Hay’adaha baarida kireystahu kaliya waxa ay soo sheegaan biilalka aan la bixin iyo guri ka saaritaanada ilaa 7-sanno Musalifaayada waxaa la soo sheegaa ilaa 10 years. Dambiyada horey loo galay waxaa la soo sheegi karaa intii la rabo, laakiin xirida ama wixii kale ee bilayska la xiriira waxaa la soo sheegi karaa uun 7-sanno.
Guri ka saaritaanada [marmarka qaarkoodna loogu yeero haysasho sharci-darro ah ama (Uds)] waxay soo sheegaan ilaa 7-sanno hay’adaha baaridu. Kiiska guri ka saarida ahi waa wax diiwaanka dadweynaha gala. Waxa ay ka soo bixi warbixinta soo baarida kiraystaha kolka la xareeyo. Waa soo bixi kartaa xataa haddii aad ku guulaysto kiiska, ama kiiska xal lagu dhameeyo, aad guurto ama aad bixiso dhamaan wixii kiro ahaa ee lagugu lahaa. Qaar ka mid ah kiisaska guri ka saaridyadda ah waa la tirtiraa ka dib kolka xal lagu dhameeyo arinta. Sidoo kale waxaa dhici karta iyana in la tirtiro dacwadda haddii kiiska la diido. Waxa ay jirtaa taasi maxkamadda. Marmarka qaarkood, waa aad kala xaajoon kartaa maxkamadda in la qariyo kiiska haddii mulkiilaha gurigu uu ogolaado taa.
Ogow: Guri ka saaridu waa ay uu ku jiri karaa diiwaanada maxkamada muddo aad uga dheer 7-sanno.
Hadii maxkamadu ay kaa tirtirto kiiska guri ka saarid ah, kolkaa hay’adaha soo baarida kireystahu ma soo sheegi karaan. Kolka kiis la tirtiro Maxkamada waxa masaxdaa diiwaanada maxkamada.
Qolo guri ma diidi karto codsigaaga haddii:
- haddii kiis dacwo guri ka saarid ah la tirtiray ama la baa’biyey ama
- aad leedahay kiis guri ka saarid ah oo wali socda, ama guri ka saarid aan cid walbaa ogaan karin ama
- aad leedahay kiis guri ka saarid ah, laakiin maxkamaddu aysan soo saarin amar ah in guriga loo soo cesho qofka mulkiilaha ama amar guri banayn ah.
Si aad u ogaato sida loo waydiisto Maxkamada tirtiraad, eeg warqadayada xogta aruursan ee Tirtirada Guriga Ka Saarida.