Marka aanu qofku maareyn kaarin baahidooda gaarka ah, maxkamadda ayaa u magacaabi karta qof caawiya. Aanu maareyn karin waxaa loola jeedaa in qofku gabo fahamka iyo awoodda uu ku gaari karo kuna fulin karo go’aanada shaqsiga ah. Maxkamadda ayaa go’aan ka gaarta haddii u qofku gabo intaas oo dhan.
Kow, maxkamaddu waxa ay eegtaa in qofka uu awoodo inuu kaligii baahidiisa ka soo baxi karo iyo in kale. Baahida sidda, daryeeladda caafimaad, cuntadda, dharka, hoyga, amaanka ama uu dhaqaalihiisa maamusho.
Labo, haddii uusan sameyn karin waxyaabahaas kaligii qofku, ma sameyn karaa haddii la caawiyo?
Maxkamaddu sidoo kale waxa ay eegtaa in qofku uu magacaabi karo qof kale si uu ugu gaaro qofkaasi go’aamo ka caawiya ka soo bixida baahidiisa. Sidda tilmaamaha daryeeladda caafimaad ama wakiil ka noqoshadda.
Qofna markiiba looma aqoonsado inuu gabay go’aan isu gaarista haddii cudurada qaarkood ay ku dhacaan sida cudurka xusuusta qofkaka qaada, ama ay naafo noqdaan. Maxkamaddu waxa ay eegtaa waxyaabo fara badan marka ay go’aan ka gaarayaan haddii uu qofku gabay iyo in kale.
Haddii maxkamaddu ay go’aamiso inuu qof uu awood beelay, uuna u baahan yahay caawimaad ka badan kuwa labadaa waxyaabood ay siiyaan, waxa la magacaabi karaa qof noqda mas’uul ama maamule dhaqaale. Maxkamaddu waxay kaloo go’aansan kartaa inta tay tahay awooda la siinayo mas’uulka ama maamulaha dhaqaalaha. Mas’uul Ka Noqosho ama U Maamulid dhameystiran waa talaabada ugu dambeysa oo inta badan maxkamaddu tixgeliso marka aan taageerada kale ee qofka loo fidiyo aanay ku filneyn.
Mas’uuliyada ka noqoshada ama maaulida dhaqaalaha, qofka u baahan caawimaadu, ma uu waayayo xaquuqo muhiim ah markiiba. Tusaale ahaan, ma waayayo xaqqa codeynta ama xaqqa xog xafidida. Aan ka hayan in maxkamaddu ay hayso sabab fiican ayna soo saarto amar cayiman oo taa quseeya.