Waxaa dhici karta inaad xaq u yeelato Barnaamijka Caawimaada Siyaadadda ah oo Buuxa hadii dakhliga sannadkii ku soo gala iyo hantidaadu ay ka hooseeyaan heerarkaas:
- Qof Kaligi ah: Dakhli ka yar $19,320 iyo hanti ka yar $14,790
- Qof ay isqabaan xillo ay wada nool yihiin oo aan lahayn cid uu mas’uul ka yahay: Dakhli ka yar $26,130 iyo hanti ka yar $29,520
Hadii aad ka hooseeyo xadka kaliya uun mid ka mid ah arrimaha (dakhliga iyo hantida), ma aad heli kartid caawimaad buuxda, laakiin waxaa dhici karta inaad hesho wuxuun caawimaad ah. Kolkaa waa inaad iska codsataa.
Waxyaabaha aadan loo xisaabin hanti ahaanta waxaa ku jira guriga, gaariga, alaabta qoysku haysto, dhulka la isku duugo, lacagta gaarka meel loogu dhigo kharashaadka duugida oo gaaraysa ilaa $1,500 qofkiiba, ama lacagta cayminta nafta.
Habraacyada hantida iyo khayraadku waa ay isbedelaan sannad walba. Lamabarada dakhliga ee warqadan xoga aruursan ah waxaa iska leh sanadka 2021. Lambaro cusubi waxa ay soo bixi doonaan gu’ga 2022 ka. Meesha ugu fiican ee laga heli karo habraacyadii cusubi waa shabakada ah www.medicare.gov ama www.ssa.gov/medicare/prescriptionhelp/.
Ama waxaad wici kartaa khadka 1-800-MEDICARE.