Curaaraha Laanta Socdaalka
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa lacagaha curaaraha ee laanta socdaalka (immigration) u baahato, sidda ay u shaqeeyaan, iyo sidda loo bixiyo.
Waa maxay curaarta laanta Socdaalku?
Curaartu waa lacag uu qof bixiyo si uu qof kale oo xiran loo sii daayo. Curaarta laanta socdaalku waa lacag qof bixiyo si qof looga sii daayo Laanta Socdaalka & Ilaalinta Kastanka (Immigration & Customs Enforcement, ama “ICE”). Hadii aad tagto dhamaan balamaha maxkamadahaaga aadna raacdo dhamaan amarada uu bixiyo xaakimka laanta socdaalku ama ay bixiso hay’ada ICE, oo ay ku jiraan ka bixida wadanka hadii la iska rabo, lacagta curaarta ah waxaa la soo celin kolka kiiskaagu uu dhamaado. Laakiin hay’ada ICE, iyada ayaa qaadan lacagta curaarta ah hadii aadan maxkamada tagin ama aadan raacin amarada.
Sidee ayaan u codsadaa curaar?
Marmarka qaarkood hay’ada ICE ayaa goysa cadadka lacagta curaarta ah. Hadii wax curaar ah aan la goyn, waxa aad ka codsan kartaa Xaakimka Laanta socdaalku in uu u gooyo curaar kiiskaaga. Waxa aad codsan kartaa dacwada curaar dhagaysiga. Xilliga dhagaysiga dacwada curaarta, waxaad sidoo kale waydiisan kartaa Xaakimka Laanta socdaalka inuu dhimo lacagta curaarta ah hadii aad qabto in hay’ada ICE curaarta ay goysay ay kugu badan tahay. Cadadka ugu yar ee lacagta curaarta ah ee uu Xaakim Laanta socdaalka ahi uu goyn karaa waa $1,500. Waa wax inta badan dhaca in xaakimka laanta socdaalku (immigration) uu curuurta ka dhigo $4,000.
Ka taxadar kolka aad ka codsanayso Xaakimka Laanta socdaalka inuu dhimo curaarta. Xaakimku waxa uu go’aansan karaa inuu kordhiyo curaartaada hadii uu is yiraa aad bay u ama waxa ay go’aansan karaan inay curaarta diidaan gabi ahaanba.
Maxaa ka dhaca dacwada dhagaysiga goynta curaarta?
Mar ugu horeeysa, Xaakimka Laanta socdaalku waa inuu go’aansado inaad xataa xaq u leedahay inaad codsato curaarta iyo in kale. Dadka qaarkii waxay hoos yimaadaan sharciga “haynta khasabka ah.” Taa macnaheedu waa Xaakim Laanta Socdaalku uma laha awood uu ku ansaxin karo curaar. Dambiyada qaarkood, waxa ay ku hoos keeni karaan sharciga haynta khasabka ah. Waxaad sidoo kale aad hoos imaan sharciga haynta khasabka ah hadii:
- Aad tahay qof qalaad oo hada yimi
- Lagu siiyey amar hore oo maxkamadeed oo lagugu masaafurinayey, ama
- Laguu hayo sababto la xiriira argagaxisanimo
Hadii aadan hoos imanayn sharciga haynta khasab ka ah, waxaa dhici karta in curaar laguu gooyo. Mar walba waa ra’yi fiican inaad waydiisato inaan lacagta damaanad ah aad dhigto haddii ay ku soo xirto hay’adda ICE. Waydiiso xaakimka inuu tixgeliyo curaar yar haddii aadan awoodin inaad dhigto midii markii hore hay’adda ICE ay rabtay inaad dhigto. Kolka uu go’aansanayo goynta ama dhimida curaarta, Xaakimka Laanta socdaalku waxa uu eegaa arrintaada si uu arko inaad khatar ku tahay ummada iyo in kale. Hadii uu xaakimku uu xukumo inaad khatar ku tahay umadda, waa uu kuu diidi karaa curaar in lagugu sii daayo, waa aad sii xirnaan kartaa ilaa iyo inta uu kiiska laanta socdaalku (immigration) uu ka dhamaanayo. Haddii xaakimku uu xukumo inaadan ciddna khatar ku ahayn, kolkaa waxa uu eegi inaad tahay “baqayo baxsi.” Qofka looga baqayo baxsigu waa qof ay u badan tahay in uusan imaan doonin dhagasiga dacwooyinkiisa mustaqbalka hadii la sii daayo iminka.
Si aad u cadeyso inaadan umadda khatar ku ahayn, u soo dir taariikhdaadda dambiyada iyo wixii kale ee daliilo ah ee dhaqancelin ah Maxkamadda Laanta Socdaalka (Immigration). Daliilaha dhaqancelinta waxay noqon karaan arrimaha sidda cadeyn ah inaad qaadatay fasallo si aad u maareyso arrimo ku saabsan daroogo ama khamri isticmaal, fasalada maareynta xanaaqa ama dabiib. Waxay sidoo kale noqon kartaa cadeymo kale oo caawiya inaad cadeyso inaad wax ka qabatay dhibaatooyinkii kugu kalifayey inaad dambiyo gaysato waagii hore. Waxaad kaloo bixin kartaa warqado gargaar oo ay kuu soo qoreen ehelkaa iyo saaxiibadaa ama hogaamiye diimeedyadu ama xubnaha bulshada.
Si aad u cadeyso inaadan baxsanayn, bixi:
- cadeyno ah ehelka kuu joogo United States. Taasi waxa noqon kartaa warqada dhalashada ee Qaraabada Sharciga ku leh wadanka (LPR) ama muwaadiniinta ah (U.S.)
- cadeyn ah inaad shaqayso. Sida Jeeg dabadood ama warqad shaqadu kuu soo qorto.
- cadeyn ah inaad hanti ku leedahay United States
- cadeyn ah inaad ka tirsan tahay koox diimeed ama mid beeleed.
Xaakim laanta socdaalku waxaa kale oo uu tixgeliyaa inaad codsanayso wax aad isaga difaacayo musaafurinta ama in wax codsiyo ah lagaaga xareeyey adiga laanta socdaalka.
Haddii aad ka walwalsan tahay in hay’adda ICE ay ku qabato, waa ra’yi fiican inaad soo dhawaysato cadeyno ah inaadan khatar ku ahayn umadda, ama aadan baxsanayn. Arritan samee si aad u haysato lacala haddii aad u baahato inaad tusto xaakimka si aad xaq ugu yeelato curaarta laanta socdaalka (immigration).
Ma ahay waajib-lagu lahe. Sidee ayaan u bixyaa curaarta?
Waa suurtagal in qofka la soo xiro la sii daayo isla maalinta lacagta curaarta ah la bixiyo. Si taa loo hubiyo, waxaa roon in lacagta curaarta ah la bixiyo sidda ugu dhaqsanaha badan ee maalinta ee suurtagal ah.
Khadka (Online)
Waa khasab in aad ka bixiso curaarta khadka (online) ka ee shabakadahan (website) soo socda: MyAuth Account - Sign In (ice.gov). Hadii aadan lahayn akoon, waxa aad u baahan tahay inaad riixdo (click) meesha leh, “Is Qor” “(Sign Up)” ka dibna sameyso akoon.
Dadka iyo ururadda soo socda waxa ay ka bixin karaa curaarta khadka (online):
muwaadiniinta (U.S.) Mareykanka ah
dadka sharciga deganaanshaha ah ee rasmiga ah ku leh wadanka
shirkadaha garyaqaanadda, iyo
ururadda samafalka ee isticmaali kara aaladda CeBONDS si ay u dhigaan curuurta bixida, curaarta ikhtiyaar uga bixida wadanka, ama curaarta amarka kormeerka.
Dadka aan muwaadiniinta ahayni siddoo kale waxay kaloo dhigi karaan Curaarta Ikhtiyaar uga Bixida Wadanka iyagoo afkooda ku hadlaya.
Saacadaha curaar dhigidu waa:
Isniinta – Jimcaha
9 subaxnimo ilaa 3 galabnimo ee waqtiga meesha qofka ay ku hayso hay’adda ICE
Lacagta waa in laga bixiyaa akoon bangi.
Haddii aadan heli karin hab khadka (online) ka ah, waa khasab inaad isku daydo inaad adoo xaadir ah aad cagahaaga ugu tago hay’adda oo lacagta u geyso.
Tagida Xafiiska
Waa inaad sii wacdo xafiiska ha’adda ICE ka hor inta aadan isku dayin inaad lacagta bixiso adigoo xaadir ah. Cadadka curaarta waa khasab in la wada dhigo, iyada oo ah jeega idman (money order) ee boostada (U.S.) ama jeega khasnajiga (cashier’s check) oo uu bixiyey bangi. Lacagta cadaan ah, jeegaga shakhsiganka ah ama jeegta idman ee aan ahayn kuwa boostada lama aqabalo. Jeega idman ama jeega khasnajiga waa in lagu qoraa “Immigration and Customs Enforcement.” Ehelkaa iyo saaxiibadaa waa inay lacagta gacanta ku geeyaan midkii ay rabaan xafiisyada hay’ada ICE ay ku leedahay wadanka U.S. Kaliya muwaadin Mareykan ah (U.S.) ama qof haysta sharci deganaansho rasmi ah ayaa dhigi kara lacagta curaarta ah.
Hadii aad Minnesota joogto, Waxaa jira 2 xafiis oo ICE leedahay oo curaarta laga bixin karo:
Xafiiska ICE ee Minneapolis/St. Paul
1 Federal Drive, Suite 1640
Fort Snelling, MN 55111
7:30 sub., ilaa 2:00 gal., Isniin -Jimce
612-843-8600
Xafiiska ICE ee Sioux Falls
2708 North 1st Ave.
Sioux Falls, South Dakota 57104
8:00 sub., ilaa 1:00 gal., Isniin -Jimce
605-330-4276 (u soo wac balamaha)
Ciddee bixin karta lacagta curaarta ah?
Qofka dhigaya curaarta waxaa la yiraa “waajible.” Waxaa jira xeerar ku saabsan cidda noqon karta waajible. Hadii waajiblahu uusan u hogaansamin xeerarka, hay’ada ICE kuma ay siidayso.
- Waajiblahu waa inuu noqdaa muwaadin Mareykan ah (U.S.), hayste sharci Degnaansho ah oo Rasmi ah, shirkadaha garyaqaanadda, ama ururadda samafalka.
- Waajiblahu waa khasab inuu ku yaqaan
- Waajiblahu waa khasab inuu yaqaan sida loogu hadlo loona akhriyo Afka Ingiriiska.
- Waajiblahu waa khasab inuu la yimaado aqoonsi (ID) sawir leh oo dowladi bixisay iyo lambar sooshal sakuurati (social security) oo shaqaynaya kolka ay u imaanayaan si ay u dhigaatn curaarta.
Waajiblahu sidoo kale waa inuu bixiyaa akhbaartan:
- macagiisa, ciwaankiisa hadda, iyo lambarka telefankiisa
- Magacaaga, ciwaankaaga, lambarka telefankiisa, lambarka laanta socdaalka (immigration) hadii la yaqaan
Qof aan si sharci ah ku joogin Mareykanka (U.S.) waa INUUSAN isku dayin inuu curaar ka dhigo qof kale. Hay’ada ICE waa ay qaban kartaa qofkaa waxa ayna isku dayi kartaa kolkaa inay ka saaro wadanka Mareykanka (U.S.).
Qof si sharci ah ku joogo wadanka Mareykanka (U.S.) laakiin horey dambiyo loogu helay ama kiisas dambiyo ahi ay ku furan yihiin hadda waa inuu la tashadaa qareen qaabilsan sharciyada laanta socdaalka ka hor inta uusan ka dhigin lacag curaar ah qof kale.
Ka waran hadii aanan dhigi karin curaar?
Hadii aadan dhigi karin lacagta curaarta ah ee laanta socdaalka iyadoo buuxda, waxaa dhici karta inaad caawimaad ka hesho xoolaha curaarta ee beesha. Tusaale ahaan, xoolaha curaarta ee beesha waxaa ku jira:
Deegaanka Hoose
- Xoolaha Xornimada MN MN Freedom Fund
Heer Qaran
- Xoolaha Curaarta Muhaajiriinta Madowga Ah Black Immigrants Bail Fund
- Xoolaha Xornimada ee LGBTQ LGBTQ Freedom Fund
Waxaa sidoo kale jira shirkado curaaradaha dhiga oo iyana ku caawin kara. Shirkadaha curaaradaha waa ganacsiyo gaar loo leeyahay oo bixiya qayb ka mid ah curaarta. Adiga, saaxiib ama qof ehel ah ayaa heshiis la geli kara iyaga. Ka taxadar! Shirkadaha curaartu waxa ay badanaa dadka saaraan dulsaar aad u sareeya, waydii “rahmida,” lacagtoo dhami kuu soo wada noqonayso. Rahmadda waa wax qiimo leh oo qofka saxiixaya warqaddu uu ogolaado in shirkadda curaarta ay qaadan karto haddii qofka xirani uusan tagid maxkamadda qaadidiisa ama uusan u hogaansamin awaamiirta ay maxkamaddu ama hay’adda ICE ay u dajisay.
Soo celinta Lacagta Curaarta
Kolka maxkamada laanta socdaalku ay dhamaato, hay’ada ICE waxa ay u soo celisaa cadadkii lacagta curaarta ahaa oo dhamaystiran qofkii dhigay curaarta (waajiblaha). Xafiiska hay’ada ICE waxa uu u diraa warqado waajiblaha si uu u soo buuxiyo una soo celiyo. Kolka hay’ada ICE ay warqadaha la soo buuxiyey loo soo celiyo, waxay boostada u dhigtaa lacagta curaarta ah waajiblaha. Hadii waajiblahu u guuro ka hor inta hawshu aysan dhamaan. Waa inuu hay’ada ICE la socod-siiyaa taa. Hyay’ada ICE ma soo celin karto lacagta hadii aysan hayn ciwaanka waajiblaha.