Hay’adaha baarida kireystahu kaliya waxa ay soo sheegaan biilalka aan la bixin iyo guri ka saaritaanada ilaa 7-sanno Musalifaayada waxaa la soo sheegaa ilaa 10 years. Dambiyada horey loo galay waxaa la soo sheegi karaa intii la rabo, laakiin xirida ama wixii kale ee bilayska la xiriira waxaa la soo sheegi karaa uun 7-sanno.
Guri ka saaritaanada [marmarka qaarkoodna loogu yeero haysasho sharci-darro ah ama (Uds)] waxay soo sheegaan ilaa 7-sanno hay’adaha baaridu. Kiiska guri ka saarida ahi waa wax diiwaanka dadweynaha gala. Waxa uu soo baxaa xataa haddii aad ku guulaysato ama aad waanwaan lagu dhameeyo kiiska, aad guurto, ama aad bixiso dhamaan kiradda lagugu leeyahay. Marmarka qaarkood, waa aad kala xaajoon kartaa maxkamadda in la qariyo kiiska haddii mulkiilaha gurigu uu ogolaado taa.
Ogow: Guri ka saaridu waa ay uu ku jiri karaa diiwaanada maxkamada muddo aad uga dheer 7-sanno.
Hadii maxkamadu ay kaa tirtirto kiiska guri ka saarid ah, kolkaa hay’adaha soo baarida kireystahu ma soo sheegi karaan. Kolka kiis la tirtiro Maxkamada waxa masaxdaa diiwaanada maxkamada.
Laga bilaabo bisha Janaayo 1, 2024: sharci cusub oo gobolku leeyahay ayaa waxa uu yiraa waa in dhamaan diiwaanadda guri ka saaritaanadda oo dhami ay iskood u tirtirmaan 3 sanno ka dib kolka ay maxkamaddi amato guri ka saarida.
Si aad u ogaato sida loo waydiisto Maxkamada tirtiraad, iyo sida loogu sheego hay’adaha baarida kolka kiis la tirtiro, eeg warqadayada xogta aruursan ee Tirtirada Guriga Ka Saarida.