Afeef

Tani waa akhbaar uun, ee Ma aha talo-siin dhanka Sharciga ah. LawHelpMN.org waa akhbaar guud uun. Akhbaarta LawHelpMN.org ma aha mid ku saabsan talo-siin dhanka sharciga ah mana noqon karto mid bedeli karta booska qareenka (lawyer). Kiis walbaa waa ka duwan yahay kuwa kale. hadii aad u baahan tahay talo-siin dhanka sharciga ah, raadso qareen. Akhbaartani hubaal ma aha in ay cusub tahay. Sidoo kale, sharciyada goboladu waa ay kala duwanaan karaan, sidaa awgeed akhbaarta shabakadan (website) waxaa dhici karta inaysan quseeynin gobolkaaga.

Gudbintu Ma aha Hubaal ah in adeeg la heli. LawHelpMN.org waxaa ku jira akhbaar ku saabsan barnaamijyada bulshada kuwaa oo caawiya dadka ay haystaan dhibaatooyin dhanka sharciga ah. Barnaamijyadaasi waxa ay wax u caawiyaan siyaabo kala duwan. Xataa hadii LawHelpMN.org ay kuu gudbiso barnaamij, hubaal aha in barnaamijkaasi uu ku caawin karo. Barnaamij walbaa waxa uu leeyahay habraac isaga u degan oo uu ku go’aansado cidii uu caawin karo. LawHelpMN.org mas’uul kama aha wixii xumaan ah ee ay la yimaadaan barnaamijyada aad ka heshay shabakadayada.

Xayeysiinta Qareenka. Qasbashada qareenku waa go’aan culus. Ha ku gaarin go’aankaa xayeysiin aad eegtay uun. Ka hor inta aadan gaarin go’aanka qareen qabsiga, soo ogow sumcadiisa iyo shahaadadiisa.

Meelaha qaarkood shabakadan (website) waxaa dhici karta in loo arko mid qareenadaa xayeysiinaysa. Wixii qareen ama barnaamij ku saabsan ee lagu soo qoro shabakada LawHelpMN.org macnaha laga wadaa ma aha in cid lagula talinayno in ay qabsato qareenkaa la qoray ama ka isticmaasho barnaamijka.

Xiriirada. LawHelpMN.org waxa ay la leedahay xiriiro ilo kale oo khadka (online) ka ku jira. Xiriiradaasi waxa ay kaa caawin karaan in aad hesho ilo kale oo faa’iido kuu leh ama aad danaynayso.

  • Ku xirnaanta xiriiradaasi ay ku xiran yihiin shabakadayada macnaheedu ma in aan gargaarno ama aan xulafo la nahay cida iska leh shabakadaha (website) aan ku xiranahay.
  • Mas’uul kama nihin amaanka iyo sugnaanta ama cusboonaanta xiriiradaa iyo waxa la soo geliyo.
  • Uma siin karno ogolaansho cidna inay isticmaasho wax magac ganacsi ah ama astaan-ganacsi ah, ama sumad ah ama calaamad kale ah, ama wixii xaquuqda qoraha ah ee qayb ka ah shabakadaha aan ku xiranahay.
  • Mas’uul kama nihin wixii heshiis isticmaalid ah ee shabakadaha kale ay dhici karto inay leeyihiin.
  • Mas’uul kama nihin xafidida ama amaanka wixii akhbaar ah ee aad soo geliso shabakadaha kale.
  • Mas’uul kama nihin wixii farsamo (cookies) la socod ah ee ay leeyihiin shabakadaha kale ee aad isticmaasho.
     

E-mayl. Gelida shabakada LawHelpMN.org, ama dirida fariin emayl ah adigoo isticmaalaya shabakadan, MA abuurto xiriirada dhex mara qareenada-macmilada shabakada LawHelpMN.org. U dirida emayl qareen ama barnaamij lagu sheegay shabakadan idiin MA abuurayso xiriir qareen oo dhex mara adiga iyo qareen ama barnaamij. Hadii aadan horey ugu ahayn macmil qareenka ama barnaamijka, emaylkaaga waxaa laga yaabaa INUUSAN ilaalin karin sharciga ilaaliya xaq ka dhaxeeya qareenka - mamilka. Hadii emaylkaaga aan la maldahin waxaa laga yaabaa inay qaataan ama ay arkaan cid aadan u dirin. Mas’uul kama nihin xafidida ama amaanka wixii emayl ah ee go’aansato inaad dirto.

Kamadanbaystu waa wax aad muhiim ugu ah amuuraha sharciga quseeya. Waxaa dhici karta inaad dhumiso xaquuq muhiim ah oo sharciyan aad lahaan lahayd hadii aadan qareen qabsan markiiba si uu kuu caawiyo. Ha isaga dirin emayl qareenada si aad caawimaad uga hesho. Dad badani emaylkooda ma eegaan maalin walba, qareeno badanina kama jawaabaan emaylada aad ka imaan macmiladooda.