MSA waa Gargaarka Kabitaanka ee Minnesota. Waa lacag yar oo gobolku bixiyo oo la siiyo dadka dakhligoodu yar yahay ee da’da ah, indhaha la’a ama naafada ah ee la saiiyo Kabitaanka Dakhliga ee Lambarka Bulshada (SSI). Siddoo kale waa suurtagal inaad xaq u yeelato Gargaarka Kaabida ee Minnesota (MSA) haddii aad qaadato manfacyadda Sooshal Sakuuratiga (Social Security Disability (SSDI)) ee naafadda la siiyo oo ka yare badan cadaddka la siiyo dadka qaata SSI. Waxaa dhici karta in lagu siiyo kaarka caafimaadka ee MSA haddii:
- Aad kaligaa nooshahay aadna qaadato lacagta SSI ama manfac SSDI ah oo hooseeya.
- Lamaanayaasha isqaba ee kaligood nool, qaatana heerka SSI ee lamaanaha.
- Aad ku nooshahay rugaha aan noocyo daryeelada caafimaadka ka mid aan lagu bixin, sidda guryaha kooxaha dadka ahi ay wada degan yihiin oo kale.
Sababtoo ah sidda MSA loo xisaabo, caadiyan ma aad heli kartid haddii aad la nooshahay cid kale, marka laga reebo xilo qaata lacagta SSI da ah. Cadadka aad heli kartaa waa uu isbedeli karaa sannad walba kolka la qawimo kharashka nolol maalmeedka.
Iyada oo la eegayo sida loo xisaabo MSA, inta badan laguma siinayo haddii aad qof kale ladegan tahay marka laga reebo sayga/xaaska oo isna la siiyo SSI.
Haddii aad keli u nooshahay oo aad:
- Leedahay heshiiska kirada oo kuu gaar ah.
- Waxa aad leedahay ugu yaraan qol adiga kuu gaar ah, iyo
- Cuntadaada u iibsato oo u karsato si gaar ah.
Haddii aad degan tahay goob noocaas oo kale ah oo laguu diiday MSA la xiriir Legal Aid.
Dakhli kasta oo ka sareeya lacagta lagaa siiyo SSI waa laguu xisaaabayaa gargaarka MSA, laakiin haddii aad shaqeyso, qeyb ka mid ah dakhliga ku soo gala laguuma xisaabayo.