Kuwan waxaa ku jiri kara:
- Fiisaha U (U Visa) ama Fiisaha VAWA (VAWA Visa)
- falka dib u dhigidda saarida, sidda DACA ama Codsiga Sharciga Gaarka ee Da’ yarta Muhaajiriinta ah ee la Axsaxiyey
- aad codsatay magangelyo laakiin aan wali go’aan laga gaarin codsigaagga
- aad tahay qof aan wali helin deganaanshaha rasmiga ah (Green Card)
- aad codsatay deganaansho rasmi ah [Green Card (I-485)] laakiin aysan dowladdu wali go’aan ka gaarin codsiga
- aad haysato warqad shaqo laakiin aadan haysatn deganaasho (Green Card)
Isku day inaadan dibadda u bixin haddii aadan u baahnayn inaad baxdo.
Waxa aad u baahan tahay u dirso qof muwaadin Mareykan (US) ah ama deganaansho rasmi ah haysta (Green Card) oo ehelkaaga ah ama saaxiib la aamin yahay ah. Ka fakar in adeega cuntadda guriga laguugu keeno. Si aad u hesho caawimaad kale, sidda gargaar dhanka cuntadda ama kiradda ah, wac khadka la yiraa Monarca Reporting Line, 612-441-2881, ama kan la yiraa COPAL Navigator Line, (612) 255-3112.
Nuqul (copies) ka sameyso warqadaha sharcigaaga. Haddii aad dibadda u baxdo, qaado nuquladda (copies) warqadaha sharcigaaga ah. Mar walba guriga uga tago nuqul.
Ha ka furin alaabka gurigaaga cidna la’aanta warqad maxkamadeed
Haddii ay ciddi soo garaacdo alaabka gurigaaga ama ay gambaleelaha albaabka taabato, Ha FURIN albaabka aan ahayn inaad taqaan ciddi albaabka garaacaysa, haddii ay ICE tahay cidda albaabka garaacaysaa:
- Waydii askartu inay haystaan warqad maxkamadeed oo uu saxiisay xaakim.
- Haddii ay haa yiraahdaan, waydii inay ka soo dusiyaan albaabka hoostiisa ama ay daaqad kaa tusaan.
- Waxa aad u baahan yahay inaad aragto saxiixa xaakimka. “Warqad ka soo baxday xafiis maamul” (Warqad ICE) ma ay siiso ICE ogolaansho sharci ah oo ay gudaha ku geli karaan. Ka eeg faraqada u dhaxeeya Warqada Maxkamadda iyo Warqadda ICE halkan (the difference between a Judicial Warrant and an ICE Warrant).
- Haddii ICE aysan haysan warqad maxkamadeed oo u saxiixay xaakim, ku dheh, “idin ma siinayo ogolaansho aad ku soo gashaan dhismahayga.”
- Haddii ICE ay xoog guriga ku gasho, ha hor istaagin, hana iska celinin. Haddii ay amaan tahay inaad sameyso, qor magaca askarta, lambarka kaarkooda, iyo wixii ay qaataan. Siddoo kale waxa aad xaq u leedahay inaad la soo baxdo telefankaaga aadna duubto askartu waxa ay sameynayaan laakiin ha fargelin waxa ay sameynayaan.
LAAKIIN: Haddii ICE ay haysato warqad maxkamadeed ama ay u badan tahay in mid soo goosan karaan UUNA gudaha guriga joogaan dad ehel ah oo aan sharci haysan, qofka ku xusan warqadda maxkamaddu waxa uu dooran karaa inuu is-dhiibo si kolkaa aysan ICE u helin sabab ay isugu daydo inay guriga ku soo galaan ayna u qabtaan dad kale oo ehel ah.
Haddii aad ilmo haysato
Ka fakar sameynta Wareejinta Mas’uuliyadda Ilmaha [Parental Authority (DOPA)]. Wixii kale akhbaarta ee dheeraad ah ee ku saabsan arintaa (DOPA), iyo sidda loo sameeyo ka akhri warqadayada xogta aruusan ee halkan, [Delegation of Parental Authority (DOPA)].
Helida qareen
Haddii aad awoodo, hel qareen ku caawin kara lacala haddii lagu qabto. Caadiyan waxa aad siin khidmad “qabsi” qareenka si uu heegan kuugu ahaado. Qabsigu waxa uu u shaqeeyaa sidda ‘dhaqaale hawl bilaabe ah” si loogu isticmaalo wixii hawl ah ee dhanka sharciga ah ee uu kuu qabto mustaqbalka adiga. Caadiyan waxa aad u siin $5,000-$10,000 qareenka qabsi ahaan. Si aad u hesho qareeno ka baar shabakadda (website) www.ailalawyer.com. “Nooca qareenka aad rabto “dooro “Masaafurinta – Saarida.”
Haddii aadan qabsan karin qareen, hubi in ehelka ama saaaxiib uu yaqaan sidda lagu helo mid iyagoo ka baaraya shabakadada (website) www.ailalawyer.com.
Haddii aad leedahay balan iska xaadirin ICE ah
Waa u baahan tahay inaad tagto balantaa. LAAKIIN marmarka qaarkood waa ay qabtaan dadka marka ay tagaan balamahaa.
Diyaarso akhbaartaada lacala haddii lagu qabto
Haddii lagu qabto, waxa dhici karta inay kugu yiraahdaan saxiix amar masaafurin ah. Maaha inaad saxiixdo amarkaa. Haddii aad saxiixdo, uma dagaalami kartid kiiskaaga wixii markaa ka dambeeya.
Haddii lagu qabto, waxaa dhici karta in lagu soo daayo haddii aad xareysato Dacwada soo Deynta “(Habeas Petition.)” Qor akhbaartan hadda si ay u caawiso Dacwadda Soo Deynta (Habeas Petition). Hubi in ehel ama saaxiib uu og meesha uu yaal. Haddii lagu qabto, waa diyaar si ay ugu geeyaan qareen si uu isugu dayo inuu ku soo daayo.
- Magacaaga oo buuxa, oo ah sidda saxda ah ee uu ugu qoran yahay sharcigaaga
- Wadanka aad u dhalatay
- Lambarkaaga-A (A-Number)
- Taariikhdaadda dhalashadda
- Wixii gobol kale ee Mareykanka (U.S.) ah ee aad ku noolan jirtay ka hor ku noolaanshaha Minnesota
- Haddii aad leeyahay qareen muhaajir, magaciisa iyo telefanka #
- Waxa uu yahay sharcigaagu, oo ay jirto haddii aad sharci codsanayso
- Martabada kiiskaaga muhaajirka (waxa aad ka eegi kartaa halkan: https://acis.eoir.justice.gov/en/)
- Sidda iyo meesha aad ka soo gashay wadanka Mareylanka (U.S.), oo ay ku jiraan in lagugu xiray xuduudka iyo in kale
- Wax hore oo idin dhexmaray laamaha sharci ilaalinta oo ay ku jirto askarta ilaalisa sharciyadda laanta socdaalka
- Akhbaar ku saabsan wax qaadid dacwo curaar ku sii deyn ah oo ay qaaday laanta socdaalku oo aad horey u martay