Digniinaha Muhaajiriinta
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxyaabaha muhaajiriinta sharciga aan lahayni ay sameyn karaan si ay uga caawiyaan aakhirka ka helida sharci wadanka.
Ma sameyn karaa waxyaabo iminka si ay iiga caawiyaan ka helida aakhirka sharci wadanka (US)?
Hadii aad ku joogto Mareykanka (U.S.) ogolaansho la’aan, waxaad jabinaysaa Sharciga Laanta socdaalka ee Mareykanka (U.S.).Waxaad ku jirtaa khatar ah inay ku xirto Hay’ada Laanta Socdaala & Kastamka (ICE) iyo in lagu masaafuriyo. Hadii aadan ku joogin halka sharci, laakiin aad rajaynayso inaad maalin uun hesho, waxa jira wax aad samayn karo si aan u badiyo fursadahayga helida martabad sharci hadhow.
Ogow xaquuqdaada Kana fogow dhibka
Ka fogow dhib. Ha ka qayb qaadan arrin dambi ah. waxay kaa ilaalin kartaa inaad sharci heshid iyo inay dhacdo in lagu ba masaafuriyo. Iska ilaali la xiriir boolis ama hay’ada sharci ilaalinta hadii aysan lagama maarmaan ahayn. Meelaha qaar, booliska xaafadu waxay la shaqeeyaa mas’uuliyiinta laanta socdaaalka, iyo waxa dhici karta inay wacaan ICE hadii ay u maleeyaan inaad sharci daro tahay.
Hadii u ku joojiyo boolis, Xaq waxaad u leedahay inaad Aamusnaatid. Hadii aad rabto aamusnaan, U sheeg askariga. Minnesota, waa sharci inaad is sheegtid cida aad tahay. Marka sii sarkaalka magacaaga sharciga oo buuxa iyo warqada aqoonisga.
Hadii uu boolis ku su’aalo martabadaada sharci ee wadanka, Xaq waxaad u leedahay inaad iska Aamusnaatid. Qasab kugu ma aha ka jawaabid goobta aad ku dhalatay, Inaad muwaadin Mareykanka (U.S.) tahay, ama sida aad ku soo gashay United States. Hadii bilaysku kuu kaxeeyo xabsi Qasab kugu ma aha ka jawaabid su’aalaha ku saabsan martabada sharcigaaga, Qasab kuguma aha iyana inaad la hadasho hay’ada (ICE).
Laakiin, waa inaad wacdaa bilayska iyo adeega xaalada deg-dega hadii aad u baahan tahay, sida inaad soo sheegid dambi, ama helida daryeelo caafimaad. Dhibanayaasha dambiyada qaar waxa suurto gal ah inay helaan xaalada gooni ah dhanka sharciga ah hadii ay soo sheegaan dambi ayna la shaqeeyaan hay’adaha sharci ilaalinta si ay u baaraan dambiga dacwadna u oogaan.
Hadii aad leedahay taariikh dambi, Ka raadso talo qareen socdaal, ka hor inta aadan dalban martabad sharci ah gudaha Mareykanka (U.S.)
Ha Isticmaalin Maandooriyeyaasha – Oo ay Ku Jirto Marawaanaddu
Isticmaalka maandooriyeyaasha sharci-darrada ahi muskulooyinka dhanka sharciga (immigration) ah ayuu kuu keeni karaa. Waxa uu kuu keeni karaa in wadanka lagaa masaafuriyo. Xataa isticmaalka marawaanadda – taa oo sharci ka ah Minnesota – waxa ay kuu keeni kartaa muskulooyinka dhanka sharciga (immigration) ah. Haddii uu bilaysku ku xiro ama ku siiyo tigir ka dib kolka maandooriyeyaal lagugu qabto, la hadal qareenka dhanka sharciyada laanta socdaalka (immigration) yaqaan ka hor inta aadan bixin tigirka lacagtiisa ama aadan xalin wax kiis maxkamadeed ah.
If the police or ICE come to your home or place of business:
You do NOT have to let them come in unless they have a signed, valid warrant. A warrant is a document signed by a judge that lets police or ICE arrest someone. It may also give permission for them to search a place or part of a place. If someone comes to your door saying they are the police or ICE, ask if they have a signed, valid warrant. If they say yes, have them slip it under the door and take a picture.
You do NOT have to let the police or ICE into your house if:
- it is NOT signed,
- it is signed but NOT by a judge
- it does not list your address (and apartment number, if you have one) OR
- it does not have the name of someone who lives in your home on it.
If you are detained by ICE, call your lawyer or a person you trust as soon as they let you make a call. If you are afraid to return to your home country, tell the immigration officers. If you say you are afraid to return to your country, they usually have to give you a “Credible Fear Interview” or a “Reasonable Fear Interview.” Lean more about this process and whether it is available to you by reading A Path to Asylum.
Be Careful About Tattoos
The U.S. government may see your tattoo as evidence that you are in a gang or involved in criminal activity. If you already have one or more tattoos, be prepared to explain when you got the tattoo and what it means to you. Think about whether there is a way to prove what the tattoo means. For example, if you have a tattoo of the date your child was born, have your child’s birth certificate available.
If you are thinking about a tattoo, be very careful and consider waiting until you are a citizen. Sometimes the government misinterprets even very innocent tattoos.
Do Not Miss a Hearing in Immigration Court
If you get a notice saying you have to go to Immigration Court, it is very important that you go. The notice lists the time, date, and address of your hearing. If you miss a hearing in immigration court, it is almost certain they will order that you be deported. But if you go to your hearing, you can explain your situation to the judge and get answers to your questions. Also, the judge will explain the next steps in your case. For example: you want to hire a lawyer to help you defend yourself from deportation. But have not yet found a lawyer to go to court with you. At the hearing you can explain to the Judge that you would like more time to find and hire a lawyer. You can keep going to your hearings even if you do not find a lawyer. If you cannot find or cannot afford a lawyer, the Judge will explain to you how to present your case on your own and how to ask the Court to not deport you.
For more information, see our fact sheets:
Immigrant Registration Rules
Beginning in April 2025, the U.S. has a new rule that some undocumented immigrants must register with the government. To learn more about this rule, read the National Immigration Law Center’s fact sheet: Know Your Rights: Noncitizen Registry.
If You Have Temporary Protected Status (TPS)
The U.S. government decides which countries are on the TPS list and when to take a country off the list. If you have TPS and the government takes your home country off the list, talk to a lawyer right away! You might be eligible for other kinds of immigration relief. A lawyer can talk to you about your options. For more information about Temporary Protected Status, see our fact sheet, How to Apply for Temporary Protected Status.
If You Have Parole
If you have parole and United States Citizenship and Immigration Services (USCIS) sends you a letter that your parole is “revoked” (cancelled), talk to a lawyer right away. You might be eligible for other kinds of immigration relief. A lawyer can tell you about your options.
If you have parole under the Cuba, Haiti, Nicaragua, and Venezuela (CHNV) Parole Program, talk to a lawyer right away! A lawyer can give you the latest updates about the CHNV Parole Program and explain your options.
If you got “humanitarian parole” through the CBP One app: the government can “revoke” (cancel) your parole. Talk to a lawyer to find out if you are eligible for other kinds of immigration relief.
What happens if you leave the country when they revoke your parole?
- If you leave while the government is trying to deport (you are in “removal proceedings”), the government probably orders you deported “in absentia” (without you being there). This usually means you can not return legally to the U.S. for 10 years.
- If you leave while your immigration application is still under review, the government says you “abandoned” your application. You do not get the type of immigration status you applied for.
If you are thinking about leaving the country, talk to a lawyer right away! They can explain your options, let you know if you are eligible to apply for immigration status, and tell you about the risks of leaving and staying.
Ka taxadar hadii aad ka baxso Mareykanka (U.S.)
Sharciga laanta socdaalku wuu ciqaabaa dadka qaarkood ee ka baxa Mareykanka (U.S.) ka dib kolkii ay halkan ku joogaan muddo ogolaansho la’aan. Hadii aad ku soo gashay Mareykanka (U.S) si sharci ah ama aad joogtay Mareykanka (U.S.) in ka badan itii la rabay inaad joogi karto, waa waxaa loo tixgeliyaa joogitaan sharci-darro.
Joogitaan sharci-darro marka kaliya ee laguu xisaabiyaa waa hadii uu dhacay ka dib April 1, 1997, iyo hadii aad jirtay 18 sano markii u dhacay.
- Hadii aad ku joogtay Mareykanka U.S ogolaansho la’aan 6-12 bilood oo isku xiga, ka dibna aad baxdo, waxaa lagu saari mamnuuc ah 3- sanno.
- Hadii aad ku joogtay U.S ogolaansho la’aan 12 bilood oo isku xiga, ama ka badan, ka dibna aad baxdo, waxa lagu saari mamnuuc ah 10- sanno.
Hadii aad heysato 3 ama 10-sano oo mamnuuc ah, uguma soo laaban kartid Mareykanka (U.S.) si sharci ah, ama ma heli kartid martabad sharci muddo 3 ama 10 sano.
Hadii aad leedahay xaas ama waalid si sharci ah u degan ama ah muwaadin Mareykanka (U.S.) waxaad dalban kartaa “Saamixid,” ama baajinta mamnuuc 3 - ama 10-sanno. Ma sahlana helida baajinta waxaa kaliya oo laguu ogo’laanayaa hadii aad cadayn karto dhib daran oo ku dhacay qaraabadaada.
Dadka kale ee ku joogo si sharci-darro ah Mareykanka (U.S.) waxa suuro gal aha inay haystaan Mamnuuc abid ah. Waxaa suuro gal inaad hayso mamnuuc abid ah hadii:
- Aad ku joogtay Mareykanka (U.S.) ogolaansho la’aan muddo waqti oo gaaraysa 1 sanno ama ka badan, ka baxday wadanka, ka dibna aad soo laabatay ama aad isku dayday inaad ku soo laabato si sharci-darro ah,
AMA
- Lagaa masaafuriyey Mareykanka (U.S.) ka dibna aad soo laabatay ama is ku dayday inaad ku soo laabato si sharci-darro ah.
Dadka haysta mamnuuca abid ah kuma gali karaan Mareykanka (U.S.) si sharci ah ama kama qaadan karaan sharci wadanka. Ma saamixi kartid mana baajin kartid mamnuuca abidanka ah, laakiin waxa aad dalban kartaa inaad ku soo noqoto Mareykanka (U.S.) hadii aad dibada wadanka ka joogtay muddo 10 sanno ah.
Mamnuuc abidanka ah, laanta socdaalku way xisaabisaa waqtiga joogiista gudaha U.S. xataa ilmaha ka yar 18. Waxaa jira qaababka lagu saamixi karo mamnuucan. Tusaale ahaan, hadii aad u xaq u yeelato fiisaha U.
Ha sheegan inaad tahay muwaadin Mareykan ah (U.S.) Hana Codeynin
Hadii aadan ahayn muwaadin Mareykan (U.S.), Marnaba ha oran waxaan ahayn muwaadin sabab kasta ha noqotee. Tan waxa loogu yeeraa been abuur sheegasho muwaaadinimo. Hadii aad sheegato inaad muwaadin Mareykan (U.S.) tahay adigoon ahayn, waxa suurto gal ah inaadan waligaa helin sharci, iyo lagu masaafuriyo.
- Codeynta ama isu diiwaan-galinta codeynta waxaa loo tixgaliyaa sheegasho muwaadinimo.
- Isticmaalida dukumiintiyada muwaadin Mareykanka ah (U.S.) ah ama u sheegashada muwaadinimada shaqo darteed ama wax kale oo socdaal ama manfacyada dowlada federaalka ama gobolka bixiyo awgood sidoo kale waa been abuur sheegasho muwaadinimo.
Bixi Canshuurtaada
Dadka ka shaqeeya gudaha Mareykanka (U.S.) waa laga canshuuraa wixii ay kasbadeen. Canshuurtu waxay bixisaa adeegyada dowlada badanaana waxa laga soo jaraa jeeggaga.
Hadii aad ka shaqeeya gudaha Mareykanka (U.S.) aadna kasbato cadad ka badan tiro macruuf ah, waa inaad xaraysaa canshuur-celinta labada canshuur celin, tan dowlada dhexe iyo tan gobolka, xataa hadii aadan haysan sharci daganaansho joogta ah. Canshuur-celintu waa hab lagu ogaado in ay dawladu ku leedahay lacag canshuur kale iyo in kale.
Waxaa dhici karta in laguu soo celiyo qaar ka mid ah canshuurtii jeegaaga laga gooyey. Xataa hadii aysan ahayn inaad xarayso canshuur iyadoo sababtu tahay in aadan kasban wax kugu filan, wali waa aad xareynsan kartaa canshuur si aad u hesho lacagta canshuur celinta.
Canshuur- celiska dowlada waa in la xareeyaa ka hor April 15 sannad kasta.
Hadii aad u baahan tahay canshuur-celin aadana haysan lambarka sooshal sakuutariga (social security), waxaad dalban kartaa Lambarka Aqoonsi Canshuur bixiyaha (ITIN). ITIN ku wuxuu u sahlayaa dadka ka shaqeeya Mareykanka (U.S.) iyagoon sharci lahayn inay canshuur-celin xareystaan.
Waad ka dalban kartaa ITIN Hay’ada Adeega Canshuurta Gudaha (IRS), ee shabakadeedu tahay www.irs.gov/, ama waxa aad wici kartaa 1-800-829-1040. Hadii aad ka codsato martabad sharci wadanka mustaqbalka, waxaa dhici karta in lagaaga baahdo inaad keento nuqulada canshuur-celinadaadii hore. Inaadan xareynin wax canshuur-celin ahi waxay adkayn kartaa helida sharci.
Kala har nuqulo aad naftaada u haysato qoraalada
Waa muhiim inaad haysato nuqulada qoraalada iyo warqadaha cadaynaya inaad ku noolayd gudaha Mareykanka (U.S.). Qoraaladaadi waxay muhiim u noqon karaan ka codsiga sharci laanta socdaalka mustabalka.
Waa inaad meel dhigataa
- jeegta dabadooda
- rasiidhada kirada,
- canshuur-celin & warqadaha W2,
- warqadaha kharashaadka,
- warqada dhalashada & guurka,
- diiwaanka dhaqtarka,
- Aqoonsi Sawir (I.D.)
- rasiidhada iyo warqadaha dowlada
- qoraalada la xiriira kiis dambi
- warbixinada bilayska
- amarka xukunka maxkamada
- ashtakooyinka
- waxkasta oo la xiriira kiiskaaga laanta socdaalka, iyo
- dukumiintiyada magacaagu ku qoran yahay iyo taariikhda.
Qaadashada Manfacyadda Dowladda
Ku qaadashada cayr ama manfacyo kale oo dowladeed wadanka Mareykanka (U.S.) waxa ay noqon kartaa wax aan dhib lahayn, laakiin waxa ay saameyn kartaa codsiyadaada sharciyada mustaqbalka aad ka codsanayso laanta socdaalka (immigration). Si ay uga helaan sharci degaansho rasmi ah wadanka Mareykanka (U.S.), dadka qaarkii waa khasab inay cadeeyaan inaysan noqon doonin “cayr qaate.” Cayr qaate waa qof ku dambeeya qaadashada barnaamijyada manfacyada dowladda mustaqbalka.
Waxaa jira dad badan oo aan u baahnayn inay ka walwalaan qaadashada cayrta qaarna waa inay ka walwalaan. Kuwaasi aad ayey u kala duwanaan karaan iyadoo hadba ku xiran nooca codsiga iyo cidda la siinayo. Kolkaa, waa muhiim inaad la hadasho qareen haddii aad qabto su’aalo.
Qaxootiga iyo megan-gelyo helayaasha ma aha inay ka walwalaan arrintan. Hadii aad tahay qaxooti ama magan-gelyo hele, waxa aad si amaan ah u heli kartaa manfacyada haddii aad u baahan tahay. Hubi inaad siiso degmadda dhamaan akhbaarta ay ku waydiistaan kolka ay go’aamiyaan inaad xaq u leedahay manfacyada dowladda. Waxa aad kala kulmi kartaa mushkulooyin laanta socdaalka (immigration) haddii:
- aad siiso dowladda akhbaar khalad ah kolka aad codsanayso manfacyadda ama
- aadan la socodsiin isbedelo ku yimi dakhligaaga ama inta qof ee uu qoyskaagu ka kooban yahay
Eeg waraqadayada xogta aruursan ee Fahmida Ku Tiirsanaanta Cayrta.
Dhaqaale ahaan masaariif ilmahaaga
Hadii lagugu amray bixin masruuf ilmo, bixi taa waqtigii loogu talo galay. Hadii aad ka habsaanto bixinta masruufka ilmaha ama lagugu leeyahay lacag masaariif hore oo kugu baaqatay, la gal qorshe heshiis dib u bixineed ah degmada si aad u wada bixiso.
Hadii aadan la noolayn ilmahaaga, aadana haysan amar ah bixin masruuf ilmood, hubi inaad dhaqaale ahaan gargaarto ilmahaaga. Xafido qoraada ah si aad u taageerto ilmahaaga, sida risiidhada iyo nuqulada jeegaga. Hadii aadan bixin masruufka ilmood ama dhaqaale ahaan aadan si kale u gargaarin ilmahaaga si kale, waa suuro gal in ay dhib ku noqoto helida sharciga.
Iska diiwaan geli adeega shaqada qaranka
Labka jooga gudaha Mareyknka (U.S) ee da’doodu u dhaxayso 18-25 waa qasab inay iska diiwaan geliyaan adeega shaqada qaranka. Waxaa jira dhowr waxyaabood oo laga reebo arrintan. Hadii ay da’daadu u dhaxayso 18 iyo 25, waa inaad isku diiwaan gelisaa 30 maalmood gudahood Mareykanka (U.S.). Raga aan sharciga ku lahayn wadanku xataa waa inay iska diiwaan geliyaan adeega shaqada qaranka.
Akhbaarta laga soo uruuriyo Adeega Shaqada Qaranka waxaa loo isticmaali karaa hadii Mareykanka (U.S.) uu bilaabo inuu dad u qafaalo adeega ciidanka awgeed. Akhbaarta laga soo uruuriyo adeega Shaqada Qaranka lalama wadaago hay’ada ICE.
Iska diiwaan geli adeega shaqada qaranka adigoo isticmaalaya khadka ( on-line) ah www.sss.gov/ ama tag Xafiisyada ay leedahay Boostada Mareykanku (U.S. Post Office).