Waxaa dhici karta inaad xaq u yeelato Barnaamijka Caawimaada Siyaadadda ah oo Buuxa hadii dakhliga sannadkii ku soo gala iyo hantidaadu ay ka hooseeyaan heerarkaas:
- Qof Kaligi ah: Dakhli ka yar $23,475 iyo hanti ka yar $17,600 ee 2025.
- Qof ay isqabaan xillo ay wada nool yihiin oo aan lahayn cid uu mas’uul ka yahay: Dakhli ka yar $31,725 iyo hanti ka yar $35,130 ee 2025.
Waxyaabaha aadan loo xisaabin hanti ahaanta waxaa ku jira guriga, gaariga, alaabta aad leedahay, alaabta qoysku haysto, dhulka la isku duugo, lacagta gaarka meel loogu dhigo kharashaadka duugida oo gaaraysa ilaa $1,500 qofkiiba, ama lacagta cayminta nafta.
Habraacyada hantida iyo khayraadku waa ay isbedelaan sannad walba. Lamabarada dakhliga ee warqadan xoga aruursan ah waxaa iska leh sanadka 2025. Lambaro cusubi waxa ay soo bixi doonaan gu’ga 2026 ka. Meesha ugu fiican ee laga heli karo habraacyadii cusubi waa shabakada ah https://www.medicare.gov/basics/costs/help/drug-costs ama waxaad wici kartaa khadka 1-800-MEDICARE.