Sababta aad u qaadanaysaa waa inay noqotaa sabab Fasaxa Lacagtu socoto xaq loogu yeesho. Kuwaa waxaa ku jira mid walba oo la mid ah sababahan:
Sababaha Fasaxa Caafimaad:
- inaad qabto cudur aad u culus,
Sababaha Fasaxa Qoyska:
- inaad u baahan tahay inaad daryeesho qof ehel ah oo cudurkiisu culus yahay,
- inaad u baahan tahay inaad daryeesho aadna laxowsato ilmo kuu dhashay, aad koriimo u qaadatay ama aad haysto,
- inaad u baahan tahay inaad gargaarto qof ehel ah oo loogu yeeray gudasho waajib ciidan,
- inaad u baahan tahay inaad wax ka qabato arrimo dhanka amaanka ah sidda dagaal qoyska dhexdiisa ah, gacanqaad, ama ilaalaysi
“Xaalad cudur oo culus’ macnaheedu waa ‘jiro jireed ama maskaxeed, dhaawac, wiiqmid, cudur ama khalad u istcimaal maan-dooriye.’ Waxaa ku jira dhalida ilmo, xaalado la xiriira uurka ama qaliin.
Wixii akhbaar ah ee dheeraad ah iyo si loo codsadaba gal bogga: https://paidleave.mn.gov/