U qor wakiilka sheeganaya in ay lacag kugu leeyihiin, ha u qorin waraaq Waaxda Canshuuraha. Ku qor dusha sare ee warqadda “ Racfaan Ka Qaadasho Canshuurta”. Si kooban u sharax sabata aysan u haysan karin lacag celintaada.
Sababuhu waxay noqon karaan in:
- Adiga aadan ka qabin wax lacag ah ama
- Xitaa haddii aad qabto lacagta, in dib u soo qabashada dakhliga ay kaa ilaalinayso - arrimaha kor ku xusan.
Hayso koobi ka mid ah warqadda. Wakiilku waa in uu helaa warqaddaada 45 maaalmood gudohood ka bilaabata taariikhdii ogaysinta laguu soo diray. Wakiilku waa in uu qabtaa ballan dhegeeysi 30 maalmood gudohood. Uma baahnid garyaqaan, laakiin waad u yeeran kartaa mid haddii aad rabto.
Xaq uma lihid dhegeeysi haddii uu jiro xukun ama amar maxkamadeed.
Haddii wakiilku uusan ku siin ogaysiin waxa aad xaq u leedahay, weli racfaan waad qaadan kartaa:
- Wakiilka u qor oo weydiiso racfaan
- 45 maalmood ma bilaabanayaan illaa laguu soo diro ogaysiin qoraal ah oo kuu sheegaysa in ay rabaan in ay isticmaalaan dib u soo qabasha dakhliga.
- Haddii wakiilku yiraahdo waxaan kuu soo dirnay ogaysiin, laakiin adigu weligaa ma helin, markaas waxaad leedahay dhegeeysi 2da arrimoodba. Midda koowad, dhab ahaan ma heshay ogaysiinta?, midda labaad ma qaadan karaan lacag celintaada?