Hadii aad calaamadisay “B” Qaybta 1, oo aad ku codsanayso saamixida khidmada sababta oo ah in dakhligaagu yar yahay kolkaa waxa aad u baahan tahay inaad buuxiso qaybtan. Hadii aadan calaamadin lambar “B” Qaybta 1, ka BOOD qaybtan.
Su’aalahaasi waxa ay ku waydiiyaan sida u kasbato lacag iyo cidda kula nool.
Su’aasha 2, “Manfacyada shaqaalaha shaqo la’aanta ah” macnahoodu waa jeeg ka yimaada Gobolka oo aad hesho. Manfaca shaqo la’aanta ah, sidoo kale badanaa waxaa lagaa rabaa inaad tagto meel shaqooyinka laga raajiciyo aadna la kulanto la taliye. Hadii aadan shaqo hayn laakiin aadan ka helayn wax lacag ah ama kulan ah hla taliyaha, kolkaa dooro “maya”.
Su’aasha 3, ku dar adiga naftaadda, xilahaaga (hadii uu kula nool yahay) ilmaha adiga kula nool (haddii ay 21 sanno ka yar yihiin aysana guursan ama ay waqti buuxa iskuul dhigtaan ayna ka yar yihiin 24 jir aysana guursan), waalidkaa haddii ay kula nool yihiin, ama haddii cid kale oo aad mas’uul ka tahay aad canshuurta ku xareysatay. Haddii aadan ahayn qofka qoyska madaxada u ah, ku dar qofka qoyska madaxada u ah (qofka ku xaraystay canshuur-celinta inuu mas’uul kaa yahay ama dakhliga ugu badan uu soo galo). Eeg tilmaamaha foomka ama la tasho qareen haddii aadan hubin cidda lagu darayo jawaab-celintan.
Su’aasha 7 waxa ay ku waydiisaa in dhamaan dakhliga xubnaha qoyska oo dhan loo xisaabiyo siddii iyagoo qayb ka wada ah xubnaha qoyskaaga.
Waa inaad soo dirto canshuur-celintaadii ugu dambaysay ee aad xaraysay iyo marmarka qaarkood jeegta shaqada dabadooda ee cadeynaya dakhligaagga. Hadii ay jiraan wax isbedelo ah oo xaaladadaada ku yimi intii aad canshuurta xaraysay, u sheeg. Isbedelada waxaa ku jiri kara: inaad shaqadii aad wayday, aad heshay shaqo cusub, laakiin aad ka qaadato lacag ka yar tan tii shaqadii hore, ilmo kale ay kuu dhasheen, furiin, guur, aad heshay shaqo lacag badan leh. Ku qor waxa dhacay meesha banaan ee su’aasha 9.
Eeg inaad xaq u leedahay khidmad saamixida kolka aad isku wada darto dakhligaaga. Si aad uga eegto Habraaca Aqoonsiga Saboolnimada ee Dowlada Dhexe, gal shabakada: https://www.uscis.gov/forms/filing-fees/poverty-guidelines. Riix linkiga yiraa I-912P. Eeg dakhliga tirada dadka ee qoyskaaga ka dibna barbar dhig lambarka. Hadii lambarkaagu uu ka sareeyo, kolkaa waxaa dhici karta inaadan helin saamixida khidmada. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad ku darto akhbaar ku saabsan dar-xumo dhaqaale oo ku haysata, aadna calaamadisid“3” ee Qaybta 1.
Hadii aad u codsanayso saamixida khidmada sabab ah dakhli hooseyn uun, kolkaa waxa aad u boodi kartaa Qaybta 7.