Habraaca Guud

Habraaca Guud 

Oraahdan xog-xafididu waxa ay quseeysaa cid walba soo isticmaasha shabakada  LawHelpMN.org, iyo cid walba oo noo soo dirta anaga Foomka Qandaraaska (Contact Form) ama Foomka Codsiga Warqada Akhbaarta (Fact Sheet Order Form).

Anagu caadiyan ma aruurino akhbaarta shakhsiga sida, magacaaga, ciwaankaaga, ama emaylkaaga, aan ka ahay marka aan kugu waydiisano Foomka Qandaraaska (Contact Form) ama Foomka Codsiga Warqada Akhbaarta (Fact Sheet Order Form). Anagu si qarsoodi ah baan u aruurinaa macluumaad ku saabsan sida loo isticmaalo shabakada (website). Macluumaadkaasi ma aha mid shakhsiyan u cadeeya dadka isticmaala shabakada.

Hadii aad noo soo dirto Foomka Qandaraaska (Contact Form) ama Foomka Codsiga Warqada Akhbaarta (Fact Sheet Order Form), Waxa kaliya oo aan u isticmaali karnaa akhbaartaada khaaska ah waa si aan uga jawaabno codsigaaga. Waxa aanu ka sameynaa meelna dhigaan qoraal ah la soo xiriiridaa. Qoraalada waxaa si xafidan loogu kaydiyaa shabakadayada aakhirkana waxaa loo tirtiraa si waaqsan habraacyada haynta akhbaarta.

Akhbaarta aan ka soo aruurino Hagahaya Gargaarka Xeerka (LawHelp Guide) waxaa loo istcimaalaa caawinta ogaanta ilaha ugu fiican ee dhanka sharciyada ah, akhbaarta iyo u gudbinta si ay u caawiyaan xaaladaadda gaarka ah. Tani waxa ay ku salaysan tahay meesha aad ku nooshahay, da’daada, xubin ka ahaan urur gaar ah, dakhligaagga iyo xaq u yeeladka adeegyada sharciyada iyo dhibka ku haysta ee dhanka sharciyada ah. Khayraadyada iyo ururadu waxa ay ku saleeyaan xaq u yeeladka arrimahaa. Waxa aanu u aruurinaa akhbaartan si aan kuu siino akhbaar aad u fiican si ay kuu caawiso.

Isticmaalka Guud ee Xogta

Waxaan sidoo kale aruurinaa xog iyo macluumaad ku saabsan sida shabakadayada ay u  isticmaalaan booqdayaashu anagoo adeegsanayna Aalada la yiraa (Google Analytics). Dhamaan akhbaarta oo dhami waa qarsoodi si kolkaa aan loo ogaan cida ay yihiin isticmaalayaashu.

Waxa aanu u adeegsanaa Aalada la yiraa Google Analytics si aan ula socono booqashooyinka shabakadayda. Aalada Google Analytics waxa ay u isticmaashaa waxa la yiraa (cookies) il-mariyaha shabakadayada si ay u soo aruuriso ulana socoto macluumaadkan. Macluumaadka waxaa loo soo aruuriyaa loona soo bandhigaa qaab aan cadeynayn cidda aad tahay. Kaliya waxa aanu isticmaalnaa docaha wax u socdaan iyo xogaha ee ma isticmaalno akhbaar adiga booqdaha ah kugu saabsan. Waxa aanu u isticmaalnaa Aalada la yiraa Google Analytics in:

  • Aan la socono inta goor ee la isticmaalo ama la booqdo waxa ku jira shabakadayada. Taasi waxa ay naga caawisaa go’aansiga waxa u baahan in la cusboonaysiiyo ama la dhaqan-geliyo.
  • Warbixin la siiyo maal-geliyeyaashayada oo ku saabsan isticmaalka shabakada ee sannad walba.  
  • La barto sida loo sameeyo loona soo bandhigo shabakadayada si ay si fiican ugu shaqeeyso isticmaalayaal badan.
  • Lagu bayaamiyo dhibaatooyinka iyo xanibaadaha ka jira isticmaalka shabakada.
     

Waa aad diidi kartaa inaad u ogolaato in Aalada Google Analytics ay aruuriso macluumaadkaaga hadii aad adeegsato aalada Google Analytics Opt-out Browser Add-on.  Ka ogow wax badan oo arrintan ah shabakadan Google Analytics Data Collection.

Waxaa aanu la wadaagnaa Xogaha Hagaha Dhanka Xeerka (LawHelp Guide) iyo (Google Analytics):

  • Maal-geliyeyaashada iyo cidii kale ee laga yaabo inay na maal-gelin karto.
  • Iskaashiga xafiiska gargaarada sharciyada iyo bahda farsamada gargaarka sharciyada – ee aan ka wada shaqayno mashruucyada hagaajinta shabakadaha ama ujeedooyin akhbaareed/daraashadaha ah sida loo isticmaalo shabakadaha gargaarka sharciyada.
  • Qandaraaslayaasha ku sameynaya shaqooyin dayarctir ama hagaajin ah shabakadahayaga.
     

Ma gadno umana isticmaalo macluumaadka si aan adiga wax kaaga gadno. Waxaa dhici karta in aan macluumaadka u isticmaalno in ay naga caawiyaan anaga in aad ogaano sida ugu fiican ee aan ku dhaqan-gelin karno adeegyadayada ama shabakadahayaga. 

Shabakadahayagu si ogaan ah ama ku tala gal ah ugama aruuriyaan wax akhbaar ah oo shakhsiyan oo ilmo leeyihiin

Hadii aad tahay waalid aadna rumeysan tahay in shabakadayadu ay akhbaar shakhsiyan ah oo ilmahaaga ku saaban soo aruurisay, fadlan naga soo xiriir bartan contact us.

Wax badan oo ku saaban ilaalinta ilmahagaaga ka ogow protecting your child's privacy online.

Xiriirada

Barahayaga waxay ku xiran yihiin baro ay leeyihiin qolyo sedexaad. Hadii aad riixdo mid ka mid ah xiriiradaa, waxaa ay kugu xiri karaan baro anaan anagu maamulin. Habraacayagani ma quseeyo hab-dhaqanada akhbaarta ee baraha kale ee anaan anagu maamulin.

Amaanka Shabakadaha (Internet)

Shabakadahu 100% amaan ma aha. Ma balan qaadi karno in shabakadani ay gabi-ahaanba amaan tahay.  Taxadar samee kolka aad isticmaalayso shabakadaha! Hadii aad isticmaalayso kumbuyuutar cid walbaa isticmaasho ama mid aad qof la wadaagto, akhbaarta aad geliso waxay ku kaydmi karaa kumbuyuutarkaa cid ayaana ku arki kara halkaa ha dhow. Hubi inaad gabi-ahaanta damiso il-mariyaha kolka aad dhamaysato isticmaalka kumbuyuutarka.

Cusboonaysiinta habraacyada

Markii ayaan la joogaba waxaa dhici karta inaan wax ka bedelno hab-dhaqankayaga xog xafididda iyo habraacyada. Hadii wax is-bedel ahi dhaco is-bedelkaa waxaa la soo gelin qaybtan.

Su’aalaha ku saabsan Habraacan

Hadii aad qabto wax su’aal  ama walaac ah oo ku saabsan Habraaca Xog Xafididan ama aruurinta iyo isticmaalka macluumaadka fadlan naga loo xiriir bartan contact us.

Updated: 11/28/2018