Anaga nagu Saabsan

Legal Services State Support (Gargaarka Gobolku) waa mashruuc ay leedahay hay’ada Minnesota Legal Services Coalition (MLSC), oo ah urur ay ku midoobeen todobo mashruuc oo gargaar dhanka sharciyada ah siiya dadka dan-yarta ah ee ay haystaan arrimo dhanka sharciyada ah. Gargaarka Gobolku waxa uu u maamulaa shabakadan ProJusticeMN.org taakuleeyaasha, iyo hay’ada la yiraa MNLegalAdvice.org, oo ah shabakad talooyinka dhanka sharciyada ah ka bixisa gobolka oo dhan. Qasdiga Gargaarka Gobolku bixiyaa waa sidii cadaalad ay ku heli lahaayeen dhamaan dadka reer Minnesootaan ka ahi. Ka shaqeynta gaaritaanka qasdigaa awgeed, ayuu Gargaarka Gobolku u gargaaraa hawlo badan, oo ay ku jiraan barnaamijyada adeegyada dhanka Sharciyada, Maktabada Sharciyada ee Gobolka Minnesota (Minnesota State Law Library) Ururka Qareenada Gobolka Minnesota (Minnesota State Bar Association), Laanta Garsoorka ee Minnesota (Minnesota Judicial Branch) iyo iskaashiyada kale ee bahda cadaaladda.