Talaabadda 1: U tag qofka fadhiya daaqadda
Gudaha qolka 1601, waxaa ku jira qof daaqadda fadhiya. Gal laynka si aad ula hadasho qofkaa. Waxaa dhici karta inaad sugto qofka 30 daqiiqo ama ka badan.
Talaabadda 2: Qofka daaqadda fadhiyaa waxa uu ku waydiin doonaa su’aalo.
Qokaa waxaa laga yaabaa inuu ku hadlo aflka Isbaanishka ama uusan ku hadlin. Uga jawaab su’aalaha oo dhan si daacad ah. Qofku waxa uu ku waydiin doonaa adiga:
- “Ma arki karaa jadwalkaaga is keenida?” Taasi waa warqad ay hay’adda ICE ku siisay oo leh waqtiga iyo goobta iska-xaadirinta hay’adda ICE.
- “Wali ma ku nooshahay ciwaankan?” Haddii aad guurtay, waxa aad u baahan tahay inaad siiso dukumiinti cadeeya meesha aad ku nooshahay hadda.
- “Waa maxay lambarka telefankaagu?”
- “Waa goorma qaadida dacwadaadda soo socotaa?”
- “Ma leedahay wax codsiyo ah oo kaaga xaraysan laanta socdaalka (immigration)?” U sheeg hay’adda ICE wixii codsiyo ah oo soo gudbisatay oo ay ku jiraan magangelo ama warqad shaqo.
Talaabadda 3: Qof daaqadda fadhiyaa ayaa kaa baari kumbuyuutarka hay’adda ICE.
Haddii ay jiraan su’aalo kale oo ku jira galkaaga, qofka daaqadda fadhiyaa waxaa dhici karta inuu ku geeyo qol gaar ah. Eeg talaabadda 4.
Haddii aysan ku jirin wax su’aalo ah oo kale galkaaga, is-xaadirintii kolkaa waa dhamaatay. Qofka daaqa fadhiyaana waxa uu kuu sheegi:
- Inaad bixi karto.
- Taariikhda iyo waqtiga marka xigta ee aaad is-xaadirinayso.
- Haddii aad u baahan tahay inaad gasho Barnaamijika Imaashaha ee Kormeerida Adag (ISAP). ISAP waxa ay la leedahay qandaraas hay’adda ICE si ay u sameyso kormeer badan. ISAP waxa ay ku waydiin inaad telefan isku xaadiriso ama lugta bir lagaaga xiro. ISAP waxay kaloo kugu soo booqan kartaa guriga ama shaqada.
Talaabadda 4: Waxaa dhici karta in qol gaar ah lagu geeyo. Uuna sarkaal ICE ka tirsan su’aalo badan ku waydiiyo.
Waxa aad sugi kartaa 30 daqiiqo ama 1 saac ka hor inta uu diyaar kuu noqonayo sarkaalka hay’adda ICE. Su’aalahu siddoo kale waxa ay qaadan karaan 1 saac. Waxaa jira sababo badan oo aad ugu baahan karto inaad sii joogto aadna ka jawaabto su’aalo. Taasi waxay noqon kartaa sabab ah:
- Waxaa laguu qabtay balan waqti dheer.
- Waxa aad haysataa dukumiintiyo u baahan in la geeyo goobta.
- Dambi cusub awgii ayaa laguu xiray ka dib iska-xaadirintii haya’dda ICE ee ugu dambaysay.
- Wax ayaa iska bedelay fulinta sharciyadda laanta socdaalka (immgration).