Amarka Amaan Helida iyo Amarka Khashkhashaada
Waa maxay Amarka Amaan Helidu?
Amarka Amaan Helidu (OFP) waa amar maxkamadeed oo ka joogiya reer ama qoys dagaal. (OFP) ma aha kiis dambi ah. Waxa uuna ka dhacaa maxkamada qoyska. Maxkamadu waxa ay amri kartaa waxyaabo ka dheereeya tacadi gaystaha adiga iyo gurigaagaba ama waxa ay amri kartaa qofka dhibka wada inuu helo la talin ama dabiibid. Amarka OFP waxaa kale oo ku jira kara amaro ku saabsan gargaarada kaalmada ilmaha, haynta iyo waqtiga waalidka (booqashada). Amarka Amaan helida (OFP) waa amar hal dhinac ah oo ka joojiya tacadi gaystahu inuu wax sameeyo. Amarku kama hor istaago qofka lagu tacadiyey inuu wax sameeyo. Haddii amarkaa la jabiyo, tacadi-geystahu ayaa dhib weyn la kulmi, ee ma aha inuu wax dhib ah la kulmi lagu tacadiyahu.
Waa maxay dagaalka qoysku (tacadiga guriga)?
Dagaalka qoysku waa kolka qof uu jir ahaan wax kuu yeelayo ama uu kuugu hanjabayo waxyeelo jireed oo markaa ah. Taa waxaa ku jira kufsi iyo hanjabaad argagaxid leh. Tusaalayaal kuwaa ah waxaa ku jira garaacida, wax lagugu tuuro adiga, riixitaan, dhihida waxyaabaha sida, “waa ku dilayaa,” hub ku bajin, dilida xayawaankaaga yar ee guri joogta ah ama xoogid. In aan laguu ogolaan inaad wacato 911 si aad caawimaad u hesho iyana sidoo kale waa dagaal qoyska ah.
Ciddee ayaa heli karta amarka OFP?
Waa aad heli kartaa amarka OFP si aad u joojiso tacadiga ay geysanayaan mid kasta oo ka mid ah dadka soo socda:
- Saygaaga ama afadaada (uma baahnid inaad furto dacwo furitaan si aad u hesho (OFP)
- Saygaagii hore ama afadadii hore
- Cid walba oo aad la leedahay xiriir weyn oo jecayl ama xiriir galmo
- Cid walba oo aad rixim tihiin
- Cid walba oo adiga hada kula nool, ama horey kuula noolayd
- Waalidkaa
- Ilmahaaga, hadii ay 18 sanno ka weyn yihiin
- Aabaha iyo hooyada ilmahaaga ama ilmhaaga aan dhalan wali
Hadii tacadi geystahu uusan soo hoos gelin midna noocyada kor ku xusan, ka dib tag gadaalka warqada xog aruurinta si aad wax uga ogaato Amarada Khashkhashaada.
Waxaan ahay saqiir, ma lehi karaa amarka OFP?
Saqiiradu ma heli karaan amar OFP oo iyaga kaliya ay leeyihiin. Waxa aad u baahan qof kabiir ah oo ka weyn 25 sanno inuu kuu xareeyo amarka OFP isagoo adiga afkaada ku hadlaya. Laakiin qofkii jira 16 sanno ama ka weyn waxa ay ka xareysan karaan codsi ay iyagu leeyihiin xilihooda, xilo hore ama qof ay ilmo ka dhaxeeyaan.
Ma u heli karaa amarka OFP ga qof kale oo lagu tacadiyayo?
- Waa aad u codsan kartaa amarka OFP ilmo qoyskaaga ama reerkaaga ah.
- Hadii aad ka walwalsan tahay ilmo qof kale qoyskii ka mid ah, waxaa ugu roon in la sameeyo waa in loo sheego tacadiga Hay’ada Ilaalinta Ilmaha marka hore.
- Hadii aad ka walwalsan tahay tacadi qof weyn oo qoys kale ka mid ah lagu hayo, wac Rugta Minnesota ee Tacadiyada lagu Hayo Dadka waaweyn (Minnesota Adult Abuse Reporting Center) ee (844) 880-1574.
Ma khasab inaan helo amarka OFP si aan u joojiyo tacadiga?
Maya. Xataa la’aanta OFP, waa sharci-darro in ciddi uu wax ku yeelo, ku kufsado ama uu kuu hanjabo adiga. Sidoo kale iyana waa sharci-darro in ciddi kaa hor istaagto wacitaanka 911 ka si aad caawimaad u hesho. Laakiin amarka OFP waxa uu sahli karaa inaad amaan naftaada u hesho. Waxa ay u sheegtaa tacadi gaystaha in hanjabaado ama tacadi kale uu keeni karo xiritaan, dambi ku oogid, iyo waliba xabsi ama ganaax. OFPs waxa uu fududeeyaa in bilaysku ay xiraan tacadi geystaha.
Sidee ayaan ku helaa amarka OFP?
- Tag maxkamada ama wac xafiiska qaabilsan qoysaska is qabta ee maxkamada una sheeg inaad doonayso inaad xareysato amarka OFP ah. Waxaa jira barnaamijyo ku saabsan tacadiga qosysaska is qabta oo kaa caawin kara hawsha. Adeegyadoodu waa lacag la’aan waana qarsoodi. Si aad u hesho mid deegaankaaga ku yaal wac Khadka Hay’ada Qoysaska Isqabta (National Domestic Violence Hotline) ee (800) 799-7233 ama (800) 787-3224 (TTY) ama dhambaal (text) ah ugu dir “START” lambarka ah 88788.
- Karaani maxkamadeed ama taakuleeye ayaa ku siin kara foomamka aad u baahan tahay kaana caawin kara ka xareysiga warqadaha u sheegaya maxkamada waxa dhacay, iyo waxa aad rabto.
AMA
Ka hel foomamka khadka (online) ah ee www.lawhelpmn.org/forms. (ingiriisi kaliya)
- Hel “Abuse and Harassment” (Tacdi iyo Khashkhashaad)
- Riix “Order for Protection Against Domestic Violence” (Amarka Amaan Helida ee Qoysaska Isqabta)
- Ka dib “Read this in” riix Somali / Soomaali
Foomka buuxsan la tag maxkamada si aad uga xareyso.
- Ma bixinaysid wax khidmad ah oo xareysiga ah.
- Uma baahnid qareen.
- Hadii aad u baahan tahay amaan inaad ka hesho khatar markiiba, waydiiso maxkamada amarka “ex parte” la yiraa. “Ex parte” macnaheeduna waa la’aanta u sheegida qofka aad doonayso in lagaa ilaaliyo. Amarka waxaa la saxiixaa isla maalinta aad dalbato, ka hor inta aan tacadi-gaystaha loo geyn warqadaha amarka. Amarka (ex parte) waxa uu ilaaliyaa adiga ilaa maxkamadi dacwada dhagaysanayso.
Haddii xaakimku uusan u malaynayn in amar “ex parte” loo baahan yahay, dacwada kolkaa waa la baa’bin qofka kalena looma sheegayo inaad dacwo ka xareysatay – aan ka AHAYN inaad maxkamada ka codsato dacwo dhagaysi sababtoo ah waxa aadan ku raacsanayn in aan lagu siin amarka“ex parte” la yiraa.
- Dacwooyinka intooda badan, waxa laguugu qaban dhagaysi dacwo 14-cisho gudahood. Waa 7-cisho gudahood hadii aad heshay amarka la yiraa (ex parte).
- Dacwooyinka qaarkood, waxaad heli kartaa amarka OFP la’aanta dhageysi maxkamadeed.
Ma heli karaa amarka OFP hadii aan dhawaan soo degay Minnesota?
Haa. Ma jiraan wax deganaansho ah oo quseeya amarka OFP.
Maxaan ka codsan karaa maxkamadu inay sameyso?
Waxa aad waydiisan kartaa maxkamada waxyaabo badan oo kala duwan:
- In tacadi gaystahu uusan wax u geysan karin una hanjabi karin, adiga ilmaha ama cid kale.
- In tacadi gaystahu uusan kuu imaan karin, uusan adeegsan karin cid kale si uu kuula xiriiro ama uusan kugula soo xiriiri karin emayl, fariin, telefan ama si kale.
- In tacadi gaystahu uu ka tago gurigaaga, xataa hadii aad ka tagtay adigu si aad u joogto meel kale muddo.
- In tacadi gaystahu uu ka dheeraado meesha aad ka shaqayso, ku nooshahay, ama aad iskuulka ka dhigato.
- Inaad ku meelgaar ahaan aad ilmaha u haysan karto.
- In waqtiga waalidka ee tacadi gaystaha (booqashada) ilmaha la xadido, ay ka dhacdo meel adiga kaa fog oo ay kormeerayso cid kale.
- Amarto masaariif kaalmo ah oo ilmaha la siiyo.
- Amarto masruufida afada (oo sidoo kale loo yiraa “waxtarka ku meelgaarka ah ee afada”).
- Amro la talin ama adeegyo kale oo bulsho oo ah mid ama labadiinaba, hadii aad codsato aadna isqabtaan ama ilmo isu leedihiin.
- Amarto in tacadi gaystahu uu helo la talin iyo dabiibid.
- Ay siiso mid ama midka kale labadiina xaquuq ku meel gaar ah oo uu ku haysan ama ku isticmaali karo qaarka ka mid ah shay’aasha hantida ah.
- Ku amarto mid ama labadiinuba inaydnaan iibin, bixin, ama baa’bin ama waxyeelin hanti.
- Amarto in shariifku uu kaa caawiyo inaad kala baxdo alaabtaada guriga ama uu bixiyo ilaalin.
- Amro tacadi gaystahu inuu bixiyo kharashka kugu galay tacadi-gaystaha awgii. Taasi waxay noqon kartaa kharash caafimaad ama kharashka bedelida ama hagaajinta hanti wax noqotay.
- Amro inay kaar caafimaadka ee adiga iyo ilmaha sii wadaan bixintooda.
- Amro in tacadi gaystahu uusan tacdi ama waxyeelo kale u gaysan karin xayawaanka yar ee guri joogta ah si ay u noqoto qaab uu kuu cabsi gelin karo.
- Amro inaad haysan karto aadna daryeeli karto xayawaanka yar ee guri joogta ah.
Waxa aad waydiisan kartaa maxkamada inaysan u isticmaalin ama aysan ku bixin ciwaankaaga warqadaha dacwada ee cid walbaa arki karto.
Waa sharci-darro in qof uu haysto qori hadii uu jiro Amar OFP ah oo isaga ka dhan ah ayana maxkamadu go’aamiso in qofkaasi uu khatar ku yahay amaankaaga. Waydii maxkamada inay warqadahaaga ku qorto inay amarto tacadi gaystaha inuu u dhiibo wixii qoryo ah bilayska.
Amarka OFP gu ma saameeyaa haynta ilmaha?
Haa. Mustaqbalka dhagaysiga dacwooyinka ku saabsan haynta ilmaha maxkamadu waa khasab inay xisaabta ku darto amarka OFP, xataa hadii OFP ga laga bixiyey maxkamad gobol kale ah.
Hadii aad isqabtaan tacadi gaystaha, waxa aad waydiisn kartaa haysasho ku meel gaar ah oo ilmaha ah. Hadii aydnaan is qabin tacadi gaystaha uusana idin ka dhaxeyn adiga ku tacadiyaha dacwo aabanimo ama haysasha ilmaha ah, waxaa dhici karta inaa jaa leedahay xaq haysasho kaligaa ah ee ilmaha hadii aad tahay hooyada ilmaha. Gobolka Minnesota, hooyooyinka aan la qabin waxa ay leeyihiin xaqa haysasha ilmaha ee kalida ah iyo tan haynta sharciyanka ah ilmaha ee kalida ah inta dacwo ku saabsan haynta ilmaha ay wax waxaa ka duwan oranayso.
Hadii aydnaan isqabin adiga tacadi gaystaha uuna tacadi gaystahu saxiixay warqada (ROP) markii ilmahu dhashay, waxa uu maxkamada ku waydiisan karaan waqti waalid amarka OFP.
Hadii aad qabto wax su’aalo oo ku saabsan aabanimada, eeg warqadayada xog aruurinta Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha.
Dhagaysiga Dacwada
Waa khasab inaad timaado dhagaysiga dacwada! Hadii aadan imin amarka OFP waa la diidi. Waxa aad soo kaxaysan kartaa taakuleeye ama qareen, laakiin khasab ma aha.
Ma jirto xaq loo leeyahay qareen bilaash ah kolka la qaadayo kiiska OFP da ah. Haddii aad danyar tahay, waxaa dhici karta inaad hesho caawimaad dhanka sharciga ah oo bilaash ah. Isku day inaad caawimaad ka hesho xafiiska dhanka sharciyadda (legal aid) ee deegaankaaga adigoo ka wacaya khadka ah. Ama ka raadi caawimaad barnaamijyadda kale ee barta https://www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.
Hadii aadan aadi karin dhagaysiga dacwada, waxaad codsan kartaa in dacwada dhageysigeeda maalin kale lagaaga dhigo (db u dhigid). Maxkamadu kaliya waxa ay tan sameysaa hadii sabab macquul ah aad sheegto. Tusaale ahaan, hadii aad cisbitaal ku jirto ama aad isku dayeyso inaad hesho qareen wakiil kaa noqda. Si aad u hesho dib u dhigida dacwada waxaad u baahan tahay inaad la soo xiriirto maxkamada, aadna u sheegto inaad leedahay dacwo dhageysiga amarka OFP ah laakiin aad doonayso inaad codsato in maxkamada dib laguugu dhigo. Iyada ayaa kuu sheegi waxa la sameynayo. Maxkamad walbaa waxa ay leedahay qaab u gaar ah oo loo waydiisto dib u dhiga maxkamada. Telefanka maxkamadu waa inuu ku qornaado warqada ogaysiiska dacwo dhagaysi (warqada kuu sheegaysa kolka dacwadaada la dhagaysanayo).
Dacwo dhagaysiga, waxa aad u sheegi xaakimka waxa dhacay. Hadii aad hayso daliilo aad doonayso in xaakimku eego sida warbixinada bilayska, qoraalada caafimaad, ama sawiro hubi inaad ka soo qaadato dhowr nuqul adigu. Waxa aad u baahan tahay inaad la wadaagto tacadi gaystaha nuquladaa. Sidoo kale, la imow makhraatiyaal arkay tacadiga ama dhaawacyadaada ama maqlay in adiga iyo ilmahaba loo hanjabay.
Hadii aad doonayso adiga iyo ilmahaba inuu amarku OFP gu idin difaaco waxaad u baahan tahay inaad cadeyso inuu dagaal qoyska dhexdiisa ah jiray (isqabasho qoys). Hadii kale xaakimku wuxuu soo saari karaa amar adigu uun ku ilaaliya ama ilmaha uun ilaaliya.
Tacadi gaystahu waxa uu maxkamada u sheegi karaa sheekada dhinaciisa. Xaakimka waxaa dhici karta inuu labadiinaba su’aalo idin waydiiyo. Waxaa kaloo dhici karta iyana in la idiin ogolaado inaad labadiinu su’aalo iswaydiin kartaan.
Marmarka qaarkood, tacadi gaystahu sidoo kale isna waxa uu xareystaa amarka OFP, ga isagoo sheeganaya inaad adigu isaga ama iyada ku tacadiday. Xaakimka waxa uu dhagaysan dacwada labada codsi isku mar. Xaakimku ka bacdi waxa uu soo saari karaa go’aan ah “Amar Qofba Qofka kale Amaan siinayo” (Amar ka soo horjeeda labadiinaba). Xaakimku wuxuu kaloo diidi karaa hal codsi laakiin ansaxin karaa kan kale. Hadii tacadi gaystahu uusan codsi soo xareysan, xaakimku waa inuusan bixin amar qofba qof kale amaan sii la leeyahay.
Xaakimku badanaa go’aanka isla markiiba waa uu gaaraa.
Maxaa dhici ka dib dhagaysiga dacwada? Mudo intee le’eg ayaan amaan heli?
Hadii uu xaakimku kuu xukumo amarka OFP, nuqulo ka samee. Nuqul amarka OFP ah adigu mar walba wado! Sidoo kale, mid guri ha kuu yaalo midna gaariga ha kuugu jiro. Hadii amarka OFP uu ilmaha ilaalinayo iyana, nuqul sii iskuulkooda ama xaruntooda haynta ilmaha.
Amarka OFP waxa uu tilmaamaa xaquuqdaada. Si taxadar leh u akhri. Xakimku wuxuu amri karaa waxyaabo ka duwan waxa aad codsatay. Maxkamadu waxa ay nuqul amarka OFP ah u dirtaa shariifka iyo bilayska deegaankaaga. Waa inaad sidoo kale aad geysaa nuqul amarka ah saldhiga bilayska ee deegaankaaga. Hadii aad guurto, u sheeg maxkamada iyo bilayska ciwaankaaga cusub. Amarku waxa uu dhigayaa muddada uu socon doono. Kiisaska intooda badan waxa uu socdaa ilaa iyo 2 sanno.
Hadii tacadi gaystahu uu jabiyo amarka OFP ama amarka ha la xiriirinta ah ama wali laguu hanjabo ama aad cabsanayso kolka amar mudadiisu dhamaato, waydiiso maxkamada inay kuu kordhiso. Maxkamadu waxa ay bixin kartaa amar cusboonaysiin ah oo soconaya ilaa iyo 50 sano.
Hadii aad rabto in cusboonaysiinta amarku ay socoto muddo ka badan 1 ama 2 sanno, waxa aad u baahan tahay inaad cadeyso in tacadi gaystahu uu jabiyey amarada ugu yaraan 2 goor AMA aad lahayd 2 amar oo OFP ah oo aad ka qaadatay iska tacadi gaystaha mar hore.
Waxaad ku sameyn kartaa isbedelo cayiman amarkaaga OFP. Sida hadii aad u guurto guri cusub ama hadii ilmahaagu uu bilaabo dhigashada iskuul kale. Hadii aad u baahan tahay inaad wax ka bedesho amarka, ka xareyso codsi maxkamada waana in uu xaakim ansaxiyo codsigaaga.
Maxaan sameyn karaa hadii tacadi gaystahu uu jabiyo amarka OFP?
Hadii tacadi gaystahu uu kuu hanjabo ama uu wax ku yeelo adiga ama ilmaha, ama uu gurigaaga yimaado, taasi waa jabin amarka OFP da ah. Tacadi gaystahu kugulama soo xiriiri karo telefan, emayl, fariimaha dhambaal ah ama baraha bulshada. Taasi waa jabin amarka OFP da ah. Tacadi gaystahu ma adeegsan karo saaxiib ama qof ehel ah si ay fariin kuuga keenaan adiga isagu leeyahay.
- Wac bilayska ama shariifka markiiba. Bilaysku waa inuu xiraa tacadi gaystaha. Bilayska khasab ma aha inay iyagu arkaan dagaalka ama hanjabaada, laakiin waxa ay u baahan yihiin inay arkaan nuqulka amarka OFP ga.
Jabinta amarka OFP waa dambi, tacadi gaystahana waxaa lagu xukumi karaa ilaa 90-cisho oo xabsi ah ama ilaa iyo $1,000 oo ganaax ah marka ugu horeeysa oo uu jabiyo amarka. Tacadi gaystaha sidoo kale waxaa lagu ciqaabi karaa wixii kale oo dambi ah oo u gaysto inta uu jabinayo amarka OFP ga. Haysashada hub waxa ay kordhin kartaa ciqaabta. Hadii uu tacadi gaystahu isku dayo inuu kaa hor istaago wicida 911, taasi sidoo kale waa dambi.
- Waa aad ku noqon kartaa Maxkamada Qoyska si loo fuliyo amarka OFP. Ka xaree maxkamada foom sheegaya in tacadi gaystahu uu ku xad gudbay amarkii OFP ga. Isticmaal foomkan hadii uu tacadi gaystahu uusan bixin kaalmada masaariifta ilmaha, uusan u hogaansamin, amarada haysashada iyo waqtiga waalidka ama uusan aadin qolada la talinta hadii waxyaabahaasi ay qayb ka ahaayeen amarka OFP ga.
Ka hel foomka khadka (online) ee www.mncourts.gov. (ingiriisi kaliya)
- Riix “Get Forms” (Hel Foomam)
- Riix “Domestic Abuse” (Dagaalka Qoyska)
- Riix “Contempt” (Yasid)
Xaakimku waxa uu amari karaa in tacadi gaystahu uu horyimaado maxkamad dacwo dhagaysi. Labadiinaba adiga iyo tacadi gaystaha makhbaarti waad furi kartaan. Hadii xaakimku go’aansado in tacadi gaystahu uu jabiyey amarka OFP ga, waa la ciqaabi karaa.
Ka waran hadii bilayska ama shariifku aysan xirin tacadi gaystaha?
Bilaysku waa khasab inay u qabtaan tacadi gaystaha jabinta uu jabiyey amarka OFP ga hadii ay jiraan waxyaabo daliil oo muujinaya inuu jabiyey. Taa macnaheedu waa bilaysku waxa ay rumaysan yihiin inay jirto jabin amarka ah iyo in tacadi gaystahu uu ogaa in amarka OFP du uu jiray. Hadii askari diido inuu qabto tacadiyaha, waxa aad la xiriiri kartaa kormeerihiisa si aad ugu ashtakooto. Degdeg u samee taa waayo hay’ada sharci ilaalintu waxa ay leeyihiin waqti gaaban oo adag oo lagu ashtakoon karo.
Waxaad kaloo ka xareysan kartaa warqad dhaarta (affidavit) maxkamada qoyska, oo aad ku codsanaysid in tacadi gaystaha lagu helo dambi ah maxkamad yasid. Eeg qaybta kore. Waxa aad wici kartaa xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga si aad ula tashato.
Ka waran hadii aan tacadi gaystaha guriga u ogolaado?
Ma jabinaysid amarka OFP ga hadii aad u ogolaato tacadi gaystaha gurigaaga adigu. Hadii tacadi gaystahu uu diido inuu tago ama uu kuu hanjabo, amarka OFP gu wali waad haystaa adigu si aad u isticmaasho. Xaqiiqdu waxaa weeye tacadi gaystahu waa uu jabiyey amarkii marna hadii uu gurigaaga yimid xataa hadii loo ogolaado. Laakiin, si aad amaankaaga u sugto ha u ogolaan isaga ama iyada guriga!
Ma u baahnahay maxkamad dhagaysi si aan u helo amarka OFP?
Maya, khasab ma aha. Waxa aad codsan kartaa amarka OFP ga adigoon codsan dacwo qaadid. Hadii aadan codsan dacwo qaadid, maxkamadu wali waa ay go’aansan kartaa inay balan dacwo dhagaysi ah qabato, ama waxa ay soo saari kartaa amar dacwo qaadid la’aan. Laakiin tacadi gaystahu waxa uu xaq u leeyahay dacwo dhagaysi inuu helo, hadii uu codsado. Hadii ay ilmo idin ka dhaxeeyaan, waxaa wacan inaad codsato dacwo qaadid.
Hadii aadan codsan dacwo qaadid, maxkamadu waxa ay amari kartaa uun 6 waxyaabood:
- in tacadi gaystahu uusan waxyeelin ama u hanjabin adiga ama ilmaha
- in tacadi gaystahu uusan kugula soo xiriiri karin telefan, emayl, ama adeegsi cid kale
- in tacadi gaystahu uuu guriga ka tago
- in tacadi gaystahu uu shaqadaada ka dheeraado
- in uu idiin sii wado kaarka caafimaadka adiga iyo ilmaha, iyo
- in uusan tacadi gaystahu uusan waxyeeli karin xayawaankaaga yar ee guri joogta ah
Waxaad kaloo codsan kartaa in si ku meel gaar ah aad u haysato ilmaha. Laakiin maxkamadaha qaarkood waxaa dhici karta inaysan arrintan ogolaan, kolka, hadii aad ilmo haysato, codso dacwo qaadid.
Tacadi sameeyahu waxa uu haystaa 5-cisho oo uu ku codsan karo dacwo dhagaysi ka dib kolka shariifku u geeyo warqadaha maxkamada. Hadii uu codsado dacwo dhagaysi, waxa noqon 8 ilaa iyo 10 cisho. Maxkamadu waxa ay ku soo diri ogaysiis ku saaban maalinta. Ka hubi maxkamada maalin walba si aad u eegto in tacadi gaystahu uu codsaday dacw dhagaysi. Hadii ay jirto dacwo dhagaysi aadna maxkamada imaan maalinta la qaadayo, amarkaaga OFP waa la diidi doonaa.
Amarkayga OFP gu ma ka shaqeynayaa gobolada kale?
Haa. Hadii aad u guurto gobol cusub, ka xareyso amar OFP ah rugta maxkamada ee meesha cusub ee aad u guurtay, ugana gee nuqul bilayska deegaankaaga. Laakiin xataa hadii aadan xareysan amar OFP ah ama aadan nuqul u geyn bilayska, gobolka cusub wali waa uu oofin amarkaaga.
MFIP ama OFPs
Hadii aad qaadato waxa la yiraa MFIP, u sheeg hawl-wadeenkaaga arrinta OFP ga. Waalidka intooda badan ee qaata MFIP waxa ay qaadan karaan MFIP ka 60 bilood uun (5 sanno) noloshooda oo dhan. MFIP ku waxa u leeyahay nidaamyo ku saabsan inta saacadood ee asbuuc walba aad galinayso hawl shaqo ah. Hawlaha shaqada ah waa sida, shaqo, shaqo raadis, ama tababar. Laakiin waxaa dhici karta inaad sameyn karto uun hawl shaqo oo ka yar tii lagaa rabay hadii aad tahay dhibane dhib ka soo gaaray dagaal qoyska dhexdiisa ka dhacay.
U tag la taliye qoyska dagaalku ka dhex dhaco qaabilsan. Si aad u hesho mid ku sugan deegaankaaga wac 1-(866) 223-1111. La taliyahu waxa uu kaa caaawin karaa in aad codsato in waqtiga 5 ta sanno ah ee kugu socdo la joojiyo, wuxuu kaloo kaa caawin karaa sameysi Qorshe Shaqo oo xisaabta ku dara xaaladaaada.
Eeg warqadayada xog aruurinta, Banaamijka MFIP iyo FSS ee dhibanaha rabshadaha qoyska.
Amarada Khashkhashaada
Waa aad heli kartaa amar ka celin ah si uu uga hortaggo khashkhashaad marka aadan heli karin amarka OFP. Tusaale ahaan, amarka OFP da, tacadi gaystahu waa khasab inuu noqdo qof qoyska ah, waa khasab inaad la noolaatay, ama waa khasab inaad la leedahay xiriir ehelnimo ama xiriir jacayl oo weyn. Amarada khashkhashaada, xiriirka u dhaxeeya adiga khashkhashaadaha shaqo kuma leh hawsha. Khashkhashaadahu waxa uu noqon karaa qof qalaad, deris ama qof aad wada shaqeysaan sidoo kale qof ehel ah.
Waa maxay Khashkhashaaddu?
“Khashkhashaadu” waxa ay noqon kartaa:
- hal dhacdo oo gacanqaad ama fara-xumeyn ah,
- hal dhacdo oo bixin muuqaalo galmo ah oo qof laga duubay iyadoon ogolaansho la haysan (ku aarsi iyadoo sawir qaawanaan ah oo qof la bixinayo), ama
- dhacdooyin soo noq-noqda oo ah xadgudubid ama falal aan la doonayn, erayo, ama muujino kale oo uu khashkhashaadahu isticmaalo oo carqabadeeya amaankaaga, nabadgelyadaadda, ama asturnaantaada. Tani waxa ay noqon kartaa waxyaabaha sidda:
- hanjabaad ah waxyeelo adiga naftaadda ama hantidaadda ah,
- kor ka ilaalisi ama ku dabagalid adiga ah,
- si soo noqnoqota boostadda wax kuugu soo dira ama dalba in alaab gacanta lagaaga keeno ama u dira cid kale iyadoo taasi ay adiga kugu saabsan tahay
- wicitaan telefanka ah oo aan la doonayn ama dhambaalo (text).
Ciddee ayaa heli karta Amarka Khashkhashaad Joojinta ah?
Cid walba ayaa u heli karta amarka shakhashaad joojinta ah (HRO) naftooda ama iyagoo wakiil ka ah ilmo haddii ay jiraan dhacdooyin khashkhashaad ah oo loo geystay ilmahooda. Waxaad kaloo heli kartaa amarka HRO adigoo wakiil ka ah qof kale oo qaangaar ah haddii aad adigu mas’uul ka tahay qofkaa. Waxaa aad ka qaadan kartaa amarka HRO qof walba oo kale oo qaangaar ah ama ilmo.
Helida amarka ka celinta shashkhashaada waa sida helida amarka OFP ga oo kale :
- Ka codso maxkamada adigoo keenaya codsi ama warqad dhaar (affidavit). Maxkamada ayaa foomamka haysa.
AMA
Ka hel foomka khadka (online) ee : www.lawhelpmn.org/forms. (ingiriisi kaliya)
- Hel “Abuse and Harassment” (Tacadi iyo Khashkhashaad)
- Riix “Harassment Restraining Order” (Amarka Ka Celinta Khashkhashaada)
- Bixi khidmada xareysiga. Hadii aad danyar tahay, waydiiso inaad lacag la’aan ku xareysato warqadaha. Tani waxa ay ku xiran tahay waxa uu khashkhashaaduhu geystay. Waydii arrintan karaaniga maxkamada.
- Sheriif ayaa waradaha gacanta ka geyn.
Qaadida dacwadu waxay la mid tahay qaadida dacwada OFP. Maxkamadu waxa ay amri kartaa:
- Amar ah in khashkhashaaduhu uusan adiga iyo qoyskaaga midna la soo xiriirin.
- Uu u ogolaado bilayska inay soo xiraan khashkhashaadaha waaran la’aan iyo
- Uu socdo amarku 2 sanno, ama muddo ka badan hadii uu khashkhashaadahu uu hada ka hor jabiyey amaro ka celin dad ah.