe)
Consumer Response Center
600 Pennsylvania Avenue NW
Washington, D.C. 20580
1-877-382-4357
www.ftc.gov
Waaxda gudiga ganacsiga ee dawladda dhexe (FTC) baaritaan kuma samayso cabashooyinka shakhsiyaadku soo gudbiyaan ee ku saabsan xadgudubyadda xagga wax kala iibsiga laakiin dusha ayay kala socdaan ka dibna dadwaynaha ayay siiyaan talooyin ku saabsan talaabooyinka ay qaadi karaan.
Hay’adda qaranka Ee u Dooda Macaamiisha.
(National Association of Consumer Advocates)
www.consumeradvocates.org/findanattorney/