Wada Xaajoodka Deynta

Waxaa qoray
Education for Justice

Waa Side Waxa Ku Saabsan Buug-yarahaan

Qoysas badan waxaa la soo gudboonaada dayn waqtiyada qaarkood ama wax kale. Shaqada oo la lumiyo, waxtarrada adegyada Bulshada oo la lumiyo, biilalka daawada oo kedis ah, ama furriin ayaa ku riixi kara dayn. Waxaa jira waddooyin badan daynbixiyeyaashu ay isku dayi karaan in ay uruuriyaan daynta. Labada waddo oo inta badan ugu caadiyaysan waa marka hay’adaha uruurinta la adegsado, iyo marka ay dacwad la xareeyo. Labadaas qaab ayuu bug-yarahan ka hadlayaa. 

Dayn uruuriyeyaashu sida badan waxay culays ku saaran xeelado walac leh oo xaaladaha sii murjiya- iyo mararka qaarkood sharciga liddi ku ah. Buug-yarahaan waxaa loo qoray in uu ka caawiyo qoysaskawas la halgamaya daynta sida uu quutuhu loogu sharaxayo xuquuqda quutaha iyo sidii loo siin lahaa ilaha ka caawinaya. Buug-yarahan waa tilmaame kooban mana aha in uu ka wada jawabayo dhammaan su’aalaha sharci iyo dhaqaale.

Haddii ay kula soo gudboonaato in lagaala wareego, guri, ka saarid, ama dib ula wareegidda milkiyaddaaad oo aad u doonayso latalin sharciga iyo dhaqaalaha.

QAYBTA 2 – Kaararka Amaahda

Waxyaabaha kale oo la Tixgalinayo

Adeegsika kaaraka amaahda waa lacag aad daynsatay oo leh dulsaar aad u sarreeya. Iska illow “faduusha” qiimaha ku meelgaarka ah, gaar ahaan haddii aadan ku bixin karin kaaraka amaahda kharaashaadka si buuxda bil kasta. Qiimaha “ faduusha dulsaarkiisu aad ayuu u yaryahay kasoo lagu bixinayo muddo gaaban  (laakiin aan ka yareyn lix bilood) taaso kor u kacaysa  si otamaaatika. Haddii uu kordho faraqu marka qiimaha dulsarka, waxaaad dib si joogto ah bixin doontaa qiima aad u sarreeya oo joogto ah.

Waxaa dhinac socda qiimaha dulsaarka, jeegga waxaa laga eegayaa haddii kaarku uu bixinayo “waqti bilic san” Waqitga bilicda san wuxuu yahay in aanu wax dulsaara yeelanayn haddii xisaabtaada aad si buuxda ku bixisid taariikhdii lagaa doonayay . Kaararka qaarkood waxaa laguu soo dallacayaa taariikhda aad isticmaashay kaarkaada oo aad wax ku iibsatay. Dhammaantood, waxaa la ogaanayaa haddi shirkaddu soo dallacayso kaaraka ajuuro sanadle ah.

Ajuurooyinka sanadlaha waxay noqon kartaa $25 illaa $100 ama ka badan. Hubso sidooo kale haddii aad aragto kharaashad kale sida:

  • Ajuurooyinka macaamilaadka – kuwaas inta badan waxaa la soo dallacaa marka kaaraka aad horay lacag caddaana ku qaadatatay.
  • Kharashaad dambe  
  • Ka badan xadkii kharashaadka.

Si taxaddar leh u akhri shuruudaha sababtoo ah kaararka qaarkood waxay kor u qaadayaan qiimaha dulsaarkaada haddii aad lacag bixinta la daahdo.

Ma baabi’inaysaa Kaarkaada Amaahda?

Haddii aad leedahay kaaraka amaahda oo leh dulsaar qiimahiisu sarreeyo, ajuurooyinka macaamilaadka, ee ajuurada sanadlaha ama aan lahayn bilic samida muddada, waa in aad ka fakartaa sidii aad u baabi’in lahayd!                                  

Waa tirtiri kartaa kaaraka amaahda markasta, laakiin weli waxaad bixinaysaa lacag kasta oo ku jirta akaawnkaada.

Ka dhig Daynta Kaarka Amaahda mid hooseeya

  •  Isku day in aad bixiso faraqa idil bil kasta.
     
  • Haddii aadan bixin karin, isku day in aad bixiso wax ka badan waxa ugu yar ee aad awooddo. Mararka qaarkood lacag-bixinta ugu yar ma daboolayso tirada dulsaarka laguugu soo dallacayo bil kasta. Haddii aad bixisid waxa ugu yar keliya, waligaa ma bixinaysid daynta waxaana ku dambayn doontaa mid bixiya dulsaar ah kharaashaad dulsaar aan la bixin. Hal kaar ku bixi waqtigiisa.  Bixi kolba waxa badan ee aad awooddo. Kolba waxa badan oo aad bixiso, waxaa fududaanaysaa kaaraka aad wax ku bixinayso. Ka dibna raadso mid kale.
     
  • Si taxaddara u hubi warbixinta bilkasta si aad uga eegto khaladaad iyo kharashaad aadan lahayn. Haddii kaarkaada amaahda kaa lumo ama lagaa xado, ugu badnaan waa inaad bixisaa $50, ah Sharciga Amaahda Eunta (Truth in Lending Act).
     
  • Hubi shirkadda kaarkaada amaahda in aanay ku soo kordhin adeeg aadan doonayn (sida ilaalinta lumista ama amaahda caymiska).
     
  • Hubso lacag-bixintaada waqtigeedi. Haddii lacag-bixintaada ay daahdo waxaa laguugu soo dallacayaa ajuuro. Kaarar badan waxay kordhiyaan qiimaha dulsaarka daahidda haddii aan lacagta lagu bixin waqtigeedi.
     
  • Ka hortag adeegyo iyo barnaamijyo gaara ee shirkadaha kaarakaamaahda. Kuwaasu waa waxyaabo u eg kaar amaah ee khiyaamo ama ilaalinta lumista iyo caymiska nafta. Intooda badan adeegyadaas waa macaamil xun. Sida badan waa qaali mana loo baahna.          

Helidda Warbixinada Amaahda

12 bilood hal mar waxaad ka heli kartaa nuqul ah warbixintaada amaahda oo lacag la’aan ah xaafiiska warbixinta amaahda (Transunion Experian and Equifax.). Waxaa jira xaalado qaarkood oo aad heli karti nuqul lacag la’aana hal mar wax ka badan sanadkiiba. Eeg bogga 39 ee buug-yaraha xaggiisa dambe wixii macluumaad dheeraada ee ku saabsan warbixinada amaahda.  

QAYBTA 3 – Xuquuqda Uruurinta Dayntaada ee loo marayo Sharciga Dhacdooyinka Dayn Uruurinta Caddaaladeed

Sharciga Dhacdooyinka Dayn Uruurinta Caddaaladeed

Ma jiro sharci kaa ilaalinaya in aadan bixin daynta laguugu leeyahay, laakiin Fair Debt Collection Practices Act (FDCPA) wa hay’ad federal ah oo kaa ilaalin karta dhacdooyinka dayn uruurinta xadgudubka ah.

Minnesota waxay leedaha xeer goboleed oo ay ku wada dhanyihiin dhammaan waxa ilaalinta FDCPA iyo sidoo kale wax ilaalin kale. Dayn uruuriyeyaasha idil ganacsiga ay ka sameeyaan Minnesota waa in ay isaga raacaan.  

Haddii laguugu leeyahay lacag ganacsi ah, waxaa laga yaabaa in ay isku dayaan in ay iskood uruuriyan ama shaqaaleeyaan hay’ad wax uruurisa. Haddii qareen si joogto ah uu wax u uruuriyo daymaha sharciga wuxuuu u dhqmayaa qareenku sida hay’adda uruurinta. Sikastaba oo ay sameeyaan, kuguma samayn karaan handadaad ama xadgudun. Xitaa adigu waxaad leedahay xuquuq dheeraada haddii hay’adda uruurinta ay dad qortaan.

Dayn-bixiyeyaasha si toosa uu uruursanaya daymahooda, sida waaxyahaha dukamada ama shirkadaha kaarka amaahda, ma daboolayo FDCPA.

Qoraalka Ogaysiiska

5 cisho marka laga joogo wicitaankaada ugu horreeya, hay’adda uruurinta waa in ay kuu soo diraan ogaysiis qoraala, Ogaysiiska waa in uu ku jiraa:

  • tirada dayntaada
  • magaca shirkadda wax kugu leh
  • in iyagu ay qaadi doonaan saxnaanta xogta haddii kale 30 cisho gudahood waa ku diidi karta.

Ka Doodidda Daynta

Haddii aadan ku raacsanayn ogaysiiska ku saabsan dayntaada, u dir waraaq hay’adda uruurinta 30 cisho gudahood. Haddii aad warqaddaas dirto, hay’adda uruurintu waa in ay joojisaa illaa inta ay ka soo dirayaan caddaynta daynta.

Qorshayaasha Lacag-bixinta

Haddii dayn laguugu leeyahay, waa in aaad samaysataa qorshe lacag-bixin si aad u isku daryeesho. Dayn-bixyeyaal badan waxay ku qancaan lacag yar, sida hadba uu u dheryahay waqtiga ay joogto ahaan ku imaanayso. Weydiiso hay’adda dayn-bixiyaha qorshaha lacag-bixinta. Dayn-biyeyaasha qaarkood waxay fariisiyaan  ama yareeyaan kharashka dulsaarka haddii la bilaabo lacag-bixinta. Haddii aad sameeyso nooc kasta ee macamil , isku day in aad qoraal ka dhigtid. Haddii wax kale aanay jirin si hoose waraaq u dir hay’adda ama dayn-bixiyaha.    

Markasta koobi hayso.

Bixinta Daymaha Badan

Haddii hay’adda uruurinta ay uruurinayso hal dayn wax ka badan, waxaad dooran kartaa bixinta daynta la hormarinayo, Ma dooran kartid in aad heshid lacag-bixinta daynta la dalbaday ee daynta lagu muransanyahay. 

Jeegagga ku Taariikhsan Waqti Dambe

Marna ha siin qof jeeg taariikhdiisu dambayso. Kanu waa jeegga wata taariikh dambe. Hay’adda uruurinta waxa loo oggolyahay in wax la weydiiyo kolba muddada dheer ee aan lacagta la bixin karin ka hor taariikhda la sameeyay, hasayeeshe ma aha fikrad wanaagsan in iyaga wax la siiyo. Haddii loo lacageeyo, waxaad ku dambanaysa in jeegaggaa laguugu soo celiyo.

Joojinta Wacitaanka iyo Waraaqaha

Waxaad joojin kartaa in ay ku soo wacdo ama waraaq kuu soo qorto hay’adda uruurinta adigoo u diraya waraaq lagu magacaabo Joojinta & Istaagidda  (Cease & Desist letter). Warqaddaada waa in aad ku weydiisataa in aan lagu soo wicin iyo laguu soo qorin ama in aad u sheegtid in aad diidantahay bixinta biilasha.

Dhammadka buug-yaraha waxaa ku jira sambal ah (Cease and Desist letter bogga 33). Warqaddan waa tusaale keliya. Xaalad kasta waa mid ka duwan, waxaana u baahantahay in aad aad qortid waraaq ku saabsan xaalkaada. Waxaa laga yaabaa in aan laguugu lahayn waxa ay sheeganayaan, waxase laga yaabaa in lagugu leeyahay laakiin aadan bixin karin. Waxaa ugu muhimsan in warqaddaasu ay ay tahay erayadaadi iyo in aad tiraahdo “Joojiya ila soo xariirkayga”. Warqaddada taariikhda ku qor, saxiix oo koobi kala har. U dir hay’adda uruurinta.

Haddi ay suurtagal tahay, ku dir warqadda boosto shahaado leh kalana har rasiid, si aad u ogaatid dayn uruuriyaha in ay gaartay.

Waxa kaloo awooddaa in shabakadda internetka ka samaysato joojinta waraaqda (create a Stop Contact letter online). Tani waa foom-caawiye tallaabo-tallaabo kuu oggolaanaya in aad daabacatid in warqaddadu ay gaartay halkeedi https://www.lawhelpmn.org/self-help-library/legal-resource/stop-contacting-me-about-debt-letter-creditors-do-it-yourself

Marka la helo warqaddaadi, hay’adda uruurinta waa ay ku soo wici karaan ama waraaq ayay kuu soo qori karaan si ay kuugu sheegaan qorshaha tallabada sharci ay qaadayaan.  Xasuuso tani ma ku siinayso  xaq looga kaaftoomo dacwo maxkmadeed. Tusaale, haddii aad heshid waraaq ku magacaban Amarka Kashifadda (Order for Disclosure) oo oranaya  waa in aad sheegto lacagta ama hantida aad leedahay, waa in aad ka jawabtaa. Haddii aadan ka jawaabin waxaad mudan kartaa ganaxyo iyo in muddo lagu xiro ah in aad maxkamadda xaqirtay

Waa maxay xadgudubku iyo handadaadda?

Guud ahaan, hay’adda uruurinta waxay la xariiri kartaa dad kale oo ay u sheegto wax ku saabsan dayntaada. Waxay u sheegi karaan loo-shaqeeyahaga, kuwa kula shaqeeya, dariska, waalidka, qaraabada, ama saaxiibada wixii la xariira dayntaada. Haddii ay u baahdaan cinwaanka gurigaada, cinwaanka shaqada ama lambarka telefoonka waa wici karaan dadka si wax loo weydiiyo. Laakiin ma sheegi karaan in ay u shaqeeyaan hay’ad uruurin haddii aan la weydiin. 

Waa sharci darro hay’adda uruurinta in ay:

  • adeegsato luqad anshax xun ama xadgudub ah
  • lagu soo waco ka hor 8: subaxnimo ama ka dambe 9:00 fiidnimo.
  • lagaa soo waco shaqada iyagoo garanaya loo-shaqeeyahaaga ha u oggolaan wicitaanka shaqsiga ama wicitananka dayn-bixyeyaasha
  • bixisho lacag caddaana adigoo aan rasiid lagu siin
  • laguugu cabsi galiyo dacwad ciqaaba oo laguugu qaado
  • kula soo xariiraan haddii ay garanayaan qareenkaada
  • laga dhigo warqadda sida wax ka soo baxay dawladda, maxkamadda ama qareenka
  • ku fashilmaan in ay ku siiyaan magaca buuxa ee hay’addooda 
  • lagugu cabsi galiyo in lagaa qaadayo tallaaba sharci ah oo  dhab ahaan qorshahooda aan ku jirin
  • ku siiyaan talooyin sharci, sida “Uma helaysid diffaac xagga sharciga dayntaan."

Xoojinta Xuquuqdaada

Haddii ay kula tahay in hay’adda uruurinta ay sharciga jabinayso, si taxaddaro keydso xogohada ee xiriiradaada. Marka ay ku soo wacaan, meel ku qoro waxayabaha soo socda:

  • taariikhda
  • waqtiga
  • magaca qofka soo wacay                                                
  • iyo waxa lagu yiri

Waxaad awoodi kartaa in hay’adda uruurinta aad maxkamad geyso. Inta badan waxaa u bahantahay in aad dacwadda ku bilowdo sanad gudahiis. Wac qareen ama xaafiiskaada Adeegyada sharciaga ee maxalliga.

Haddii aad ka cabanayso hayadaha aruurinta, warqad u qor

Minnesota Attorney General Consumer Assistance
1400 Bremer Tower
445 Minnesota Street
St. Paul, MN 55101
(651) 296-3353 or 1-800-657-3787
http://www.ag.state.mn.us

Enforcement Division MN Department of Commerce
85 Seventh Place East, Suite 280
St. Paul, MN 55101
651-539-1600 or 1-800-657-3602
http://mn.gov/commerce/

The Federal Trade Commission
600 Pennsylvania Avenue, NW
Washington, DC 20580
1-877-FTC-HELP (382-4357)
https://www.ftccomplaintassistant.gov

Si faah-faahsan u sheeg ficilada laguxadgudbay xuquuqdaada. Eeg samballada Warqadda Joojinta Dayn Uruurinta (Debt Collection Cease and Desist Letter bogga 33.

QAYBTA 4 - Handadadda Dacwaynta

Handadadda Dacwaynta

Handadaadda in lagu dacweeyo, iyo dhab ahaan in lagu dacweeyo waa 2 waxyaabo oo kala duwan. Marka uu dayn-bixiyuhu bilaabo dacwad adiga kugu liddi ah, macnaheedu ma aha in maxkamadda lagaaga guulaysanayo iyo xukun lacageed laguugu abaalmarinayo.

Xitaa haddii dayn bixiyuhu uu guulaysto dacwadda, ma jiro ballanqaad ah in lagaa soo qaadayo lacagta maxkamaddu kugu xakuntay. Waa wax qaali ah in maxkamadda la aado. Haddii dayntu aanay ahayn lacag badan, dayn-bixiyeyaasha qaarkood ma rumaysna in ay faaiido u tahay aadidda maxkamadda.

 Haddii dayn-bixiyuhu bilaabo dacwad uuna ku guulaysto, maxkamaddu waxay ku abaalmarinaysaa “Xukun”. Xukunku” waa amar maxkamadeed oo sheegaya in lacag cayiman uu kugu leeyahay dayn-bixiyuhy. “Xukunka sida badan waxaa ka mida lacagta garsooruhu sheego in laguugu leeyahay, marka lagu daro kharashka iyo ujuuroonyinka. Xukunka waxaa ka dhalanaya dulsaar qiimaha la gooyaya, marka haddii aan dhaqso loo dhiibin lacagtu maalin kasta waa sii kordhaysaa.

Amarka maxkamadda kuguma qasbayo in aad bixiso. Amarku caadiyan wuxuu sheegayaa in lacag laguugu leeyahay. Sida badan dayn-bixiyuhu wuxuu qaada tallaabooyin dheeraada si aad qasab ku bixisid. Tusaale, lacagta laga soo gooyo mushaarooyinkaada, dakhli kale ee akaawnada bangiga (eeg Qaybta 5). Waxaa kalo la qaban karaa (wax ku xiran hantidaada). Tani waxay ku qasbaysaa in aad dib ka bixisd hantidaada taaso la iibin karo, iyadoo lacagta xukunka lagu bixinayo.

Mushaarooyinkaada ama akaawnka baniga waa laga jari karaa iyadoo aan xukun kugu dhicin. Haddii laguu keeno: (Yeeritaanno iyo u hoggaansanaanta) si looga kaaftoomo lacag jaridda.

Iska ilaalinta lacag jaridda

Haddii aadan bixin, dayn-bixiyaha ama hay’adda uruurinta waxay awoodi karaan in ay ka soo goostaan mushaarooyinkaada ama akaawnkaadabangiga ama qasab lagu iibiyo hantidaada. Xasuuso, dayn-bixiyuhu uma baahna in uu helo xukun adiga kugu liddi ah si uu awoodo in mushaarooyinkaada ama akaawnkaada bangiga laga soo jaro.  

Laakiin sharcigu wuxuu ilaalinayaa qaar ka mida lacagtaada iyo hantidaada. Tusaale, dayn-bixiyuhu ma qaadan karo wax ka badan 25% mushaarkaada saafiga, ama $380 toddbaadkii, sikastaba ha u sarreeye. “Mushaarooyinka saafiga waxaa loola jeedaa guriga waxa aad ku qaadatid ama wixi ka soo hara marka canshuurta laga jaro.  Musaarkaada ama waxa ku soo gala waa laga jari karaa haddii aad qaadato nooc kasta oo ka mid kaalmada bulshada ama 6 bilood marka ay joogsato kaalmadaada bulshada. Dakhliga Cayrta ama Maamulki Hore waa laga ilaalinayaa dayn-bixiyeyaasha intooda badan.

Gurigaada waa haysan kartaa haddii qiimuhu yahay $420,000 ama ka yaryahay (haddii dayn-bixiyuhu uu rahan u saarantahay milkiyadda), gaariga ku qiimaysan $4,800 iyo alaabada guriga iyo maacuunka jooga $10,000. Lacagta loo hayo caafimaadka ee ku jirta akaawnka keydaka oo qiimaheedu yahay $25.000 waa mid la ilaalinayaa laga soo bilaabo 1 May, 2018. La soo xariirqareen si aad u ogaato in dakhligaada ama hantidaadu aanay halis u galin.

Ma Ka Badbaado Qabta Lacag Aruuris

Xeerarka Federaalka Minnesora “waxay cafinayaan” lacagaha qaarkood iyo noocyada qaarkood ee dakhliga iyo hantida. Cafiisku waa waxyaabaha qaarkood oo aan la goosan karin, la qaban karin, ama loo qaadan karin si lagu bixiyo xukunka daynta. Tani waxay dhacdaa markii aad leedahay dakhli yar ama aadan hanti lahayn.

Noocyada qaarkood ee dakhli ayaa sidoo kale ayaa la cafiyaa. Haddii aadan hubin, dakhligaada, iyo hantidaada in ay qalanto cafiska, la xariir adeegahada Sharciga ee degmadaada ama qareen gaara.

Haddii dakhligaada ama hantidada lagaa “ cafiyo. Dayn-bixiye-yaashu waxay kaa qaadan karaan dakhligaada ama hantidaada in lagu bixiyo xukunka maxkamadda ay ku guulaysteen. Xitaa inkastoo amarku sheegayo in aad siiso dayn-bixiyaha, dakhligaada iyo hantida waa laga ilaalinayaa iskudayidda dayn-bixiyaha in daynta loo uruuriyo iyo in aad tahay “caddayn-uruuriye.”

Sidee ku ogaanaysaa in lagu dacaweeyay?

Waad ogaanaysaa marka lagu dacaweeyo sababtoo ah waxaad helaysaa waraaq la yiraahdo “Yeeritaanka Dacwadda” (Summons and Complaint.)

Helitaanka waraaqaha waxaa ka yiraahdaa “Adeeg”  “(Service)”. Adeegga waraaqaha qof ahantaada ayaa loo soo dirayaa, boostada mararka qaarkoodna waxaa la soo marsiinaya ogaysiis lagu baahiyo wargeyska maxalliga ee sharciga ah.

  • Haddii  si gaara laguugu soo diro waxay ku soo dirayaan qof “hawshaas ka shaqeeya” ama ku-xigeenka shariifka
     
  • Haddii waraaquhu boostada ku yimaadaan oo dacwadda laga xareeyay maxkamadda degmada, waxaa lagu weydiinayaa in aad saxiixid warqadda taaso sheegasya in aad heshay warqadda hubaal-celinta, maxkamadda ayaa bixinaysa kharashka dhinaca kale haddii la adeegsado ku-xigeenka shariifka ama “adeegaha gaarka” ee warqadda kuu keenay.
     
  • Haddii ogaysiis laga baahiyay wargayska, Yeeritaanada keliya ayaa la baahinayaa. Adeegsiga baahinta ogaysiiska inta badan waxay ka dhigantahay in qofka la dacaweynayo in aan la aqoon halka uu joogo.  Dhab ahaan haddii ad aragto ogaysiiska la baahiyay, waa wax adiga kuu yaalla in aad qofka la xariirto ama ganacsiga ku dacweeyay (dacweysanaha). U sheeg meesha aad joogto. Isla marka aad u sheegto waa in ay kuu soo diraan Gaarsiinta iyo Dacwadda. Haddii aadan arag ogaysiiska, dacwaddu waa kugu soconaysaa.

Sida Looga Jawaabo Dacwadda

Haddii lagu dacaweeyo, markasta ka jawaab, gaar ahaan haddii aad rumaysantahay in sheegashada dayn-bixiyaha ay khalad tahay. Haddii aadan ka jawaabin markastaba dayn bixiyuhu wuu ku guulaysanyaa “bixin la’aanta”. Waxaad tahay  “ mid waajibkiika ka baaqsaday” haddii aadan dacwadda ka jawaabin.

Sida looga jawaabayo waxay ku xirantahay haddii lagaa dacweyay Maxkamadda Heshiisiinta ama Maxkamadda Degmada. Maxkamadda Heshiisiinta waa cabashooyinka yar-yar ee Minnesota. Haddii lagaa dacweyo Maxkamadda Heshiisiinta, sida badan boostada ayaa lagu keenayaa ogaysiiska. Waraaqaha ogaysiiska waxaa la yiraahdaa Gaarsiinta iyo Ashtakada ( Summons and Complaint). Waraaqaha waxay kuu sheegayaan taariikhda iyo saacadda dhagaysigaada. Waxay kaloo bixnayaan caddayn gaaban oo ku saabsan dawadda laguugu soo oogay.

Maxkamadda Heshiinta qoraal kuma jawaabaysid haddii adaan lahayn ashtako gooni ah oo liddi ku aha qofka ku soo dacweeyay. Tan waxaa la yiraahdaa dacwadda liddiga. Hasayeeshe waa in aad maxkamadda tagto waqtiga laguu qabtay si aad ugu sheegto garsooraha sababta aadan masuul uga ahaynn dacwadda laguugu soo oogay.

Haddii lagaa dacweeyo maxkamadda degmada, ogaysiisku kuuma sheegayo taariikhda ama saacadda dhagaysiga. Dhagaysiga dib ayaa waxaa soo muddaynayaa maamulka xaafiiska. Jawaabtaada waa in qoraal lagu siiya qareenka dhinaca kale ka wakiila. Jawabtaada waa in lagu keenaa waqti kooban, inta badan 20 cisho, haddii kale jawaab la’aanta waxaad ku mudanaysaa waajib gudasho la’aan (Default).

U Jawaabidda Maxkamadda Heshiisiinta

Maxkamadda Heshiisiinta waa Minnesota dacwadaheeda yar-yarka ah.  Waxaa lagugu dacweyn illaa $15,000. Haddi dacwaddu ay ku lug leedahay dayn macaamil quutaha tirada lacagtu waa $4,000. Uma baahnid qareen, umana baahnid in aad ku soo xareyso qoraal si aad dacwadda liddiga ku aha uga soo jawaabto.

Haddii aad doonayso in aad ka jawaabto dacwadda lagugu soo oogay ama dacwad liddi ku ah qofka ku soo dacaweeyay, waa in aad qaadata (cabashada-liddiga). Si taas aad u sameyso waa inaad tagtaa xaafiiska maamulaha ugu yaraan 5 cisho ka hor tariikhda dhagaysiga. Weydiiso kaaliyaha foomamka aad u baahantahay.

Laga yaabo in aad door bidi lahayd in la xalliyo ka hor dhagaysiga heshiiska aad dhinaca kale la gaaraysid. Oggolaan kartaa in aad bixiso xoogaa lacaga marka loo eego waxa dhinaca kale uu kugu soo dacweeyay. Ama oggolaan kartaa in aad dhinaca kale ku warejisid hanti si dacwadda loo xalliyo.

Haddii aad rabto in dhinaca kale wax la xalliso, wac ama waraaq u dir iyaga ka hor taariikhda dhagaysiga. Waxaa laga yaaba in aad ka heshid dhex-dhexadiye ka shaqaya dhexdiina ka hor dhagaysiga lagu xallinayo khilaafka.  Minneapolis ka wic Conflict Resolution Center (612) 822-9883.

Haddii aad dacwadda xalliso, heshiiskiina qoraal ka dhig. Ha caddaado intii suurtagala erayada heshiiska aad gaarteen. Maalinta dhagaysiga hore u soo qaado maxkamadda qoraalka heshiiska oo weydiiso garsooraha si uu caddaysid heshiiska kana mid dhig waxyaabaha ay maxkmaddu ku go’aminayso dacwaddaada. Tani waxay adiga kaa ilaalinaysaa adiga iyo dhinaca kale in aad mardambe is-khilaaftaan.

Waa in aad tagtaa maxkamadda saacadda la muddeeyay. Haddii jadwalka maxkamaddu socdo waa in aad sugtaa. Mar ay ahaataba dacwaddaada dhagaysiga waa laguugu yeeraya. Haddii aad ogaato in aadan tagi karin ama aad u baaqato arrima de-degga oo kula soo gudboonaaday awgeed wac ama u sheeg xaafiiska maamulaha maxkamadda sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxa aad weydiisan kartaa 20 cisho ka dib dhagaysiga la nuddeeyay, hasayeeshe waa inaad caddaysaa in arrimo culus oo deg-degga kula soo gudboonaatay oo kugu keentay in aad ka baaqato dhagaysiga. Arrimaha culus ee deg-degga waxaa ka mida in aad isbital ku jirto. Xaalado badan ee dhifa, waxa aad codsan kartaa dhgaysi cusub waqti caqligala.

U Diyaargarowga Maxkamadda

Isku diyaari in aad maxkamadda tagto. Waa inaad la hadashaa oo qorshaysataa wixii aad meesha la tagi lahayd. Qoraal si dulmara ugu sheeg wax kasta oo aad u baahantahay.

La hadal markhaati kasta oo wax ka sheegi kara dacwaddaada. Weydiiso iyaga in ay dhagaysiga yimaadaan una sheeg garsooraha waxay ka marag- furayaan. Garsooraha waxay u badantahay in aanu ka aqbalin caddayn qoraala markhaatiga aan maxkamadda imaan karin.

Haddii markhaatiga aad u baahanayd aanu doonayn in uu yimaado dhagaysiga markii aad weydiisatay, la hadal maamulaha xaafiiska maxkamadda sidii loogu diri lahaa warqadda wicitaanka. Warqadda yeeritaanka waa amar qofka faraya in uu maxkamadda yimaado.

Haddii dacwooduhu (dhinac kale) uu haysto qoraallo, dokumentiyo ama waxyaaba kale oo dacwadda wax ka taraya, oo aan lagu tusin iyaga, maamulaha maxkamadda weydiiso in loo yeero. Amarka yeeritaanka ayaad ku helaysaa dokumentiyada.

Shuruuc cayiman ama xeerar ayaa ku lugle oo ku yaalla maktabadda degmadaada ayaa lagaga baaraandegi karaa (sida badan dhismaha maxkamadda ee degmada) ama in aad ka raadsato shabakadda internetka sida loo sameeyo, ama aan loo samay,ee kiiskaada quseeya.

Waa fikrad wanaagsan:

  1. Tijaabi soo bandhigidda qorshahaaga maxkamada aad garsooraha u jeedinaysid. Si fiican u eeg dhagaysiga maxkamadda heshiisiinta ka hor waqtiga dhagaysigaaga. Waxaa ka eegi karataa  watch a video about conciliation court online amase gal http://mncourts.gov/Help-Topics/Conciliation-Court.aspx

     
  2. Isku habee dokumentiyadaada una soo qaado maxkamadda dhammaantood si ay kuugu noqdaan caddayn aad maxkamadda la tagto. Caddaymaha waxaa lasoo raacin karaa:
  • sawirro
  • waraaqo la soo diray
  • rasiidyo
  • qiimaynno
  • heshiisyo kiro, qanraasyo oo qayb dacwadda ka mida.

Dhagaysiga inta lagu jiro xasuuso meesha aad ku sugantahay iyo garsooruhu xaq u leeyahay in si kale wax u go’aamiyo. Noqo mid edboon xagga garsooraha iyo dhinaca kale.

Haddii Lagaa Guulaysto Maxkamadda Heshiisiinta

Haddii laga guulaysto, waxa aad haysataa 20 cisho oo ka bilaabata tariikhda xukunku dhacay in aad racfaan u qaadato Maxkamadda Degmada. Haddii aad u hubtid in ad racfaan qaadatid, wac qareen sida ugu dhaqsiyaha badan si uu kaala taliyo sida racfaanka loo qaato. Waxaa jirta halis ah in aad ku guuldaraystid racfaanka oo misna aad lacag dheeraada siiso dhinaca kale. Waxaa laga yaabaa in aad u bahato qareen adiga kaa wakiil noqda taasuna waxay keeni kartaa xitaa in wax siyaada ah sii bixiso.

Haddii dhinaca kale kaa guulaysto “iyaga ayaa gacanta sare leh”.  Kolba dhinaca adkaaday ayaa helaya xukunka maxkamadda. Xukunku waa amar sheegaya in lacag gaara uu dhinaca kale kugu leeyahay, qofka guulaystay ( sidoo kale xukunku u aqoonsanayaa dayn-bixyaha ama dhinaca adkaaday). Haddii aad bixin wayso ama aadan bixin karin lacagta laguugu xakumay waxa qaadi kartaa tallaabooyin dheeraada.

Waxay isku dayayaan in ay ka soo goostaan dakhligaada ama akaawnadaada bangiga ama isku dayaan in ay qaatan hantidaada qaar ka mida. Qayb ka mida daqligaada, qaar hantidaada iyo suurtagal ahaan qaar ka mid lacagtaada akaawnada bangiga waa la ilaalin karaa.

Eeg qaybaha ku magacaaban Uruursiga Ma Badbaado Qabtaa “Are You Collection Proof?” bogga 9 eeg iyo Ha ka dhigin “dayntaada aan sugnay mid sugan bogga 24.

Haddii aad racfaan u qaadato Maxkamadda Degmada oo lagaa guulaysto, xukunku wuxuu xogtaada ku jirayaa 10 sano, haddii aadan bixin ama lagaa saarin musalifidda.  Haddii aadan bixin, dayn-bixiyuhu wuxuu cusboonaysiin karaa 10 sano mar kale iyo markale illaa aad ka bixiso ama lagaa qaado musalifidda. Lacagta xukunka waxaa raacaya dulsaar qimaha uu sharcigu gooyaya. Lacgta dulsaarka wuxuu ku xirantahay qiimaha la gooyay ee sanadka ee xukunku dhacay. Xukunku wuxuu ku jirayaa xogtaada amahda sida musalifnimada waxaana adkaanaya in aad qaadato amaahato.

Guulaystaha ama dhinaca” adkaaday” wuxxu markasta uruursan karaa waxa loo xakumay 10 sano gudahood haddii daqli, akaawnadaada ama hanti ay wax ka helaan.  

U jawaabidda Maxkamadda Degmada

Maxkamadda Degmadu waa ay ka adagtahay  Maxkamadda Heshiisiinta. Haddii aad ka hesho waraaqo Maxkamadda Degmada, wa in aad aragtaa qareen sida dhaqsiyaha badan marka aad hesho. Haddii aad tahay mid daqlo yar, waa inaad la xariirtaa Xaafiiskaaga Adeegyada Sharciga Liistada xaafiiska Sharciga ee maxalliga eeg bogga 46.

Magaca waraaqaha aad ka hesho Maxkamadda Degmada waa “Wicitaanada iyo Cabashada” (“Summons and Complaint”),  kaga soo “Jawaab” qoraal Wacitaanka Dacwadda 20 cisho gudahood. Haddii aadan soo jawaabin caadiyan waxaa dacwadda lagaaga adkaanaya fulin la’aanta amarka. Jawaabtaada ugu ku soo dir boostada qareenka dhinaca kale. Haddii aanay lahayn qareen, toos iyaga ugu dir. Ka reebo koobi Jawaabtaada oo maxkamaddana u soo qaado.

Jawaabtaada waa in laga helaa sababta ay kula tahay in aan waxa lagugu lahayn lacagta uu dhinaca kale kugu soo dacaweeyay. Dhab ahaan haddii aadan lacag haysan ama aadan awoodid in aad bixiso lacagta laguu haysto kuuma noqonayso “diffaac” iyadoo maxkamaddana aanay ka joojinayn in ay xukun kugu riddo.                                                     

Haddii 20 cisho wax ka badan ay ka soo wareegto marka aad heshay Wacitaanada iyo Cabashada, isla markiiba wac qareen. Waxaa dhici kara inaad diffaac maxkamadda la timadaan.           

Waxaa laga yaabaa in maxkamaddu isku daydo in xal heshiis la gaaro iyado loo marayo ( xal kale oo khilaafka lagu dhammeeyo). Kan waxaa lagu magacaaba dhex-dhexaadin. Adiga iyo dhinaca kale waxaa laga yaabaa in laydin weydiisto dhexdheaadiye in aad soo xulataan idinka caawiya sidii heshiis loo gaari lahaa. Hehiiska wuxuu yeelan karaa waxyaabi sida, in dhinaca kale la siiyo qaar ka mida lacagta ama la sameeyo jadwal lacag-bixin. Haddii labadiina aad heshiiska gaartaan, qoraal ka sameeya oo siiya garsooraha si uu dib u eego iyo in uu ku oggolaado dhagaysigiina.

Haddii adigu aad laf ahaantaada matalaysid, isku diyaari dhagaysigaada. Waa figrad waaagsan in aad wax ka baratid waxa aad awooddo ee ku saabsan habraaca loo soo gudbinayo dacwaddaada iyo waxa ku saabsan sharciga oo saamaynaya natiijada dacwaddaada. Weydii qof aad ku kalsoontahay si uu kaa cawiyo dhacdooyinkaada la xariira sida dacwadda loo soo bandhigo. Samee tijaabooyin wixii aad u sheegaysi garsooraha.

QAYBTA 5 – Gooynta Mushaarka iyo Xuquuqdaada

Gooynta Mushaarka iyo Xuquuqdaada

Lacag goyntu waa marka qof lacag laga soo uruuriyay oo lagu laha oo lagala soo baxayo akaawnkaaga bankiga ama mushaarkaada. Mararka qaarkood, dayn-bixiyuhu wuxuu maxkamadda ka helaa xukun adiga kugu liddi aha. Dayn-bixiyuhu uma baahna xukun si akaawnkaaga bangiga ama mushaarka lacag looga soo gooyo. Dacwadaha qaarkood, lacagtaada lama goosan karo. Lacagta aan la goosan karin waxaa la yiraahdaa “lacag cafinta”. Waa in aad buuxisaa waraaqo caddaynaya in lacgtaada la cafiyo. Haddii aan lacagtaada lagaa cafin, isku day in aad la xaajooto shirkadda ama qofka haysta xukunka kugu liddiga aha. Waxaa laga yaaba in ay kaa oggolaadaan qorshe lacag bixin, ama xitaa bixinta lacag ka yar lacagtii badnayd. Haddiii wada xaajood aad samaysaan hubso in qoraal laga sameeyo iyo in labadiina dhinac aad saxiixdaan. Koobi ka hayso iyada.

Hay’adda la-talinta daynta aan faaida doonka ahayn sida (National Foundation for Credit Counseling) ayaa ku cawi kara. Ka wac 1-800-388-2227 xafiiska maxalliga. Raadi shirkado lacag soo dallaca oo “dib u hagaajiya” amaahdaada. In badan kuwaasa waa qaali! 

Waxtarkaaga ma lagaa goosan karaa ?

Sida badan, waxtarrada kaalmada bulshada lama goosan karo. Waxtarradaas waxaa lagu magacaabi karaa “waxtarada dawladda oo baahida ku saleysan.” Waxtarada dawladda waxaa ee baahida ku saleysan waxaa ka mida sida barnaamijyada

  • MFIP
  • Kaalmada Deg-degga (Emergency Assistance)
  • Kaalmada Caafimaadka (Medical Assistance)
  • Kaalmada Guud (General Assistance)
  • MSA
  • SSI
  • Kaalmada Tamarta (Energy Assistance)

Fiiro Gaara: Liistadaan kuma jiraan barnaamijyada idil ee ah waxtarrada dawladda ku saleysan baahida. Ugu yaraan 2 maxkamadood ee Minnesota ayaa xakumay in EITC (Earned Income Tax Credit) dakhliga canshurta laga cafiyo lacag goynta intooda badan.

Barnamijyada kale sida (Social Security RSDI) iyo Waxtarrada Askartii Hore sidoo kale waa laga cafinayaa goynta. Haddii aadan hubin waxtarradaada aad qaadato si lagaaga cafiyo la hadal qareen ama wac Xafiiskaaka Adeegyada Sharciga.

HASAYEESHE waxaa jira waqtiyo lacagtaasu AANAY ammaan ahayn. La tasho qareenkaada haddii qof kugu handado in uu qaadanayo waxtaradaada.

Tusaale:

  • Wixii ka badan 15% hawlgabka Soshaal Sikuuridkaada, naafanimada iyo waxtarada badbaadada waa la goyn karaa si loogu bixiyo daymaha dawladda la xariira sida masruufka caruurta, amaahda ardayda iyo canshuuraha daqliga kolba inta  ugu yaraan aad qaadato $750 bil kasta. Waa in ay ku soo gaartaa digniin ka socota Khasnadda Dawladda Mareykanka ka hor inta taasu aanay dhicin.
     
  • Sidoo kale, waxtaradaada waa la yareyn karaa ama waa la joojin karaa haddii degmadaada ay go’aan ku gaarto in aad qaadatay waxaadan xaq u lahayn.

Iyagu ma kala bixi karaan lacag akaawnkaada bangiga ?

Haa, haddii lacagta aan la “cafin.” Haddii akaawnkaada bangiga lacag laga goosto, ma awoodid in aad isticmaasho lacagtaada akaawnka ku jirta. Waa la fariisinayaa inta aad dalbanaysid cafinta. Wax ogaysiisa ma helaysid ka hor inta tanu aanay dhicin. Bangigu wuxuu kuu soo dirayaa ogaysiis ka hor inta aan lacagta la “fariisan.“  Ogaysiisku wuxuu kuu sheegayaa xuquuqdaada ku saabsan cafinta. Waqti ayay qaadanaysaa ka hor inta bangigaadu aanu soo saarin (fariisin la’aanta) lacagtaada. 

Haddii aad haysato jeegag qoraala ama aad haysato lacag bixinada iswada (automatic) -- waxaa laga yaabaa in la soo celiyo! La hadal dadka aad lacagta u qortay una sheeg dhibka jira. Haddii aad samaysid lacag-bixinada iswada, sidoo kale taas waa la soo celinayaa. Baabi’I lacag-bixinadaada iswada! Kala hadal maamulaha bangiga waxa dhacaya. Waxaa laga yaabaa in ay oggolaadaan baabi’inta kharashka xad-dhaafka (over draft).

Lacagta ku jirta akaawnkaada bangiga ilaha qaarkood waa laga ilaalinayaa (cafiska) in la goosto. Ilaha qaarkood waxaa ka mida:

  • waxtarada dawladda ee ku saleysan baahida iyo inta badan waxtarada bulshada/guud  
  • Waxtarada shaqa la’aanta
  • Xaqsiinta shaqaalaha
  • Hawlgbayada  (intooda badan)
  • Lacagaha laga helo caymiska nafta
  • Waxtarada askartii hore 
  • Kasabka canuggaad lagu helo  yar
  • masruuf kasta ee canugga ee lagu siiyo 
  • waxtarrada caymiska naafonimada
     

Daymo, hadiyadaha, iyo dad kale lacagtood lagama ilaalinayo in la goosto marka la soo dhigo akaawnkaada bangiga. Balse, haddii aad leedahay akaawnka wadaagga, dadka kale lacagtooda waa laga yaabaa in la ilaaliyo. Si dhaqso ah la hadal qareenkaada. Mararka qaarkood lacagta sida badan la cafiyo lama ilaalinayo haddii laguugu leeyahay daymo sida
 

  • masruufka caruurta
  • meherka ama masruufka iyo marrinka
  • amaahda ardayga ama
  • canshuuraha
     

Cafiska mushaaraadka wuxu soconayaa 20 ama 60 cisho ka dib marka bangiga la soo dhigo. Eeg “Ma ka goosan karaan lacagta mushaarkaada?” ee bogga 17.

Haddii bangigu uu yahay hay’ad maaliyadeed waxay isku dayayaan in ay lacagta laguugu leeyahay kala baxaan akaawn kale oo aad iyaga la leedahay, wac qareenka isla hadda.

Sida Loo Dalbanayo Cafiska Akaanwnka Bangiga

Ma helaysid wax digniin ah ka dib marka awnkaada la fariisiyo. Bangigu waa in uu kuu soo qoraa ogaysiis qoraala iyo foomka cafiska ka hor inta lacagtaada akaawnka bangiga aan la fariisin. Haddii lacagtaada laga cafiyo (eeg xagga sare) buuxi LABADABA ogaysiiska cafiska. Hubi in aad ku soo darto koobiyo caddaymaha 60 cisha ee ugu dambeeyay. Sii hal koobi qofka ama shirkadda lacagta goynaysa iyo hal koobi sii bangigaaga.

Haddii bangigu aanu diidin dalabkaada 6 cisho gudahood, bangigu waa in uu lacagta ku soo celiyaa akaawnkaada. Haddii bangigu aanu helin ogaysiiska cafiska 14 cisho dhexdood, lacagtaada waa la hakinayaa, mana isticmaali kartid iyada.

Mushaarkayga iyagu lacag ma ka goosan karaan?

Iyagu kama goosan karaan lacag mushaarkada haddii: 

  1. aad qaadanayso ama aad qadatay waxtarrada “dawladdda ee ku saleysan baahida” 6 dii bilood ee ugu dambaysay (eeg qaybta waxtarrada ee xagga sare)

Fiiro Gaara: Maxkamadaha Minnesota waxay xukumeen EITC lacagta (Daqliga Canshuurta Amaahda la kasbaday) waa laga cafinayaa goysmada intooda badan. Hal Maxkamad ayaa xukuntay in Daryeelka Minnesota (MinnesotaCare ) uu yahay waxtar “dawladeed oo baahida ku saleysan”.                

  1. Tahay maxbuus ku jiray xabsi 6dii bilood ee ugu dambaysay.

2 cafisku wuxuu ilalinayaa mushaarkaada 60 cisho ka dib marka aad bangigaada ku shubto.

Haddii aadan lahayn cafis, imise ayay iyagu qaadan karaan?

Mushaarkaada intiisa badan waa la ilaalinayaa – xita haddii aan lagaa cafin. Sida badan, lacagta la ilaalinayo waa laba midkood $380 ama 75% mushaarkaaga saafiga inta kolba ugu yaraan aad qaadato $290 toddobadkii, labada kii badan.

Keliya 20 cisho: xadka “25% xadkaan” sidoo kale waxaa lagu fulinayaa mushaarka lagu shubayo akaawnkaada bangiga – laakiin waa 20 cisho keliya. Tusaale, haddii aad ku shubto $1,000 musharkaada bangiga, $250 ayaa la goosanayaa markaas iyo $750 kale oo la goosan karo 20 cisho kadib.

LAAKIIN- goyntu waa masruufka caruurta, ka bacdi illaa 65% oo mushaarkada ka mida waa la joojin karaa.

Fiiro gaara: Haddii aad tahay qandaraasle madax bannaan ama aad ganacsi leedahay, markaas cafinta mushaarada lama fulinayo. Waa in Aad la hadashaa qareenkaada si aad u ogaato in laguugu fulin karo.

Sida loo Dalban Karaa Cafinta Mushaarka

Waa in aad heshaa ogaysiis qoraala ugu yaraan 10 cisho ka hor inta mushaarkaada la goosan marka ugu horreeysa. Haddii lacagtaada la cafiyay, buuxi ogaysiis cafiska ee warqadda la socota. U dir hal koobi qofka ama shirkadda lacagta kaa goosanaysa iyo hal koobi oo aad u dirto loo-shaqeeyahaaga. Samee waxaan sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtagalka aha. Haddii aadan ku samayn 10 cisho gudahood, weli waa dalban kartaa cafiska, laakiin waqti dheer ayay kugu qaadanaysaa si aad u joojisid lacag gooynta iyo lacagtaada in laguu soo celiyo.                         

Maxaa dhacaya kaddib marka aad dalbato cafiska ku saabsan mushaarkaada ama akaawnka bangiga!

Waxaad wici kartaa dayn-bixiyaha oo weydii marka ay u sheegayaan loo-shaqeeyahaga ama bangigaada in lacagtaada laguugu soo celiyo. Dayn-bixiyuhu wuxuu ku weydiin karaa macluumaad dheeraada ama caddayn/muujin, sida caddaymaha waxtarada. Waxaa laga yaabaa in lacagtaada dhaqso laguu soo celiyo haddii aad dirto caddaynta ay ku weydiisteen. Laga yaabaa in aad u baahatid iyo la hadasho qareen kaa caawiya dalabka cafiska.

Waa sidee haddii dayn-bixiyuhu diido?

Haddii dayn-bixiyuhu diido dalabka cafiskaada, waxay haystaan 6 cisho oo ay ku weydiistaan dhagaysi maxkamadeed si ay u ogaadaan in lacagtaadi la cafiyay. Waxaad tagi karta dhagaysiga qareen la’aan. Xasuuso in aad horay u qadatid dokumenti kasta oo caddaynta cafiska kaa caawinaya.

WAA MUHIIM: Haddii aadan dalban cafisyo ama aadan weydiisan dhagaysiga waqtigiisa, weli dib waa ka dalban kartaa. Marna xaqaada ma luminaysid si aad u joojiso lacag-goynta ama in lacagtaada laguu soo celiyo. Marna ha isku hallayn in talo sharci ku siiyo dayn-bixiyuhu ama dayn uruuriyaha.

QAYBTA 6 – Daymaha Ardayga

Ka Dhig Dayntaa Ardayga Mid Dibadda Ka ah Bixin-waa

Waxbarashada kulliyadda waxay noqon karaa maalgalinta ugu wanaagsan oo aad weligaa samayso. Kaa caawinaysaa in aad hesho shaqooyin lacag badan.

Dad badan ayaa lacago amaahday oo ay ku bixiyaan dugsiga. Daymaha ardayga waa ay ka duwantahay noocyada daymaha kale. Waa ay ka fuduudaan kartaa si loo maareeyo sababtoo ah waxaa la helayaa tiro fursado doorasho kala duwan ee lacag-bixin. Laakiin waxay kaloo noqon karaa kuwa adag in la maareeyo sababtoo ah kuwa wax daymiya, oo ay ku jiraan haya’adaha Dammanadda iyo Waaxda Waxbarashada Mareykanka, waxaa adkaan karta in ay kula soo xariiraan. Haddii aad ku guuldareysato bixinta dayntaa ardayga, dayntu waxa ay noqonaysaa “waajib gudasho la’aan.” Taaso macnaheedu yahay in dayn-bixiyuhu lacagtaada qaadan karo xitaa sikasta oo aad “caddaymo aruursato.”

Xasuuso in ad dib u bixinaysid dayn kasta oo ad qaadatay. Isku day in aad ku bixisid waxbarashadada deeqo, deeqo waxbarasho, shaqo waxbarasho iyo noocyo kale ee kaalma lacageed sida kolba suurtgalka ah. Yareeh kharashaadkkada nolasha inta waxbarashada aad ku jirto. Haddii ay suurtagal tahay, ku bixi waxbarashadaada Daymaha Ardayga Tooska (toos ay u samayso Waaxda Waxbarashada Mareykanka), sababtoo ah iyagu sida badan waxay bixiyaan waqtiyo wanaagsan.

Ka Dhig Dayntaa Ardayga Mid Dibadda Ka ah Bixin-waa
Waxaad haysataa fursado kala doorasho leh oo aad uga dhigto ardaygaada mid heer wanaagsan. Haddii aadan awoodin in aad bixiso lacagta billaha, la xariir daynbixiyahaaga.

Daqliga ku salaysan qorshaha dib u bixinta

Waxaad weydiisan kartaa dayn-bixiyehaaga in la yareeyo lacagaha billaha, haddii ad dayntaada ka saartid ka dib Julay 1993, amaahiyuhu waxaa laga yaaba in uu ku siiyo qorshe dib u bixin oo ku saleysan daqligaada.

Waxaa jira 4 nooc oo daqliga ku salaysan qorshayaasha dib u b ixinta.

  1. Daqliga Ku Salaysan Dib U Bixinta (IBR-Income Based Repayment)

Haddii aad leedahay dayn federaala oo aadan ku jirin amar-gudasha la’aanta waxaa laga yaabaa in aad heshid qorshaha dib u bixinta IBR. Kan waxaa ku jira Daymaha Waxbarashada Qoyska ee Federaalka (FFELs).

Si loogu qalmo IBR, waa inaad muujisaa dayn kugu filan ee la xariirta daqligaada. IBR waxay adegsanaysaa cabbir xiriira oo muujinaya kolba inta aad awoodid oo aad ku bixiso bil walba. Waa inaad sanad kasta xaqiijisaa daqligaad. Lacagahaaga waxaa lagu jaangoynayaa haddii uu isbaddal ku yimaado daqligaada iyo xaddiga qoyskaada.

  1. Daqliga Dib U Bixinta Suurtagalka ah (ICR-Income Contingent Repayment)

Waxaad isticmaali kartaa kICR keliya haddii aad leedahay Daynta Tooska ah ama Daynta Tooska Midaysan. Lacag-bixintu waxay ka badnaan karin 20% dakhliga ku soo gala ee ka hooseeya xadka saboolinimada. Haddii daqligaada ka hooseeyo xadka saboolnimada, lacag-bixntada waxay noqon kartaa eber. Haddii aad lacagta bixiso illaa 25 sano, dayn kasta oo kugu harta waa la tirtirayaa.

  1. Dib u Bixinta Daqliga Xasaasiga (ISRP - Income Sensitive Repayment)

 ISRP waa Daynta Waxbarashada Qoyska Federaalka (Federal Family Education Loan) (FFEL) taaso laga doonayo lacag-bixinta ugu yar oo la mida dulsaarka lacagta uruurtay. Qorshyaashaas waxaa ku jira, dayn bixintaada billaha oo ku saleeysan duuduubka daqligaada la filan karo.

Jaangoyntaas sanad kasta waa la samaynayaa.

  1. Bixi kolba Wixii Aad Shaqaysatay (Pay as You Earn) (PAYE)

Si loogu qalmo PAY, waa in aad bixisaa qayb ka mida dhaqaalaha adag. Haddii aad leedahay qaybta dhaqaalaha adag waxaa lagaa doonayaa in aad bixisid dayntaada wax ka sarreeya wixii aad bil walba ku bixi jirtay PAY.

Wixi macluumaad dheeraada eek u saabsan qorshayaasha iyo u qalmdda, gal: www.studentaid.ed.gov. Waxaa kalo dhinac wanaagsan: www.studentloanborrowerassistance.org 

Barnaamijka Adeegga Cafiska Daynta

Haddii aad shaqayso waqtiga buuxa adeegyada guud shaqooyinka qaarkod, waxaad ka midnoqonaysa cafiiska daynta ardaygaada. Heerka daynta waa in aad ku bixiso 10 sano ka dib. Laakiin haddii aad ku jirto barnaamijka yareynaya lacag-bixntaada, waxay qadaynayaa muddo ka dheere halkii ad ku bixin lahayd 10 sano ka dib. Barnaamijkaan dhexdiisa, haddii aad bixiso 120 jeer (wax ku saabsan 10 sano) waxa laga yaabaa in aad joojiso lacag-bixinta wixii intaas ka dambeeya. Faraqa kadib 120 lacag-bixinta waa qayb ka mida waxa la cafin karo mana aha in aad bixiso. Mana ku dhacaysid amar gudasha la’aanta ama in aadan awoodin samaynta barnaamijaan.

Wixii ku saabsan faah-fahinta barnaamijaan, gal: www.studentaid.ed.gov

Dib U Dhigidda

Haddii aadan bixin karin idil ahaan, weydiiso “dib u dhigid.”  Dib u dhiggidu micnaheedu waa in aadan wax bixin karin iyadoo daynta wax dulasaara aanay fuulayn inta dib u dhigistu ay ay jirto. Dib u dhigistu waxay dhammaan kartaa illaa 3 sano. Waxaad heli karta dib u dhigid haddii:

  • Shaqadaadi aad waydo,
  • Ay kula soo gudboonaato dhibaatooyin caafimaad,
  • shaqada uga tagto si aad u daryeesho caruurtaada yar yar,
  • aad ku jirto shaqada ciidanka, ama 
  • ay ku haysato qaab kale oo adag, kasab yarida.  

Waxa aad heli kartaa dib u dhigista haddii dayntaadu aanay ku jirin amar gudsha la’aanta marka aad weydiisanayso iyo inaad adeegsan 3 sano ee waqtiga dib u dhigista.

Dulqaadashada

Haddi si kumeel gaara aad naafowdo ama ay ku haysato culays dhaqaale waxaad weydiisan kartaa“ dulqaadasho.” Dulqaadashadu macnaheedu waa in aad daymiyaha kula heshiisid joojinta lacag-bixinada muddo ama aad lacag yar bixiso. Daymiyuhu waxaa laga yaabaa in uu ku siiyo dulqaadasho 3 sano oo dib u dhigista. Laakiin dulsaar ayaa korayaa dayntaada muhiimka ah inta ay socto dib u dhigistu.

Faraqa u dhexeeya dib u dhigista iyo dulqaadka waa dulsarka kolba ku kordhaya dulqaadka.

Dayntaadu Marka ay Gaarto Bixin – waaga

Dayn-bixiyuhu wuxuu caddayn karaa in dayntu tahay bixin-waa haddii aad ku guuldarreysitid bixinta lacagahii lagaa doonayay ugu yaraan 9 bilood.

Waxaa jira waxyaabo adag oo sababa bixin-waaga.                                  

Kuwaas waxaa ka mida

1.  In aad wayso xaqa aad u leedahay dib u dhigista.

2.  dayn-bixiyuhu in uu ku dacaweeyo, helo xukun adiga kugu liddi ah, iyo uu qaato wax ka mida daqligaada ama aan ku jirin cafiska marka la eego sharciga gobolka ee hantidaada.

3.  Xitaa adiga oo aan lagu dacaweyn, Waaxda Waxbarashada Mareykanka waxay qaadan kartaa daqligaaga federaalka ee cashuurta dib u celinta oo ay ku jiraan Cashuurta Amaahda –EITC dib u soo celinta.

4.  Adiga oo aan lagu dacweyn ama aanu xukun kugu dhicin Waaxda Waxbarashada Mareykanka ama hay’adda Dammaanadda Gobolka waxay goosan laraan mushaarkaaga haddii aad kasbatay wax ka bada 30 jeer mushaarka ugu yare e federaalka.

5.  Haddii aad qaadatid wax ka badan $750 bil kasta oo ah Soshaal Sikuuridka ama waxtarada Maamulka Askartii Hore, Waaxda Waxbarashada Mareykanka waxay kaa goosa lartaa 15% jeeggaada, ama lacgtaada jeeg kasta  oo ka badan $750 mid kasta  oo a yar. Haddii aad qaadatid waxtarada daqliga Badbaadaa Dheeraadka(SSI) oo aan ka badnay $750 bilkasta, Waaxda Waxbarashada waxay kaa goosan kartaa qayb kasta oo ka mida waxtarradaada.

6.  Haddii aad doonayso in aad dugsiga db ugu noqotid, waxaad qaadana kartaa gargaar, ha ahaado daymo ama damiin.

Ka Dhig Daynta Ardaygaaga mid Baxsan Bixin-waa

Waxaa jira qaabab aad uga bixi kartid bixin-waaga dayntaada. Waad joojin kartaa in Waaxda Waxbarashada lacagta ay ka goosato mushaarooyinkaada ama waxtarada Soshaal Sikuuridka iyo soo celinta lacagaha canshuurtaada.

  • Waad “baxnaani” kartaa dayntaada. Si taas aad u samayso, adiga iyo dayn-bixyehaaga waxaad ku heshiinaysaan bishii inta aad bixinayso ee caqligalka ah oo aad maareyn kartid. Waxaad u baahantahay in aad ka fakarto waxyaabha sida daqliga iyo kharashaadka. Waa in aad samaysaa 9 lacag-bixin si aad uga baxdo bixin-waaga.
     
  • Haddii aad leedahay wax ka badam hal dayn, ka fakar dayn xasiloon. Taas waxaa bixisa Waaxda Waxbarashda Mareykanka. Dayntaada cusub waxaa lagu bixinayaa dayntaadi hore. Haddii dayn-bixi-yehaagu aan haysan xukun ama amar lacag goyn oo adiga kugu liddi ah, waxaad u qalantaa dayn xasiloon. Sababo qaarkood oo aad ku heli kartid xasiloonida daynta waa:
  1. in aadan horay ku jirin bixin-waaga, sidasna waxaad u qalantaa dib u dhigista, xitaa haddii  aad lahayd dib u dhigsta dayntaadi hore.
  2. Xasilloonida daynta tooska dib ayaa waxaa lagu bixi karaa qorshaha dib u bixin“ daqlia xaaladda qura”. Haddi si kale loo dhigo, dayn-bixiyuhu waa in uu oggoladaa in lacag bixinta billaha in ay tahay waxaad awoodi karo oo ku salaysan daqligaada waqtiga xaadirka.

Si aad u cosato Daynta Xasilloonida Tooska ah (Direct Debt Consolidation), ka wac Xarunta Taageerada Daynta Ardayga (Student Loan Support Center at 1-800-557-7394.)

  • Haddii walaacaada wayn uu yahay in aad rabto si aad awooddo helidda dayn dheeraada iyo ballanqaadka ah in aad dugsiga dib ugu noqotid, waa in aad isku daydaa in aad heshiis la gaartid dayn-bixeyehaaga si loo yareeyo dayntaada lagana dhigo wax aad awoodi kartid. Haddii aad samayso 6 lacag-bixin intii aad u qalantay oo ku saabsan daymahada iyo ballanqaadyada daynta waxbarashada cusub.                                                                                                               

Fiiro Gaara: Laakiin weli dayntaadu waxay ku jirtaa bixin-waaga la xariira ujeeddooyin kale., sida uruurinta. Dayn-bixiyuhu weli wuxuu qaadi karaa tallaabooyinka uruurinta, in uu qaato canshuur-celintaada iyo mushaaraadkaaga oo loo gooyo.

  • Xitaa haddii aad dayn qaadatay wixii ka horreeyay Julay 1993 waxaad awood u yeelan kartaa dib u soo celin. Tanu macnaheedu waa ka bixidda bixi-waaga, cusboonaysii u qalmiddaada dib u dhigidda, jooji tallaabada uruurinta. Waxaad awodi kartaa in aad samayso kan marka aad 12 lacag-bixin ku samayso lacagta aad kula heshiisay dayn-bixiyehaaga.

    Waxaad weydiisan kartaa dulqaadashada xitaa hadfdii aad ku jirto bixin-waaga. Dayn-bixiyahaaga wuxuu awoodaa, mararka qaarkoodna waa inuu, ku siiyaa dulqaad xitaa haddii aad ku jirtid bixin-waaga. Dulqaadku kama saarayo dayntaada bixin-waaga ama ma cusboonaysiinayo u qalmiddaada daymo ama dammaanado cusub ee ardayga, hasayeeshe waxay joojinaysaa tallaabada uruurinta.

Waa side shirkadda uuruunta haddii ay soo wacdo?

Haddii uruuriyaha daynta uu uruurinayo daynta ardayga, kuma dhibaatayn karaan waana in ay u hoggaansamaan Xeerarka Caddaaladda Uruurinhaddita bogga 4 Eeg Qaybta 3 – Xuquuqdaada Uruurinta Daynta. 

Ka Dhig Daynta Ardaygaada Mid Baxda

1. Musalifnimada 

Nidaamka guud waa in daymaha ardayga aan laga saarin musalifnimada. Ka saaridda waa inaad dib u bixin daynta. Sikastaba, haddii garsooruhu go’aamiyo in daynta ardaygu ay kugu keeni karto “qaan culus” haddii aan laga saarin, isaga/iyada waxaa la amri karaa in daynta la qaado. Haddii daynta laga saaro, markaas waxba ma bixinaysid. Dayn-bixiyahu ma qaadan karo tallaaba kasta ee uruurin, adiguna waxaad u qalantaa daymo iyo dammaanado cusub ee ardayga.

“Qaanta culus” waa wax adag in la caddeeyo. Waa inaad caddaysaa in aadan lahayn daqli ama ilo ad ku bixiso daynta ardaygaaga lacag-bixinno macna leh, iyo adigoo aan ka soo rayn karin mustqbalka. Waa fududdahay inaad kan samayso haddii aad naafowdo.
 

2. Cafinta Daynta 

Mararka qaarkood day-bixiyuhu waa in uu ka tanasulaa iskudayidda uruurinta daynta. Tani waxa lagu magacaabaa “cafinta” daynta. Dayn-bixiyuhu waa ka tanasulayaa dayntaada ku sugun duruufo qaarkood.

  • Dugsiga xiran 
    Waxaad qaadatay dayn ka hor 1 Janaayo 1996 hasayeeshe ma aadan dhammaystirin barnaamijkii waxbarashadaadi sababtoo ah dugsigii ayaa la xiray.
     
  • Awoodin in aad ka faaidaysato 
    Dugsigaadu wuxuu kugu qoray barnamij ay ogaayeen in aadan ka faaidaysan doonin. Tusaale, haddii aadan haysan shahaadada dugsiga sare waqtiga aad isqoratay, iyo shahaada jaamacadeed/shatiga ama shahaadada aad higsanayso waxay u baahantahay shahaadad dugsiga sare.
     
  • Dugsigaada wuxuu illoobay saxiixa arjigaada daynta.
     
  • Waxaad tahay gebi ahaan mid qaba naafonimo joogto ah.                      
     

Waaxda Waxbarashada waxay leedahay foomam la adegsado marka aad doonayso in daynta lagaa cafiyo. Soo degso bogga internetka https://studentaid.ed.gov/sa/repay-loans/forgiveness-cancellation

Si dayn-bixiyehaaga ama hay’adda uruurinta macluumaad badan kolba inta aad awooddo macluumaad iyo qoraallo xoojinaya dalabkaaga, oo ay la socdaan dokumentiya xoojinaya,dayn-bixiyehaga ama wakiiladooda uruurinta.

Ma u baahantahay macluumaad dheeraada?

Haddii aad qabto su’aalo ku saabsan daymaha ardayga, qorshaha dib u bixinta ama aad u baahantahay macluumaad dheeraada, gal, bogga internetka Waaxda Waxbarashada www.studentaid.ed.gov.

Ama wac ka wac Federal Student Aid Information Center (FSAIC) telefoonada: 1-800-4-FED-AID (1-800-433-3243), (TTY) 1-800-730-8913.     

Haddii aadan garanayn midka uu yahay dayn-bixiyaha ardaygaada, waxaad weydiin kartaa National Student Loan Data System shabakaddooda https://nslds.ed.gov/nslds/nslds_SA/ ama adigoo waca telefoonka 1-800-4-FED-AID.

Dhibaatooyinka kaa haysta dayn-bixiyeyahaaga?

Haddii aad u baahantahay xallinta muran kaala dhexeeya dayn-bixiyaha  deynta ardaynimada, ama ay kula tahay in uu ku xadgudbayo xuquuqdaada ka wac Student Loan Ombudsman telefoonka 1 (877) 557-2575 ama ka raadi foomka khadka caawimada “Ombuusman” www.studentaid.ed.gov.

QAYBTA 7 - Dib U Lacag-bixinta

Haddi aad qabto wax shakiyo ah, ha samayn dib u lacag-bixinta

Dib u maamulidda dayntaada markii aadan awoodin lacag-bixinada billaha socda waxay kuula muuqan kartaa fikrad wanaagsan laakiin waxaa laga yaabaa in danahaada ugu wacan aanay ku jirin. Halkaan waxaa jira waxyaabo u baahan in laga fakaro marka dib u maalgalinta ay u egtahay sida qaab looga baxayo xaaladaha dayntaada.

  • Haddi aad qabto wax shakiyo ah, ha samayn dib u lacag-bixinta 

Dib u lacag-bixinta inta badan waa qaali. Waxay noqon kartaa qiimayayal la soo hormariyay, ama mid ka badan jadwalka dib u bixinta cusub. Isweydii haddii lacagaha hadda aad bixisay, ama lacagaha cusub ee dib u maalgalinta haddii adiga ay kuu roonyihiin. Iskudar qiimayaasha. Muxuu noqon karaa wadarta buuran ee cusub oo aad ku bixin doonto wax ka badan daynta waqtiga nolosha? 

  • Intee qaadanaysaa muddada aad lacagaha ku bixinaysid?
     
  • Waa imisa qiimaha dulsarkaada cusub iyo maxay la macna yihiin shuruudaha wadartaa dulsaarka oo aad bixin doontid wax ka badan daymahaaga nolosha cusub?

Ha u Baddalin Dayn Aan sugnayn Dayn Sugan

“Daynta sugan” waa marka dayn-bixiyuhu uu haysan karo hantida shaygi loo ballan qaaday (lagu magacaabo “rahanta”) haddii aadan bixin. Dayn-bixiyuhu uma baahna marka hore in uu ku dacaweeyo -- sida badan waxay qaadan karaan rahantaada kolba sida aad u soo dhaqsato ama u soo daahdo. Kuwani sida badan waa rahamaha daymaha guryaha iyo gawaarida.

“Daynta aan sugnayn” waa midda aan dammaanadda lahayan. Haddii aadan bixin, marka dayn-bixiyuhu waa in uu maxkamadda kaa dacaweeyo si uu lacagta u helo. Waa fikrad xun in aad lacag ka daynsato dayn sugan si aad ugu bixiso dayn aan sugnayn. Sababtu waa wax xun sababtoo ah cafisyadaadu waxaa laga yaabaa in ay ka ilaaliyaan hantidada idil dayn-bixyasha aan sugnayn sida kaarka amaahda shirkadaha. Hasayeeshe cafisyadaas ma joojinayaan dayn-bixiyaasha sugan.

Tusaale: gurigaada ayaa lacag amaaha ku qaadatay (lagu magacaabo Daymaha Hantida Guriga) si aad ku bixiso biilka kaarkaada amaahda. Xitaa inkastoo gurigu uu ka ammaan yahay kaarka amaahda shirkadaha, gurigaada waa waayi kartaa haddii aadan bixin Daynta Hantida (Equity Loan).

Weydii Su’aalo Inta Aadan Saxiixin Dokumentiya Kasta

  • Muxuu noqonayaa qiimaha dulsaarkaada cusub? 
  • Waa maxay hantida aad leedahay ee aad u dhigayso dammaanadda daynta?
  • Waa intee iyo imisa sano/bilo oo aad ku bixinaysaa waajibaadka dib u maamuidda cusub ee daynta?
  • Muxuu noqonayaa wadarta lacag-bixinta billahaaga marka aad bixiso daynta?
  • Ma jiraan xeerar gaara (shuruudo) oo ku saabsan lacag-bixinadaada muddada daynta lagugu leeyahay?
  • Lacagtu ma isbaddali karta?  
  • Waa maxay qaddimaadda qiimaha xiritaanka?  
  • Ma jiraan wax kharashaadka xiritaanka ee socda?
  • Goorma ayaa dayn-bixiyahaagu cusub ku weydiisan kara bixinta wadarta lacagta laguugu leeyahay ka hor dhammaadka heshiiska?

Ka Taxaddar Khiyaamada Dib u Lacag-bixinta

Ma garanaysaa bangiga, dayn-maamulaha, ama hay’adda lacagta maamusha? Xaggee ku soo dhaweynaysaa iyaga haddi qof albaabkaada yimaado? Ma ka roontahay in aad isticmaasho shirkad maxalliga, halkii aad ka isticmaali lahayd hay’ad “aan la isku halleyn karin--fly-by- night”. Waxaa jira dad badan oo dibadda kaa eegaya si ay ku khiyaameeyan. Lacagtaada ayay qaadanayaan maantay beeri marka la gaarana waxay ka iibinayaan waajibaadka lacagtadi haay’ad maalgelin ee kale oo aan awoodin in ay adiga kula shaqeyso. Gurigaadina waad waynaysaa.

Ka Taxaddar Dayn-bixiyeyaasha Sida Gardarrada Wax Xayaysiiya

  • Iska jir day-bixiyaha kuu soo jeedinaya in uu ku amaahiyo lacgtaada halkii qiima dammaandeed laga bixin lahaa
     
  • Iska jir haddi ay dhiirrigeliyaan canshuurta ka go’aysa dayntaada, haddii ay sidaas yeelaan, hubso in ay kuugu sharraxaan luqad aad fahmi kartid marka iyo sababta aan dayntaada loo canshuurayn.

Iska Jir Khiyaamada Wax Ka Baddalka Daynta

  • Haddii aad ku jirto xaaladda la wareegidda hantida oo aad doonayso in aad hagajiso dayntaada ama yareyso amaa in aad ku fidiso lacag-bixinadaada, Xarunta Lahaanshaha Guriga Minnesta waxay ka shaqeysaa barnaamijka ka-hortagga. Wixii caawinaad ah wac Homeownership Center at 651-659-9336 ama booqo khadk internetka http://www.hocmn.org
  • Iska jir caawinaadda laguugu siinayo wax ka baddalka daynta kaaga imaanaya qof ama ganacsi kugu soo dallacaya ajuuro. Haddii aad doorato in aad adeegsato qof ama ganacsi kaa caawinaya wax ka baddalka daynta, ha bixin wax ajuurooyin ah illaa ay qabtaan adeegii ay ballan qaadeen.

Ha Maalgashan Shirkadda Haysata Dayntaada Asalka

Waxay ku oran doonaan waa in aad bixisaa kharashka xiritaanka daynta cusub. Waxay kugu soo dallaci karaan ganaax lacag-bixinta ka horreeya marka ay bixiyaan dayntaadi hore. Waxay ku adkaysanayaan in aad bixiso dulsaar qiimahiisu ka sarreeyo dayntaada cusub. Waxay ku adkaysanayaan in aad ku soo darto hanti kale oo la falgasha si nabdoon waajibaadka dayntaada cusub.

La tashi Samee Intii Aadan Saxiixin

Hubso in aad ka hesho talo sharci iyo maaliyadeed oo madaxbannaan xirfadlayaal inta aadan saxiixin. Waxaad u baahantahay in aad xulato qofka ku caawinaya. Ha xulan midka kugugu taliya amaahda. Weydii qofka aad raadinayso waraaqaha lagu qabto shaqada iyo talada u ku siinayo inta aadan saxiixin.

Haddii dayntu ay tahay amaahda guriga loo simanyahay ama amaahda khadka, markaas waxaad haysataa 3 cisho oo aad ku baabi’iso kadib marka aad saxiixdo. Waad baabi’in kartaa sabab kasta oo dayn-bixiiyaha aad qoraal ku wargalisid. Xasuuso daynta noocaan ah waay galinaysaa gurigaada sidii wax rahman.

QAYBTA 8 – Musalifnimada

Musalifnimada

Musalifnimada waa habraac sharci maxkamad feederala. Qofka qaba dayn badan waa laga saari karaa daymahaas (“ ka saar iyaga”) ama in uu  qaato qorshe dib u bixin cusub (“ dib u dhisidda”) haddii maxkamaddu ay oggolaato. Labada nooc ee ugu muhimsan musalifnimada quutaha waxaa lagu sheegay Cutubka 7 iyo Cutubka 13.

Cutubka 7

Cutubka 7 ee musalifnimada waxaa kaloo loo yaqaanna xaq-gudidda musalifnimada. Waa iska saari kartaa masuuliyaddaada dhammaan ama intooda badan daymaha adigoo ka tanasulaya cafis la’aanta hantidaada in la iibiyo. Tani sida badan kuma jiraan gurigaada, gaariga ama saabaanka/alaabada guriga. Lacagtaas markaas waxaa la siinayaa dayn-bixiyeyaashaada.

Musalifnimada noocaan ah, dayn-bixiyuhu waxaa uga soo noqonayaa sanuud doollarkaada lacagta asalka laguugu lahaa. Haddii la oggolaado musalifnimada, kuma sii qasbanid sharciyan in aad daynmaha dib u bixiso. Waxaad bixinaysaa keliya haddii aad dib u xaqiijisay waajbkaadkii ahaa in aad bixiso daymo cayiman kadib markii musalifnimada la sameeyay. Dib u xaqiijinta daynta macnaheedu waa in aad oggoshahay bixinta daynta cayimanIn.

Cutubka 13

Cutubka 13 masalifnimada waxay ku siinaysaa dib u u habaynta daymaha iyo hantida. “qorshaha Cutubka 13” waxaa loo abuuray si aad u bixiso dayntaada isgaartay 3 illa 5 sano. Maxkamadda musalifnimada ayaa oggolaanaysa qorshaha. Dayn-bixiyeyaashu sida badan ma helayaan lacagahooda oo idil oo ay kugu lahaayeen, laakiin waxay helayaan qaar ka mida iyada.

Fikraddu waa in taasu ay ka fiicantahay in lacag laguu soo celiyo halkii wax la’aan aad noqon lahayd. Noocaan musilifnimada mararka qaarkood waxaad awooddaa in aad haysato qaar ka mida hantida aan cafiska lahayn. Laakiin hantida ku jirta liistada ah “dulsaarka aan sugnayn” ama dammaanadu waa ay ka duwntahay. Waaa in aad u hawlgashaa sidii aad u heli lahayd heshiis cusb ama qandaraas oo aad la gasho shirkadda haysata liistada hantidaada sida dulsaarka sugan. Markasta ma awoodid in hantidaada oo idil ku haysid noocan musalifnimada.       

Waxyabaha Wanaagsan ee Ku Saabasan Musalifnimada

  • Wuxuu ku siinaysaa bilow cusub sida loo maareynayo maalgalinta iyo aad u qalmaysid waajibaad maalgelineed.                                                         
  • Wuxuu kuu suurtagalinayaa in aad haysato gurigaada ama gaariga si aad u isticmashid. Xareynta musalifnimada waxay kaa ilaalin kartaa la wareegidda, baabi’inta heshiiska iyo dib u hanashada gawaaridaada.
  • Waxay joojinaysaa hawlgallada uruurinta in muddo ah.  Xareynta ilaalinta musalifnimada waxay joojinaysaa:
  1. Uruurinta hawlgallada ay jirto goynta lacagtaa iyo waxyaabaha ku xiran la bilaabay ee diyaarka ah.
  2. Dacwadaha la wareegidda, ka saaridda, baabi’inta hehiisyada la gaaray
  3. Dacwadaha uruurinta qasabka ah ama waajibaadyo kale
  4. Dhammaynta adegyada nalka/biyaha iwm
  5. Uruurinta xukunada kugu dhacay.

Joojinta hawlgalladaas waa kuwo ku-meelgaara, laakiin muddooyinka qaarkood ka dib waa inaad u hawlgashaa qorshe lacag-bixin ama aad samaysaa diyaargarow kale oo aad ku gunaanadaysid ficillada uruurinta. 

Waxyaabaha Xun ee Ku saabsan Musalifnimada

  • Musalifnimadu waxay tahay in aad ka tanasushay hantidaada aan cafiska lahayn ama sababa kale awgeed aan ilaashanayn. Sida in ay rahan ku jireen, heshiis la galay ama dulsaarka sugan (sida gurigaada ama gaariga).
     
  • Musalifnimady waxay kaloo tahay in ay waqti adag kugu qaadan doonto si aad mustaqbalka ugu hesho amaah alaabada iya adeegyada muhiimak iyo lagama maarmanka kuu ah. Muslifnimadu waxay ku jiraysaa taariikha kalsoonidada muddo ku siman 10 taaso sababi karta in dayn-bixiyeyaal badan in aanay dayn ku siinin.

    Dayn-bixiyeyaasha maxalliga qaarkood waxaa laga yaabaa in aanay danba ka galin warbixinta amaahdaada, ama maqaamka aad bulshada ka joogto awgeed, in ay weli ay rajaynayaan in amaah lagu siiyo.
     
  • Musalifnimadu waxay saamayn xun ku yeelan kartaa sumcaddaada haddii ay soo shaac baxdo. Taasu waa sabab kuu noqon karta” dib u xaqiijinta” daymaha ay leeyihiin dayn-bixeyeyaasha bulshadaada.

Filing for Bankruptcy

To file for bankruptcy you almost always need the help of a lawyer.  Many lawyers charge a set fee plus court filing costs for specific types of bankruptcy help. Some lawyers are willing to set up payment schedules for their fees.  Others want the full amount up front. 

If you have questions about bankruptcy meet with a lawyer who practices bankruptcy law in order to discuss your rights, options and the required procedure.

If you would like legal advice about your debts or a possible bankruptcy, call a lawyer or your local Legal Services office.

If you would like help with budgeting or with paying your debts, you should call Family Means’ Consumer Credit Counseling Service (CCCS) at 651-789-4014 or 1-800-780-2890.  CCCS may be able to help you set up a repayment plan to take care of all your debts.

Xaraynta Musalifnimo

Si loo xareeyo musalifnimada, markasta waxaad u baahantahay qareen ku caawiya. Qareena badan waxay kugu dallacayaan kharash oo lagu daro ajuurada kharashka xaraynta maxkamadda ee la xariira noocyo cayiman ee caawinaadda musaifnimada. Qareenada qarkood waxay doorbidaan in ay u sameeyaan ajuurooyinkooda jadwal lacag-bixini. Kuwa kale waxay  doorbidaan lacagta oo dhan in loo horumariyo.

Haddii aad qabto aad su’aalo ku saabsan u qalmidda musalifnimada la kulan qareen ku shaqeeya sharciga musalifnimada si aad kala sheekaysatid xuquuqdaada, doorashada fursadaha iyo hababka loo baahanyahay.

Haddii aad doonayso talo sharci ee ku saabsan daymahaada ama suurtagalnimada musalifnimada, wac qareen ama Xaafiiska Adeegyada Sharciga ee maxalliga (ka eeg liistatada xafiisyada bogga 46).

Haddii aad doonayso in lagaa caawiyo miisaaniyadda ama bixinta daymahaaga, waa inaad wacdaa Family Means’ Consumer Credit Counseling Service (CCCS) telefoonka 651-789-4014 ama 1-800-780-2890. CCCS waxay u badantahay in ay kaa caawiyaan samaynta qorshaha dib u bixinta si loo daryeelo daymahaada oo idil.

QAYBTA 9 – Maareynta Daynta, Heshiiska Daynta, iyo Ka Feejignaanta Khiyaamooyinka

Sidee Uga hortagaysaa Khiyaamada

Waxaa laga yaabaa in ad leedahay kaararka amaahda oo ku saabsan biilasha caafimadka, ama canshuurihii hore ee aan la bixin ee IRS. In dayn laguugu yeesho waa dareen walwal leh. Walwalkaas dadka waxay si fudud ku dhici karaan khiyaamada. Waxaa jira “ganacsato” badan oo akhlaaq xun oo aad u maleynaysid in ay ku caawinayaan.

Ha ku dhicin dabinka dhibaatooyinka dayntaada ugu sii daraya. Halkaan waxaa ah waxyaabo ah in aad eegto iyo ka hortagtid.

  • HA saxiixin ganacsi kuu sheegaya in ay ku caawinayaan.
    • Ka bax deynta 
    • xalli daymahaaga 
    • u oggolow dayn-bixiyeyaasha in ay keligaa ku daayaan

kala tasho hay’ad la talin ee sharciyaysan oo aan faaiido doon ahayn. Marlabaad, hubso in hay’addu la taliyeyaasheeda yihiin kuwa shahaado leh.

Ka taxddar shirkadaha bixinaya adeegyada ama qorshayaasha ”maaraynta deynta.” Kuwaas waa qorshayaal ay ku shaqeeyaan kala tagga dayn-bixiyeyaasha. Shirkadaha waxay kuu sheegayaan in ay xallinayaan qorasha dib u bixinta mid kasta ee dayn-bixiyeiyaashaada. Markaas ka dib waxay kaa qaadanayaan lacag badan/kuus bil kasta iyo in aad siiso bil kasta midkasta oo ka mida daynbxiyeyaasha. Laakiin kuuska lacagta aad bixinayso waxaa ku jira ujuurooyionka ay shirkaddu ku maaraynayso daynta. Waa in aad hubsataa kuuska lacagta ay bixinayso in ay ku jirto lacagta dhan oo ay kugu leeyhiin dayn-bixiyeyaashaadu marka lagu daro ajuurooyinka. Waydii shirkadda maareynta daynta in ay kuu sheegaan sida saxda ah ee meesha ay lacagtaada oo idil ay ku socoto. 

Shirkadaha maareynta adegyada daynta WAA IN ay shati ka haystaan Waxda Ganacsiga Minnesota, KA HOR inta aadan iyaga heshiiska u saxiixin. Tusaale, KA HORE intaadan iyaga heshiiska u saxiixin, waa in ay ku sheegaan midka dayn-bixiyeyaashada ka mida oo sheegaya in qayb ka noqon doono qorshaha oyo midka diidaya in uu ka qayb qaato. Waxay kugu soo dallaci karaan hal mar wax ka badan $50 ajuurada “bilowga” kadibna waxaan ka badanayn $75 bilkasta oo ah “ ajuurada hagaajinta”

  • Si weyn uga taxaddar shirkadaha bixinaya adeegyada “heshiisyada daynta.” Shirkadahaasu waxay ku shegayaan in ay yareynayaan daymahaada iyadoo dayn-bixiyeyashu “cafis” ku bixinaya qayb ballaaraan ee lacagta laguuugu leeyahay – ha ahaato kaarka amaahda, daynta caafimaadka, ama daynta canshuurta. Waxba ha saxiixin illaa aad ka hubsatid in adeegu leeyahay shatiga waqti xaadirka ee laga baxshay Waaxda Ganacsiga MN.

OGAYSIIS MUHIIMA 

Shirkadaha heshiisyada daynta MA qaadaan karaan wax lacag horumarisa iyo waxay ku weydiisan karaan in aad ajuuro bixisid keliya kadib marka ay qabtaan adeegyada ay ballan qaadeen.              

Shirkadaha heshiiska daynta WAA IN ay shati ka haystaan Waaxda Ganacsiga. WAA IN ay raacaan shuruucda adag ee Minnesota oo ilaalinaya quutayaasha. Tusaale, inta aadan saxiixin heshiiska hubso in qorshahaan in uu xaaladdaada ku habboonyahay. Waxay kuu sheegi doonaan in aanay ku ballan qaadayn guul, iyadoo weli aad la xarriiri karto iyo dacweyn karto dayn-bixiyeyaasha. Waxay kaloo kuu sheegayaan in dulsaar iyo ajuuro lagu darayo inta lagu jiro muddada qorshaha heshiiska daynta.

Fiira Gaara: ulajeeddada ugu muhiimsan ee” maareynta daynta” waa in si buuxda lagaa caawiyo dib u bixinta waxa laguugu leeyahay oo idil. Ujeeddada ugu muhimsan ee “heshiiska daynta” waa in qayb ka mida dayntaada la “cafiyo” iyadoo lacagta aad bixinayso ay ka yartahay waxa lagugu leeyahay.

Inta aadan kala saxiixan shirkadaha maareynta daynta ama heshiiska daynta, iska hubi in ay shati leeyihiin. Waxaad ka eegi kartaa Waaxda Ganacsiga si aad u ogaato in shirkaddu shati leedahay adigoo waca telefoonka 651-539-1600 ama 800-657-3602 amaa aad gasho khadkooda internetka https://mn.gov/commerce/consumers/your-money/credit/credit-counseling.jsp

Musalifnimada Waxaa Dhici Kara In AANAY Xal Noqon

Musalifnimada MA AHA waddada keliya oo dayntaada looga xaajoon karo. Waxaa haysataa fursado dooorasho. Waxaa dhici kara in musalifnimada aan loo baahan ama aanay macne samaynayn haddii:

  • aadan lahayn daqli, keyd, iyo hanti kale oo daymahaada lagu bixin karo.
  • aad doonayso in aad haysato hantida lagaa qaadan karo si daymahaaga loogu bixinayo
  • daymahaagu ay yihiin keliya waxaan badnayn 
  • aad haysato difaac adag sababtoo ah in aan daynta laguugu lahayn
  • aad haysato waddo aad wax ku bixiso dayntaada ama 
  • sababta keliya ee aad u doonaysid xareynta musalifnimada ay tahay joojinta rabashka dayn-bixiyeyasha. Waxaa jira qaabab kale oo lagu joojiyo oo aan ahayn musalifnimada.

Fiiro Gaara: Haddii daymaha aad ka walacsantahay lagu xoojiyay (la sugay) gurigaada ama gaari ama hanti kale oo muhiim ah iyadoo daqligaaduna ku filnyahay in lagu bixiyo daymahii hore iyo kuwa dambe, musalifnimadu kuma caawinayso (eeg bogga 27).

Haddii mid ka mid sababahaas ay kugu dhcaan, waxaa jira waxyaaba kale oo aad samayn kartid oo aan ahayn musalifnimada. 

La Talinta Amaahda Laga Yaabo In Ay Ku Caawiso

Hay’adaha la talinta daynta sharciyaysan waxay kaa caawin karaan qabka ugu habboon oo dayntaada lagu xalliyo. Hay’adaha sharciyaysan halkaan waxay u joogaan in ay ku caawiyaan, ma aha in ay dadka khiyaameeyaan. Sida ugu wanagsan oo lagu hubin karo in hay’addu ay sharciyaysantahay waa in aad adeegsato adeegga aan faaiido-doon ahayn kaaso noqon kara lacag la’aan ama mid kharash yar.

La-taliyeyaasha wanaagsan waxay kaa caawin karaan in xaaladdaada ay eegaaan, ku siiyaan fursado kala doorasho, iyo tala kaa siiyaan sida ugu habboon ee dib loogu soo celi karo dhaqaalahaada. Waxay kaloo kigu siin karaan lacag-la’aan ama qiima jaban tababar maaliyadeed si aad uga gaashaamatid dhibaatooyin mustaqbalka.

Hubso hay’adda aad la mucaamalayso in “la aqoonsanyahay” Tanu macnaheedu waa in ay haysato shaabbad loogu oggoladay in ay u qalanto heerarka sare. Sidoo kale hubso in la-taliyeyaashu ay yihiin “La-taliyaal Amaahda Quutaha oo Shati leh”. La-taliyeyaashaas waa inay ka gudbaan imtixaan si loo hubiyo in ay yihiin la-taliyeyaal wanaagsan.

Waxaad ka heli kartaa haddii hay’addu in la aqoonsanahaya iyadoo laga baarayo National Foundation for Credit Counseling at www.nfcc.org.