Hadii lagu siiyo MFIP ama FSS, waa in aad leedahay qorshe shaqaalayn. Qorshaha waxaa wada oo qoraya adiga iyo lataliyaha shaqaalaynta. Qorshaha shaqaalaynta wuxuu leeyahay 20-35 saacadood todobaadkii oo howlqabad ah iyadoo ku xirran da’da ilmaha kuugu yar. Dhaqdhaaqa/hawlgalka waxaa ka mid ah shaqa raadis, shaqayn, ama tababar. Fiiri xogta urursan MFIP: Employment Plans (Qorshayaasha Shaqaaleynta ee MFIP).
Haddii laguu tixgeliyey in lagaa daayo shuruudaha qaar rabshado qoyska dhex mara darted oo lagu daray qorshahaaga shaqaalaynta, waxaad tirsan kartaa waqtiga aad gelisay hawlaha la xiriira la xiriira amaanka. Waxaa laga yaabaa in aysan ahayn in aad samayso 20-35 saacadood todobaadkii haddii amaan kaaga wax yeelayso.
Haddii aadan samayn waxyaabaha ku jira EP, xafiiska MFIP ama kan FSS way ku xayiri karaan ama kaa jari karaan deeqda. Haddii 6 bilood oo xayiraad ku saarnaato waxaad si buuxda u waayaysaa deeqda MFIP iyoFSS.