Waa maxey Cayr Qaadashadu?

Waxaa qoray
Mid-Minnesota Legal Aid

“Cayr-qaadashadu” waxa ay quseeysaa muhaajiriinta soo degaya wadanka US ka, iyo sidoo kale qaar ka mid ah muhaajiriinta wadanka US ka horey u joogay, ee codsanaya degaanaashaha rasmiga ah (green card) markii ugu horeeysay. Cayr -aadashadu waxa ay go’aamisaa in qofka sharci laga siiyo wadanka iyo in kale iyadoo marka hore la go’aansanayo inay u baahnaan doonaan muqtaqbalka inay helaan manfacyada dowlada iyo kale. Sannadkii 2019, Maamulkii madaxweynihii hore ee Trump waxa uu isku dayey inuu ka dhigo xeerarka qaabilsan cayr- qaadidka mid adag. Hay’ada USCIS ee Madaxweyne Biden iyo hay’ada Amaanka Dhulka Hooyo (Homeland Security) waxa ay ku dhawaaqeen inaysan isticmaali doonin xeerarkii hore ee Madaxweyne Trump ee qaadashada cayrta quseeyey.

Waydii qareen manfacyada adiga ama qoyskaagu aad heli kartaan, iyo in xeerka cayr qaadashadu uu idin quseeyo iyo in kale. Gargaarka dhanka Sharcigu (Legal Aid) waa mid qarsoodi yo bilaashba ah.

Mid-MN Legal Aid:  (800) 292-4150 (9:00 am – 4:00 pm)