Xuquuqda Aad Leedahay Deyn Soo Ururinta
Sharciyada dawladda dhexe iyo kuwa gobolka ayaa ka hortagga in aan laguu geysan qashqashaad iyo xad gudub. Dhamaan shirkadaha deyn ururinta iyo shaqaalahooda u shaqeeya waa in ay racaaan sharciyo isku mid ah. Haddii uu qareen hawshiisu tahay ururinta deynta, waa in ay u hagaansamaan sharciyadaan.
Ma jiraan sharciyo ku saabsan deyn-aruurinta?
Sharciyada dawladda dhexe iyo kuwa gobolka ayaa ka hortagga in aan laguu geysan qashqashaad iyo xad gudub. Dhamaan shirkadaha deyn ururinta iyo shaqaalahooda u shaqeeya waa in ay racaaan sharciyo isku mid ah. Haddii uu qareen hawshiisu tahay ururinta deynta, waa in ay u hagaansamaan sharciyadaan.
Badbaadi Naftaada!
Talo xaga sharciga ah ee deynta lagugu leeyahay, la xiriir qareen ama xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid.) Caawinaad la xiriirta miisaaniyadaada ama dajinta qorshe aad tartiib tartiib ugu bixiso deynta, la xiriir hay’adaha samafalka ee dadka kala taliya deymaha, sida National Foundation for Credit Counseling (NFCC) (Hay’adda La atalinta Deymaha) ee 1 (800) 388-2227. Waxa ay kugu xirayaan xafiis degaanka ah. Lacag yar ayey dadka ka qaadaan. Waxa ay kaa caawin karaan in aad dajiso qorshe aad tartiib tartiib ugu bixineyso deynta waxayna kaala shaqeyn karaan in aad lacag yar bixiso taasoo qeyb ka ah qorshaha.
Ka Digtoonoow shirkadaha dadka lacagta ka qaata si ay “u soo celiyaan” sumcadaada deyn bixinta. Qaarkood waa kuwo dadka dhaca!
Marka deyn lagugu yeesho waxa aad bartilmaameed u noqotaa dad badan oo doonaya in ay kaaga faa’iideystaan ama ku dhacaan. Gudiga Badbaadinta Macaamiisha ayaad ka heleysaa macluumaad wanaagsan oo ku saabsan sida lagu ogaado in lacag ururiyuhu yahay mid sharci ah oo jira. Soo booqo www.consumerfinance.gov
- Guji “Consumer Education Tools” dooro “Debt Collection”
- Guji “Explore Basics” ee dhinaca hoose ee qeybta “Get Started”
- Raadi “Narrow your results” oo ku qor “How can I verify whether or not a debt collector is legitimate?”
Haddii aadan hubin cidda aad la hadleyso ama ay telefoonka kugu weydiiyaan macluumad la xiriira maaliyadda, waxaa kula haboon in aad hubiso in ay yihiin cidda ay sheeganayaan.
Sidee ayey u shaqeysaa lacag ururinta?
Dadka deymaha soo ururiya intooda badan waa in ay heystaan leesinka gobolka. Waxaa lagu maamulaa sharciyada Waaxda Ganacsiga Minnesota. Sidoo kale, Sharciga Deyn Soo Ururinta ee dawladda dhexe ayaa xuquuq siinaya macaamiisha.
Ka Dagaalanka Deynta
5 cisho gudahood marka ay ku soo gaarto warqadda ama telefoonka ugu horeeeya, waa in deyn bixiyuhu ku siiyaa ogeysiis qoraal ah. Ogeysiiska waa in ay ku cad yihiin lacagta lagugu leeyahay iyo cidda lacagta lagu leeyahay. Deyn bixiyuhu waxa uu ku talo galayaa inuu deyn kugu leeyahay ilaa aad waraaq u qorto 30 cisho gudahood oo aad ugu dheegto sababta aad ku diidan tahay inuu deyn kugu leeyahay.
Waa in aad warqadaada ku faahfaahisaa sababta aad u aamisan tahay in ay deyntu tahay mid khalad ah. Qof aan sax aheyn miyey ka weydiisanayaan lacag aysan ku laheyn? Lacagta miyaa khaldan? U dir macluumaadka muhimka ah si ay baaritaan ugu sameeyaan. Saxiix oo taariikhda ku qor.codsigaaga qoraalka aha oo nuqul (koobi) ka reebo..
Marka aad waraqda soo dirto, deyn bixiyaha waa inuu joojiyaa inuu lacagta kaa qaado ilaa uu ku sameeyo baaritaan in ay deyn lugu leeyihiin iyo in kale.
Weli waad soo diri kartaa waraaqda 30 cisho ka dib - faraqa u dhaxeeya waxaa weeye in deyn bixiyaha aanay waajib ku aheyn in ay ka jawaabaan. Waajib kuma aha in ay baaritaan ku sameeyaan ama joojiyaan lacag ururinta.
Qorshe Aad Tartiib Tartiib Ugu Bixiso Lacagta
Inta aadan wax lacag ah bixin ama aadan gelin heshiis aad tartiib ugu bixiso lacagta, waa in aad ogaataa in dakhligaaga la qaadan karin. Akhri xogta urursan ee Xuquuqda aad leedahay la wareegista mushaharka iyo xisaabta bangiga (Garnishment and Your Rights). Haddii lacagtaadu tahay mid sharcigu ilaaliyey oo aan lagaa qaadi karin, deyn bixiyuhu kuguma khasbi karo in aad lacag bixiso.
Haddii lacagtaadu tahay mid aan sharcigu ilaalin oo lagaa qaadi karo, waxaa suurogal ah in ay ku wanaaagsan tahay in aad samyeso qorshe aad lacagta tartiib tartiib ugu bixiso. Waxaa laga yaabaa in deyn bixiyayaasha qaarkood ay kaa ogolaadaan in aad bixiso lacag ka yar tan ay kugu leeyihiin. Deyn bixiyayaasha waxa ay ogolaadaan in aad lacag yar oo tartiib tartiib ah aad bixiso maadaama aad si joogta ah u bixineyso. Deyn bixiyayaasha qaarkood waxa ay joojiyaan ama yareeyaan lacagta dul saarka ah haddii aad bixineyso lacagta.
Heshiis kasta oo aad gasho waa inuu noqdaa mid qoraal ah. Haddii aanay ogoleyn in ay heshiiska saxiixaan, qor qodobada heshiisku ka kooban yahay oo u dir hay’adda ama deyn bixiyaha. Saxiix oo taariikhda ku qor.codsigaaga qoraalka aha oo nuqul (koobi) ka reebo..
Haddii aad dooneyso qorshe aad lacagta ugu bixiso si tartiib tartiib ah waa in aad weydiisataa. Deyn bixiyayaasha iyo kuwa deymaha soo ururiya waxa ay isku dayaan in ay lacagta oo dhan kaa qaadaan. Waa in aad kala hadashaa in aad u sameyso qorshe aad tartiib tartiib ugu bixiso lacagta. Caawinaad weydiiso Hay’adda Qaranka Ee La Talinta Deymaha (NFCC) 1 (800) 388-2227.
U Ogolaashaha In Ay Kala Baxaan Xisaabtaada Bangiga
Haddii aad gasho heshiis aad lacagta ku bixiso, waxaa laga yaabaa in ay ku weydiistaan in aad u ogolaato deyn bixiyayaasha in ay xisaabtaada kala baxaan. Ka taxadar mar kasta oo aad qof kale ugu ogolaato xisaabtaada bangiga. Sidoo kale, xusuunoow in ay xisaabtaada lacagta kala bixi karaan ilaa aad u sheegto bangiga inuu joojiyo.
Bixinta laba deyn
Qaar ka mid ah deyn ururyayaasha qaarkood ayaa laga yaabaa in kaa qaadaan wax ka badan hal deyn. Marka aad bixineyso lacagta, waad dooran kartaa deynta aad ku bixineyso. Hase yeeshee, laakiin ma dooran kartid deynta aad ka hor imaaneyso oo ka dagaalameyso. Jeegaaga ama jeegga lacagta (money order), ku qor deynta aad ku bixineyso.
Nuqul (koobi) ka reebo.
Jeegaga lagu qoro taariikh aan la gaarin
Waligaa qof ha u qorin jeeg aan taariikhda la gaarin. Tani waa jeeg aad ku qorto taariikh go’an, aad ku qorto taariikh aan weli la gaarin. Haddii la sarifto jeegga taariikhda ka hor, waxaa suurogal ah in jeegga la soo celiyo oo aad bixiso lacag dheeraad ah. FIIRO GAAR AH: haddii aad sidaa u yeesho deyn bixiyaha jeega ma sarifan karaan ama kuguma handadi karaan in ay jeegga sarifanayaan taariikhda ka hor.
Joojinta in lagu soo waco ama waraaq laguu soo diro
Waad joojin kartaa in deyn ururiyaashu ku soo wacaan ama warqado kuu soo diraan. U qor waraaq aad ugu sheegeys, “Jooji in aad ila soo xiriirtaan oo aad igala soo hadashaan deynta.” Ku qor magaca deyn bixiyaha iyo xisaabta bangiga, taariikhda oo saxiix. Nuqul (koobi) ka reebo.
Waraaq U Qor Aad Ku Weydsiisaneyso In Ay Joojiyaan. Soo booqo Forms (ingiriisi kaliya)
-
Hoos timaadda “Debts, Fees & Deposits” (Deymaha, Kharashka, Keydka)
-
Guji “Stop Contacting Me About This Debt - Letter to Creditors” (Jooji in aad iila soo xiriirtaan deyntan darteed)
Ka dib marka ay soo gaarto warqadda, waxa uu deyn bixiyuhu kula soo xiriiri karaa oo kaliya marka ay ku sheegayaan talaabada xigta ee xagga sharciga ah ee ay qaadayaan.
Xusuusnoow, waraaq ha ila soo xiriirin ah oo aad u dirto xaq kuuma siineyso in aad iska indho tirto warqadaha maxkamadda. Tusaaale ahaan, haddii uu ku soo gaaro Amarka Soo Bandhigidda Macluumaadka, kaasoo ku faraya in aad sheegto lacagta iyo hantida aad leedahay, waa in aad u soo bandhigtaa deyn bixiyaha haddii kale ganaax ama xarig ayaad ku mudan kartaa amarka maxkamadda oo aadan raacin. Akhri xogta urursan ee, Xabsi Ma Ku Geli Karaa Haddii Aanan Bixin Amaahda.
Fiiro Gaar Ah:
Haddii aadan bixin biilasha, deyn bixyaha ama kuwa deymaha ururiya Dacwad ayey kugu soo oogi karaan oo maxkamad u xukumi karto. Akhri xogta urursan ee Maxaan Yeelayaa Haddii La I Dacweeyo.
Haddii aadan ka jawaabin dacwadda ama uu deyn bixiyaha ay maxkamad u xukunto, waxa ay isku dayi karaan in ay qaataan (lacag ka qaataan) mushaharkaaga ama xisaabtaada bangiga ama ay xoog ku iibiyaan hantidaada.
Qafaalashada Lacagta
Akhri xogta urursan ee Qafaalashada Mushahar/Xisaabta Bankiga Iyo Xuquuqda Aan Leeyahay.
Sharcigu ma aha in lacagaha iyo hantida qaarkood lagaa qaato:
-
Waxa aad qaadataa Ceymiska Bulshada, hawlgabka, ama macaashka dadka ciidanka ka tagay. Waxaa kale oo aan lagaa qaadan karin SSI, MFIP, GA ama lacago kale oo kaa soo gala barnaanijyada baahida ku saleysan.
-
Haddii aad shaqeyso, iyo mushaharka saafiga ah oo ilaa 40 jeer ka yar mushaharka ugu yar ee heerka dawladda dhexe - ama ilaa $1,520 bishii ($380 todobaadkii).
-
Dhamaan mushaharka aad ka qaado SSI, MFIP, GA, MA (Ceymiska Caafimaadka gobolka), Dakhliga Canshuur Dhaafka (EITC), ama barnaamijyada kale ee baahida ku saleysan.
Mushaharkaaga oo dhan sharcigu ma ogola in lagaa qaato haddii lagu siiyey mid ka mid ah barnaamijyada 6 bilood ee la soo dhaafay. LAAKIIN, mushaharkaaga waxa uu sharcigu ilaalinayaa 60 maalmood haddii ay lacagtaas ku jirtay xisaabtaada bangiga.
-
Mushaharkaaga waxaa lala bixi karaa oo kaliya ilaa 25% ee lacagta mushaharka canshuurta ka dib.
Haddii lacagtaada oo dhan sharcigu ilaaliyey, sida haddii dakhligaaga kaa soo galo SSI, u sheeg deyn bixiyaha ama deyn ururiyaha in ay joojiyaan in ay qaataan dakhligaaga.
Gurigeyga ama gaarigeyga ma loo qaadan karaa deynta?
Guriyaha
- Guriagaaga waa lagaa qadan karaa (xaraash) si deynta loogu bixiyo laakiin deymaha kale looma qaadan karo. Taas waxaa loo yeelay gurigaaga waxa uu leeyahay Xuquuq Deganaasho. Taas micnaheedu waxaa weeye haddii qiimaha gurigu ka yar yahay $450,000. Qiimaha hantida waa qiimaha lacageed ee guriga oo laga jaray deynta guriga lagu leeyahay.
- Xuquuqda deganaashaha ma joojiso in xaraashka ee rahmadda qaarkeed aad ku qaadatay gurigaaga, sida deymaha canshuurta kugu baaqatay, lacagta ururka guryaha, iyo deynta dayactirka.
- Haddii uu qof heysto xukun maxkamadeed oo liddi kugu ah, gurigaaga sharciga ayaa ilaalinaya ilaa aad ka iibiso ama la dhaxlo ka dib marka aad geeriyooto.
- Waxa aad sheegan kartaa oo kaliya xuquuqda deganaashaha guriga aad degan tahay oo aad ku nooshahay.
- Waxa aad heysan kartaa qalabka iyo alaabada lagu isticmaalo oo qiimahoodu yahay $11,250.
Gawaarida
- Waxaa aad lahaan kartaa qiimihiisu yahay ilaa $5,000. Qiimaha hantida waa qiimaha lacageed ee gaariga oo laga jaray deynta lagu leeyahay.
- Laakiin gaarigaaga waa lala wareegi karaa haddii aadan bixin lacagta lagu leeyahay gaariga ee aad ku iibsatay. Akhri xogta urursan ee Xuquuqda Aad Leedahay Marka Lala Wareego Gaariga (Your Rights in Repossession).
- Hadii gaariga wax laga bedelay naafanimo darteed, waad heysan kartaa haddii qiimaha gaarigu ka yar yahay $50,000.
Waa maxay xadgudub ama qashqashaad?
Deyn ururiyayaasha lama xiriiri karaan dadka kale umana sheegi karaan deynta lagugu leeyahay, sida goobta shaqada, shaqaalaha, deriska, qaraabada ama saaxiibada.
Dadka kale way la xiriiri karaan si ay u helaan cinwaanka aad degan tahay ama shaqada, ama telefoon numberka, laakiin uma sheegi karaan in ay lacag kugu leeyihiin.
Uma sheegi karaan dadka kale in ay yihiin deyn ururiyayaal ilaa la weydiiyo. Haddii aad leedahay qareen, kulama soo xiriiri karaan adiga ama qof kale, qareenkaaga ma ogiye.
Waa Sharci Daro In Deyn Bixiyuhu:
- Isticmaasho aflagaado ama caay.
- Soo wac 8:00da aroornimo ka hor ama 9:00ka habeenimo ka dib.
- In ay shaqada kaa soo wacaan haddii ay ogyihiin in aan la ogoleyn in shaqada deyn ururiyaashu kaa soo wacaan.
- In ay kaa qaadaan oo aysan ku siin cadeyn lacag qabasho.
- Kugu handadaan in ay ku xiriyaan ama kugusoo oogayaan fal dambiyeed.
- Kula soo xiriiraan iyaga oo ogsoon in aad qareen leedahay.
- Kuu soo raacdaan lacag qof geeriyooday (maarka laga reebo in aad wakiil u tahay qofka geeriyooday).
- Kuu soo diraan waraaq ay iska dhigayaan in ay wakiil ka yihiin dawladda, maxkamadda ama qareen.
- Aysan kuu sheegin magaca hay’adda ay ka socdaan.
- Kugu handadaan in ay kaa qaadayaan talaabo xagga sharciga ah oo aysan ku talo jirin in ay dhab ahaantii qaadaan.
- Ku siiyaan talo xagga sharciga ah sida: “Ma lihid difaac aad isaga difaacdo deyntan.”
Ku Adkeysashada Xuquuqdaada
Haddii uu deyn ururiyaha la yimaado mid ka ah talaabooyinka kor ku xusan, meel ku qor oo diiwaan ka samee. Marka ay ku soo wacaan, qor taariikhda iyo waqtiga iyo qofka ku soo wacay, iyo waxa ay yiraahdeen.
Haddii aad qabto wax su'aal ah, la xiriir qareen, xafiiska legal aid, ama Waaxda Ganacsiga ee Minnesota (651) 539-1500 ama 1 (800) 657-3602.
Haddii deyn ururiyuhu jabiyo sharciyadan, dacwad ayaad ku soo oogi kartaa. Muddo 1 sano ayaa ku furan in aad dacwad ku soo oogto.
Si aad cabasho uga soo gudbiso deyn ururiye, fadlan la xiriir:
Minnesota Dept. of Commerce (Waaxda Ganacsiga ee Minnesota)
85 7th Place East, Suite 280
St. Paul, MN 55101-2198
The Federal Trade Commission (Gudiga Ganacsiga ee Dawladda Dhexe)
Bureau of Consumer Protection (Gudiga Badbaadada Macaamiisha)
600 Pennsylvania Avenue, NW
Washington, D.C. 20580
Office of Minnesota Attorney General (Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Minnesota)
445 Minnesota St, Suite 1400
St. Paul, MN 55101
(651) 296-3353 (Agagaarka Magaalooyinka Mataanaha ah)
(800) 657-3787 (Dhulka ka Baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah)
(800) 627-3529 (Minnesota Relay (Fariin Isu Gudibinta Minnesota)
La socodsii waxyaabaha aad is leedahay waa lagu xad gudbay waxyaabaha aad xuquuqda u leedahay. Saxiix oo taariikhda ku qor qoraalka aad u soo dirto oo nuqul (koobi) ka reebo..
Waxa kale oo ka heli kartaa barta internetka (Cabasho online). Soo booq www.ftc.gov oo ka raadso Waaxda Ganacsiga ee Minnesota (Minnesota Department of Commerce.) Daabaco nuqul ka mid ah cabashada oo meel dhigo.
Si aad cabasho uga soo gudbiso deyn ururiye
Fadlan la xiriir:
Minnesota Dept. of Commerce (Waaxda Ganacsiga ee Minnesota)
85 7th Place East, Suite 280
St. Paul, MN 55101-2198
The Federal Trade Commission (Gudiga Ganacsiga ee Dawladda Dhexe)
Bureau of Consumer Protection (Gudiga Badbaadada Macaamiisha)
600 Pennsylvania Avenue, NW
Washington, D.C. 20580
Office of Minnesota Attorney General (Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Minnesota)
445 Minnesota St, Suite 1400
St. Paul, MN 55101
(651) 296-3353 (Agagaarka Magaalooyinka Mataanaha ah)
(800) 657-3787 (Dhulka ka Baxsan Magaalooyinka Mataanaha ah)
(800) 627-3529 (Minnesota Relay (Fariin Isu Gudibinta Minnesota)
La socodsii waxyaabaha aad is leedahay waa lagu xad gudbay waxyaabaha aad xuquuqda u leedahay. Saxiix oo taariikhda ku qor qoraalka aad u soo dirto oo nuqul (koobi) ka reebo.
Waxa kale oo ka heli kartaa barta internetka (Cabasho online).
Soo booq https://mn.gov/commerce/. Guji “Consumers” dooro “File a Complaint” (ingiriisi kaliya). Daabaco nuqul ka mid ah cabashada oo meel dhigo.