Lacagaha Kiridhidyadda Kiraystaha iyo Mulkiilaha Guri
Warqadan xogta aruursan ahi waxay ka hadashaa sidda ay kireystayaashu u heli karaan lacagta canshuurta ee kirada ka soo noqota. Waxay kaloo iyana ka hadashaa akhbaar ku saabsan mulkiilayaasha ku jira guryaha ay leeyihiin.
Kiraystayaashu waxa ay xareysan jireen foom gooni ah si ay u helaan lacagta kiradda uga soo noqon jirtay. Hadda, waxa aad dalban kartaa taa iyadoo qayb ka ah canshuur-celintaadda Minnesota. Lacagta soo noqonaysaa hadda waa kiridhid canshuureed oo kale. Waxa ay yareysaa inta ay tahay canshuurta lagugu yeelanayo ama waxa ay kordhisaa lacagta kuu soo noqonaysa.