U soo Sheegida Ciwaan Bedelida Laanta Socdaalka (Immigration)
Ma inaan ogaysiiyaa laanta socdaalka (immigration) kolka aan bedelo ciwaankayga?
Hadii aadan ahayn Muwaadin Mareykan ah (U.S.) waxa aad u baahan tahay inaad u sheegto hay’ada Muwaadinimada & Adeega Socdaalka [United States Citizenship & Immigration Service (USCIS)] meesha aad ku noolaanayso. Waa inaad ugu sheegtaa 10-cisho gudahood mar walba oo aad guurto ama aad ciwaanka bedesho.
Muwaadiniinta Mareykanka ah (U.S.) iyo kuwa aan muwaadinka ahayd wali ee “qabanqaabiya” muhaajir wadanka Mareykanka (U.S.) ku nool iyagoo saxiixaya “dhaarta gargaarka” waa khasab inay sidoo kale u sheegaan hay’ada (USCIS) kolka ay ciwaankooda bedelaan. Qabanqaabiyeyaashu waa inay ku soo sheegaan ciwaan bedelida 30-cisho gudahood.
Sidee ayaan u soo sheegaa ciwaan bedelida?
Buux foomka la yiraa (Form AR-11), ee Kaarka Ciwaan Bedelida dadka qalaad (Alien’s Change of Address Card). Ka xaree foomka khadka (online) ka foomka ama daabac ka dibna boostada dhig. Waxaad kaloo ku soo sheegi kartaa ciwaan bedelida telefan. Shabakada (website) hay’ada (USCIS) waxaa la heli karaa iyadoo ah Afafka Ingiriiska iyo Isbaanishka ah, waana aad ku buuxin kartaa Kaar khadka (online) ka isagoo ah Af Ingiriis ama Isbaanish ah. Laakiin foomka la daabici karo waxaa la heli karaa isagoo afka Ingiriiska uun ah.
Kadka (Online) ka:
Si aad uga xareysato khadka (online) ka, gal shabakada hay’ada (USCIS) ee www.uscis.gov/AR-11. linkiga lagu sameeyo ciwaan bedelida waxa uu ku qoran yahay boggan. Sidoo kale hubi inaad riixdo linkiga “Ciwaan Bedelid” (“Change of Address”) aadna akhrido tilmaamaha hay’ada (USCIS) ee ciwaan bedelida. Hubi inaad daabacato bogga cadeynta kolka aad dhamaysato. Taasi waxa ay caawin inaad cadeyso inaad u sheegtay hay’ada (USCIS) ciwaankaaga cusub.
Waxa ay ku qaadan kartaa hay’ada (USCIS) 3-4 asbuuc inay ka cusboonaysiiso ciwaankaaga. Ciwaan bedelida aadka degdega u ah, waxaa fiican in lagu sameeyo telefanka.
Ogow: habka iyo ciwaanka xaraysiga bedelida ciwaanadu waa ay ka duwan yihiin kuwa kale hadii kiiskaagu uu ku shaqo leeyahay:
- Codsiga (VAWA) (dagaalka qoyska dhexdiisa ah)
- Codsiga Fiisaha T (T Visa) (dhibanayaasha tahriibinta) ama
- Codsiga Fiisaha U (U Visa) (dhibanayaasha dambiyada)
- Saamixida I-751 oo ku salaysan dagaalka qoyska dhexdiisa ah/tacadi.
Habka kiisaskaasi waa uu ka duwan yahay kuwa kale xataa hadii aad noqoto (LPR) ama hadii aad codsato dhalasho ama inaad noqoto muwaadin (Form N-400).
Gal http://www.uscis.gov/addresschange si aad ugala hadasho qareen qaabilsan laanta socdaalka (immigration) kiisaskaa.
Boosto ku dirida:
Hadii aad doonayso inaad boostada soo dhigto foomka, gal www.uscis.gov/AR-11. Riix, Kaarka Ciwaan Bedelida Dadka Qalaad AR-11, Alien’s Change of Address Card Form (PDF, 301 KB). Linkiga ayaa fura foomka. Waa aad ku buuxin kartaa kumbuyuutarka ka dibna daabici kartaa ka dibna gacanta ku buuxin kartaa.
Ka dib kolka aad buuxiso, ka sameyso nuqul aad adigu meel dhigato. Waa ra’yi wacan inaad ku dirto foomka boostada sugan aadna codsato rasiidka soo noqoshada. Xafiiska boostada ayaa ku sheegi sida arrintan loo sameeyo. Kolkaa waa ogaan kolka hay’ada USCIS ay hesho. Waadna cadeyn kartaa inaad dirtay hadii aad u baahato.
Telefanka:
Hadii aad u baahan tahay inaad degdeg u cusboonaysiiso ciwaankaaga, wac hay’ada (USCIS) Khadkeeda Adeega Macmilka ee ah 1-800-375-5283. Hadii aad u malaynayso in warqadaada shaqada ama kaarkaaga deganaanshaha rasmiga ah dhawaan boostada laguugu soo diri, waa ra’yi fiican in la waco hadii ciwaankaagu uu isbedelay. Waxa aad u baahan tahay inaad siiso dhamaan isla akhbaarta aad ku bixin lahayd Foomka AR-11, laakiin ma aad buuxinaysid foomka.
Aakhirka ku wada hadalka telefanka, Wakiilka Adeega Macmilka ee Hay’ada USCIS ka waa inuu ku siiyaa lambarka cadeynta ah. Qoro kaa. Sidoo kale waxaad waydiin kartaa in cadeyn laguugu so diro boostada. Adeega Macmilka ee Hay’ada USCIS kolkaa waa inay kuu soo dirtaa warqad cadeynaysa wicitaankaagii telefanka. Meel dhigo warqdan ka timi hay’ada USCIS! Hadii aadan warqada uga helin hay’ada USCIS 30-cisho gudahood, kolkii aad wacday ka dib, mar kale wac.
Qabanqaabiyeyaasha:
Hadii aad tahay muwaadin Mareykanka ah (U.S.) ama qabanqaabiye aan wali muwaadin noqon, waa khasab inaad cusboonaysiiso ciwankaaga adigoo buuxinaya Foomka I-865 ee Ogaysiiska Bedelida Ciwaanka ee Qabanqaabiyaha. Foomkan waa in boostada loogu soo diraa Hay’ada USCIS, lagamana xareyn karo khadka (on-line) ka. Ka daabaco shabakada hay’ada (USCIS), ee ah www.uscis.gov/I-865.
Hadii aadan ahayn muwaadin aadse tahay qabanqaabiye, waa inaad xareystaa labadaba Foomka AR-11 iyo Foomka I-865.
Ka waran hadii aanan soo sheegin ciwaan bedelid?
Waxaa lagugu soo oogi karaa dacwo dambi. Aad ayey muhiim u tahay inaad ku soo sheegto isbedelka Foomka AR-11 10-cisho gudahood guurida ka dib.
Hay’ada USCIS waa inay cadeyso inaadan kas u soo sheegin ciwaanka isbedelay. Hadii lagugu helo dambigan, waxaa lagu ganaaxi karaa ilaa $200, waxaana lagu xiri karaa ilaa iyo 30-cisho. Sidoo kale waa lagu masaafurin karaa.
Soo sheegida ciwaan bedelidu waa mid ka mid ah mas’uuliyadaha saaran dadka aan muwaadinka ahayn hadii ay doonayaan inay sii joogaan wadanka U.S. ama ay ka helaan sharci laanta socdaalka (immigration) ee wadanka mustaqbalka.
Hadii aad tahay qabanqaabiye aan ku soo sheegin bedelida Foomka I-865 30-cisho gudahood, waa lagugu ganaaxi karaa soo sheegid la’aanta isbedelka.
Kiiska Socda
Hadii aad ka xareyso ciwaan bedelid khadka (online) ka, shabakadu waxa ay ku waydiin adiga akhbaar ku saabsan wixii codsiyo kale ah ee kuu socda wali. Taa macnaheedu waa codsiyo aad dirtay laakiin hay’ada USCIS aysan wali go’aan ka soo saarin.
- Geli akhbaarta, kolkaa xafiiska hay’ada USCIS ee mas’uulka ka ah codsigaaga wali socda waxaa loogu sheegi doonaa 3-4 asbuuc gudahood.
- Daabaco Xaqiijin (cadeyn) ah inaad soo sheegtay isbedelka meelna dhigo.
- Waa ra’yi fiican iyana inaad wacdo hay’ada USCIS aadna u cusboonaysiiso ciwaankaaga, si kolkaa kiiskaaga socdaa degdeg loogu cusboonaysiiyo.
Hadii aadan soo sheegin ciwaankaaga cusub inta codsigaagu socda, waxaa dhici karta inaad gafto ogaysiisyo muhiim ah. Waxaana ka sii daran, waxaa dhici karta inaadan ka helin dukumiintiyo muhiim ah hay’ada USCIS, sida warqadaada shaqada ee cusub.
Hadii boostadu aysan ogayn ciwaankaaga cusub iyana, waxaa dhici karta inay geeyaan warqadaada shaqada ama kaarkaaga daganaanshaha rasmiga ah ciwaankaagii hore. Kolkaa kaarkaaga waxaa loo tixgelin inuu dhumay. Taa macnaheedu waa inay khasab noqoto inaad dib u codsato mar labaad warqadaada shaqada ama kaarkaaga daganaanshaha rasmiga ah. Waxaa iyana suurta gal ah inaad bixiso khidmada codsiga mar labaad.
Hadii kaarkaaga loo diro ciwaan khalad ah waxaa dhici kara in qof kale uu helo kaarkaaga uuna khaa’inimo ku sameeyo isagoo magacaaga isticmaalaya. Hadii aad og tahay in kaarkaaga la geeyey ciwaankaagii hore, waxaa dhici karta inaad u baahato inaad bilayska u sheegto in kaarka la xaday.
Waxaad kalood u diri kartaa warqad ku saabsan ciwaan bedelida ka dib kolka aad wacdo. Kolkaa, waxa aad hubinaysaa in hay’ada USCIS ay heshay akhbaarta. Hadii aad doonayso inaad arrintan sameyso, qor warqad leh:
- magacaaga oo buuxa,
- lambarkaaga diiwaangelinta dadka qalaad,
- lambarka rasiidka codsigaaga iyo
- ciwaankaaga cusub iyo kaagii hore labadaba.
Ku lifaaq nuqulka ogaysiiska rasiidka ee codsigaaga wali socda. Boostada u dhig warqadan adigoo ku hagaajinaya xafiiska hay’ada USCIS ee codsigaagu ka socdo.
Ugu dir warqada boostada sugan. Meel dhigo nuqul warqada ah iyo rasiidka boostada sugan.
ARRIN MUHIIM AH:
Hadii aad leedahay codsi wali hawshiisii socoto aadana u sheegin isbedelka ciwaankaaga hay’ada USCIS ee codsigaa, kama aad heli doontid hay’ada USCIS warqado ku saabsan go’aanada ama akhbaar muhiim ah oo kiiskaaga ku saabsan. Taasi waxay dhalin kartaa in hay’ada USCIS ay diido manfacyada laanta socdaalka aad ka codsatay. Noocyo ka mid ah kiisaskaa, arrintani waxa ay dhalin kartaa in mas’uuliyiinta laanta socdaalku ay ku geliyaan adiga liiska dadka ay rabaan in ay masaafuriyaan.
Xasuusnow! Hadii kiiskaaga laanta socdaalku uu ku shaqo leeyahay Foomamka I-360, I-918, I-914 ama I-751 (ku salaysan dagaal qoyska dhexdiisa ah) KUMA bedeli kartid ciwaankaaga khadka (online) ka ama telefan. Waa inaad raacdaa tilmaamaha gaarka ah ee ku jira shabakada http://www.uscis.gov/addresschange.
Remember!
If your immigration case involved Forms I-360, I-918, I-914 or I-751 (based on domestic violence) you CANNOT change your address online or by phone. You must follow the special instructions at http://www.uscis.gov/addresschange.
Dadka aan sharciga lahayn
hadii aadan ahayn muwaadin wax sharci ahna aadan ku lahayn wadanka U.S., aadana lahayn wax codsi sharci ah ee kuu socda oo aad sugayso, hel talo dhanka sharciga ka hor inta aadan u sheegin hay’ada USCIS ciwaan bedelidaada.