Minnesota, qofka ka raba in uu noqdo nootaayo, sidoo kale loo yaqaan “Nootaayada Dadweynaha,” waa in uu ugu yaraan jiraa 18 sanno, waana in uu yahay qof deggan Minnesota. Dadka degan goboladda Iowa, Wisconsin, North Dakota, iyo South Dakota waxay sidoo kale ka dalban karaan nootaayo Minnesota haddii ay qortaan degmo Minnesota ah oo ka xareysan karaan diiwaangelinta nootaayadooda. Qofka nootaayo noqanaya waajib ma aha in uu yahay Mareykan, laakiin waa in uu waddanka si sharci ah ku deganyahay.
Haddii aad buuxiso shardiyada loo baahanyahay, waxaad qoranaysaa arji, waxaadna bixinaysaa kharajka arjiga. Minnesota uma baahna fasallo gaar ah iyo tababar midna, laakiin qofk kasta oo raba in uu fasallo qaato waa u furrantahay. Marka uu xafiiska Xoghayaha Gobolku aqbalo arjiga, qofkaasi wuxuu noqonayaa nootaayo. Qofku waa khasab inuu isaga diiwaangeliyo sidii nootaayaale ahaan oo kale degmadda uu degan yahay. Notaayadu iyada ayaa iibsanaysa shaabadda rasmiga ah ee u gaarka ah, iyo wax kasta oo ay rabaan.