Waalidkaa ama ilaaliyahaagu ma ku dayacaan, mase kuu geystaan waxyeello ah jirka, dareenka, ama jinsiga galmada? Ma u oggolaadaan in dad kale kuu geystaan waxyeello? Taasi hadday dhacdo waxaad caawinaad ka heli kartaa maxkamadda, xafiiska dhowrista carruurta ee degmada, boliiska, ama xafiiskaaga kaalmada sharciga (legal aid). 2-1-1 waa hay’ad ka jirta gobolka oo dhan oo ku siinaysa macluumaad iyo nambarro taleefan oo caawinaad aad ka heli kartid.
Ka wac halkaan: 2-1-1 (gobolka oo dhan)
Ama ku hadal khadka (online) halkaan: www.211unitedway.org
Ama tekesti ku qor sibkowdkaaga (zip code) si aad caawinaad uga heshid meel kuu dhow halkaan: 898-211
Ogow: marmarka qaarkood, marka qof weyni uu ogaado in qof aan qaan gaarin lagu tacadiyayo, waa khasab inuu u sheego Hay’adda Ilaalinta Ilmaha (CPS). Taa waxaa la yiraa “soo sheegida waajibka ah.” Qareemaddu kuma jiraan soo sheegayaasha waajibku saaran yahay. Haddii aad u baahan tahay inaad ka hadasho wax ka socda guriga aadana doonayn in warbixin la sameeyo la siiyo hay’adda (CPS). Kala soo xiriir Barnaamijka Sharciga Da’ yarta (Youth Law Project) bogga ah youthlawproject@mylegalaid.org.
Haddii ay wax ku gaaraan ama aad ku jirtid khatar deg-deg ah, wac 911!