Maxkamadaha Dacwadaha Madaniga
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxa ay maxkamadda dhexdhexaadintu (maxkamadaha qaamaha yaryar) ay tahay, sidda cid loo dacaweeyo, u diyaargarowga maxkamadda iyo racfaan ka qaadashada go’aan.
Waa maxay maxkamadaha madaniga ah?
Maxkamadaha Madaniga waxaa mararka qaarkood lagu magacaabaa “Maxkamadaha Dadweynaha” ama “Maxkamadaha Dacwadaha Lacagta Yar.” Waa dacwadaha lacagta la isku heyso ay tahay ugu badnaan $15,000. Haddii ay dacwaddu tahay mid deyn maqan lagu soo ururinayo ugu badnaan $4,000. Uma baahnid in aad qareen qabsato. Degmo kasta waxa ay leedahay Maxkamadaha Madaniga.
Dacwadahee lagu dhageystaa Maxkamadda Madaniga?
Waxaa tusaale inoo noqon kara:
- Waxa aad iibsatay gaari duug ah, iibiyaha ayaa been kaaga sheegay xaaladda gaariga.
- Qof ayaa u shaqeysay oo lacagtii kuu diiday.
- Qof guri kula kireystay oo aad lacag ku leedahay ama alaab ayuu kaa heystaa.
- Qof ayaa kuu sheeganaya alaab uu kuu heysto (qiimuhu waa inuu ka yaraadaa $15,000).
- Deriskaaga ayaa dhibaato u geystay hantidaada.
- Kireeyaha guriga oo aan dayactirin guriga oo aad dooneyso in kirada qaar laguu celiyo.
- Kireeyaha oo aan kuu soo celin lacagta keydka ee kirada (security deposit).
Akhri xogta urursan ee, Lacagta Keydka Ee Kirada.
Ma waxa aan ka dacweyn karaa Maxkamaddaha Madaniga?
- Marka ugu horeysa isku day in aad qofka la gaarto wax heshiis ah . Waraaq u qor aad ku cadeyneyso waxa aad sheeganeyso iyo sababta. Taariikhda ku qor. Nuqul (koobi) ka reebo. Waxa aad ugu sheegi kartaa in aad maxkamadda ka dacwooneyso u qabo muddo 2 todobaad ah inuu kaaga soo jawaabo Ha muujin caro hana isticmaalin erayo xunxun - dhabta ka hadal. Waa in aad xusuusnaataa in waxyaabaha aad warqadda ku qorto uu qaaligu akhrin doono.
- Ka fikir “dhexdhexaadin.” Dhexdhexaadinta waa hab lagu xaliyo khilaafka maxkamadda ka hor. Dhexdhexaadiyayaasha waa dad loo tababaray in ay dhageystaan xaqiiqada waxyaabaha la isku hayo oo isku soo dhaweeyaan dhinacyada is haya. Waxa ay ka caawiyaan in heshiis la gaaro iyada oo qof walba waxa uu doonayo ay u cadahay. Dhinaca kale waa inuu ogolaadaa dhexdhexaadinta. Warqadaada waxa aad ku weydiin kartaa haddii dhinaca kale ay doonayo dhexdhexaadin.
Si aad u ogaato barnaamijyada dhexdhexaadinta ee degaankiina:
Ka hubi Dhexdhexaadinta Bulshada ee Minnesota (Community Mediation Minnesota) ee https://communitymediationmn.org.
Waxa kale oo aad wici kartaa 2-1-1 ama fariin qoraal ah ugu soo diri kartaa nawaaxiga aad degan tahay 898-211 ama kala hadli kartaa barta internetka www.211unitedway.org/about-211/somali/.
Bogga internetka ee maxkamadda waxa aad ka heli kartaa macluumaadka iyo liiska dhexdhexaadiyayaasha: www.mncourts.gov/Help-Topics/AlternativeDisputeResolution.
- Haddii ay wax ka badan hal dacwad, la tasho qareen inta aadan dawacadda diiwaan gelin. Waxaa suurogal ah in aadan laba dacwadood furi karin dhawr shay oo isku mar dhacay.
Tusaaale ahaan – shil gaari ayaad gashay oo aad Maxkamadda Madaniga kaga dacwootay . Gaariga kaliya oo aad dacwadda ku koobto, waxa suurogal in aad lumiso dacwad kale oo aad dhaawaca kaa soo gaaray shilka kaga dacwoon laheyd.
Sidee ayaan dacwad u diiwaan gelin karaa?
Waxaa jira 2 siyaabood oo lagu diiwaan geliyo dacwad.
-
There Waxaa jira Habraac iyo Barnaamij Diiwaan gelin oo cusub (Guide and File program) oo uu kuu ogolaada inaad sameysato aadna diiwaangeliso foomamka aad ugu baahan tahay maxkamadda madaniga ah. Gal shabakada www.mncourts.gov, riixna Hel Foomamka (‘Get Forms,’) riix Maxkamadda Madaniga/Qaamaha Yaryar (‘Conciliation / Small Claims Court.’) Wax walba oo aad u baahan tahay inaad ogaato waa qayb ka mid ah barnaamijkan.
-
La soo bixida (Downloading) foomamka
Dacwadaada ka diiwaangeli Maxkamadaha Madaniga ee degmada uu degan yahay qofka aad dacweeneyso. Haddii ay tahay goob ganacsi, ka diiwaan geli dacwada degmada ay xafiis ku leeyihiin.
Haddii aad kireeyaha ku dacweyneyso keydka kirada, dhibaato la xiriirta xagga dayactirka, ama kirada guri degaan ka bax ah, waxa aad dacwadaada ka diiwaan gelin kartaa degmada uu gurigu ku yaalo ama halka uu degan yahay kireeyaha. -
Maxkamadda ayaad ka heleysaa foomamka aad u baahan tahay. Waxaa lagu magacaabaa “Plaintiff's Statement of Claim” (Warbixinta Qaansheegashada).”
Waxa aad sidoo kale ka heli kartaa barta internetka. Soo booqo www.mncourts.gov.
Guji “Get Forms” ee jadwalka.
Guji “Conciliation/Small Claims Court” (Maxkamadda Dacwadaha Madaniga)
Guji “Plaintiff’s Statement of Claim” (Warbixinta Qaansheegashada)
Haddii aad dooneyso tilmaamaha buuxinta foomka, ama aad u baahan tahay “Affidavit of Service (Foomka Cadeynta Gaarsiinta)”, Guji Diiwaangelinta “Qaansheegashada Maxkamadda Madaniga ah (Filing a Conciliation Court Claim)” ee xirmada ku qoran liiska.
-
Buuxi “Statement of Claim and Summons (Warbixinta Qaansheegashada).”
-
Kharashka diiwaan gelinta waa $70 Lacagtu way kala duwanaan kartaa degmooyinka.
Haddii uu dakhligaagu yar yahay, lacagta lagaama doonayo. Horay u soo qaado cadeyn muujineysa dakhligaaga. Xogheynta maxkamadda weydiiso Foomka Ka Cafinta Lacagta ama IFP. Waxaa kale oo aad foomkan aad ka heli kartaa bogga internetka ee maxkamadda: http://www.lawhelpmn.org/forms. (ingiriisi kaliya)
Guji “Help Topics”
Guji “Conciliation Court (Small Claims Court)”
Guji “Forms” tab
Guji “Fee Waiver Form - Affidavit of Inability to Pay Conciliation Court Filing Fee”
-
Haddii ay dacwadaadu ka yar tahay $2,500 maxkamadda ayaa dhinaca kale u direysa Warbixinta Qaansheegashada (Plaintiff’s Statement of Claim). Waxa aad u baahan tahay magaca sadexan ee qofka ama magaca shirkadda iyo cinwaankooda. Si aad u ogaato magaca rasmiga ah ee ganacsiga, la xiriir Xogyaha Gobolka (651) 296-2803 ama barta internetka ee www.sos.state.mn.us.
Waxa kale aad macluumadka qoraal ahaan ugu weydiisan kartaa:
Secretary of State
60 Empire Drive, Suite 100
St. Paul, MN 55103
-
Haddii ay dacwadaadu ka badan tahay $2,500 adiga ayaa dhinaa kale u direya Warbixinta Qaansheegashada (Plaintiff’s Statement of Claim) Boosatada. Waxa aad heysataa 60 maalmood inaad boostada ugu dirto. Weydsiiso xafiiska boostada ay ku diraan nidaamka la diiwaangeliyo oo gacan ka saarka ah. Marka ay kuu soo celiyaan cadeynta gacanta ka saarka ah, hubi in aad meel wanaagsan dhigto si ay cadeyn ugu noqoto in la gaarsiiyey dhinaca kale haddii loo baahdo.
Waa in aad buuxisaa “Cadeynta Gaarsiinta (Affidavit of Service)” si aad cadeyn kartaa in aad dhinaca kale gaarsiisay dacwadda. Foomkan waxa aad ka heli kartaa maxkamadda ama barta internetka. Waxa uu foomkan qeyb ka yahay xirmadaha dacwadaha madaniga ee maxkamaddu kor kaga soo hadashay. Xogheynta maxkamadda u dhiib “Cadeynta Gaarsiinta”.
-
Inta badan dhageysiga maxkamadda waxaa la qabtaa 6 todobaad ilaa 2 bilood ka dib marka aad dacwadda soo gudbiso. Laakiin mararka qaarkood waxa ay qaadataa ilaa 5 bilood, taasoo ku xiran hadba degmada.
Waa maxay cabasho liddi ku ah dacwadeyda?
Qofka aad dacweyso (eedeysanaha waxa uu diiwaangelin karaa dacwad liddi ku ah taada oo uu sheeganayo in iyaga lacag kugu leeyihiin. Maxkamaddu way dhageysaneysaa cabashada liddiga kugu ah marka ay dhageysaneyso dacwadaada.
Waa maxay heshiis?
Qaar badan oo ka mid ah dacwadaha waxa ay ku dhamaadaan heshiis inta aan maxkamdda la gaarin. Waxa kale oo aad heshiis gaari kartaa wax ka yar ka hor dhageysiga maxkamadda. Ka fikir heshiis aad meel dhexe isugu timaadaan oo aad u soo jeediso dhinaca kale. Xitaa haddii aad ku guuleysato maxkamadda, waxaa laga yaabaa in ay kugu adkaato helitaanka lacagta Sidaa darteed, heshiis markiiba lacag lagu siinayo waa wax wanaagsan.
Heshiis kasta oo aad gaartaan waa inuu noqdaa mid qoraal ah! Labada dhinac waa in ay saxiixaan oo taariikhda ku qoraan. Heshiiska maxkamadda keen maalinta dhageysiga, oo maxkamaddu haka dhigto amar ka soo baxay. Tani waxa ay kaa caawineysaa in ay xaqaaga ilaaliso haddii hadhow khilaaf soo baxo.
Sidee ayaan isugu diyaarin karaa maxkamadda?
- Qor wax kasta oo aad dooneyso in aad maxkamadda ka sheegto.
- La hadal markhaatiyaasha oo weydiiso in ay yimaadaan dhageysiga. Markhaatiyaasha oo maxkamadda yimaada ayaa ka wanaagsan qoraal ay maxkamadda u soo qoraan. Sidoo kale, waxaa laga yaabaa in qaaligu aanu tixgelin qoraal ay markhaatiyaashu soo qoraan. Haddii aanu qof muhim dooneyn inuu maxkamadda yimaado, weydiiso xogheynta “Maxakamad uga yeerid subpoena.” Maxkamad uga yeerid waa amar markhaatiga lagu farayo inuu maxkamadda yimaado ama keeno cadeynta.
- Haddii uu eedeysanaha hayo warqado ama cadeyn aanay ku siin, weydiiso xogheynta in ay u diro maxkamad uga yeeris.
- Saaxiibadaa u sharax waxyaabaha dacwadaada ku dhici kara haddii aanay maxkamadda imaan.
- Keen maxkamadda cadeymaha oo dhan sida sawirada, warqadaha, lacag qabashada iyo heshiiska kirada. Adiga ayaa lagaa doonayaa in aad cadeyso dacwadaada oo aad soo bandhigto cadeynta la xiriirta tirada lacagta.
- Tag maxkamadda oo daawo dhageysi socda ka hor balantaada oo arag sida maxkamaddu u qaado dhageysiga.
- Inta uu socod dhageysiga, waa in aad ixtiraamtaa qaaliga iyo eedeysanaha. Haka dhex gelin hadalka marka ay dadka kale hadlayaan. Haka xanaaqin waxyaabaha uu eedeysanaha sheego. Dacwadaadu waxa ay ku xiran tahay sida aad u dhaqanto.
Goorma ayaan ogaanayaa go’aanka maxkamadda?
Maxkamaddu inta badan go’aan ma gaarto xilliga dhageysiga. Waxaa laga yaabaa in ay idin caawiyaan in aad adiga iyo eedeysanaha heshiis gaartaan dhageysiga. Haddaii aanay gaarin, maxkamaddu xilli dambe ayey go'aanka gaartaa oo boostada ugu dirtaa dhinacyada kala duwan
Go’aanka maxkamadda ma aha dhaqangal ilaa ay 20 maalmood ka soo wareegto maalinta go’aanka la soo diray. Maamulaha maxkamadda ayaa kugu sheegaya taariikhda ogeysiiska laguu soo diro. Mudada 20 maalmood ah waxaa lagu magaacaa "mudada sugitaanka (stay period)." Waxa ay labada dhinacba siineysaa muddo ay racfaan kaga qaataan.
Sidee ayaan ku helayaa lacagta la ii xukumay?
Maxkamadaha Madanigu KUUMA SOO uruerimeyso lacagta laguu xukumay. Haddii aad ku guuleysato dacwadaada Maxkamadaha Madaniga oo dhinaca kale uusan bixin lacagta laguu xukumay ama aad ku heshiiseen in ay ku siinayaan, adiga ayaa la doonayaa in aad ka shaqeyso sidii aad lacagtaada ku heli laheyd. Waxa ay u baahan tahay dulqaad! Xusuusnoow, waa in aad sugtaa muddo 20 cisho ah marka go’aanka laguu soo diro inta aadan wax talaabo ah oo aad lacagtaada ku heleyso.
Waxaa jira dhawr talaabo oo aad qaadi karto si aad lacagta ku hesho (collection process). Si aad wax uga ogaato talaabooyinkaas , soo booqo: www.mncourts.gov.
- Guji “Mowduucyada Caawinaadda (help Topics)”
- Guji “Maxkamadda Madaniga (Small Claims Court (Maxkamadda Dacwadaha Madaniga)”
- Guji “Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo (FAQs)”
- Hoos u raac, ka dibna guji “Sidee lagu helaa lacagta maxkamaddu kuu xukuntay (How do you collect a Conciliation Court judgment?)”
Haddii la iga adkaado ama aanan ku qancin go’aanka maxkamadda, maka qaadan karaa racfaan?
Haa. Go’aanka Maxkamadaha Madaniga waxaa racfaan looga qaadan karaa maxkamadda degmada ee isla degmada. Waa in aad ka diiwaangelisaa Maxkamadda Degmada. Waxa aad ka heli kartaa Foomamka iyo tilmaamaha (forms and instructions) barta intenternetka ee: www.mncourts.gov.
- Guji „La Soo Bax Foomamka“
- Guji “Conciliation maxkamadda(Small Claims Court (Maxkamadda Dacwadaha Madaniga)”l
- Guji “Racfaanka”
Ogeysiiska racfaan ka qaadashada waa in aad ka diiwaangelisaa maamulka maxkamadda oo aad gaarsiisaa dhinaca kale labaatan (20) cisho gudahood taariikhda maxkaamddu kuu soo dirtay ama ku soo gaaray amarka maxkamadaha madaniga. Haddii aadan diiwaangelin racfaanka mudada laguu qabtay waa la biibi’inayaa.
Haddii aadan ku guuleysan maxkamadda degmada, waa in aad bixisaa $50 si aad u bixiso kharashka dhinaca kale. Haddii aad ku guuleysato, waa in ay bixiyaan $50 oo kharashka dacwadda ah.
Macluumaad dheeraad ee Madaniga waxa aad ka heleysaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Gobolka ee https://www.ag.state.mn.us/Consumer/Handbooks/ConCourt/Default.asp