Masaariifta Ilmaha ee Aasaasiga ah

Waxaa qoray
Education for Justice

Buugan waxa uu bixiyaa akhbaar aasaasi ah oo ku saabsan sida masaariifta ilmaha loo gooyo, loo qaado, loona bedelo. Waxaa ku qoran akhbaar ku saabsan habraacyada masaariifta ilmaha ee Minnesota ee la “Saamiyada Dakhliga.”  Waa hage aan looga jawaabeyn su'aal kasta. Shuruucda ku jira qoraalkan badanaa waa kuwa la beddeli karo, haddaba iska hubso in aad la socoto wixii is beddela. Qoraalkan waxaa ku qoran oo keliya waa wax guud, oo waxaa laga yaabaa in ay ku khuseeyaan ama inaysan ku khuseyn.

Haddii aad tahay qof dakhligiisu hooseeyo qoraalkan waxaad  si bilaash ah uga heli kartaa xafiiska Adeegyada Sharciga ee deegaankaaga. Sidoo kale intarnetka www.LawHelpMN.org/so ayaad ka heli kartaa qoraalka si aad ugu akhrisato ama uga daabato.

Dadka raba waxa ay qoraalkan ku iibsan karaan $7.48 (oo waxaa lagu sii darayaa canshuur, kharshka boostada, iyo soo-dirista) oo waxaa laga helayaa  https://www.mnlegalservices.org/orderbooklets (ingiriisi kaliya).

Su'aalaha la xiriira dalbashada qoraalkan waxaa la soo weydiin karaa xafiiska Adeegyada Taageerada Sharciga ee Gobolka oo taleefankoodu yahay 651-228-9105, xiriirinta 6911. Macluumaad bilaash ah oo ku saabsan arrintan iyo mowduucyada kale ee sharciga madaniga ah, ka eego www.LawHelpMN.org/so.

Waxa kale oo aad intarnetka ka heli kartaa waraaqada xogta xaqiiqada ah oo ah mawduucyo sharci ah oo ku qoran bartooda intarnetka ama ka eego Barnaamijka Macluumaadka Caddaaladda ee Ururka Adeegyada Sharciga ee Minnesota. Fadlan soo garaac (651) 842-6915 si aad u hesho liiska.

Eegida ama daabicida dukumiintiyada

Cubtubka 2: Sidee ayaa cadadka masaariifta ilmaha ee la bixiyo loo xisaabiyaa?

Sidee ayaa cadadka masaariifta ilmaha ee la bixiyo loo xisaabiyaa?

Minnesota waxa ay leedahay habraac ah inta ay tahay masaariifta ilmaha ee la bixinayaa. Waxaa la yiraa taa “saamiyada dakhliga.” Saamiyada dakhligu waxa ay qawintaa masaariifta ilmaha iyadoo eegaysa dakhliga guud ee labada waalidba. Dakhliga guud waa dakhliga oo dhan ka hor inta aan canshuurta laga jarin.

Ka dib kolka waalid walba dakhligiisa la ogaado, labadooda dakhli waa la isku daraa. Wadartooda ayaa waxaa la barbar dhigaa habraac shaxan oo muujiya inta ay le’eg tahay lacagta waalidiinta heerka dakhligaa leh ay ku kharash garaynayaan ilmahooda. Lambarka shaxanka ayaa ka dib loo qaybiyaa labada waalid. Waxaa la qaybiyaa iyadoo lagu salaynayo waalid walba boqolkiiba inta dakhligiisu yahay taa oo isku wada noqonaysa wadarta guud ee dakhliga. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in waalidka midkii uu dakhligiisu yahay 60% wadarta guud ee dakhliga, kan kalena uu yahay 40% uun. Lambarka shaxanka waxaa loogu qaybin 60% iyo 40%.  

Masaariifta ilmaha badanaa waxaa lagu qawimaa cadadka habraaca. Laakiin, xaakimka ama qaaliga qaabilsan waxa uu goyn karaa masaariif ilmood oo ka sareeysa ama ka hooseeysa habraaca iyadoo hadba ku xiran:

  • Dakhliga, hantida, kharashka, iyo baahida labada waalid iyo  
  • Baahida iyo kharashyada ilmaha.  
     

Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in masaariifta ilmaha lagu qawimo heer ka koreeya kan habraacyada hadii ilmahu uu leeyahay baahi gaar ah oo dhanka caafimaadka ama waxbarashada ah. Waxaa dhici karta iyana in lagu qawimo masaariifta heerka ka hooseeya kan habraacyada hadii bixinta cadadka masaariifta ilmaha ee la gooyaa uu ku adag yahay inuu bixiyo qofka bixinaya masaariifta ilmahu.  

Si lagaaga caawiyo inaad ogaado inta ay tahay masaariifta ilmaha ee la amri karaa in aad bixiyo, waxa aad isticmaali kartaa xisaabaha masaariifta ilmaha ee khadka (on-line) ka ee shabakada http://childsupportcalculator.dhs.state.mn.us/ (ingiriisi kaliya).  Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato dakhligaaga guud iyo jadwalka waqtigaaga ilmaha aad haysato si aad u isticmaasho xisaabiyahan. Hadii aad isticmaasho xisaabiyaha masaariifta ilmaha ee khadka (on-line) ka  waxa aad daabacan kartaa warqada xisaabta waxa aadna la imaan kartaa dacwada dhagaysiga soo gaynta masaariifta ilmaha.

Dakhligee ayaa lagu daraa xisaabta dakhliga guud?

Si loo qawimo masaariifta ilmaha, maxkamadu waxa ay eegtaa dakhliga guud ee labada qoloba. Dakhliga guudi waa lacagta aad ka kasbato dhamaan ilaha wax kasbiga oo dhan ka hor inta aan canshuurta laga jarin. Dakhliga guudi waxa uu noqon karaa:

  • Lacagta dhamaan wixii shaqo ah oo aad haysid oo dhan
  • Dakhliga kaa soo gala iskaa u shaqaysiga
  • Taakuleynta xilaha (masruuf) ee xilihii hore uu siiyo waalidka
  • Qaar ka mid ah manfacyada naafada la siiyo
  • Lacagta hawlgabka ama waayeelka la siiyo (marka laga reebo SSI)
  • Manfaca shaqaalaha shaqo la’aanta ah la siiyo
  • Lacagaha kale ee dakhliga ah ee joogada kuu soo gala sida dakhliga kirada guryaha ama dakhliga dulsaarta dheefta ah
  • Manfacyada ciidanka ama u soo halgamayaasha wadanka la siiyo
     

Inta badan, gargaarada dowladu bixiso looma xisaabiyo dakhli ahaan kolka la qawimayo heerka masaariifta ilmaha. Lacagta saacadaha dheeriga ah ee la shaqeeyo marmarka qaarkood waa la xisaabiyaa. Hadii labada waalid mid uu dib u guursado, maxkamadu xisaabta kuma darto dakhliga xilaha cusub.

Ka waran hadii waalid uusan lahayn wax dakhli ah?

Marmarka qaarkood waalidku ma awoodo inuu shaqeeyo waayo waxa ay isticmaalaan maandooriyeyaal, ama madaxa ayey ka jiran yihiin ama sida kale ayey naafo u yihiin.  Arrimaha caynkaa ahi kolka ay jiraan, waalidka lama amro in ay bixiyaan masaariif ilmood aan ka ahayn inay leeyihiin dakhli kale. Waalidka naafada ahi waa inuu keenaa qoraalo caafimaad iyo akhbaar kale si ay u cadeeyaan inaysan shaqeyn karin.

Marmarka qaarkood waalidku waxaa uu ka tagaa shaqada, ama waxa ay bilaabaan inay ka shaqeeyaan shaqo lacagteedu ka yar tahay tii hore, ama ma shaqeeyaan sababo kale awgood. Qaar ka mid ah waalidkaa waxaa dhici karta in la amro inay bixiyaan masaariif ilmood oo ku salaysan waxa ay awoodi karaan inay kasbadaan. Arritan waxaa loogu yeeraa “Dakhliga la kari karo.”  Dakhliga la kari karo waxaa la qawimi karaa iyadoo la isticmaalayo tariikhdii hore ee dakhli kasbiga ee waalidka, ama, hadii aysan taariikhi jirin, dakhliga waxaa lagu qawimaa lacagta ugu yar ee lagu shaqeyn karo iyadoo la shaqeynayo 30-saac asbuucii.

Ka waran hadii waalid aysan soo gelin wax lacag ah oo aad u badan?

Kolka cadadka masaariifta ilmaha la xisaabinayo, waxaa xisaabta lagu daraa inta ay tahay lacagta waalidka bixinaya masaariiftu uu u baahan yahay si uu u dabaro kharashaadkiisa. Arrintan waxaa loogu yeeraa cadadka gaar meel u dhigida is-gargaarka. Cadadka gaar meel u dhiga is-gargaarku waa 120% habraaca saboolnimada dowlada dhexe ay u aqoonsan tahay halka qof. Cadadkan waxaa laga jaraa dakhliga guud ee waalidka bixinaya gargaarka (waajiblaha). Gaar meel u dhiga is-gargaarka ee sannadka 2020 waa $1,276 bishii, laakiin lambankani waa uu isbedelaa sannad walba.  

Si aad u ogaato sida gaar meel u dhigidu ay u saamayso cadadka cadadka masaariifta imaha ah, ka jar lacagta gaar u meelu dhigida is-gargaarka dakhliga guud ee waalidka. Hadii lambarkani uu ka yar yahay inta ay tahay lacagta ay habraacyadu yiraahdaan waalidku waa inuu ku bixiyo masaariifta aasaasiga ah, garaarka kharashka haynta ilmaha iyo gargaarka kharashka kaarka caafimaad ee ilmaha oo la isku daray, kolkaa cadadka masaariifta ilmaha ah waa la yareyn si kolkaa uu waalidku u haysto kharashka gaar meel u dhigida is-gargaarka.

Hadii dakhliga waalidku uu ka hooseeya cadadka gaar meel u dhigida is-gargaarku, waalidku kolkaa waxa uu bixin uun cadadka ugu yar ee masaariifta ilmaha ah ee la bixiyo:

  • Hadii ay jiraan 1 ama 2 ilmood: $50 weeye bishii
  • Hadii ay jiraan 3 ama 4 ilmood: $75 weeye bishii
  • Hadii ay jiraan 5 ama 6 ilmood: $100 weeye bishii

Ka waran hadii waalidku uu ilmo kale uu leeyahay?

Ilmaha hal waalid uu gaarka u dhalay, oo aan ka dhaxayn labada waalid ee dacwada masaariiftu ka dhaxayso waxaa la yiraa “ilmaha aan ka dhaxayn waalidka.” Ilmaha aan ka dhaxayn labada waalidi waxa ay saameyn ku yeeshaan cadadka masaariifta ilmaha ah ee la amrayo. Hadii ilmo aan labada waalid ka dhaxayn uu ku nool yahay guriga labada qolo midkood, ama ay masaariifaan ilmo aan kala dhaxayn waalidka kale oo uu gaar u dhalay kolkaa, taa xisaabta waa lagu daraa kolka la qawimayo cadadka masaariifta ilmaha ah.  

Hadii labada waalid uu mid u masaariifo ilmo uu gaar u dhalay oo aan la noolayn, cadadka masaariifta ilmaha ee uu bixiyo waxa laga jari waalidkaa dakhligiisa guud ee bilaha ah.  

Hadii ilmaha labada waalid aan ka dhaxayn uu la nool yahay waalidka kiis cusub oo masaariifid ilmood ah ku dhex jira, ka jaritaanada ilmaha aan la wadaagin waxaa la siin waalidkaa. Cadadka jaritaanka ah waxaa xisaabiya maxkamada. Waalid walbaa waxaa dhici karta inuu helo ka jirida xisaabta ilmaha aan lala wadaagin ilaa iyo 2 ilmood oo aan la wadaagin. Jaritaankani waxa uu hoos u dhigaa dakhliga guud ee bilaha ee waalidka kolka la xisaabinayo inta ay noqonayso masaariifta ilmaha ee kiiska cusubi.   

Sidee ayey haynta ilmahu ay u saameysaa masaariifta ilmaha?

Waxaa ka jira 2 qaybood oo ah haynta ilmaha ee Minnesota:

  1. Haynta Sharciga ah.
  2. Haynta la noolaanta ah.
     

Haynta sharciga ah waxaa loogu yeerikaraa ‘haynta go’aan-gaarida.” Hayntan waxay ku lug leedahay xaqqa gaarida go’aamada waaweyn oo ku saabsan nolosha ilmaha, sida:

  • Meesha uu ilmaha iskuulka ka dhiganayo  
  • caqiidada
  • go’aamada waaweyn ee quseeya daryeelada caafimaad
     

Maxkamadu waxa ay u xukumi kartaa haynta sharciga ah hal ama wada jir ahaan labada waalidba. Haynta Sharciga ah ee la wadaago macnaheedu waa in labada waalidba ay leeyihiin xaquuq iyo waajibaad siman oo ku saabsan go’aamada waaweyn ee ilmaha. Waxa ay u baahan yihiin in ay ku heshiiyaan waxa la sameynayo kolka go’aamo waaweyn in la gaaro loo baahan yahay. Maxkamadu waxa ay jeceshahay in waalidku ay wada lahaadaan haynta sharciga ah ee la wadaago, aan ka ahayn kolka waalidku aysan wada jir uga wada shaqeyn karin gaarida go’aamada ama hadii ay jireen wax dagaal iyo tacadi ah oo waalidka dhex yaal. Haynta Sharciga ah ee kalida ahi macnaheedu waa hal waalid ayaa go’aamada waaweyn gaaraya.

Haynta Gacan ku haynta ah macnaheedu waa la noolaanshaha ilmaha iyo gaarida go’aamadaha maalin walba ah ee ku saabsan daryeelka ilmaha. Haynta gacan ku haynta ah ee kalida ah macnaheedu waa ilmaha inta badan (badanaa) waxa uu la nool yahay hal waalid uun.  Haynta gacan ku haynta ah ee la wadaago macnaheedu waa ilmaha waxa uu la nool yahay labada waalidba waxa uuna waqti la wadaagaa oo u dhaxeeyaa labada waalidba. Haynta gacan ku haynta la wadaago ahi macnaheedu ma aha in waalidku ay la qaadan doonaan waqti is le’eg ilmaha. Jadwalku khasab ma aha inuu is le’ekaado si haynta gacan ku haynta ahi ay u noqoto mid la wadaago. Waqtiga waalidka ayaa maamula inta uu yahay waqtiga waalid kastaa uu la qaadanayo ilmaha.

Haynta sharciga ah iyo mid gacan ku haynta ah
inaba ma ay saameeyaan arrinta masaariifta ilmaha. Cadadka masaariifta ilmahu waxa uu ku salaysan yahay inta uu le’eg yahay waqtiga waalid walbaa uu haysto ilmaha.

Sidee ayuu waqtiga waalidku uu ilmaha hayaa uu u saameeyaa masaariifta ilmaha?

Kolka waalidku ay kala baxaan, maxkamadu badanaa waxa ay doontaa in labada waalidba ay ku lug ku yeeshaan nolosha ilmaha. Waqtiga waalidku waa waqtiga waalid walbaa uu la qaato ilmaha. Ma quseeyso arrintani cidda loo xukumo haynta ilmaha ama haynta loo xukumaa caynka ay tahay. Waqtiga waalidku waxaa uu la mid yahay booqashada.

Hadii ilmahu uu inta badan (badanaa) la nool yahay hal waalid, waalidka kale (ee la yiraa  (“waalidka aan ilmaha hayn”) waxaa la siin karaa waqti waalid. Inta qaalibka ah, waalidka aan ilmaha hayni waxa uu helaa ugu yaraan 25% oo ah waqtiga waalidka.  Arritan waxaa la xisaabiyaa iyadoo la tirinayo tirada inta habeen uu ilmaha la hoyday waalidka muddo 2-asbuuc ah. Tusaale ahaan, 25% waxa ay la mid tahay Sabti iyo Axad dhaaf kasta iyo hal habeen oo maalmaha shaqada ah oo hoyosho ah.

Hadii waalidka aan ilmaha hayni uu helo waqti waalid oo ay maxkamadi amartay, waxa uu kolkaa heli maxkamada u xisaabin kharashka waalidka kolka ay qawimayso masaariifta ilmaha. Tani waxa ay kolkaa yareeysaa masaariifta aasaaska ah si xisaabta loogu daro lacagta waalidka aan ilmaha hayni kuu kharash gareeyo ilmaha xiliga waqtigiisa waalidka ilmaha ah. Xisaabinta kharashka waalidka waxa uu ku salaysan yahay tirada inta habeen hoyinta ilmaha ah ee waalid walba uu sameeyo muddo 2-sanno ah.

Hadii hal waalid uu waqti badan oo aan ahayn habeen hoyin uu la qaato ilmo, maxkamadu waxay u xisaabin kartaa in waqtigaasi uu u “dhigmo waqti habeen hoyn” ah laakiin amarka maxkamadu waa khasab inuu u isticmaalo kalmadahaa si loogu xisaabiyo waqtigaa mid u dhigma habeen hoyin.   

Fariin muhiim ah oo ku saabsan Amarada Masaariifta Ilmaha ee la qawimay ka hor bishii Ogoosto 1, 2018
Hadii amarkaaga maxkamada ee masaariifta ilmaha uu ka horeeyey bishii Ogoosto 1, 2018, isku qawimida kharashaadka waalidku waxa uu ku salaysnaa boqolkiiba halkii u ka ahaan lahaa tirada saxda ah ee inta goor ee ilmahu waalidka la hoyday. Taa macnaheedu waa hadii aad heshay amar maxakamadeed oo waqtiga waalidka ah oo ah 10-45% waqtiga (ama 2-6 habeen hoyin ah muddo 2-asbuuc ah), waxaa aad heli u xisaabin kharashyada waalidka ah oo isku mid ah.    

Laga bilaabo  Ogoosto 1, 2018, u xisaabta kharashaadka waalidka waxaa gooya tirada inta habeen ee uu ilmahu la hoydo waalidka, kolkaa, mar walba habeeno badan ilmaha la hoyiyo  waalidka waa mar walba oo ay yaraanayso waajiblaha masaariifta aasaasiga ah ee uu bixinayo. Waxa aad ka arki kartaa in isbedelkan sharcigu uu wax ka bedelayo cadadka masaariifta ilmaha ee aad bixiso adigoo isticmaalaya xisaabiyaha habraaca soo goynta masaariifta ilmaha ee ku jira shabakada (http://childsupportcalculator.dhs.state.mn.us/) (ingiriisi kaliya) waxa aad la hadli kartaa hawl-wadeenkaaga masaariifta ilmaha ee degmadda.

Hadii amarku uu bedelayo ugu yaraan 20% iyo $75 waxa aad ka codsan kartaa maxkamad inay wax ka bedesho (bedelid) amarkaaga masaariifta ilmaha. Eeg “Cutubka 5. Bedelida Amarka Masaariifta Ilmaha ee Hadda Jira” ee bogga 26 naad si aad wax uga ogaato sida loo bedelo amarka masaariifta ilmaha ee maxkamada.

Siddee ayaa Gargaarka Haynta Ilmaha (Child Care) kharashkiisa loo xisaabiyaa?

Hadii uu waalidku u baahan yahay inuu bixiyo kharashka haynta ilmaha ah inta ay shaqo ama iskuul jiraan, kharashkaa waxaa wadaagaya labada waalid. 

Talaabada koowaad ee qawimida kharashka haynta ilmhu waa ogaanta waxa lagaaga soo goynayo kharashka haynta ilmaha bil walba.  Kharashaadkaasi waa ay isbedeli karaan sannadka dhexdiisa, gaar haan kuwa ilmaha iskuulka dhigta. Waalidka wax ka bixiya kharashka haynta ilmaha waxa uu u baahan yahay inuu keeno cadeyn sida rasiidyo ama warqado kharashka cadeynaya. Akhbaartan waxaa loo isticmaali in lagu ogaado celceliska kharashka haynta ilmaha inta uu yahay.

Tusaale ahaan, hadii waalid uu ku bixiyo $200 bishii haynta ilmaha xilliga iskuulku furan yahay, uuna ku bixiyo $400 bishii xilliga xagaaga ee iskuulku xiran yahay, kolkaa celceliska kharashka haynta ilmahu waxa uu noqon $250 bil walba.

    9 bilood X $200 = $1,800
    3 bilood X $400 = $1,200     
Wadarta sannadka = $3,000

$3,000 sannadka oo dhan ÷ 12 bilood = $250, taa oo noqonaysa celceliska kharashka haynta ilmaha ee bil walba.

Waalidka kale badanaa waxaa uu ka bixiyaa cadad go’an celceliska kharashka haynta ilmaha. Bil walba waxa uu noqon isla in xataa kolka kharashaadku ay kala duwan yihiin. Waalidka siiya lacagta qolada ilmaha haysa waxa uu u baahan yahay inuu si taxadar leh u meekhaamiyo lacagta haynta ilmaha si uu u hubiyo inay ku filnaato ayna waxa bixiso bilaha kharaskhu uu badan yahay, sida xilliga xagaagga oo kale. 

U Qaybinta Kharashaadka Haynta Ilmaha labada Waalid  
Looma wada qaybiyo dhamaan kharashhaad haynta ilmaha labada waalid. Kaliya kharashka haynta ilmaha ee la xiriira shaqada iyo iskuul dhigashada ayaa la qaybiyaa.  Tusaale ahaan, hadii labada waalid midkood uu go’aansado inuu casho aado uuna ilmaha uga tagto qof u haya oo uu lacag siiyo kolkaa, waalidka kale ma aha inuu la wadaago kharashka ilmo haynta kan kale. Kharashka waxaa la qaybiyaa ka dib kolka la qiyaaso canshuur ugu xisaabinta waalidka kharashaadka haynta ilmaha.

Xaakim ama qaali ayaa qaybiya kharashka haynta ilmaha iyadoo lagu salaynayo waalid walba  boqolkiiba dakhligiisa taa oo wadarteedu isku noqon dakhliga waalidka oo dhan. Ka eeg “Sidee ayaa cadadka masaariifta ilmaha ee la bixiyo loo xisaabiyaa?” bogga 5 aad wixii akbaar ah ee kale. Tusaale ahaan, hadii waajiblahu uu leeyahay 60% dakhliga waalidka, kolkaa asagu waxa uu bixin 60% kharashaadka haynta ilmaha. Waalidka waajibka helaha waxa uu bixiyaa 40% kharashka. Hadii waalidku ay ku heshiiyaan, ama ay maxkamadu amarto, waalidka midkii waxa uu hayn karaa ilmaha inta waalidka kale uu shaqeyanayo ama uu iskuulka jiro.

Ka waran hadii aanan awoodin inaan bixiyo masaariifta ilmaha?

Bixinta masaariifta ilmahu waa ay ku adkaan kartaa waalidka. Hadii aad tahay waalid dan yar ah ilmahaaguna inta badan adiga kula nool yahay, waxaa dhici karta inaad hesho kaalmo kharashka haynta ilmaha ah. Waxa aad ka codsan kartaa kaalmada kharashka haynta ilmaha xafiiska gargaarka ee degmadaada. Hadii aad qaadato manfacyada la yiraa (MFIP) uuna kharashka haynta ilmahu kaa hor taagan yahay inaad shaqayso, la hadal hawl-wadeenkaaga. Qorshahaaga shaqadu waxaa dhici karta inuu u baahdo in lagu daro ka caawinta kharashaadka haynta ilmaha.

Hadii waalidka kale uu helo gargaarka kharashka haynta ilmaha (kaalmo), masaariifta ilmaha ee aad bixiso waxay aadaa gobolka ee lama siiyo waalidka kale. Hadii aadan awoodin inaad bixiso, waydiiso maxkamadu inay dhinto ama “u kaadiso” qaybta aad ka bixiso kharashka kaalmada haynta ilmaha.  U kaadinta bixinta gargaarka macnaheedu waa khasab kuguma aha inaad hadda wax bixisid laakiin waxaa dhici karta in maxkamadu ku tiraa wuxuun bixi mustaqbalka hadii degmada ama waalidka kale uu maxkamad arji dacwo ah geeyo.  

Ka wadan hadii kharashyada haynta ilmahu ay isbedelaan ama ilmahaygu aysan mar dambe hayn u baahnayn?

La xiriir hawl-wadeenkaaga masaariifta ilmaha. Hadii kharashka haynta ilmahu uu si wey isu isbedelay ama ilmahaagu uusan mar dambe aadin barnaamijka haynta ilmaha, waxaad u baahan tahay inaad ka xareyso arji maxkamad si wax looga bedelo (bedelid)) amarka maxkamada. Labada waalid kii raba ayaa la xiriiri kara hawl-wadeenka masaariifta ilmaha ama arji xareysan kara. Ka eeg “Cutubka 5. Bedelida Amarka Masaariifta Ilmaha ee Hadda Jira” ee bogga 26 aad, wixii akhbaar kale ah oo ku saabsan sida loo bedelo amar masaariifta ilmaha.

Sidee ayaa Gargaarka Kaarka Caafimaadka loo xisaabiyaa?

Gargaarka kaarka caafimaadka macnahiisu waa gelinta kaar caafimaad ama mid ilkood ilmaha.  Labada waalid mid walbaa waxa uu bixiyaa qayb ka mid ah kharashka kaarka caafimaad ee ilmaha. Gargaarka kaarka caafimaad sidoo kale macnahiisu waa in waalidku kala qaybsadaan kharashaadka kaarka caafimaadka iyo kuwa ilkaha ee ilmaha kolka kaarku uusan bixin. Labada waalidba waxaa la amri karaa inay siiyaan gargaar kaar caafimaad ah ilmaha.

Hadii labada waalidba ay ka heli karaan kaar caafimaad ama mid ilkood shaqadooda, ama ururkood shaqaale kolkaa xaakimka ama qaaligu wuxuu amraa waalidku inay ilmaha caymis galiyaan. Laakiin kharashka kaarka caafimaadka waa in loo kala qaybiyo labada waalid. Cadadka waalid walbaa uu bixinayaa waxa ay ku xiran tahay dakhliga.

Marmarka qaarkood, labada waalid midkoodna kama heli karo kaar caafimaad shaqada. Ama kaarka caafimaadka ee uu waalidku ka heli karo shaqada ama urur shaqaale aad buu qaali ugu yahay.  Dhowr waxyaabood ayaa dhici karta kolka xaaladahaas oo kale ay jiraan. Hadii xaakimka ama qaaligu uu is yiraa waalidku waa ay awoodaan inay bixiyaan kharashka kaarka caafimaadka, waxa ay amri karaan in waalidku ay galiyaan kaar caafimaad oo jeebkooda ah ilmaha. Laakiin, sharcigu waxa uu yiraa waalidka waxaa kaliya oo la amri karaa inuu lacag ku bixiyo kaarka caafimaadka ee ilmaha hadii uu haysto lacag ku filan oo uu taa ku samayn karo.

Hadii aan wax caymis kaar caafimaad ah aan la heli karin, ilmahuna ay dhici karta inuu xaq u leeyahay kaarka [Medical Assistance (MA)] ama Minnesota Care. Kuwaasi waa barnaamijyo gargaar dowli ah oo ka caawiya bixinta kharashyada kaarka caafimaadka dadka danyarta ah.

Hadii aad aaminsan tahay in ilmahaagu ay dhici karta inuu xaq u leeyahay Gargaar Kaar Caafimaad (Medical Assistance), wac xafiiska masaariifta ilmaha ee degmadaada si aad u ogaato meesha la tago si loo codsado barnaamijyadaa. Si aad u hesho telefanka deegaankaaga  wac (651) 431-4400.

Hadii aad tahay waalidka aan ilmaha hayn ayna kolka aad bixiso masaariifta aasaasiga ah, kharashka haynta ilmaha iyo bixinta gargaarka kaarka caafimaad ay kuu soo harto dakhli ka yar kan meel u dhigida isgargaarka, tus arrintaa xaakimka ama qaaliga si kolkaa ay wax uga bedelaan cadadka masaariifta ah ee aad bixinayo. 

Hadii ilmahu uu helo manfacyada Gargaarka Kaarka Caafimaadka ah (Medical Assistance) waajiblaha waxaa dhici karta in la amro inuu ku bixiyo lacag go’an oo bil walba ah kharashka Kaarka Gargaarka Caafimaad (Medical Assistance).  Cadadka la bixiyaa kolkaa waxa ay ku xiran tahay awooda lagu bixin karo. Laakiin, hadii waajiblahu sidoo kale isna uu helo Gargaarka Kaarka Caafimaadka (Medical Assistance), kolkaa waalidkaasi ma aha inuu wax ka bixiyo kharashka gargaarka kaarka caafimaadka.

Xaakimka ama qaaligu wuxuu sidoo kale u qaybiyaa kharashaadka caafimaad iyo kuwa ilkaha ee ilmaha ee kaarka ama Gargaarka Caafimaad (Medical Assistance) uusan bixin labada waalid. Saamiga waalid walba uu bixinayaa waxa ay ku salaysan tahay dakhligiisa.

hadii kaar caafimaad aan la heli karin ama uusan bixin waalidka canshuur celinta laga reebay, kolkaa u sheeg hawl-wadeenkaaga masaariifta ilmaha. Hadii amarka masaariifta ilmahu oo dhami uu sedex sanno ka yar yahay, maxkamadu waxa ay wax ka bedeli kartaa (bedelid) kaliya qaybaha gargaarka kaarka caafimaadka.  Hase yeeshee, hadii maxkamadu aysan dib u eegin amarka ugu yaraan sedex sanno, wax ka bedelida waxaa ku jiri kara qaybo kale oo amarka ka mid ah, sida masaariifta aasaasiga ah ee ilmaha iyo gargaarka kharaskha haynta ilmaha.  

Dib u Eegida 6 da Bilood a

Hadii labada waalid midkood uusan u hogaansamin amarka masaariifta ilmaha, waalidka kale waxa uu codsan karaa dacwo dhagaysi dib u eegid ah. Waa khasab inaad ku codsato dib u eegida 6da bilood ee ugu horeeysa.  Ma aha wax iskood u dhaca.  Foomka lagu codsado dib u eegida waxaa uu ku  lifaaqay amarkaaga masaariifta ilmaha. Waxaad kale oo aad ka heli kartaa shabakada (website) maxkamada:

  • Gal shabakada www.mncourts.gov
  • Riix “Hel Foomam”  (“Get Forms”)
  • Riix “Masaariifta Ilmaha”  (“Child Support”)
  • Hoos tag ka dibna riix “Arjiga Dib u Eegida” (“Motion for Review”) ee ku hoos jira (Form/Packet Name)
  • La soo bax (Download) mid walba oo ka mid ah foomamka liiska ku jira  
     

Kolka dacwada la dhagaysanayo, maxkamadu waxay eegtaa in labada qoloba ay raacayaan xeerarka masaariifta ilmaha, haynta iyo waqtiga booqashada waalidka. Maxkamadu ma ay bedeli karto amarka laakiin waa ay ku ganaaxi kartaa waalidka u hogaansamid la’aanta amarka.

Cutubka 3. La Shaqeynta Adeegyada Masaariifta Ilmaha ee Degmada

Adeegyada Masaariifta Ilmaha ee Degmada

Waaalidka midkii waxa uu ka codsan karaa xafiiska masaariifta ilmaha ee deegaankooda caawimaad ku saabsan masaariifta ilmaha xataa hadii aysan cayr qaadan. Waalidka aan cayrta qaadani waa inuu buuxshaa codsi uuna bixiyo $35 oo ah khidmada codsiga.

Kolka waalid aan cayr qaadani uu codsado adeegyada masaariifta ilmaha, 2% ayaa khidmad ahaan loogala haraa wixii loo soo saaro. Khidmadani waa ka siyaado khidmada codsiga. Hadii waajib-helahu uu codsado adeega, 2% khidmada ah waxaa laga jari wixii masaariif ilmood ah ee la soo qaado. Hadii uu waajiblahu uu codsado adeegyada, 2% waxaa lagu daraa cadadka laga soo qaado waalidkaa. Cadadka 2% waxaa qaata gobolka – lama siiyo waalidka kale. Hadii waalidku uusan doonayn inuu bixiyo khidmada 2% ah, waxa uu iska xiri karaa kiiska masaariifta ilmaha ah oo dhan – laakiin, kolkaa waa khasab inay masaariifta ilmaha ay kaligood isku dayaan inay qaadaan.

Hadii waalidka codsada adeegyada masaariifta ilmahu uusan dhawaan cayr qaadan, loona soo qaado lacag ka badan $550 sannadkii oo masaariifta ilmaha ah kolkaa, waalidka waxaa kaloo lagu soo dalaci doonaa $25 oo ah khidmad sannadle ah.

Hadii waalid uu rabo adeeg buuxa oo masaariifta ilmaha ah, kolkaa xafiiska masaariifta ilmahu waxa uu ka caawiyaa waalidka:

  • helida amarka maxkamada ee masaariifta ilmaha  
  • xaqiijinta aabanimada hadii labada waalid aysan is-qabin kolkii ilmahu uu dhashay aysana waalidku saxiixin Qirashada Waalidnimada (ROP)  
  • soo helida waalidka bixinaya gargaarka,  
  • qaadida masaariifta ilmaha ama talaabo ka qaadida waalidka diida inuu wax bixiyo,
  • Iyo bedelida amarka masaariifta ilmaha.
     

Waalidka codsada adeegyada masaariifta ilmaha sidoo kale waxa uu dooran karaa ‘ka soo jarida dakhliga uun.” Adeegan, degmada waxa kaliya oo ay mas’uul ka tahay soo qaadida lacagta. Ma ay qawinto, waxna kama ay bedesho mana ay oofiso amarka masaariifta ilmaha. Waa inaad u gaysaa wixii warqado dakhli ka soo jarid ah qolada shaqada ee waalidka kale kaligaa. Khidmada adeegan xadidani waa $15 bishii waxaana lagu soo dalacaa waajiblaha.  

Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan adeegyada masaariifta ilmaha, ka akhri warqada xogta aruursan ee gobolka, “Sharaxaada masaariifta ilmaha (IV-D) iyo adeega dakhli ka jarida-uun (Aan Ahayn-IV-D) ee Minnesota.” Ee xiriirka (link) ah: https://edocs.dhs.state.mn.us/lfserver/Public/DHS-2973-SOM.

Kolka degmadu ay furto gal masaariif ilmood ah, waalidka helaya lacagtu waxaa la siiyaa lambar ka qayb gale iyo lambar la yiraa (PIN) si uu galo habka lacag bixinta ee gobolka ee la yiraa “Khadka Masaariifta Ilmaha ee Minnesota.” Kolka maxkamadu ay amarto in la bixiyo masaariif ilmood, waalidka bixinaya masaariifta waxaa la siiyaa lambar (PIN) ah oo isagu leeyahay oo uu ku soo gali karo habka. Labada waalidba waxa ay isticmaali karaan (PIN) ka si ay u helaan akhbaar ku saabsan kiiskooda 24-saac ee maalintii. Waxa aad ogaan kartaa inta ay le’eg tahay lacagta masaariifta ilmaha ah ee kaa maqan, markii ugu dambeeysay ee lacag la bixiyey iyo macaga iyo telefanka hawl-wadeenka masaariifta ilmaha. 

Waxaa jira 2 jid oo lagu heli karo akhbaartan:

  1. Waxa aad ka eegi kartaa khadka (online) ka ee http://www.childsupport.dhs.state.mn.us/Action/Welcome (ingiriisi kaliya).  
  2. Waxaad sidoo kale akhbaar aad ka heli kartaa hadii aad wacdo Habka Waxqabadka isku xiran ee Gobolka (IVR System)].  Marka aad wacdo, waxa aad u baahan tahay Lambarka Sooshal Sakuuratigaaga (Social Security) ama lambarka ka qaybgalaha iyo Lambarka la yiraa (PIN) ka. Agagaarka Beledyada, ka wac (651) 215-5630, ama hadii aad dhaga-culus tahay ka wac (651) 215-5629.  Hadii aad ku nooshahay Daafaha Minnesota, wac khadka 1-800-657-3512 ama1-888-234-1208 hadii aad dhaga-culus tahay.

Mudo intee le’eg ayey qaadataa in la sameysto adeegyada masaariifta ilmaha?

Helida Codsiga
Xafiiska masaariifta ilmaha ee degmaddu waa inuu siiyaa adeegyada masaariifta ilmaha waalid walba oo codsada. Hadii codsiga aad codsato adigoo xaadir ah, waa inay isla maalintaaba ku siiyaan codsiga. Hadii aad wacdo ama aad warqad u dirto, waxa ay haystaan 5-cisho oo ay kuugu soo diri codsiga.

Bilaabida Dacwada
Degamaddu waa inay ku bilowdaa hawsha ayna ku go’aansataa waxa ay tahay talaabada xigta ee kiiska 20-cisho gudahood ka dib kolka ay codsiga helaan.

Helida amarka masaariifta ilmaha
Kolka ay degmaddu ogaato cidda waalidka kale uu yahay iyo meesha uu joogo, degmaddu waxa ay haysataa 90-cisho si ay ugu hesho amarka maxkamada ee masaariifta ilmaha ama ay ugu gaysto warqada maxkamada waalidka kale. 

Helida Akhbaarta ku saabsan Lacagaha
Bil walba xafiiska masaariifta ilmahu waa khasab inuu soo diro ogaysiis muujinaya kolka uu xafiisku helay lacagaha masaariifta ah iyo sida ay lacagahaa u qaybiyeen.

Tusaale ahaan, ogaysiisku waa inuu kuu sheegaa

  • Inta ay tahay lacagta la soo qaaday
  • Inta ay tahay lacagta adiga laguu soo diray
  • Iyo inta lacagta uu kala haray xafiiska masaariifta ilmahu.
     

Soo Dirida Lacagaha Masaariifta Ilmaha
Degmaddu waxa ay haystaa 2-maalmood ka dib kolka lacagtu ay soo gaarto oo ay ugu soo diraan waalidka.  

Marmarka qaarkood degmaddu waxa ay ka heshaa lacagta masaariifta ilmaha iyadoo “lacagta canshuurta” dhexda laga qabsanayo. Kolka  “lacagta canshuurta” dhexda laga qabsanayo, hay’ada la yiraa Laanta Dakhliga Canshuuraha Gudaha (IRS)] ama Waaxda Dakhliga ee Minnesota (Minnesota Department of Revenue) ayaa u qaata waalidka lacagtii uga soo noqon lahayd canshuur-celinta masaariifta ilmaha. Hadii lacagtu ay tahay canshuur dhexda laga qabsaday, degmaddu waxa ay haysataa 30-cisho ka dib kolka ay lacagta helaan inay ku soo dirto, kiisaska intooda badan. Ka eeg ““Canshuur Qabsiga:” u qaadashada lacagta canshuurta waalidka uga soo noqonaysa masaariifta ilmaha” ee ku taal bogga 33 wixii akhbaar ah ee kale. Hadii waalidku ay ku kala nool yihiin gobolo kala duwan, degmaddu waxa ay haysataa 15-cisho oo kale ka hor inta aysan khasab ku noqon inay lacagta diraan. 

Dib u eegiyada iyo qawimada
Kiisaska gargaarada dowlada la helo, degmaddu waxa ay dib u eegtaa kiisaska 3-dii-sannaba mar si ay u eegto in cadadka masaariifta ilmaha ee la bixiyaa uu sax yahay. Kolkaa, hadii uu dakhligaagu si weyn isu bedelo, ama hadii ilmahaagu uu joojiyo aadidii goobaha ilmaha lagu ahyo, degdeg ugula soo xiriir hawl-wadeenkaaga si aad u ogaato inaad u baahan tahay inaad xareysato arji lagu bedelayo masaariifta ilmaha.

 Kiisaska aan gargaar dowlada laga helin, degmaddu waxa ay dib u eegtaa kiiska 3-dii-sannnaba mar laakiin kaliya waxaa taa la sameyn hadii aad ka codsato iyaga. Waxa ay haystaan 15-cisho ka dib kolkaa aad codsato dib u eegida, waxaa kaliya oo ay taa sameyn 3-dii-sannaba hal mar.

Hadii ay degmaddu go’aansato, in kor iyo hoosba waa in lacag masaariifta ilmaha ah la bixiyo, kolkaa waxa ay haystaan 180-cisho, oo qiyaastii 6 bilood oo ay ku samayn qawimida.

Talooyin ku saabsan la shaqeynta xafiiska masaariifta ilmaha

Waa muhiim in la xusuunaado in xafiiska masaariifta ilmahu (oo uu ku jiro xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Degmaddu) uusan kuu ahayn qareen adiga. Shaqada xafiiska masaariifta ilmahu waa inuu u soo dhiciyo masaariif ilmaha. Xafiiska masaariifta ilmahu waa uu caawin labada waalidba — kan heliya iyo kan bixinaya masaariifta ilmaha. Hadii aad is leedahay waxa aad u baahan tahay qareen si uu u caawiyo dhinacaaga uun kaliya, waa inaad heshaa mid. Waxaa ku jira liis ay ku qoran yihiin xafiisyada Adeegyada Sharciga gadaalka buugan yar ee gacanta.   

Hadii aad is leedahay xafiiska masaariifta ilmahu kama uu soo baxo shuruudaha waqtiyada ee kiiskaaga, waa inaad u sheegtaa taa hawl-wadeenkaaga masaariifta ilmaha. Hadii hawl-wadeenkaaga masaariifta ilmahu uusan shaqo wacan oo ka jawaabida su’aalaha ah uusan qaban, la xiriir kormeerihiisa. Waxaad kalood ka wici kartaa Waaxda Adeegyada Bulshada, Xafiiskeeda Oofinta Gargaarada ee St. Paul (Department of Human Services) khadka ah (651) 431-4400.

Hadii aadan ku qanacsanayn sida xafiiska masaariifta ilmahu uu lacagta u qabtay ama hadii aad aragtid khalad, waxa aad uga codsan kartaa hawl-wadeenkaaga (qoraal ahaan) inay taa dib u eegaan. Ku samee codsigaaga dib u eegida 45-cisho gudahood. Hadii aadan wali ku qanacsanayn go’aanka, waxa aad ka codsan kartaa Xafiiskeeda Oofinta Gargaarada ee Waaxda Adeegyada Bulshada, (Minnesota Department of Human Services Office), inay dib u eegto go’aanka. Laakiin waa inaad codsigaa aad ku samayso 30-cisho gudahood.  Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad eegto in qareeni uu ku caawin karo iyo in kale.  Waxaa ku jira liis ay ku qoran yihiin xafiisyada Adeegyada Sharciga gadaalka buugan yar ee gacanta.

Ka waran hadii aan waco hawl-wadeenkayga masaariifta ilmaha laakiin uusan igu soo war celin?

Hawl-wadeenka ilmahaaga waxaa saaran waajibaad cayiman, waana muhiim in la fahmo waxa ay yihiin waajibaadyadaasi. Si taxadar leh u akhri “Adeegyada Masaariifta Ilmaha ee Degmada” laga bilaabo bogga 13 aad, si kolkaa aad u ogaato waxa dhabta ah ee aad ka fili karto degmadda.

Xusuusnow in hawl-wadeenkaaga hawsha masaariifta ilmahu uusan ahayn la taliye, ama bilays ama maxkamad. Ha ka filin isaga ama iyada inay sameeyaan wax aysan shaqo ku lahayn.

Hawl-wadeenka hawsha masaariifta ilmahu ma uu:

  • kaa caawin karo arrimaha haysashada ama waqtiga waalidka ee ilmaha  
  • ka dhigi karo nidaamka maxkamada ee degmadaaddu inuu dhaqso u shaqeeyo  
  • bedeli karo amarka masaariifta ilmaha la’aanta amar maxkamadeed
  • ku siin karo akhbaar ku saabsan shaqada waalidka kale, ciwaankiisa ama wixii telefoonka la isku yiraa
  • bedeli karo sharciga
  • kaa caawin karo wixii dhibaatooyin ah ee u dhaxeeya adiga iyo waalidka kale
     

Kolka aad wacdo hawl-wadeenkaaga hawsha masaariifta ilmaha ama aad balan adigoo la leh aad u tago, isku day inaad dhamaan akhbaarta oo dhan iyo su’aalahaagu ay isugu kaa duwan yihiin. Su’aalahaaga iyadoo liis ah sii diyaarso. Hawl-wadeenka hawsha masaariifta ilmahaagu waxa uu hayaa kiisas kale. Hadii uu hawl-wadeenkaagu masaariiftu uu u baahdo inuu ku soo waco, u sheeg waqtiga ugu fiican ee lagu soo wici karo.

Cutubka 4. Bilaabida Dacwo Masaariif Ilmood ah: Habka La Ladifay

Habka la Ladifay ee Masaariifta ilmaha

Minnesota waxa ay leeday nidaam gaar ah oo quseeya sida loo qaabilo kiisaska masaariifta ilmaha oo la yiraa “habka masaariifta ilmaha ee la ladifay” Habkani waxaa loogu talagalay inuu  fududaado isticmaalkiisu uuna keeno amaro iswaafaqsan oo joogta ah oo masaariifta ilmaha ah.  

Habka masaariifta ilmaha ah ee la ladifay, waalidku waxa ay raaci karaan habraacyada waxa ayna ku heshiin karaan inta ay tahay lacagta masaariifta ilmaha ah ee la bixinayaa. Hadii waalidku aysan ku heshiin karin taa, degmooyinka intooda badan, waxaa jira garnaqsi maxkamadeed oo lagu hor qaado Qaali Masaariifta Ilmaha” goynteeda qaabilsan. Degmooyinka qaarkood, xaakim ayaa dacwada garnaqsiga ah qaada.

Habka masaariifta ilmaha ah ee la ladifay waa khasab in la isticmaalo hadii aad ka hesho  adeegyada masaariifta ilmaha degmadda AYNA arrimaha kiiskiinu ay yihiin uun:

  • masaariifta ilmaha
  • gargaarada kaarka caafimaadka
  • gargaarada hayta ilmaha (child care)
  • oofinta amarka bixinta xaqqa meherka, hadii lagu daray masaariifta ilmaha  
     

Qaar ka mid ah dagmooyinku sidoo kale waxa ay u isticmaali karaan habka la ladifay

  • aabanimada
  • yasida amarka maxkamada ee masaariifta ilmaha


Uma aad isticmaali kartid habka la ladifay hadii kiisku uu sidoo kale ku shaqo leeyahay arrimo kale sida:  

  • haynta ilmaha, ama waqtiga waalidka (booqashada)
  • dagaalka qoyska dhexdiisa ka dhex dhaca
  • arrimo hanti la xiriira

Bilaabida Habka la Ladifay ee Masaariifta ilmaha

Si  loo bilaabo habka, labada waalid kii raba ayaa u qoran kara codsi qoraal ah oo adeegyada ku saabsan xafiiska masaariifta ilmaha. Wac xafiiska degmadaada si aad uga hesho ciwaan aad warqadda ku hagaajiso. Si aad u hesho akhbaarta laga xiriiro xafiiska masaariifta ilmaha ee  degmadaadda, wac (651) 431-4400, ama booqo shabakada (website) Waaxda Adeegyada Bulshada (Department of Human Services) ee ah, https://secure.childsupport.dhs.state.mn.us/mcso/participants/Action/Links/ChildSupportTopics (ingiriisi kaliya)

Hadii xafiiska masaariiftu uu diido codsigaaga aad ku codsanayso caawimaadood, la tasho qareen. Waxaa dhici karta inaad awoodi karto inaad hesho qareen bilaash ah oo ku caawiya. Eeg liiska adeegyada dhanka Sharciga ah ku qoran gadaalka buugan yar ee gacanta.

Ogow: Habka masaariifta ilmaha ee la ladifay waxa uu leeyahay xeerar khaas ah oo iyaga u gaar ah. Buugan yar ee gacantu waxa uu ku siin ra’yi guud oo ku saabsan habka. Laakiin, hadii aad bilaabayso ama ka jawaabayso dacwo, waxa aad u baahan tahay inaad wax walba aad si sax ah u sameyso. Akhbaar kale oo dheeraad ah ayaa waxaa laga heli karaa shabakada (website) maxkamada ee ah, thttp://www.mncourts.gov/Help-Topics/Child-Support.aspx (ingiriisi kaliya).

Kiisaska masaariifta ilmaha ahi waxa ay ku bilowdaan u geynta warqadaha maxkamada ee la yiraa u Yeerida iyo Ashtakada waalidka kale. Ashtakadu waa inay lahaayo akhbaar faah-faahsam oo ku saabsan labada waalidba dakhligooda iyo kharashkooda. Waalidka kale sidoo kale waa in loo “geeyaa” foomka codsiga garnaqsiga iyo dhaarta gargaaraysa kolkaa ka dibna maxkamada laga xareeyo.

Hadii aad la shaqeynayso degmada, iyaga ayaa kuu qoraya dhamaan warqada maxkamada oo dhan una gaynaya qofka kale. Waxaa dhici karta inay ku waydiiyaan adiga akhbaar ku saabsan waalidka kale, sida ciwaankiisa, lambarka telefankiisa ama meesha uu ka shaqeeyo.   

  • Waalidka kale waa inuu uga soo jawaabaa qoraal ahaan u Yeerida iyo Ashtakada la xiriirta masaariifta ilmaha 20-cisho gudahood hadii aan wax balan gar garnaqsi ah aan la qaban. Hadii balan garnaqsi ah la qabto, waa inuu ku soo xareystaa jawaab-celintiisa 7-cisho ka hor waqtiga garnaqsiga. 
     

Habka la ladifay, waalidku waa inuu soo jawaabaa isagoo soo xareysanaya Jawaab-celin soona buuxinaya kuna soo celinaya maxkamada codsiga foomka garnaqsiga. Nuqul labadaba ah waa in loo geeyaa waalidka kale, iyo degmadda. 

Hadii aan wax jawaab-celin ah laga sameyn Ashtakada 21-cisho gudahood, kiiska waxaa la qaadi la’aanta qofkii la soo eedeeyey. Taa macnaheedu waa qaaliga qaadaya dacwada masaariifta ilmaha waxa uu soo saari amar ku salaysan akhbaarta ku qoran Ashtakada iyo wixii kale ee dukumiintiyo ah ee gargaaraya ashtakada ee loo geeyey waalidka kale.

Goorma weeye kolka ay tahay inaad dacwo garnaqsi ah hesho?

Waa khasab inaad hesho garnaqsi hadii:

  1. Waalidka kale uusan soo jawaabin aysana Warqada maxkamad uga Yeerida aysan ku qornayn akhbaar buuxda
                          AMA
  2. Waalidka kale waa soo jawaabay laakiin waalid kuma heshiin karin masaariifta ilmaha   

Dacwada garnaqsiga ah waa in lagu qabtaa 60-cisho gudahood kolka waalidka kale loo geeyo warqadaha ashtakada. Waalidka bilaabay codsiga waa inuu maxkamada ka codsadaa waqti yo maalin dacwada garnaqsiga ah la qaadayo, ka dibna uu u sheegaa dhamaan qolyaha kale oo dhan. Labada waalidba waxa ay heli ogaysiiska waqtiga iyo maalinta dacwada la qaadayo.

Labada waalidba waxa ay xaq u leeyihiin inay joogaan maxkamada garnaqsiga. Hadii aadan imaan karin maxkamada waydii xaakimka ama qaaliga inaad dacwada garnaqsiga ah aad uga qayb geli karo telefan ama fiidyow. Xaakimka ama qaaliga khasab kuma aha inuu taa kuu ogolaado, laakiin waa aad waydiisan kartaa.  

Waxa aad la imaansayso dacwada garnaqsiga ah?

La imow daliilo cadeynaya xaaladaada dhaqaale. Waxa aad siin kartaa akhbaartan maxkamada ka hor qaadida dacwada. La imow wixii cusub ee ku soo kordha wixii daliilo ah ee aad horey maxkamada ugu soo dirtay. Sida, hadii aad jaa horey maxkamada ugu dirtay jeeg dabadood, la imow dacwada garnaqsiga ah dabada jeegtii ugu dambaysay ee aad qaadatay.  

La imow afar nuqul oo ah mid walba oo waxyaabahaa ah (hadii aad hayso). Hal nuqul adigu naftaada ula har, nuqulada kalena sii qaaliga, waalidka kale iyo xafiiska masaariifta ilmaha.

  1. Cadeyn ah dakhligaaga. La imow jeegtaada dabadoooda ee 3-dii-bilood ee la soo dhaafay ama cadeyn qoran oo dakhligaaga ah. 
  2. Canshuur-celinta dowlada dhexe iyo tan gobolka ee labadii sano ee la soo dhaafay, oo ay weheliyaan wixii dukumiintiyo kale ah ee la heli karo sida foomamka W-2s ama 1099
  3. Cadeyn qoran oo ah wixii lacag ah ee ikhtiyaar loo siiyey ilmaha labada waalid ka dhaxeeya (ilmaha ay labada waalid wada dhaleen)
  4. Hadii aad siiso masaariif ilmo aad adiga gaar u leedahay, cadadka lacagta masaariifta ilmaha ah ee aad siiso ilmaha kale. La imow nuqul ah amarkii maxkamada ee ugu dambeeyey ee masaariiftaa hadii aad hayso.  
  5. Cadadka xaqqa xilaha (meher) ee aad bixiso ama aad hesho. La imow nuqul amarkii maxkamada ee ugu dambeeyey hadii aad hayso.
  6. Kharashaadka bishii. Qor liis ah celcelis ahaan kharashka bishii kugu baxa ka dibna la imow maxkamada garnaqsiga.
  7. Inaad ka heli karto kaar caafimaad ama kaar ilkood shaqadaada ama ururkaaga shaqaale iyo in kale iyo inta kharashkoodu yahay.
  8. Khasiraadyada kaarka caafimaadka iyo kan ilkaha ee ilmaha ee uusan bixin kaarku ama gargaarada dowladdu aadna rabto in waalidka kale uu kaa caawiyo bixintooda.
  9. Inta ay tahay lacagta aad ku bixiso haynta ilmaha (child care). Kala imow oraah bixiyahaaga daryeelada haynta ilmaha ama wax kale oo cadeyn ah oo qoran oo sheegaysa inta ay tahay lacagta aad bixisaa.  
  10. Hadii aad isticmaashay xisaabiyaha masaariifta ilmaha ee khadka (online) ee http://childsupportcalculator.dhs.state.mn.us/ (ingiriisi kaliya), la imow dacwada garnaqsiga warqada aad ka daabacatay xisaabiyahaa.   

Maxaa ka dhaca dhagaysiga dacwada masaariifta ilmaha?

Bilowga dhagaysiga dacwada, xaakimku waxa uu sharxaa ujeedadda dhagaysiga dacwada iyo waxa dhici inta dacwaddu socoto. Xaakimku waxa uu eegi cidda xaadir ku ah maxkamada, iyo inay waalidku isku raacsan yihiin wax xog ama arrimo ah oo quseeya dacwada. Waa ra’yi fiican inaad la hadasho waalidka kale ka hor dacwada dhagaysigeeda si aad u eegto inaad isku raaci kartaan wax qayb ka ah amarka masaariifta ilmaha loo soo goynayo ah ee la soo jeediyey.

Soo bandhigida dacwadaada
Marka xigta, waalid walbaa waxa uu heli fursad uu ku siiyo akhbaar qaaliga. Taa waxa aad sameyn kartaa adigoo maxkamada horteeda ka hadlaya, ama iyadoo dad makhraatiyaal ahi ay maxkamada horteeda makhraati ka furi ama adigoo siinaya dukumiintiyo qoraal ah qaaliga.

Ogow:  hadii aad qorshaynayso inaad maxkamada hor keento makhraatiyaal aan adiga ka ahayn, waa inaad ugu sheegto taa qolyaha kale qoraal ahaan ugu yaraan 5-cisho ka hor waqtiga dhagaysiga dacwada. Sii qolyaha kale ogaysiin ah magaca iyo ciwaanka qof kasta oo makhraati kuu ah adiga. Hadii aad qorshaynayso inaad maxkamada la timaado dukumiintiyo, hubi inaad la timaado nuqulo kugu filan si kolkaa aad qaaliga iyo waalidka kale, iyo xafiiska masaariifta ilmaha ay dhamaan mid walbaa u helo hal nuqul.

Qaaligu waxa uu ka codsan in labada waalid midba mar hadlo. Marka ugu horeeysa, labada waalid midkood ayaa lagu dhaarin inuu runta sheegayo ka dibna u sheega qaaliga xaaladiisa dhaqaale. Taa waxaa la yiraa makhraati furid. Qaaligu waxaa dhici karta inuu su’aalo waydiiyo  waalidka inta u makhraatiga furayo oo uu hadlayo. Kolka hal waalid uu dhamaysto hadalkiisa, qaaligu kolkaa waxa uu siin waalidka kale fursad uu su’aalo uga waydiiyo waalidka hadlay waxa uu ka hadlay. Waalidka hadlay kolkaa waxa uu u yeeri ciddii makhraati u ah ee uu haysto.     

Kolka waalidka koowaad uu hadalkiisa dhamaysto, kolkaa waalidka kale ayaa markiisa hadalka la siin. Waalidka kale waxa uu raaci isla talaabooyinkii uu waalidkii koowaad raacay. Waalidka kale waa la dhaarin ka dibna makhraati ayuu furi. Isaga ama iyadu waxa ay heli fursad ay ku siiso akhbaar qaaliga, uga jawaabto su’aalo, aynka maxkamada ku hor keento cidii kale ee makhraati u ah ee ay haysato.

Xafiiska masaariifta ilmaha waxaa wakiil ka noqonaya xilliga dacwada garnaqsiga ah qareen ka tirsan xafiiska xeer-ilaaliyaha degmada. Qareenka ka socda xafiiska xeer-ilaaliyaha degmaddu labada waalid midna wakiil kama ah. Qareenka xeer-ilaaliyaha degmaddu waxa uu waydiiyaa su’aalo labada waalidba waxa uuna siiyaa akhbaar qaaliga.

Talooyinka ku saabsan sida maxkamada makhraatiga looga furo
Ha hadlin hana carqaladeyn hadalka kolka aysan ahayn markaaga aad hadlayso.  

Ha ka hadlin arrimo kale oo aan ka ahayn masaariifta ilmaha sida haynta ilmaha ama waqtiga waalidka. Xusuusnow, qaaliga masaariifta ilmaha qaabilsani uma laha awood oo ku go’aansan karo arrimo kale oo aan ka ahayn masaariifta ilmaha, gargaarada kaarka caafimaad, gargaarada haynta ilmaha xilliga garnaqsiga.

Intii aad awoodo akhbaartaada qoraal ka dhig. Si kolkaa aad ugu siiso akhbaarta qaaliga si dhaqso ah aadana u kala hilmaamin.   

Go’aanka
Qaaligu wuxuu gaaraa go’aan afka ah inta dacwada dhagaysigeedu socdo ama wuxuu yiraa waa ‘aan ka soo tashan arrinta.” Hadii qaaliga uu yiraa arrinta, isaga ama iyada waxa ay ku qaadan waqti ay uga soo farakaan arrinta ayna amar qoraal ah soo saaraan marka dambe.

Marmarka qaarkood, qaaliga waxa uu yiraa dacwaddu waa ay sii furnaan muddo cayiman si kolkaa ay qolyaha kale ugu soo diraan akhbaar dheeraad ah Qaaliga ka hor inta uusan go’aan gaarin. Kolkii kiiska la go’aansado qaaligu wuxuu boostada u soo dhigaa mid walba labada waalid amarka go’aanka qaaliga ee masaariifta ilmaha. Qaaligu waa inuu ku soo diraa amarka 30-cisho gudahood kolka uu kiisku xirmo.  

Ka waran hadii aanan ku qanacsanayn amarka?

Hadii amarka uu wax khalad ahi ku jiro, labada waalid kii raba ayaa xareysan kara “Codsiga Saxida Khaladka Yaryar.” Ka xareyso codsiga caynkan ah ee lagu saxayo khaladaadka yaryar, sida magac khalad loo qoray ama khalad xisaabta sida loo dajiyey ah, sida tirooyinka khalad la isugu daray. Codsiga caynkan ah waxa aad xareysan kartaa markii aad rabto. Laakiin waa inaad u gaysaa codsigaaga waalidka kale ka dibna aad ka xareysaa maxkamada. Qaaliga amarka soo saaray ayaa dib u eega kiiska. Badanaana ma aha in dacwo garnaqsi ah la qabto. 

Hadii labada qolo midkood uusan ku qanacsanayn amarka, waxa ay xareysan karaa waxa la yiraa “Codsiga Dib U Eegida.” Waa inaad ku xareysataa codisga caynkan ah 20-cisho gudahood ka dib kolka aad amarka hesho. Waalidka codsaday in amarka dib loo eego waxa uu kala dooran in qaali ama xaakim maxkamada degmadda ka tirsan uu dib u eego amarka Badanaa ma aha in dacwo garnaqsi ah la qabto. Ma siin kartid akhbaar cusub maxkamada hadii xaakimka ama qaaliga uusan kaa codsan.

Racfaan waa aad ka qaadan kartaa go’aanka xaakimka. Racfaanku waa kolka aad ka codsanayso maxkamad kale inay dib u eegto go’aanka xaakimka. Maxkamadan waxaa la yiraa Maxkamada Racfaanada. Degdeg u samee arrintan! Waxaa jira waqti gaar ah oo cayiman oo quseeya arrintan. Xareysiga racfaanku waa uu adkaabn karaa. L a tasho qareen si aad u eegto hadii ay tahay inaad racfaan xareysato iyo hadii kale. Waa inay jirtaa sabab sharciga ah oo la cuskanayo kolka racfaanka laga qaadanayo go’aanka xaakimka. Tusaale ahaan, hadii xaakimku uusan u hogaansamin sharciga oo kale.

Akhbaarta iyo foomamka loo baahan yahay:  

  • Gal shabakada (website) maxkamada: www.mncourts.gov/CourtOfAppeals.aspx (ingiriisi kaliya).
  • Riix “Foomamka Maxkamada Racfaanka & Tilmaamaha” “(Appellate Forms & Instructions) “Dacwoodaha kaligii iska wakiilka ah” (for self-represented litigants)”

Ka waran hadii waalidka ilmaha haystaa uu cayr qaato?

Hadii waalidka ilmaha haystaa uu cayr qaato sida MFIP, (Medical Assistance) ama (Minnesota Care), ama laga gargaaro haynta ilmaha (child care), gobolku waxa uu caawinayaa kolkaa gargaarida ilmaha waalidkaa. Kolkaa waalidka ilmaha haya ee qaata cayrtu waa inuu:  

1) “ku wareejyo” ama uu siiyo xaqqa helida masaariifta ilmaha gobolka si dib loogu bixiyo gargaarkii la siiyey iyaga iyo

2) ka caawiso degmada inay ogaato cidda waalidka kale ee ilmahu tahay si loo gooyo amar masaariifta ilmaha.

MFIP – hadii aad hesho lacag cadaan ah oo (MFIP) ah, xafiiska masaariifta ilmaha ayaa soo qaada masaariifta ilmaha ka dibna adiga kuu soo dira.

Hadii masaariifta ilmaha ee la bixiyaa halkii ilmood ay ka badan tahay $100 bishii ama $200 labada ilmood iyo wixii oo ka badan, waxa ay kolkaa kaa yareyn cadadka MFIP ka ee aad qaado oo halkii doolaar oo masaariif ahba doolar ayaa looga jari. Yareynta MFIP ku waxa ay dhici labo bilood ka dib kolka masaariifta ilmaha la soo qaado.  Tusaale ahaan, hadii aad hal ilmood haysato, aadna caadiyan qaadato $300 oo (MFIP) cadaaan ah, kolkaa hadii ay degmaddu soo qaado $150 oo masaariifta Ilmaha ah bisha Maajo, lacagtaada (MFIP) ka waxaa laga jari $50 bisha Luulyo.  Hadii aad 3 ilmood haysto, ayna degmaddu soo qaado $250 oo masaariifta ilmaha ah bisha Maajo, kolkaa (MFIP) waxaa laga jari $50 bisha Luulyo.  Hadii ay degmaddu kaliya soo qaado $200 bisha Maajo, kolkaa (MFIP) bisha Luulyo waxba laga jari maayo.

Kaalmada Haynta Ilmaha (Day Care) - Hadii lagaa bixiyo kharashka haynta ilmaha, maxkamadu waxa ay amri in masaariifta ilmaha la siiyo degmadda.

Gargaarada Caafimaad (Medical Assistance) ama (Minnesota Care) – Hadii adiga ama ilmahu Aad heshaan Gargaar Caafimaad (Medical Assistance), maxkamadu waxa ay amri in lacagta loo soo gooyo gargaarka kaarka caafimaad la siiyo degmadda. 

Degmaddu waxa ay ka codsan kartaa maxkamada amar ah in waalidka bixiya masaariifta ilmahu uu dib u bixiyo wixii gargaar dowladeed ah ee waalidka ilmaha hayaa uu qaatay 2-dii- sanno ee la soo dhaafay.   

Ka waran hadii waalidka ilmaha hayaa uu joojiyo qaadashada gargaarada dadweynaha?

Hadii waalidka ilmaha hayaa uu joojiyo qaadashada Gargaarada Caafimaadka (Medical Assistance), (MinnesotaCare), ama gargaarada haynta ilmaha, kolkaa gargaarada caafimaadka ama qaybta kuwa haynta ilmaha waxaa toos loogu diraa waalidka ilmaha haya. Degmaddu wali lacagta iyada ayaa soo qaadi, laakiin waxa ay u dirtaa waalidka ilmaha haya. Wixii masaariif ilmaha ah ee bilihii la soo dhaafay ah ee la isugu leeyahay qaadashada uu waalidka ilmaha hayey uu qaadanayey gargaarada dowlada waxaa la siin degmadda.   

Ka waran haddii waalidka aan ilmaha hayni uu gargaar dowladeed qaato?

Hadii aad tahay labada waalid kan aan ilmaha hayn aadna gargaar dowladeed hesho,  gargaarka dowladda ee aad hesho looma xisaabinayo dakhli ahaan kolka la xisaabinayo inta ay tahay lacagta aad ku bixinayso masaariifta ilmahu. Hase yeeshee, waxaa dhici karta inaad wali bixiso wuxuun masaariif ilmood ah iyadoo hadba ku xiran nooca gargaarka ah ee aad hesho iyo awoodaada aad ku kasban karto dalkhli.

Ka waran hadii aan ka baqayo in soo qaadida masaariifta ilmahu ay aniga iyo ilmahayga naftayada khatar gelinayso.

Hadii aad qaadato cayr, aadana doonayn in degmaddu ay kuu soo qaado masaariif
Xaaladaha qaarkood, kolka waalid uu horey ugu tacadiyey, u xoogay ama uu u khashkhashay waalidka kale, kolkaa dacwada sharciga ah ee masaariifta ilmaha ahi waxaa dhici karta inay uga darto xaaladaa. Hadii arritan oo kale oo dhab ah ay adiga ku haysato, waydii hawl-wadeenkaaga masaariifta ilmaha waxa la yiraa “uga reebida sababta fiican.” Hadii aad leedahay waxa la yiraa uga reebida sababta fiican, kolkaa degmaddu kuma furi karto dacwo masaariif ilmo ka soo qaadid ah waalidka kale la’aanta ogolaanshahaaga. Waalidka ilmaha hayaa waxaa uu codsan karaa waxa la yiraa uga reebida sababta fiican, hadii uu rumaysan yahay in furida dacwada masaariifta ilmaha ay kuu keeni karto waxyeelo jireed ama mid caadifadeed isaga ama ilmaha.    

“Uga reebida sababta fiican” waxa ay socotaa 1 sanno. Ka dib 1 sanno hay’ada masaariifta ilmahu waxa ay dib u eegi kiiska si ay u eegto in helida masaariifta ilmahu ay wali u keeni waxyeelo jireed ama mid caadifadeed adiga ama ilmaha. 

Hadii aad ka qabto wax walaac ah amaankaaga ama amaanka ilmahaaga, waxaa jira caawimaad aad heli karto. Khadka Hay’ada la yiraa (Day One Minnesota Crisis Hotline) waxaa la heli karaa 24-saac ee maalinta waana (866) 223-1111. 

Hadii AADAN gargaar dowlada ka helin aadna rabto caawimaad ah helida masaariifta ilmaha
Kala xiriir xafiiska masaariifta ilmaha ee degmadadda wixii war ah ee ku saabsan masaariifta ilmaha kalana hadal iyaga siyaabaha ay kaaga caawin karaan inaad si amaan ah ku hesho masaariifta ilmaha. 

Hadii aad ka qabto wax walaac ah amaankaaga ama amaanka ilmahaaga, wac Khadka Hay’ada (Day One Minnesota Crisis Hotline) 24-saac ee maalintii oo dhan furan ee ah (866) 223-1111 ka dibna waydii khayraadyo laga heli karo deegaankaaga. Khayraadyada loo fidiyo dadka tacadigu ku soo gaaro dagaalada qoyska dhexdiisa ahi waxa ay kaa caawin karaan adiga arrimo amaanka la xiriira oo ay ku jiraan siyaabo si amaan ah loogu heli karo masaariifta ilmaha.

Ka waran hadii aanan aqoon meesha waalidka kale uu jiro?

Marmarka qaarkood waalidka ilmaha hayaa ma uu oga meesha uu jiro waalidka kale. Hadii aadan aqoon meesha uu jiro waalidka kale degmaddu waxa ay eegi kartaa waxyaabaha sida diiwaanada canshuurta iyo shaqada si ay isugu daydo inay helaan qofka kale.

Degmaddu waxa ay isku dayi inaad soo hesho meesha uu waalidkaasi ku nool yahay, iyo waliba meesha isaga/iyada lacagi ka soo gasho. Hadii qofkaasi uu ku nool yahay gobol kale, degmaddu waa inay bilowdo inay la shaqeyso xafiiska masaariifta ilmaha ee gobolkaa kale. Hadii aysan soo heli karin waalidka kale, waa  khasab inay isku dayaan mar kale 3-dii biloodba mar ama markiiba hadii ay helaan akhbaar cusub. 

Degmaddu waa inay isku daydaa inay ugu gayso waraaqaha maxkamada waalidka kale 30-cisho gudahood kolka la soo helo. Kolka warqada maxkamada loo geeyo waalidka kale, degmaddu waa inay heshaa amar maxkamadeed oo sheegaya in qofku uu yahay waalidka ilmaha ama laga qaado dhiig cadeynaya in qofku uu yahay waalidka ilmaha.   

Ka waran hadii waalidka kale uu ku nool yahay gobol kale?

Ka gelida masaariif ilmood waalid ku nool gobol kale waa ay dhib badan tahay hadii waalidkaasi uusan doonayn inuu bixiyo. Minnesota (iyo gobolada kaleba) waxa ay si joogta ah u cusboonaysiiyaan sharciyadooda si ay isugu dayaan inay fududeeyaan in laga helo masaariifta ilmaha gobol kale. Degmooyinka waaweyni waxa ay leeyihiin hawl-wadeeno qaabilsan kaliya ka shaqeynta kiisaska gobolka dibadiisa ah. 

Waxaa jira kolal Minnesota aysan goyn karin masaariifta ilmaha sababtoo ah waalidka la rabo inuu bixiyaa masaariifta waxa uu ku nool yahay gobol kale. Kiisaska caynkaa ah, Minnesota waa inay waydiisataa gobolka kale caawimaad ku saabsan goynta iyo soo qaadida masaariifta ilmaha. Hadii gobol kale uusan la shaqeyn ama habkiisa arrintan quseeyaa ay hawshu ka badan tahay, waxa ay qaadan muddo dheer.   

Hadii waalidku ay ku kala nool yihiin gobolo kala duwan, gobolka raadinaya inuu helo masaariifta ilmahu waxa uu haystaa 20-cisho ka dib kolka uu soo helo waalidka kale inuu ugu diro gobolka waalidkaa codsi gargaarid iyo akhbaarta ay ka hayaan waalidkaa. Gobolka kalena waxa uu haystaa 10-cisho uu ugu dirayo codsiga degmadda saxda ah ama uu dib ugu soo celinayo gobolkii koowaad hadii waalidkii uusan halkaa joogin. Gobolka raadinaya masaariifta ilmahu waa khasab inuu u diro gobolka kale wixii cusub ee akhbaar ah ee uu soo helo 10-cisho gudahood kolka ay helo.    

Waa maxay dakhli ka reebida sidee ayeyna u shaqeysaa?

Dakhli ka reebida tooska ahi macnaheedu waa cadadka masaariifta ilmaha ah waxaa laga soo gooyaa jeega shaqada ee waalidka. Amar walba oo maxkamadeed oo masaariifta ilmaha ahi waa khasab inu lahdaado amar dakhli ka reebid, aan ka ahayn:

  • in qolyahu iyagu ku heshiiyaan inaysan isticmaalin dakhli ka reebida tooska IYO
  • in xaakimka ama qaaligu uu ku raaco inaysan u baahnayn inay isticmaalaan dakhli ka reebida IYO
  • waajiblahu uusan qaadan gargaar dowladeed.  

Degmadda ayaa gaarsiisa qolada shaqada in laga rabo inay bilaabaan ka reebida cadadka lacagta ah ee masaariifta ilmaha jeega shaqada ayna lacagta u soo diraan degmadda. Kolkaa ka dib degmaddu adiga ayey kuugu soo diri 2-cisho gudahood. Hadii aad haysato amar hore oo maxkamadeed oo masaariifta ilmaha ah oo aan dhawaan wax laga bedelin, amarka ka reebida dakhligu waxaa laga yaabaa inuusan qayb ka ahayn amarkaaga masaariifta ilmaha. Hadii aysan qayb ka ahayn amarkaaga waxa aad codsan kartaa marka xigta ee aad maxkamada tagto si aad u bedesho (bedelid) amarkaaga.

Ma inaan adeegsadaa dakhli ka reebida tooska ah?  
Waalidku waxa uu ka codsan karaa xaakimka ama qaaliga inuu u ogolaato in waajib-lagulehu uu toos u siiyo waajiblaha lacagta masaariifta ilmaha ah.   

Hadii aad waydiisatay adeegyo degmadda si ay kaaga caawiso masaariifta ilmaha kaliya maxkamadu waxa ay ogolaataa toos lacag u siinta hadii waalida ilmaha hayaa uusan qaadan gargaar dowladeed uusana doonayn in degmaddu inay sii wado inay siiso adeegyada iyo in mid ka mid ah waxyaabahan soo socdaa uu jiro:  

  • maxkamada waxa ay haysaa sabab fiican oo loo joojinayo ka reebida (ka soo goynta lacagta jeega shaqada) iyo in taasi ay maslaxo fiican u tahay ilmaha  
    AMA
  • in labada waalidba ay saxiixaan heshiis muujinaya sida lacagta loo bixinayo. Heshiiska waa in ay maxkamadu dib u eegtaa
     

Hadii aysan u fidinayn adeegyo degmadu maxkamadi kaliya waxa ay ogolaataa toos lacag u siinta hadii:

  • waajiblahu uusan qaadan gargaar dowladeed iyo
  • hadii waalidku uu saxiixo heshiis qoraal ah
     

Hadii aad haysato amar ah lacag toos u siin waalidka kalena uu diido bixinta masaariifta, waxaa dhici karta inay noqoto inaad sugto inta wax kale oo amarkaaga ku jiraa uu u baahanayo in la bedelo ka hor inta aadan maxkamad ku noqon si aad u hesho amar dakhli ka reebid ah.  

Muddo intee le’eg ayey qaadan inaan ku helo lacagta dakhli ka reebida tooska ah?
Qolada shaqadu waxa ay haysataa 7-cisho laga bilaabo maalinta ay reebto dakhliga masaariifta ilmaha inay ku soo gaarsiiso xarunta qabashada lacaga ee gobolka. Gobolku kolkaa waxa uu haysan 2-cisho oo adiga uu kugu soo gaarsiin lacagta. Qolada shaqada waxaa sidoo kale dhici karta inay haysato 14-cisho oo hawsha dakhli reebida ay ku sameyn karto si kolkaa lacagta masaariifta ilmaha ay si joogta ah ugu aado gobolka. Hadii waalidka kale uu shaqada bedesho, kolkaa waxaa dhici karta inay jiri doonaan waqti uusan nidaamku u shaqeynayn sidii la rabay.

Hadii aad helayso amar masaariifta ilmaha oo cusub ama la bedelay, waxaa dhici karta inay ku qaadato dhowr asbuuc inuu saxiixo uuna ka dhigo taabagal xaakimku. Kuwaasi waa dhibaatooyin ay ku jaah wareeraan waalidka u baahan masaariifta ilmaha. Laakiin, lacag badan oo masaariifta ilmaha ah ayaa la soo qaadaa iyadoo la adeegsanayo habka dakhli la reebida kolka la barbar dhigo kolka aan la adeegsan.  

Qolyaha shaqadu waa inay ka reebaan masaariifta ilmaha jeega shaqada mana ay takoori karaan qofka shaqaale ah oo uu quseeyo amar masaariifta ilmaha ah.

Ka waran hadii waalidka ay tahay inuu bixiyo masaariifta ilmahu uu iskii u shaqeysto?  
Ka reebida dakhliga lama isticmaali karo kolka waalidku uu iskii u shaqaysto. Nasiib-darro, waa ay adkaan kartaa in laga helo masaariifta ilmaha qof iskii u shaqeysta. Ka reebida dakhliga waa la adeegsan karaa hadii waalidku uu yahay qandaraasle madax-banaan. 

Cutubka 5. Bedelida Amarka Masaariifta Ilmaha ee Hadda Jira

Kordhinta Tooska ah ee Kharashka Nolosha

Amarka masaariifta ilmahu waxa uu kordhaa 2-dii-sannaba mar bisha Maajo iyadoo sababtu tahay kordhinta tooska ah ee kharashka nolosha awgeed ah. Taa marmarka qaarkood waxaa loogu yeeraa (COLA) oo u taagan (qawimida kharashka nolosha). Kordhitaanada (COLA) waa inay iskood u dhacaan. Waalidku waa uu codsan karaa (COLA) hadii aysan iskeed u dhacayn ama waxa uu codsan karaa in la diido (COLA).

Waxa aad ka heli kartaa foomamka shabakada maxkamada (website) https://www.mncourts.gov/Help-Topics/Language-Access-Plans/Resources-in-Somali.aspx ama Rugta Iskaa-Isu-Caawinta (Self-Help Center). Si aad u hesho Rug Iskaa-Isu-Caawin ah (Self-Help Center) gal shabakada (website) maxkamada ee ah http://www.mncourts.gov/selfhelp/ (ingiriisi kaliya) ama wac (651) 435-6535.  Waydiiso xafiiska masaariifta ilmaha ee degmadaada inuu ku caawiyo adigoo wacaya 651-431-4400 ama booqanaya shabakada (website) (ingiriisi kaliya) Waaxda Adeegyada Bulshada (Department of Human Services).

Wax ka bedelida Amarka Masaariifta Ilmaha

Labada waalid kii raba ayaa codsan kara in wax laga bedelo amarka masaariifta ilmaha markii uu rabo isagoo xareysanaya codsi wax looga bedelayo (bedelid) masaaariifta. Laakiin, kaliya waxyaabo cayiman oo khaas ah ayey maxkamadahu u arkaan sabab wax looga bedeli karo amarka masaariifta ilmaha.  

Qaar ka mid ah sababaha loo bedeli karo amarka masaariifta ilmaha waxaa ku jira

  • Isbedel ugu yaraan ah 20% uu ku yimaada dakhliga waalidka bixiya masaariifta ilmaha
  • Isbedel ku yimaada tirada ilmaha ah ee labada waalidka ka dhaxeeysa ee uu gargaaro waalidka gargaarka bixiyaa  
  • Waalidka masaariifta bixiyaa uu bilaabo inuu gargaar dowladeed helo  
  • Ay jiraan wax weyn oo iska bedelay kharashaadka haynta ilmaha
  • Ay jiraan isbedel ah helitaanka kaarka caafimaad ama kaarka ilkaha 
  • Ilmo labada waalid wadaagaan uu naafoobo
  • Labada qoloba ay ku heshiiyaan inay bedelaan (bedelidid) amarka
     

Hadii isbedel loo codsanayo iyadoo sababtu tahay isbedel ku yimid haynta ilmaha (dhild care) ama gargaarada kaarka caafimaad, kolkaa kaliya amarka qaybtiisaa ayaa la bedeli.

Xaakimka ama qaaligu kaliya waxa ay wax ka bedeli karaa amarka masaariifta ilmaha hadii ay jiraan wax “weyn oo iska bedelay” baahida ilmaha ama dhaqaalaha waalidka taa oo ka dhigi amarka hadda aad haystao mid aan xaq ahayn. Maxkamadu ma ay bedeli doonto amarka maxkamada hadii uusan cadadka masaariifta ilmahu uusan hoos ama kor aadayn ugu yaraan 20% ama $75. 
Kuwani waa waxyaabo bedeli kara amarka maxkamada ee masaariifta ilmaha:

  • ilmaha oo noqda qaan-gaar
  • wax isbedel ah oo weyn oo ku yimaada dakhliga ama baahida labada waalid midkood
  • wax isbedel ah oo weyn oo ku yimaada baahida ilmaha
  • helida gargaarada dowlada
  • kharash badan oo daryeelka caafimaad ee ilmaha ku baxa
  • kharashaad haynta ilmaha ah oo cusub ama mid horey u jiray oo isbedela

Hadii amarkaagu uu bedelayo cadad ah ugu yaraan 20% ama $75, laakiin aadan ogaan karin tirada inta habeen dhexid ah (jadwalkaagu uusan sidaa u cayinayn), kolkaa amarka masaariifta ilmaha waa uu isbedeli karaa – laakiin aad sii waday inaad u isticmaasho xisaabinta waqtiga waalidka amarkaaga cusub, ee aan ahayn xisaabinta cusub. Hadii aad doonayso inaad isticmaasho xisaabta qawimida waqtiga waalidka ee cusub, waxa aad u baahan tahay inaad maxkamada ka xareysato arji ku saabsan helida jadwalo cayiman. Sharciga Minnesota hadda waxa uu si cayiman u ogolaadaa arjiyada quseeya helida jadwalo cayiman oo ah waqtiga waalidka.  

Masaariifta ilmahu iskeed isuma bedesho kolka mid ka mid ah waxyaabaha kore ay dhacaan. Adiga iyo degmadu waa khasab inaad maxkamad ka xareysataan arji aad ku waydiisanaysaan xaakim ama qaali inuu soo saaro amar cusub. Amarkii hore wali waa uu jiraa waana la oofin inta Maxkamadu ka soo saarayso amar cusub.  Taasi waa wax dhab ah oo jira xataa hadii labada qoloba ay isku raacaan inay iyaga dhexdoodu ay sameeyaan isbedel.

Degdeg ugu dhaqaaq haddii aad dareensan tahay in amarka masaariifta ilmahu uu u baahan yahay in la bedelo! Maxkamadu waxa kaliya oo ay bedeli kartaa gargaarka laga bilaabo maalinta adiga ama degmaddu aad u gaysaan waalidka kale warqadaha arjigiina ah. Ma aad heli kartid cadadka gargaarka ah ee cusub ka hor waqtigaa.

Arjiga lagu codsanayo in wax laga bedelo amarku badanaa macnahiisu waa xaakim ama qaali ayaa waxa uu eegaa amarka oo dhan – masaariifta aasaasiga ah, gargaarada haynta ilmaha iyo kuwa kaarka caafimaadka. Waxaa jira marmar aad ka codsan karto xaakim ama qaali inuu wax ka bedelo uun qayb amarka ka mid ah. Hadii aad rabto inaad bedesho qayb amarka ka mid ah uun hubi inaad kala hadasho xafiiska masaariifta ilmaha ee degmadaada in arrintaa lagu  sameyn karo kiiska iyo in kale.

Khidmadaha
Hadii aad u baahan tahay inaad maxkamad ka xareysato arji lagu bedelayo amarkaaga masaariifta ilmaha, waa khasab inaad bixiso khidmad arji oo ah qiyaastii $100.

Haddii aad danyar tahay aadana awoodin inaad bixiso khidmadaha, waydiiso maxkamada khidmad ka saamixid. Tani waxaa loogu yeeraa (“In Forma Pauperis”) ama IFP.  Foomkani waxa uu maxkamada ka codsadaa inay kaa yareyso khidmada ama ay kaa wada saamaxdo si kolkaa aadan u bixin. Waxa aad ka heli kartaa foomka shabakada maxkamada ee ah. https://www.mncourts.gov/Help-Topics/Language-Access-Plans/Resources-in-Somali.aspx.

Sidee ayaan ku bedeli amarkayga?

Adiga ama xafiiska masaariifta ilmaha ayaa ka codsan kara xaakim ama qaali inuu bedelo amarka masaariifta ilmaha adinkoo maxkamada ka xareysanaya arji wax looga bedelayo masaariifta ilmaha. Taasi waa oraah qoraal ah oo u sheegta xaakimka ama qaaliga waxa aad doonayso in la bedelo iyo sababta.

Waxaa jira labo siyaabood:

  1. Waydiiso caawimaad xafiiska masaariifta ilmaha ee deegaankaaga  
  2. Ka xareyso warqadaha maxkamadu adigu warqadah
     

Waydiiso Caawimaad Xafiiska Masaariifta Ilmaha ee Deegaankaaga
Waa aad bedeli kartaa amarkaaga adiga waydiisanaya xafiiska masaariifta ilmaha ee deegaankaaga caawimaad. Ku waydiiso arrintan iyaga qoraal ahaan. U sheeg iyaga sababaha aad ugu malaynayso in amarka masaariifta ilmahu uu ugu baahan yahay in la bedelo. Hadii xafiiska masaariifta ilmahu uu aqbalo kiiskaaga ah dib u eegida iyo qawimida, waxa ay kolkaa maxkamada ka xareysan arji wax looga bedelayo masaariifta waxa ayna isticmaali doonaan “Habka Masaariifta Ilmaha ee la Ladigay” si loo helo amar masaariifeed oo cusub. Wixii ku saabsan akhbaarta la xiriirida ka wac khadka  651-431-4400 ama booqo shabakada website (ingiriisi kaliya) Waaxda Adeegyada (Bulshada Department of Human Services).

Khayraadka iyo shaqaalaha la heli karo oo kooban awgood, xafiiska masaariifta ilmaha mar walba ma uu awoodo inuu aqbalo kiiskaaga. Xafiiska masaariifta ilmaha kaliya waxaa uu sharcigu farayaa inuu ‘dib u eego uuna qawimo” amarkaaga masaariifta ilmaha 3-dii sannaba hal mar. hadii uu xafiiska masaariifta ilmahu uu go’aansado inuu dib u eego kiiskaaga, waxaa laga yaabaa inaysan awoodin inay bilaabaan inay ka shaqeeyaan kiiskaaga markiiba. Sababahaa awgood, waxaa dhici karta inaad u baahato inaad txigeliso inaad adiga naftaadu aad qaado talaabada wax looga bedelayo amarka.

Ka xareysiga warqada maxkamada adiga naftaadu
Sida kale ee wax looga bedeli karo masaariiftu waa inaad adiga naftaadu ama adiga oo uu ku caawianto qareen aad arji ka xareysato maxkamada.  Waxa aad ka heli kartaa foomamka shabakada maxkamada (website) https://www.mncourts.gov/Help-Topics/Language-Access-Plans/Resources-in-Somali.aspx ama Rugta Iskaa-Isu Caawinta (Self-Help Center). Si aad u hesho Rug Iskaa-Isu-Caawin ah (Self-Help Center) gal shabakada (website) maxkamada ee ah http://www.mncourts.gov/selfhelp/ (ingiriisi kaliya) ama wac (651) 435-6535.

1. Buuxinta Foomamka 
Warqadaha xirmada ah ee foomka waxaa la socda Arjiga iyo Dhaarta (oraah qoran).  Ku buuxi dhamaan akhbaarta lagugu waydiisto foomamka.  

Ku soo lifaaq cadeyn dakhligaaga ah warqada dhaarta. Hadii saacad aad ku shaqeyso, ku soo lifaaq nuqulo ah dabada 3-dii jeeg ee ugu dambeeyey ee shaqada ka qaadatay. Hadii aad leedahay dakhligo noocyo kale ah, ku soo wuxuun nooc qoraal ah oo cadeyn ah oo muujinaya inta ay le’eg tahay lacagta ku soo gashaa. Sidoo kale waa inaad buuxisaa warqada dhaarta aadna ku soo lifaaqdaa wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan ilo dakhli. Kolkii aad buuxsio warqada dhaarta aadna ku lifaaqdo cadeynta dakhliga, kolkaa saxiix warqada dhaarta.

Kolka aad buuxiso foomamka, waydii shaqaalaha maxkamada jooga inay ku siiyaan balanta waqtiga dacwada la dhagaysanayo. Ku buuxi maalinta, waqtiga iyo goobta dacwada Arjiga la socda foomamka. Saxiiix taariikhdana ku qor Arjiga kuna qor ciwaankaaga saxiixaaga hoostiisa. 

2. U geeynta Arjiga
Kolkii aad dhamaystirto Arjiga iyo Warqada Dhaarta, ka samee 3 nuqul mid walba. Warqadahaas waa khasab in boostada la dhigo, laakiin adiga boostada ma aad dhigi kartid! Waa inaad heshaa qof kale oo ugu yaraan jira 18-sanno oo dira. Qofkaasi hal nuqul oo nuqulada ka mid ah waxa uu u diri waalidka kale, nuqulka labaadna waxa uu u diri xafiiska masaariifta ilmaha. Nuqulka sedexaad waa inaad naftaada ula hartaa. Qofka warqadaha boostada dhigay waa inuu buuxiyaa foomka “Warqada ku Dhaarashada ugu Geynta Boostada” ee la socotay waradaha kale ee xirmada ah. U buuxi hal Warqada Dhaarta u Geynta ah warqadaha boostada loo dhigay waalidka kale, midna labaadna u buuxi Warqad Dhaarta u Geynta ah ee boostada loo dhigay xafiiska masaariifta ilmaha. 

3. Ilaali Akhbaarta Xafidan Xareysana Arjigaaga
Qaarka mid ah akhbaartu waa xog sir ah oo xafidan mana aha inay arkaan dadweynahu. Si kolkaa akhbaarta caynkan ahi ay sir u ahaato, waxaa jira labo foom oo kala duwan oo ay khasab tahay inaad buuxiso aadna ka xareyso maxkamada iyaga iyo warqadaha kaleba. Kuwaasi waa foomamka layiraa Foom 11.1 iyo 11.2 (Forms 11.1 iyo 11.2.). Ka he Foomamkaa Rugta Iskaa-Isu-Caawinta (Self-Help Center) ama khadka (online) ka ee http://www.mncourts.gov/Help-Topics/Child-Support.aspx (ingiriisi kaliya).

Hadii aad xareyso warqado ay ku qoran yihiin akhbaar adiga, qolada kale iyo ilmahaaga ku saabsan, xareysi iyana Foomka 11.1 (Form 11.1).  Taasi waxa ay ilaalin waxyaabaha sida lambarada sooshal sakuuratiga (social security) ga, lambarada aqoonsiyada shaqooyinka iyo lambarada xisaabaadka bangigyada ee ku qoran warqadaha aad maxkamada ka xareysay. Akhbaartaa waxaa la mariyaa qalin madow (isku talaab) gabi ahaanba.  Hadii aadan xareysan foomka Foomka 11.1 (Form 11.1), waxyaabahaas waxaa arki karta dadweynaha. Waxaa sidoo kale lagugu soo dalaci karaa kharashaadka maxkamada waayo waxyaabahaas ma aadan xafidin.

Isticmaal Foomka 11.1 (Form 11.1), si aad ugu qorto dukumiintiyada ay ku qoran yihiin akhbaartaada dhaqaale. Taasi kolkaa waxa ay ka dhigi iyaga kuwo xafidan. Qaar ka mid tusaalooyinka waxyaabaha ay tahay in xogtooda la xafidaa waa:

  • Jeegta shaqada dabadooda, oraahda shaqada,  foomamka (W-2),  ama kharashaadka ama dakhliga ganacsiga
  • Nuqulada warqadaha canshuur-celinta iyo jadwalada canshuurta
  • Oraahda bangiyada
  • Oraahyda kaararka amaahda
  • Jeeg diiwaan-geliyaha  
     

Ka xareyso Arjigaaga, Dhaartaada iyo 2 Dhaarta Boostada ugu geynta Warqadaha ah maxkamada ugu yaraan 5-cisho ka hor waqtiga dhagaysiga dacwada.   

4. Soo Aruurinta Akhbaarta
Akhbaarta Lacagta shaqada

Xafiiska masaariifta ilmahu waxa uu ka helaa nuqul qofka dakhligiisa la soo sheegay ah Gobolka    Minnesota.  Waa inay siiyaan maxkamada akhbaarta lacagta shaqada ee cid walba kolka qof uu xareysi codsi wax looga bedelayo masaariif. Hadii aadan ka helin nuqul  ah akhbaarta lacagta shaqada wac xafiiskaaga masaariifta ilmaha waydiisanaya inay ku siiyaan. 

Hadii waalidka kale uu xareysto warqado, waa inay xareystaan warqada dhaarta ee dhaqaalaha. Waalidka xareynaya dhaartu waxa kuu lifaaqaa akhbaarta cadeynta ah (sida jeegta dabadooda aan ka ahayn in maxkamadu tiraa ma aysan heli karin.

Waxaad kalood isticmaali kartaa “amrid” (“subpoena”) si aad u hesho akhbaar ku saabsan dakhliga qofka kale.  Amridu waa amar maxkamadeed oo faraya qofku inuu siiso maxkamada akhbaar ama uu yimaado maxkamada dhagaysigeeda.

Ka hel amrida xafiiska Maamulka Maxkamada adigoo ku waydiisanaya qoraal ahaan. Codsiga qoraalka ahi waa inuu yiraa nooca dukumiintiga ah ee uu codsanayo iyo magaca iyo ciwaanka qofka aad doonayso inuu ku siiyo akhbaarta. Habraacyada sida loo isticmaalo amridu waxa ay ku qoran yihiin gadaalka foomka. Waxaad kalood uga codsan karaa amrida qof inuu keeno jeegta dabadooda, warqadaha canshuur-celinta, iyo waxyaabo kale oo cadeynaya dakhliga xilliga dhagaysiga dacwada. Waxaad kalood ku codsan kartaa amrida cadeyn ah kharashyada haynta ilmaha (child care) ama noocyada kaararka caafimaadka iyo kuwa ilmaha ilkaha ah ee waalidka kale ka heli karo shaqadiisa.  Waxaa jira khidmad lagu bixiyo amar walba oo maxkamadeed oo aad codsato hadii aadan ka haysan maxkamada Amarka u Aqoonsiga Danyarta [In Forma Pauperis (IFP) Order].

Waxaad sidoo kale tartiib u waydiisan kartaa waalidka kale inuu ku siiyo akhbaarta aad u baahan tahay. Sharci gobolku leeyahay ayaa dhigaya inay khasab tahay waalidku inay ka wada shaqeeyaan isa-siinta iyo iswaydaarsiga akhbaarta.  

Ugu dambayn, adiga iyo qaaliga waxa aad heli doontaan fursad aad wax uga waydiisaan waalidka kale akhbaarta adinkoo su’aalo waydiinaya xilliga dhagaysiga dacwada. Hadii aadan u malaynayn in waalidka kale uu imaanayo maxkamada aadana aqoon inta lacag ah ee isaga ama iyada soo gasha, waxaa aad isticmaali kartaa awooda maxkamada ee amrida ah si aad ugu khasabto inuu waalidka kale yimaado maxkamada. 

5. Aadida Dhagaysiga Maxkamada
Tag goobta nus-saac ka hor waqtiga dhagaysiga maxkamadu bilaabmayo. Qaaligu waxaa dhici karta inuu doono inuu horey u sii bilaabo dhagaysiga dacwada hadii ay jiraan dhagaysi dacwooyin oo kiina ka horeeyey oo degdeg ku dhamaaday. Wax kasta waxaa ugu muhiimsan inaadan ka soo daahin dhagaysiga dacwada. Hadii dhagaysiga dacwadu uu dhamaaday kolka aad meesha tagto waxa aad dhumin fursadaadii aad wuxuun qayb ah uga noqon lahayd go’aanka. Go’aanka waxa ay gaari adiga la’aantaa.

Akhri “Waxa aad la imaansayso dacwada garnaqsiga ah?” ee ku yaal bogga 19 ee liiska akhbaarta aad u baahan tahay inaad xaakimka ama qaaliga siiso xilliga dhagaysiga dacwada. Marmarka qaarkood qaaligu waxa uu gaaraa go’aanka inta la joogo goobta dhagaysiga dacwada. Badanaa, waxa aad ku heli amar boostada ka dib dhagaysiga dacwada.

6. Eegida Amarka
Sida taxadar leh u akhri amarka kolka aad hesho. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad waydiiso xaakimka in wax laga bedelo amarka hadii uu leeyahay khaladaad yaryar, xog khaldan ama hadii si khaldan wax loo xukumay.

Waxaad kaloo la soo bixi kartaa (download) tilmaamaha bedelida amarada ee maxkamada gobolka ee http://www.mncourts.gov/Help-Topics/Child-Support.aspx (ingiriisi kaliya).  

Cutubka 6. Oofinta Amarka Masaariifta Ilmaha

Ka waran hadii la amray inaan masaariifta ilmaha bixiyo laakiin aanan awoodin?

Waalidka waa laga rabaa inuu bixiyo lacagaha masaariifta ilmaha ee maxkamadi amartay. Hadii xaalada waalidku ay is bedeshay, aysana bixin karin masaariifta ilmaha ee lagu amray inay bixiyaan, waa inay eegaan inay wax ka bedeli karaan (bedelid) amarka iyo in kale. Maxkamadu waxa ay eegi isbedelka, iyo sharciga ku saabsan wax ka bedelida amarada, waxa uuna dhimi karaa dhamaan ama qayb ka mid ah amarka. Ka eeg “Cutubka 5. Bedelida Amarka Masaariifta Ilmaha ee Hadda Jira” ee bogga 26 wixii kale ee akhbaar ah.

Ka waran hadii waalidka kale u diido inuu bixiyo masaariifta ilmaha aana anigu u baahnahay lacagta?

Dadka qaar waxaa dhici karta inay fajiciso sababta aan waajib-laha xabsiga loo dhigi waayey kolka bixin waayo masaariifta ilmaha? Ama sababta dadku ay u awoodaan inay ku badbaadaan bixin la’aan masaariifta?

Ka soo qaadida masaariifta ilmaha qof aan rabin inuu bixiyaa waa waxa ugu weyn ee dhibka ah ee haysta gobolka, waalidka ilmaha haya, iyo ummada gabi ahaanba

Minnesota waxa ay si joogta ah waxa uga bedeshaa una cusboonaysiisaa sharciyadeeda loo isticmaalo soo qaadida masaariifta ilmaha.

Dowladdu waxa ay isku daydaa dhamaan waxyaabahaas oo dhan si ay u caawiso in la hubiyo in masaariifta ilmaha la soo qaado:  

  • Si toos ah jeega shaqada uga soo goynta masaariifta ilmaha.
  • Maxkamad uga dacaweyn yaris maxkamadeed cidii bixin waydo lacagta.
  • U qaadashada lacagta canshuurta masaariifta ilmaha.  
  • Adeegysiga hay’ada lacag soo qaadida si ay u caawiyaan soo qaadida masaariifta ilmaha
  • Laalida laysinada shaqada iyo kuwa wadida gawaarida.
  • Qabsashada gawaarida iyo hantida kale ee qofka lacagta bixin waaya.
  • Diidida codsiga dal-ku-galka (passport) ee waalidka bixin waaya masaariifta.  
  • Ka ilaalinta waalidka inuu helida deeqaha waxbarashada ee ardayda.
     

Saas oo ay tahay, waxaa jira waalid badan oo aan bixin masaariifta ilmaha. Marmar badan dadkaasi waa dadka:

  • iskood u shaqeysta
  • lacag cadaan ah ku shaqeeya
  • leh taariikh shaqo oo aan aad u xasiloonayn ama
  • hadba meel u guura
     

Degmooyinku waxa ay ku kharash gareeyaan lacag aad u badan si ay isugu dayaan inay soo helaan dadkaa ayna maxkamad u hor keenaan, marmarka qaarkoodna ay xabsi u diraan. Dadka qaarkii ma ay haystaan wax lacag ah oo ay ku bixiyaan masaariifta ilmaha. Halka kuwa kale intii ay masaariif ilmood bixin lahaayeen waxay ka doortaan inay xabsi aadaan. Markii ay taasi jirto, waa ay adkaan kartaa ama waxa ay noqon kartaa waxa aan suurtagal ahayn in laga soo qaado masaariifta ilmaha dadka caynkaa ah. 

Hadii uu waajib-lahu uu diido inuu bixiyo masaariifta ilmaha, waa inaad hubiso in degmaddu ay isku dayeyso wax walba oo ay awoodo inay sameyso si masaariifta loo helo. Hadii aadan ku kalsoonayn in wax walba la isku dayeyo, Waaxda Adeegyada Bulshada, Qaybteeda Oofinta Masaariifta Ilmaha (Department of Human Services) ayaa kuu sheegi karta wixii kale ee aad sameyn karto. Ka wac iyaga khadka ah (651) 431-4400.

“Canshuur Qabsiga:” u qaadashada lacagta canshuurta waalidka uga soo noqonaysa masaariifta ilmaha

Sannad walba degmadda iyo gobolku waa khasab inay u sheegaan Laanta Canshuuraha Gudaha (IRS)] iyo Waaxda Dakhliga Canshuuraha ee Minnesota (Minnesota Department of Revenue) (hay’ada cashuuraha ee gobolka) hadii waajib-le lagu leeyahay masaariif ilmood oo uusan bixin. Hay’ada (IRS) waxa ay u qaadataa waajiblaha lacagtii canshuurta uga soo noqon lahayd masaariifta ilmaha ee lagu lahaa. Taa waxaa loogu yeeraa “canshuur qabsi.” Canshuur qabsigu waa waxa la heli karo lana adeegsan karo waajib-lahu ha qaato cayr ama yuusan qaadanine, laakiin cadadka masaariifta ilmaha ee lagu leeyahay waxa uu u baahan yahay inuu sareeyo hadii kiiska masaariifta ilmaha ahi uusan ku shaqo lahyn helid gargaar dowladeed. Hadii ay jirto lacag masaariif ilmood oo uu gobolku ku leeyahay waalidka, dowladdu iyada ayaa qaata lacagta canshuurta ah ee la qabsaday, xataa hadii waajiblahu uusan markaa cayr qaadan.

Ma joojin karaa bixinta masaariifta ilmaha inta aan ka helayo waqtigayga haysashada ilmaha ee waalidka?

Maya.  Waalidka qaarkii waxa ay dareemaan inaysan helin waqti ku filan oo waqtigooda waalidka ee ilmaha ah waxa ayna isku dayaan inay joojiyaan bixinta masaariifta ilmaha inta ay ka heliyaan waqti badan. Laakiin, waqtiga waalidka iyo masaariifta ilmahu waa labo waxyaabood oo kale duwan.

Waalidku ma uu u joojin karo bixinta masaariifta ilmaha iyadoo sababtu tahay inuusan helin waqti waalid. Waalidka kalena ma uu u joojin karo waqtiga waalidka kale ilmaha arkayo iyadoo sababtu tahay ma ay ka helaan masaariifta ilmaha. Hadii uu jiro amar maxkamadeed, aana loo hogaansamin amakaa, waxa aad ka codsan kartaa maxkamadu inay oofiso amarkaa. Laakiin hadii aad joojiso inaad bixiso masaariifta ilmaha, kolkaa maxkamadu arrintaa kuma ay faraxsansanaan karto.   

Ka hel akhbaarta laga xiriiro xafiiska masaariifta ilmaha ee degmadaada iyo xafiiska maamulaha maxkamada , Waaxda Adeegyada Bulshada, Qaybteeda Oofinta Masaariifta Ilmaha (Minnesota Department of Human Services),khadka ah (651) 431-4400 ama gal shabakadooda (website) ah: https://mn.gov/dhs/people-we-serve/children-and-families/services/child-support/programs-services/enforcing-orders.jsp (ingiriisi kaliya).

ERAY-BIXINTA

Weedhaha iyo Qeexitaanada

Masaariifta Aasaasiga ah (Basic Support): Cadadka lagu bixiyo kharashaadka ilmaha. Kharashaadka aasaasiga ah waa waxyaabaha sida cuntada, dharka, kirada guriga ama khasiraadyada kale oo quseeya daryeelida ilmaha. Maxkamada ayaa goysa cadadkan iyadoo isticmaalaysa habraacyada goynta masaariifta ilmaha. 

Gargaarida Haynta Ilmaha (Child Care Support): Cadadka ay maxkamadu amarto si loo caawiyo bixinta kharashaadka haynta ilmaha kolka waalidku uu shaqada jiro ama uu iskuul dhigto. 

Masaariifta Ilmaha (Child Support): Lacagta la bixiyo si loo caawiyo korinta ilmaha. Waa isku dar ah masaariifta aasaasiga ah, gargaarida kaarka caafimaad, iyo gargaarida haynta ilmaha.

Waalidka Ilmaha Haya (Custodial Parent): Waalidka uu ilmahu (inta badan) la nool yahay.

Habraacyada Saboolnimada ee Dowlada Dhexe (Federal Poverty Guidelines): Waa shaxan muujinaya heerka saboolnimada ee heerarka dakhliga kala duwan iyo baaxada qoyska. Habraacyada Saboolnimada ee dowlada dhexe waxa loo isticmaalaa in lagu go’aamiyo masaariifta ilmaha “gaar meel u dhigida is-Gargaarida.”

Dakhliga Guud (Gross Income): Wadarta dakhliga dhamaan ilaha ka duwan ka kala yimaada ka hor inta aan canshuurta laga jarin.  

Dakhliga u Soo Hara Gargaarka (Income Available for Support): Cadadka Dakhliga guud ah ee ka sareeeya “gaar meel u dhigida is-Gargaarida.”   

Ilmaha La Wadaago (Joint Child):  Ilmaha ay labada waalid wada dhaleen ee kiiska masaariifta ah ku jira.  

Haynta Sharciga ah (Legal Custody): Xaqqa aad ku gaari karto go’aamo waaweyn oo ku saabsan ilmaha noloshiisa, oo ay ku jiraan meesha uu iskuulka ka dhiganayo, caqiidada, iyo daryeelada waaweyn ee caafimaad. Haysashada Ilmaha ee Sharciga ah ee kalida ah macnaheedu waa kaliya hal waalid ayaa leh xaq uu ku gaari karo go’aamo waaweyn oo ku saabsan ilmaha. Haysashada Ilmaha ee Sharciga ah ee la wadaago  macnaheedu waa labada waalidba go’aamada waaweyn ee ilmaha ku saabsan wadajir ayey u gaaraan.

Gargaarida Kaarka Caafimaadka (Medical Support): gargaarida kaarka caafimaadku waa cadadka masaariifta ka mid ah ee ay amarto maxkamadu si loo caawiyo bixinta lacagta kaarka caafimaadka ee bil walba la bixiyo, gacan ka gaysi Gargaarka Caafimaad (Medical Assistance), ama kharashaadka uusan bixin kaarka caafimaadku oo ay ku jiraan lacagaha la isku leeyahay.  

Waalidka Aan Ilmaha Hayn (Non Custodial Parent): Waalidka uusan ilmahu (inta badan) la noolayn.

Ilmaha Aan la Wadaagin (Non-Joint Child): Ilmaha waalidka midkii, laakiin labada waalid ee kiiska masaariifta ahi ka dhaxeeyaa aysan wada dhalan. Tusaale ahaan, ilmo waalid uu gaar u dhalay. 

Waajible (Obligee): Qofka hela masaariifta ilmaha.  

Waajiblahu lehe (Obligor): Qofka bixiya masaariifta ilmaha.

Dakhliga Waalidka ee Go’aamiya Masaariifta Ilmaha (Parent Income for determining Child Support) (PICS): Dakhliga waalidka marka laga reebo wixii loo jaro ilmaha aan la wadaagin. Tiradan waxaa loo isticmaalaa in lagu ogaado cadadka masaariifta aasaasiga ah, gargaarida haynta ilmaha (child care), iyo gargaarida kaarka caafimaadka.   

Waqtiga Waalidka (Parenting Time): Waqtiga waalidku uu ilmaha la qaato. Ma quseeyso cidda loo xukumay haysashada ilmaha. Waqtiga waalidku waxaa loogu yeeri jiray booqasho markii hore.  

Qawimida Kharashka Waalidka (Parenting Expense Adjustment): Tani waxa ay yareysaa masaariifta aasaasiga ah waayo waajiblaha lacagta uu ku khasiro ilmaha xilliga waqtiga waalidka ee uu hayo ayaa loo xisaabiyaa.  

Kolka la goynayo cadadka masaariifta ilmaha, waqtiga waalidka waxaa lagu ogaan karaa inta habeen ee uu ilmahu la hoydo waalidka ama maxkamadu waxa ay ogaan kartaa waqtiga waalidka iyadoo isticmaalaysa maalmaha, hadii ilmahu uu la joogo waqti badan waalidkaa laakiin uusan habeenkii la hoyan.

Hayshada Ilmaha (Physical Custody): Macnaheedu waa la noolaanta ilmaha iyo gaarida go’aamada maalin walba ee ku saabsan daryeelka ilmaha. Hayshada Ilmaha ee kalida ah macnaheedu waa in ilmahu la nool yahay (inta badan) hal waalid.  Hayshada Ilmaha ee la wadaago macnaheedu waa in ilmahu uu la nool yahay labada waalid uuna u dhaxeeyo lana wadaago waqti labada waalidba. 

Dakhliga La Kari Karo (Potential Income): Hadii waalid uu awoodo inuu shaqeeyo laakiin uusan shaqeyn ama uu shaqeeyo saacado yar, kolkaa maxkamadu waxa ay u xisaabin kartaa waxa uu kasban karo hadii uu saacada buuxa shaqeeya. Taa waxaa la yiraa dakhliga la kasban karo, waxaana loo xisaabiyaa dakhli ahaan kolka la gooynayo cadadka masaariifta ilmaha ah.

Cadadka Qofka loo reebaa (Self-Support Reserve): Waa cadadka dakhliga ah ee loo reebo kharashaadka nolosha ee waajib-laha ee bil walba. Taa macnaheedu waa cadadka masaariifta ilmaha ahi uma uu reebi karo waajiblaha cadad ka yar inta uu baahan yahay inuu ku noolaado bil walba, aan ka ahayn in waxa la yiraa cadadka ugu yar ay arrinta quseeyso. Cadadka Qofka loo reebaa waa 120% ee habraaca aqoonsiga saboolnimada ee qofka kaligii ah, taa oo ah $1,276  sannadka 2020.  

Manfacyada Sooshal Sakuuratiga iyo Kuwa Halgamayaasha Wadanka (Social Security nd Veteran’s Benefits): hadii waalid uu hawl-gab ama naafo yahay uuna qaato manfacayada Sooshal Sakuuratiga (Social Security) ama manfacyada Halgamayaasha wadanka (aan ka ahayn SSI), cadadka manfaca ah ee uu waalidku helaa waxa ay qayb ka tahay dakhligiisa. Haddii ilmahu uu helo manfacyo iyadoo sababtu tahay naafanimada ama haw-gabnimada waalidka, cadadka manfaca ah ee ilmaha la siiyo waxaa lagu daraa taxaalka masaariifta ilmaha ee waalidka naafada ama hawlgabka ah ha dhowna waxaa laga jaraa cadadka masaariifta ilmaha.

Xaq siinta Xilaha (Spousal Maintenance): Lacagta la amray in la siiyo xilo xilliga dacwada furiinka ah. Sidoo kale waxaa loogu yeeraa “masruuf.”

Qabsiga Lacagta Canshuurta (Tax Intercept): Kolka Laanta Canshuuraha Gudaha (IRS)] ama Waaxda Dakhliga Canshuuraha ee Minnesota (Minnesota Department of Revenue) ay u qaadato waalidka lacagtiisa canshuur-celinta masaariifta ilmaha ee lagu leeyahay.