Ma ka Codsan karaa Magangelyo Wadanka United States?
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa magangelyadda iyo cidda xaqqa u leh. Waxaa jira 3 siyaabood oo kala duwan oo loo codsan karo magangelyo iyadoo hadba ku xiran cidda aad tahay iyo taariikhdaadda laanta socdaalka (immigration). Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay kaa caawin inaad fahamto midka uu yahay sharciga aad u baahan tahay inaad cuskato kolka aad dalbanayso.
Barta LawHelpMN.org waxa ay haysaa xogag aruursan oo kale oo kaa caawinaya inaad dalbato magangelyo. Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay kaa caawin inaad go’aansato midda ay tahay warqadda xogta aruursan ah ee kale ee ay tahay inaad isticmaasho. Waxaa jira $100 oo khidmad oo la bixiyo si aad u dalbato magangelyo.
Warqadan xogta aruursan ah waxaa sameeyey iskaashiyo dhexmaray hay’adaha Immigrant Law Center of Minnesota, Mid-Minnesota Legal Aid, Southern Minnesota Regional Legal Services, The Advocates for Human Rights, iyo the Volunteer Lawyers Network. Waxaana gargaaray maalgeliyey laga helay Waaxda Adeegyadda Bulshadda ee Gobolka Minnesota (State of Minnesota Department of Human Services).