Cashuur Celis ma ku dalbankaraa Ilmo aan masuul ka ahayn?

Waxaa qoray
Education for Justice
Eegida ama daabicida dukumiintiyada

In aad ilmo lacag ama dakhli ku dalbato waxay yaraynaysaa cashuurtaad iyo wiliba in lacag la gu soo celiyo. Waxa aad dalban kartaa  waxa loo yaqaano “ilmaha xaqa u yeeshay “ “qualifying child” ama kuwa loo yaqaano  ee qualifying relative” waa” qaraabada xaqa dalbashada u yeelatay” oo wili madax banaanaan. Waxa loo yaqaano “ilmaha xaqa u yeeshay" “qualifiying child” waxa kale oo uu dalban karaa waxa loo yaqaano EITC (Earned Income Tax Credit) waxaana jirta 3 hab oo in aad wax ku dalbato ilmo ay cashuurtaada kaaga kaalmaynayaan.

  • Ilmaha aad masuulka ka tahaywaxa aad ku dalbankartaa in lagaa yareeyo cashuurta lagaa jaro.
  • Waxa kale oo aad ku darsami kartaa dadka cashuurta yar laga qaado.
  • Waxa kale oo aad dalbankartaa waxa loo yaqaan(EITC)
     

Hadaba waxa jira hab sharci oo loomaro dalbashada cashuurahan. Waana in aad sharciga raado. Hadii aad raaci waydo, waxa aad waayaysaa waxa xaqa aad ugu yeelan karto in aad kiis uga dhigato EITC mustaqbalka (right to file), ama lagaa dalbado inaad u soo celiso dowlada ama IRS  lacagtii aad dalbatay iyo cashuur dheeraad ah iyo wiliba ganaax. Waxyaabaha kan qaarkoo aad bay isugu murugsanyihiin.

Waxa aad heli kartaa kaalmo dhinaca cashuurta ah waa hadii aad  tahay gof dakhligiisu yar yahay ama qof da’wayn ama qof naafo ah. Si aad kaalmo agtaada uga hesho, la soo hadal  (651) 297-3724 ama First Call for Help statewide First Call for  statewide 211, (ama (651) 291-0211 from a cell phone). First Call for Help  waxa kale ee uu kaa kaalmayn karaa dhinaca luqada ama afcelinta iyo turjumaadaba