Xaqaagga Aad ku Duubi Karto Aadna ku Indho-indheyn karto Hay’adaha Sharci-Ilaalinta

Waxaa qoray
Education for Justice
Markii ugu dambeysay ee wax la soo geliyey
02/2026

Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa xaquuqdaadda sharciga ah ee aad ku duubi karto wax-dhexmarka dadweynaha iyo hay’adaha ilaalinta IYO qaarka mid khataraha jiri kara. Hay’adaha sharci -ilaalinta waxaa ku jira askarta sharci-ilaalinta ee deegaanka, sidda bilayska, shariifka, daraawiishta gobolka. Waxaa kaloo ku jira hay’adaha sharci-ilaalinta ee dowladda dhexe (federal), sidda, ICE, Hay’ada Ilaalinta Sharciga Socdaalka & Kastanka (Immigration & Customs Enforcement), Hawgaladda Fulinta iyo Saaridda (ERO), DEA Maamulka Ilaalinta Sharciyadda Maan-dooriyeyaasha (Drug Enforcement Administration), iyo FBI. 

Haddii adiga ama qof aad taqaan loo qabto mudaharaadid ama ahaanta indho-indheeye sharci ah: Ka wac Ururka Qareenadda ee Heerka Qaran (National Lawyers Guild) khadka ah 612-444-2654. 

Xusuusnow: Xaaladahu degdeg ayey isu isbedeli karaan. Arrinta ah inaad sharciyan xaq u leedahay inaad indho-indheyn karto xarakaadka hay’adaha sharci ilaalinta macnaheedu ma aha inaad amaan ahaanayso. Isticmaal garashadaadda iyo caqligaaga si aad u go’aansato inaad sii wadi indho-indheynta iyo in kale. 

Waxaa maxay qaar ka mid ah talooyinka ku saabsan si sharci ah u indho-idheynta hay’adaha sharci-ilaalinta?