Waxa aad leedahay xaquuqda joogtada ah ee kiraystaha. Waxa aad leedahay qaar badan oo isla xaquuqahaas kor ku xusan ah oo ku saabsan Gargaarida Nolosha. Waxaad kaloo leedahay ilaalino kale oo dheeraad ah.
Waxaa jira 6 sababtood uun oo lagaaga eryi karo Guryaha Haynta:
- Xaaladaadda caafimaad oo hagaagta
- Rugta oo la xiro
- In kiro lagugu leeyahay
- Inaadan amaan ku sugnayn
- Cid kale aysan amaan ahayn hadii adiga meesha aad joogto
- Rugtu aysan ka soo bixi karin baahidaada
Waa muhiim in Rugta Hayntu ay qaado talaabooyinka saxda ah ka hor inta aysan go’aansan in lagu eryo, sidda:
- In la ogaysiiyo adiga, wakiiladaadda, sidda Wakiilka dadweynaha (Ombudsman), sababaha eryidda
- Waa inay noqotaa sababtu qoraal
- Waa in loo qoraa qaab aad fahamto
- Waxaad u baahan tahay in lagu siiyo ugu yaraan 30 cisho ka hor maalinta meesha kuugu dambaysa
- Waa in lagu qoro sababaha eryidda diiwaanadaadda caafimaadka Lagu ogaysiiyo rugta haynta ah ee cusub laguuna sameeyo wacyi-gelin
Waxaa jirta Xaquuq Gargaarida Nolosha ah (Health Care Bill of Rights) oo sharciga Minnesota dhigayo. Waxa uuna kaa ilaalin adiga sharcigaasi in lagugu khasbo inaad qaadato dawo ama daryeelo aad diidan tahay.