Cid walba oo aan ahayn muwaadin Mareykan (U.S.) ah waxa ay khatar u tahay in la masaafuriyo haddii ay gaystaan qaar ka mid ah noocyadda dambiyadda. Fahmidda heerka khatarta ee arrintaa waa ay adag tahay. Waxa ay ku xiran tahay nooca dambiga, meesha aad joogto iyo nooca sharcigaagga. Hoos waxaa ku qoran tusaalayaal ah waxa dhici kara. Laakiin suurtgal ma aha in laga hadlo xaalad walba oo suurtagal ah. Waayo waa ay adag tahay, mar walba waa ra’yi fiican inaad degdeg ula tashato qareen. Barta LawHelpMN waxa ku jira liis ah qareemo ku caawiyn kara.
Haddii aadan sharci lahayn
La kulmidda bilaysku waxa ay keeni kartaa in ay ku xirto hay’adda ICE. Taasina waxa ay bilaabi kartaa habka ka masaafurinta dalkan. Taa waa dhab hadii xataa lagu xiray laakiin aan lagugu soo eedayn dambi. Waxaa dhici karta inaad ku jiro goobta haynta dadka ee hay’dda ICE inta aad sugayso dacwada. Wax badani waxa ay ku xiran yihiin inta ay bilayska deegaanku ay la shaqeeyaan hay’adda ICE. Uma badna in tigidh lagu siiyey uu keeni karo in maxkamadda laanta socdaalka ay kugu geyso magaalo magansi bixisa. Minneapolis aiyo St. Paul waa magaalooyin magansi bixiya.
Haddii aad haysato sharci ku meelgaar ah
Kooxdan waxaa ku jira noocyo badan oo sharciyo ah. Waxaa ku jira Martabadda Ilaalinta ku Meelgaarka ah (TPS), fiisaha-U (U-Visa), Fal Dib uga Dhiga, fiisayaasha H-1B, fiisayaasha ardayda. Saameynta xiritaanadda, ku eedyanta ama ku helida dambiyaddu waxa ay ku xiran tahay sharciga ku meelgaarka ah ee aad haysato. Sidoo kale waxa ay ku xiran tahay nooca uu yahay dambiga lagugu soo oogay. Qaar ka mid waxyaabaha dhici karta waa:
- Inaadan awoodin inaad cusboonaysiiso sharciyada ku meelgaarka ah.
- In sharciga lagaa qaado.
- Waxaa dhici karta inaadan ka wareegin sharci ku meelgaarka ah oo aadan u wareegin sharci rasmi ah.
- Waana lagu masaafurin karaa.
Haddii lagu xiro ama laguggu soo eedeeyo dambi, ula tasho qareen sharciyadda laanta socdaalka yaqaan sidda si ugu dhaqsaha badan.
Hadii aad haysato sharci deganansho ah (Green Card)
Caadiyan, cidii haysata sharci degaansho rasami ah (Green Card) kaliya waxaa la masaafurin karaa haddii ay gaystaan dambiyadda waaweyn qoorkood. Dambiyaddaa waxaa ku jira gacan-qaadka qoyska dhexdiisa ah, ama jabinta amar maxkamadeed oo qof amaan siin ah, faraxumeynta, masuqmaasuqa, hubka, xatooyada iyo dambiyadda la xiriira maandooriyeyaasha. Hadii aad sharci deganaansho ah leedahay (Green Card), laguuma masaafurin karo jabin sharciga wadooyinka awgood oo aan cidna wax ku noqon. Kuwaa waxaa ku jira wadid gaari aan caymis ku jirin, wadid gaari laysin la’aan, gaari xawaare sare ku wadid, ama jabin xeerarka gaabaha wadada ah ee gawaarida la dhigto.