Curaaraha Laanta Socdaalka
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa lacagaha curaaraha ee laanta socdaalka (immigration) u baahato, sidda ay u shaqeeyaan, iyo sidda loo bixiyo.
Diyaarso akhbaarta curaarta lacala haddii lagu qabto si aad u isticmaasho
Haddii lagu qabto ama aad ka walwalsan tahay in ay ku xiri karto hay’adda Laanta Socdaalka iyo Ilaalinta Kastanku (ICE),” waa ra’yi fiican inaad diyaar ahaato lacala haddii aad xaq u yeelato curaarta Laanta Socdaalka (immigration). Diyaarso cadeyn muujinaysa inaadan khatar ku ahayn umadda ama aan lagaaga baqayn inaad baxsato. Hubi inuu jiro qof yaqaan meesha laga helo akhbaarta haddii lagu qabto. Waxaa aad u baahan tahay inaad tusto Xaakimka inaad xaq u leedahay inaad curaar ku baxdo. Siddoo kale diyaarso qof noqda kafiilka curaartaadda. Qofkuna waxa uu bixin curaarta haddii laguu ogolaado waxa uuna mas’uul ka yahay inuu hubiyo inaad dacwo qaadidyadaada aad timaado.
Eeg warqadayadda xogta aruursan ee barta Khayraadyadda ay heli karaan dadka la qabtay ama ka Walwalsan in la Qabto.
Waa maxay curaarta laanta Socdaalku?
Curaartu waa lacag uu qof bixiyo si uu qof kale oo xiran loo sii daayo. Curaarta laanta socdaalku waa lacag qof bixiyo si qof looga sii daayo “ICE.” Hadii aad tagto dhamaan balamaha maxkamadahaaga aadna raacdo dhamaan amarada uu bixiyo xaakimka laanta socdaalku ama ay bixiso hay’ada ICE, lacagta curaarta ah waxaa la soo celin kolka kiiskaagu uu dhamaado. Laakiin hay’ada ICE, iyada ayaa qaadan lacagta curaarta ah hadii aadan maxkamada tagin ama aadan raacin amarada.
Ma heli karaa in la igu sii daayo curaarta laanta socdaalka (immigration)?
Laga yaabee. Dadka qaarkii waa khasab in la geliyo “hayn khasab” ah. Taa macnaheedu waa xaakimka laanta socdaalku (immigration) kuma sii deyn karo iyaga curaar sababta oo ah waxa sharcigu uu leeyahay.
Haynta khasabka ah waxa ay dhici kartaa haddii:
- Lagugu helay ama lagugu xukumay dambiyadda qaarkood
- Aad haysatay amar hore oo masaafurin ah
- Laguu soo qabtay asbaabta la xiriirta xarakaad argagaxisanimo, AMA
- Ama lagu xiray markii aad soo gashay wadanka Mareykanka (U.S.).
Dowladdu waxa ay tiraa haddii aad wadanka soo gashay adiga oo aan soo marin xafiis laanta socdaalku (immigration) leeyahay (‘soo gelid fatash la’aan ah”), waa in kolkaa lagu geliyo haynta khasabka ah. Waxay kaloo tiraa, ma aad helaysid dacwo qaadid curaar ku bixid ku saabsan, LAAKIIN, qaar badan oo xaakimyadda Minnesota ah kuma ay raacaan taa dowladda.
Dhankan sharcigu si degdeg ah ayuu isu-bedbedalayaa iminka. La tasho qareen si aad u eegto inaad codsan karto curaar in lagugu sii daayo haddii ay ku xirto hay’adda ICE.
Sidee ayaan u codsadaa curaar?
Marmarka qaarkood hay’ada ICE ayaa goysa cadadka lacagta curaarta ah. Hadii wax curaar ah aan la goyn, waxa aad ka codsan kartaa Xaakimka Laanta socdaalku in uu u gooyo curaar kiiskaaga. Waxa aad codsan kartaa dacwada curaar dhagaysiga. Xilliga dhagaysiga dacwada curaarta, waxaad sidoo kale waydiisan kartaa Xaakimka Laanta socdaalka inuu dhimo lacagta curaarta ah hadii aad qabto in hay’ada ICE curaarta ay goysay ay kugu badan tahay. Cadadka ugu yar ee lacagta curaarta ah ee uu Xaakim Laanta socdaalka ahi uu goyn karaa waa $1,500. Waa wax inta badan dhaca in xaakimka laanta socdaalku (immigration) uu curuurta ka dhigo $4,000.
Ka taxadar kolka aad ka codsanayso Xaakimka Laanta socdaalka inuu dhimo curaarta. Xaakimku waxa uu go’aansan karaa inuu kordhiyo curaartaada hadii uu is yiraa aad bay u ama waxa ay go’aansan karaan inay curaarta diidaan gabi ahaanba.
Ciddee bixin karta lacagta curaarta ah?
Qofka dhigaya curaarta waxaa la yiraa kafiilka curaarta. Waxaa kaloo la yiraa “waajible.” Waxaa jira xeerar ku saabsan cidda noqon karta waajible. Hadii waajiblahu uusan u hogaansamin xeerarka, hay’ada ICE kuma ay siidayso.
- Waajiblahu waa inuu noqdaa muwaadin Mareykan ah (U.S.), hayste sharci Degnaansho ah oo Rasmi ah, shirkadaha garyaqaanadda, ama ururadda samafalka.
- Waajiblahu waa khasab inuu ku yaqaan
- Waajiblahu waa khasab inuu yaqaan sida loogu hadlo loona akhriyo Afka Ingiriiska.
- Waajiblahu waa khasab inuu la yimaado aqoonsi (ID) sawir leh oo dowladi bixisay iyo lambar sooshal sakuurati (social security) oo shaqaynaya kolka ay u imaanayaan si ay u dhigaatn curaarta.
Waajiblahu sidoo kale waa inuu bixiyaa akhbaartan:
- macagiisa, ciwaankiisa hadda, iyo lambarka telefankiisa
- Magacaaga, ciwaankaaga, lambarka telefankiisa, lambarka laanta socdaalka (immigration) hadii la yaqaan
Qof aan si sharci ah ku joogin Mareykanka (U.S.) waa INUUSAN isku dayin inuu curaar ka dhigo qof kale. Hay’ada ICE waa ay qaban kartaa qofkaa waxa ayna isku dayi kartaa kolkaa inay ka saaro wadanka Mareykanka (U.S.).
Qof si sharci ah ku joogo wadanka Mareykanka (U.S.) laakiin horey dambiyo loogu helay ama kiisas dambiyo ahi ay ku furan yihiin hadda waa inuu la tashadaa qareen qaabilsan sharciyada laanta socdaalka ka hor inta uusan ka dhigin lacag curaar ah qof kale.
Maxaa ka dhaca dacwada dhagaysiga goynta curaarta?
Kolka uu go’aansanayo goynta ama dhimida curaarta, Xaakimka Laanta socdaalku waxa uu eegaa arrintaada si uu arko inaad khatar ku tahay ummada iyo in kale. Hadii uu xaakimku uu xukumo inaad khatar ku tahay umadda, waa uu kuu diidi karaa curaar in lagugu sii daayo, waa aad sii xirnaan kartaa ilaa iyo inta uu kiiska laanta socdaalku (immigration) uu ka dhamaanayo. Haddii xaakimku uu xukumo inaadan ciddna khatar ku ahayn, kolkaa waxa uu eegi inaad tahay “baqayo baxsi.” Qofka looga baqayo baxsigu waa qof ay u badan tahay in uusan imaan doonin dhagasiga dacwooyinkiisa mustaqbalka hadii la sii daayo iminka.
Si aad u cadeyso inaadan umadda khatar ku ahayn, u soo dir taariikhdaadda dambiyada iyo wixii kale ee daliilo ah ee dhaqancelin ah Maxkamadda Laanta Socdaalka (Immigration). Daliilaha dhaqancelinta waxay noqon karaan arrimaha sidda cadeyn ah inaad qaadatay fasallo si aad u maareyso arrimo ku saabsan daroogo ama khamri isticmaal, fasalada maareynta xanaaqa ama dabiib. Waxay sidoo kale noqon kartaa cadeymo kale oo caawiya inaad cadeyso inaad wax ka qabatay dhibaatooyinkii kugu kalifayey inaad dambiyo gaysato waagii hore. Waxaad kaloo bixin kartaa warqado gargaar oo ay kuu soo qoreen ehelkaa iyo saaxiibadaa ama hogaamiye diimeedyadu ama xubnaha bulshada.
Si aad u cadeyso inaadan baxsanayn, bixi:
- cadeyno ah ehelka kuu joogo United States. Taasi waxa noqon kartaa warqada dhalashada ee Qaraabada Sharciga ku leh wadanka (LPR) ama muwaadiniinta ah (U.S.)
- cadeyn ah inaad shaqayso. Sida Jeeg dabadood ama warqad shaqadu kuu soo qorto.
- Daliil ah in aad leedahay hanti dhul ah, aad haysto warqad heshiis (lease) guri kiraysi ama aad canshuur ka bixiso wadanka Mareykanka (U.S.).
- cadeyn ah inaad ka tirsan tahay koox diimeed ama mid beeleed.
Runtii aad ayey muhiim u tahay inaad u keento iyaga warqad dhaar (affidavit) ah oo nootaayeysan oo aad ka keento kafiilkaaga oo oranaysa in aanan lagaaga baqeyn inaad baxsato. Oraahda kafiilka waa inay ku jiraan akhbaar shakhsiyan ah oo kafiilka ku saabsan, sidda, magaca, taariikhda dhalashada, akhbaarta la soo xiriirida, iyo waxa aad isu tihiin adiga iyo kafiilku. Siddoo kale, waa inay ku jiraan waxyaabaha sidda:
- nuqulo ah aqoonsiga (ID) kafiilka ee ay dowladdu bixisay
- canshuur-celintii ugu dambaysay ee uu kafiiku xareeyey
- Jeegta shaqadda dabadooda ee 90 cisho ee dhaafay uu qaatay ama oraah bangi
- Heshiis (lease) guri kiraysi ama oraah deyn (mortgage) guri qaadasho oo cadeynaysa ciwaanka qofka ee rasmiga ah.
Waxyaabahaas oo dhan waxa ay cadeyn karaan sidda kafiilku uu kaaga caawin karo inaad u hogaansanto shuruudaha maxkamadda.
Ma ahay waajib-lagu lahe. Sidee ayaan u bixyaa curaarta?
Waa suurtagal in qofka la soo xiro la sii daayo isla maalinta lacagta curaarta ah la bixiyo. Si taa loo hubiyo, waxaa roon in lacagta curaarta ah la bixiyo sidda ugu dhaqsanaha badan ee maalinta ee suurtagal ah.
Khadka (Online)
Waa khasab in aad ka bixiso curaarta khadka (online) ka ee: cebonds.ice.gov. Hoos u wad fallaarta ka dibna riix baroonka “Gal ama Is-qor” [“Sign-in or Sign-up”]. Hadii aadan lahayn akoon, waxa aad u baahan tahay inaad riixdo (click) meesha leh, “Is Qor” “(Sign Up)” ka dibna sameyso akoon.
Dadka iyo ururadda soo socda waxa ay ka bixin karaa curaarta khadka (online):
- muwaadiniinta (U.S.) Mareykanka ah
- dadka sharciga deganaanshaha ah ee rasmiga ah ku leh wadanka
- shirkadaha garyaqaanadda, iyo
- ururadda samafalka ee isticmaali kara aaladda CeBONDS si ay u dhigaan curuurta bixida, curaarta ikhtiyaar uga bixida wadanka, ama curaarta amarka kormeerka.
- Dadka aan muwaadiniinta ahayni siddoo kale waxay kaloo dhigi karaan Curaarta Ikhtiyaar uga Bixida Wadanka iyagoo afkooda ku hadlaya.
Saacadaha curaar dhigidu waa:
Isniinta – Jimcaha
9 subaxnimo ilaa 3 galabnimo ee waqtiga meesha qofka ay ku hayso hay’adda ICE
Lacagta waa in laga bixiyaa akoon bangi.
Haddii aadan heli karin hab khadka (online) ka ah, waa khasab inaad isku daydo inaad adoo xaadir ah aad cagahaaga ugu tago hay’adda oo lacagta u geyso.
Tagida Xafiiska
Xafiiska Hay’adda ICE ee Minneapolis/St. Paul ICE kaliya waxa uu aqbalaa in inta la tago lacagta la bixiyo haddii qofka la qabtay akhbaartiisa aan la soo gelin khadka (online) sababta oo amaanka xagiisa ah awgood. Wac xafiiska ICE ka hor inta aadan isku dayin inaad inta tagto xafiiska aad lacagta bixiso si aad u eegto in qofka xiran laga heli karo khadka (online). Haddii qof uu xaq u leeyahay in inta qof tago xafiiska lacagta ka bixiyo, waa khasab kolkaa in cadadka lacagta ee curaarta kuli lagu wada bixiyo lacagta idman (money order) ee boostadda U.S. ama jeeg wareega ee bangi. Lacagta cadaan ah, jeegaga shakhsiganka ah ama jeegta idman ee aan ahayn kuwa boostada lama aqabalo. Jeega idman ama jeega khasnajiga waa in lagu qoraa “Immigration and Customs Enforcement.” Ehelkaa iyo saaxiibadaa waa inay lacagta gacanta ku geeyaan midkii ay rabaan xafiisyada hay’ada ICE ay ku leedahay wadanka U.S. Kaliya muwaadin Mareykan ah (U.S.) ama qof haysta sharci deganaansho rasmi ah ayaa dhigi kara lacagta curaarta ah.
Hadii aad Minnesota joogto, waxaa jira hal xafiis oo ay ICE leedahay oo laga bixin karo curaarta:
Xafiiska ICE ee Minneapolis/St. Paul
1 Federal Drive, Suite 1640
Fort Snelling, MN 55111
9:00 sub., ilaa 3:00 gal., Isniin -Jimce
612-843-8600
Ka waran hadii aanan dhigi karin curaar?
Hadii aadan dhigi karin lacagta curaarta ah ee laanta socdaalka iyadoo buuxda, waxaa dhici karta inaad caawimaad ka hesho xoolaha curaarta ee beesha. Inta badan xoolaha curaarta ee beeshu waxa ay ku waydiin inaad sugto inta cadadka lacagta curaartaada ah laga go’aansanayo. Tusaale ahaan, xoolaha curaarta ee beesha waxaa ku jira:
Deegaanka Hoose
Heer Qaran
- Contigo Immigrant Justice (haddii lagu qabto adigoo jooga Colorado, New Mexico, ama Texas)
- Xoolaha Curaarta Muhaajiriinta Madowga Ah Black Immigrants Bail Fund
- Xoolaha Xornimada ee LGBTQ LGBTQ Freedom Fund
Waxaa sidoo kale jira shirkado curaaradaha dhiga oo iyana ku caawin kara. Shirkadaha curaaradaha waa ganacsiyo gaar loo leeyahay oo bixiya qayb ka mid ah curaarta. Adiga, saaxiib ama qof ehel ah ayaa heshiis la geli kara iyaga. Ka taxadar! Shirkadaha curaartu waxa ay badanaa dadka saaraan dulsaar aad u sareeya, waydii “rahmida,” lacagtoo dhami kuu soo wada noqonayso. Rahmadda waa wax qiimo leh oo qofka saxiixaya warqaddu uu ogolaado in shirkadda curaarta ay qaadan karto haddii qofka xirani uusan tagid maxkamadda qaadidiisa ama uusan u hogaansamin awaamiirta ay maxkamaddu ama hay’adda ICE ay u dajisay.
Soo celinta Lacagta Curaarta
Kolka maxkamada laanta socdaalku ay dhamaato, hay’ada ICE waxa ay u soo celisaa cadadkii lacagta curaarta ahaa oo dhamaystiran qofkii dhigay curaarta (waajiblaha). Xafiiska hay’ada ICE waxa uu u diraa warqado waajiblaha si uu u soo buuxiyo una soo celiyo. Kolka hay’ada ICE ay warqadaha la soo buuxiyey loo soo celiyo, waxay boostada u dhigtaa lacagta curaarta ah waajiblaha. Hadii waajiblahu u guuro ka hor inta hawshu aysan dhamaan. Waa inuu hay’ada ICE la socod-siiyaa taa. Hyay’ada ICE ma soo celin karto lacagta hadii aysan hayn ciwaanka waajiblaha.
Ka Taxadar Khaa’inimadda!
Iska ilaali waxyaabahan oo kale:
- ICE MARNA cid ma soo wacdo mana u soo dirto dhambaalo (texts) ama ma isticmaasho WhatsApp si ay kuu waydiiso bixinta curaartaadda.
- Curaaraha waxaa laga bixin karaa kaliya khadka (online) ka ee CeBOND ama waxaa la bixin karaa iyadoo la tagayo xafiiska iyadoo lagu bixinayo jeeg ama lacagta idman (money order) oo lagu qorayo magaca DHS ama ICE. Lacagta curaarta KAMA aad bixin kartid goobaha sidda, Western Union, MoneyGram, Zelle, ama Ria.
- Haddii ciddi ku tiraa waxa aad ku leedahay dacwo qaadid laanta socdaalka (immigration) ah aaladda Skype, waa khaa’inimo! Dacwooyinka khadka lagu qaado ee laanta socdaalka (immigration), waxaa lagu qaadaa aaladda la yiraa Webex.
- Haddii ay ciddi ku yiraa waxa aad dhigi kartaa lacagta qayb ka mid ah, waa khaa’imiin! Lacagta curaarta ee laanta socdaalku (immigartion) mar walba waa in kuligeed si buuxda loo bixiyo.
Si aad wax badan uga ogaato khaa’inimadda inta badan la adeegsado, ka eeg shabakadda USCIS website.