Mar haddii uu kugu yimaado “ Dib u Dhac Weyn” ee bixinta cashuurta gurigaaga, waxaa bilaabanaya hab raaca “ Guri ku waayid Cashuur bixin la’aan”. Waxaad haysataa waqti aad ku xaliso waxa jira, laakiin haddi aadan bilaabin, waxaad ku dambaynaysaa in gobolku gurigaaga geliyo “ Guri ku Waayid Cashuur la’aan”. Haddii habraacaas uu dhamaado, guriga waxaa lagu iibin karaa xaraash waana lagaa qaadi.
Marka hore, waxaad helaysaa Ogaysiin Dib u Dhac Weyn iyo warqad Dib u Dhac cashuurta guriga, bisha Maarso 20 ee sannadka loo aqoonsaday in uu dhacay “ Dib u Dhac Weyn” . haddii ay jiraan qayba kale ee daneynaya, sida qof ama shirkad guriga ku leh amaah, iyaguna wey helayaan ogaysiinta. Ogaysiinta iyo warqaddu waxay ku kala yaalaan labada dhinac ee isla hal warqad. Ogaysiintu waxay sheegaysaa waqtiga uu dhacay la wareegidda guriga iyo hab raaca waqtiyada ugu muhiimsan. Warqaddu waxay kuu sheegaysaa in aad si taxadar leh u akhriso, waxay kaloo cadaynaysaa inta lagu leeyahay, waxay xisaabinaysaa dulsaarka, iyo timaan bixinta sida loo bixinayo.
Haddii aadan ku raacsanayn sida cashuurta loo xisaabiyay ama loo qiyaasay ogaysiinta dhexdeeda, waxaad qorran kartaa diidmo waqtiga kama dambaysta ah ee ku qoran ogaysiinta. Ogaysiintu waxay kuu sheegaysaa sidii aad u dacwoon lahayd, FEEJIGNOW! Ogaysiinta degmooyinka qaarkood waxaa qora kombiyuutar 40 sanno jira, ayna adag tahay in la akhriyo. Akhri wax walba si taxadar leh oo wac xafiiska degmada waaxda u qaabilsan cashuuraha guryaha isla markiiba weydii hadii aad su’aal ka qabtid.
Haddii aadan waxba diidanayn, ama ay maxkamadi si lid ku ah xukuntay diidmadaada, maxkamadu waxay gelinaysaa Xukun Makamadeed ee canshuurta. Taas micneheedu waxa weeye guriga wax baa lagu leeyahay oo ah tirada cashuurta Dib u dhac ku timid.
Marka xukunka la geliyo, gurigu wuxuu gelayaa naadin qiimo lagu tartamo Isniinta labaad ee bisha Maajo. Taas micneheedu waxa weeye gurigu weli addiga ay ku qoran yahay, laakiin gobolka ayaa wax ku leh wixii ka soo baxa. Tani waa bilowga xiliga dib u helida. Cidda yeelan doonta guriga waxay ku xirrantahay xilliga dib helidda.