Shaqo Ka Joojinta
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxa dhici haddii laguu yiraa shaqo xaq uma lehid, iyo sidda wax looga qabto taa.
Introduction
Waa maxay shaqo xaq uma lehiddu?
Shaqo ka joojinta waa marka Waaxda Adeegga Dadweynaha ee Minnesota (DHS) ama Waaxda Caafimaadka ee (MDH) ay kaa joojiyaan shaqada aad “xiriir toos ah la leedahay ” dadka aad u fidiso adeegga ay u baahan yihiin ee goobaha loogu adeego. Inta badan waxaa ugu wacan waxyaabo la xiriira warbixinta taariikhdaada fal dambiyeedka. Shaqo aad si toos ah ula xiriirto dadka aad u adeegeyso:
- Adeegga caafimaadka
- Heynta Caruurta
- Korinta caruurta
- Guryaha dadka lagu hayo
Sidee ayaa DHS iyo MDH ku ogaanayaan diiwaankeyga?
Haddii aad codsato leesinka caruurta lagu hayo ama laguu qorto shaqo toos loogu adeegayo bukaanka, gobolka ayaa baaritaan ku sameeya taariikhdaada fal dambiyeedka. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in gobolku isku dayo in ay ogaadaan haddii ay jiraan waxyaabo la xiriira fal dambiyeed oo aad horay u gashay.
Sidee ayaan ku ogaanayaa in la iga joojiyey shaqo toos loola xiriirayo macaamiisha?
Waraaq ayey DHS kuu soo direysaa laguugu sheegayo waxyaabaha la xiriira taariikh fal dambiyeedkaaga. Warqaada waxaa laguugu sheegaa waxyaabaha aad xaqa u leedahay si aad racfaan uga qaadato shaqo joojinta.
Sidee ayuu ku ogaanayaan loo shaqeeyaha?
Gobolka ayaa waraaq u soo dira loo shaqeeyaha iyo cidda dooneysa in ay shaqada kuu qoroto taasoo loogu faahfaahinayo waxyaabaha ku xusan taariikhdaada fal dambiyeedka ee shaqada laguugu diiday. Waxaa kale oo lagu xusaa in laguu ogolyahay in aad sii shaqeyn karto iyo in kale mudada racfaan qaadashadu socoto.
Waa maxay waxyaabaha shaqada la iiga joojin karo iyo muddo intee le’eg?
Waa maxay waxyaabaha shaqada la iiga joojin karo iyo muddo intee le’eg?
Waxyaabaha hoos ku xusan oo laga helo diiwankaaga waxa ay u sabab noqon karaan in lagaa joojiyo shaqo aad toos macaamiisha ula shaqeyso ee Minnesota. Xitaa haddii ay arrintan ka dhacday gobol kale ama ay dhacday adiga oo ilmo yar ah (da’daadu ka yareyd 18 jir).
Fal Dambiyeed lagugu helay
Gacan ka hadal, galmood, maandooriye, ama dambi la xiriira tuuganimo oo lagaa joojiyo shaqada daryeelka caafimaadka. fal dambiyeedka la xiriira rabshada ama galmoodka oo lagaa joojiyo shaqada waligaa. Fal dambiyeedyada culus intooda badan waxa ay kaa joojiyaan shaqada ilaa 15 sano, fal dambiyeedka dhexe ilaa 10 sano, faldambiyeedka hoose ilaa 7 sano.
Xiritaanka Iyo Dacwadaha la baabi’iyo
Xarig aan qofka dacwad lagu soo oogin oo dacwadda la baabi’iyo dacwadda la xiriirta rabshada, galmoodka, maandooriyayaasha iyo dambiyada la xiriira tuuganimada waxa ay u sabab noqon karaan shaqada oo lagaa joojiyo sida kuwa lagugu helay fal dambiyeedka haddii “ay u badan tahay in ay dheceen” marka loo eego in aysan dhcin.
Tusaale ahaan, haddii lagugu xiro dagaal aad gashay, oo aad qiratay dambi ka hooseeya sida in uu qof kale buuq idin dhex maray oo ah dambi hoose, gobolku weli wuu kaa joojin karaa shaqada mar haddii ay u badan tahay “inuu dagaal dhacay” inuusan dagaal dhicin.
Si Xun Ula Dhaqan
Marka ilmo aad xanaaneyso dhaawac gaaro ama la dayaco oo badbaadada caruurtu soo farageliyaan, degmada ayaa go’aan ka gaarta in ilmaha si xun loola dhaqmay iyo in kale. Taasi waxaay ka dhigan tahay in lagugu soo eedeeyey xadgudub ama dayac. Tusaalayaal la wada garan karo oo ku saabsan hab xun ula dhaqanka waxaa ka mid ah barar ama xagatin, handadaad afka ah ama xadgudubka afka ah, ama ilmaha oo kaligiis laga tago iyada oo qof weyn aanu la joogin. In si xun loola dhaqmo waxaa ka mid ah dhibka loo geysto dhibanayaasha oo ah “dadka nugul.” Taasi waa marka uu qof qeyn yahay laakiin sharcigu u aqoosan yahay inuu u baahan yahay badbaadin gaar ah. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah qof waayeel ah ama qof madaxa ka jiran oo naafo ah.
Si xun ula dhaqanku waa inuu yahay mid aad khatar u ah oo soo noqnoqda ama dhacay wax hal mar ka badan Taasi waxa ay ka dhigan tahay inuu qofka u geysta dhaawac jirka iyo maskaxda ah.
Haddii shaqada lagaaga joojiyey qof aad si xun ula dhaqantay, waxaa muhim ah in aad hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dacwaddaas. Akhri warqadda xogta urursan ee Waa Maxay si Xun Ula Dhaqan Sidee Ayeyse U Saameyn Kartaa Shaqadeyda (What is Maltreatment and How Can it Affect my Job?)
Ka Haridda Xuquuqda Waalidnimada
Haddii xuquuqda waalidnimada la joojiyey “si aadan dooran” (aadan ku raacsaneyn) ama “aad dooratay” (adigoo ogolaaday) waxaa lagaa joojinayaa shaqada muddo 15 sano laga bilaabo marka laga qaaday xuquuqda waalidnimada. Laakiin waxaa jira “sababo wanaagsan” oo loo tixgeliyo xaalado gaar ah. Ka haridda waalidnimada oo aad dooratay oo “ku dhacday sabab wanaagsan” waxaa loola jeedaa:
- Waxa aad ogolaatay ka qaadidda xuquuqda waalidnimo.
IYO
- Xuquuq ka qaadistu waxa ay ku dhacday sababo aan aheyn in aadan ilmaha xanaaneyn karin.
Tusaale ahaan, ilmaha oo adiga weerar kugu ahaa ama ilmaha muddo dheer ayaa waxaa gacanta ku hayey waalid loo dhiibay. Amarka maxkamadda ee lagaaga qaaday xuquuqda waalidnimada ayaa cadeynaya haddii ay aheyd mid aad dooratay ama mid aadan dooran iyo haddii ay jirto sabab wanaagsan.
Isdaba Marinta Gargaarka Dawladda
Xitaa haddii aan waligaa lagugu helin fal dambiyeed, is daba marin ay go’aamiyeen maamulka ama mid madani ah waa laguugu diidi karaa shaqada macaamiisha toos loogu adeego muddo 7 sano ah. Maamulka oo go’aan ku gaara si daba marinta gargaarka dadweynaha marka qof lagu soo eedeeyo inuu qaatay gargaar uusan xaq u laheyn. Laguuguma soo oogin fal dambiyeed, laakiin degmada ayaa kaa goysa gargaarka muddo go’an, inta badan 1 ilaa 10 sano. Haddii lagugu soo eedeeyo is dabamrinta gargaarka dadweynaha, waxa aad ka qaadan kartaa racfaan aad naftaada ku difaaceyso una soo gudbiso Waaxda Adeegga Dadweynaha. Akhri xogta urursan oo aad ka heli karto, Racfaan U Qaadashada DHS ee DHS.
Maxaan yeelayaa si aan shaqadeyda dib ugu soo ceshto?
Maxaan yeelayaa si aan shaqadeyda dib ugu soo ceshto?
Waad ka hor imaan kartaa shaqo joojinta, laakiin taariikhda kama dambeysta waa mid aad loo tixgeliyo. Waa in aad raacdaa mudada u go’an ee ku xusan warqadda laguu soo diro. Waxa kale oo ay ku xiran tahay sababta shaqada lagaaga joojiyey. Waxaa wanagsan in aad hesho qareen ku caawiya. Xafiiska Gargaarka Sharciyada ee degaanka ayaa ku caawin kara haddii aad ka soo baxdo shuruudaha. . Si aad u ogaato xafiiska gargaarka sharciyada degaanka soo booqo www.lawhelpmn.org/providers-and-clinics.
Waxaa jira waxyaabo aad isku dayi karto.
Sida Diiwaankaaga Looga Saaro Shaqo Ka Joojinta
Waxa aad isku dayi kartaa in aad gobolka weydisato in ay bedelaan go’aankooda. Haddii ay sidaas dhacdo, ma jirayo diiwaan shaqada kuu diidaya, waadna ka shaqeyn kartaa shaqooyinka dadka si toos ah loogu adeego. Waxa aad qaban karto waa mid ku xiran nooca shaqo joojinta ah ee markii hore lagugu sameeyey. Halkan hoose waxaa ku xusan waxyaabaha aad sameyn karto taasoo ku xiran nooca shaqo joojinta.
Haddii shaqada lagaaga joojiyey sababo la xiriira fal dambiyeed
1. Haddii aadan aheyn qof lagu helay dambiga ama qirtay dambiga, wargeli DHS waxayna kaa caawin karaan in farahaaga sawir laga qaado si meesha looga saaro khaladka ku jira aqoonsigaaga. Laakiin waa in maxkamadaada dacwadaha fal dambiyeedka halkooda ugu tagtaa.
2. Maxkamadaha ka diiwaan geli codsiga ka qarinta dadweynaha ee diiwaankaaga ee meesha uu ka dhacay fal dambiyeedka. Qarinta waa marka aad maxkamadda ka codsato in qaaligu amro in diiwaankaaga laga qariyo dadweynaha. Qaali ayaa ogolaanaya in diiwaankaaga fal dambiyeedka laga “qariyo” dadweynaha ee ma masaxayo diiwaankaaga. Laakiin kama saareyso shaqo ka joojinta haddii aad warqadaha gaarsiiso DHS codsigaaga diiwaanka laga qariyo dadweynaha iyada oo qaligu soo saaro amar maxkamadeed oo faraya DHS iyo MDH.
Marar badan waxaa dhacda, in dadku helaan ogolaasho diiwaankooda lagu qariyo, oo weli laga joojiyo shaqada taasoo ay ugu wacan tahay amarka oo ku kooban diiwaanka maxkamadda. Waa in aad xaqiijisaa in DHS iyo MDH aad gaarsiiso iyada oo qoraal ah marka aad diiwaangeliso codsigaaga. Nidaamkan waxa uu qaadan karaa ilaa 9 bilood. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ka qarinta dadweynaha diiwaankaaga waxa aad ka heli kartaa Criminal Expungements in Minnesota (Qarinta Diiwaanka Fal Dambiyeedka ee Minnesota): Talo Siin Talaabo Talaabo Ah Ee Dadka Is Matalaya (A Step-by-Step Guide for Pro Se Petitioners.)
3. Waxa aad weydiisan kartaa cafis Gudiga Cafiska ee Minnesota. Inta badan DHS way joojisaa u isticmaalka fal dambiyeedka diiwaankaaga ku jira haddii ay Gudiga Cafiska ee Minnesota kuu ogolaadaan cafis. Nidaamkan waxa uu qaadan karaa ilaa 9 bilood. Kala xiriir Gudiga Cafiska ee Minnesota 651-6420284 si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.
Haddii shaqada lagaaga joojiyey sababo la xiriira go’aan lagu gaaray in aad geysatay si xun ula dhaqan
Akhri xogta urursan ee Waa Maxay si Xun Ula Dhaqan Sidee Ayeyse U Saameyn Kartaa Shaqadeyda (What is Maltreatment and How Can it Affect my Job?) macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nooca shaqo ka joojinta ah ee ku jira diiwaankaaga.
Haddii shaqada lagaaga joojiyey sababo la xiriira xarig ama dacwad la baabi’iyey
- Ka Noqosho (baabi’in) Go’aanka. Macluumaadkaad ku cadeyneyso in aadan geysan fal dambiyeedka ama aad is difaaceysay qoraal ahaan ugu soo gudbi DHS. Waxaa suurogal ah in DHS ka saarto diiwaankaaga shaqo ka joojinta. Laakiin, haddii dacwaddii kugu lidiga aheyd la baabi’iyey dhageysiga maxkamadda ka hor, taasi ma aha sabab diiwaanka looga saaro shaqo joojinta.
Haddii la diido codsigaaga aad ku weydiisaneyso in laga noqdo go’aanka, soo gudbi qoraal racfaan qaadasho ah oo aad ku codsanayso inuu qaali dhageysto. Waa in aad racfaanka qaadataa ka hor inta aan la gaarin taariikhda uu ku eg yahay (inta badan 15-30 cisho) ama xaq uma lihid in aad ka dagaalanto shaqo ka joojinta.
- Qarinta Diiwaanka Qarinta waa marka aad maxkamadda ka codsato in qaaligu amro in diiwaankaaga laga qariyo dadweynaha. Waxa aad maxkamadda u soo gudbin kartaa codsi in diiwaankaaga laga qariyo dadweynaha degmada ay shaqo joojinta ka dhacday. Qarinta Diiwaanka kama saareyso shaqo ka joojinta haddii aad warqadaha gaarsiiso DHS codsigaaga diiwaanka laga qariyo dadweynaha iyada oo qaligu soo saarin amar maxkamadeed oo faraya DHS iyo MDH. Waa in aad gaarsiisaa (siisaa hay’adaha kale warqadaha maxkamadda) marka aad codsigaaga ka diiwaan geliso maxkamadda. Nidaamkan waxa uu qaadan karaa ilaa 9 bilood.
Haddii shaqada lagaaga joojiyey sababo la xiriira Xuquuqda Waalidnimada oo lagaa qaaday
Shaqada lagaama joojin karo haddii aad ogolaatay in waalidnimada lagaa qaado iyada oo ay jirto sabab wanaagsan. Sabab wanaagsan waxaa loola jeedaa in waalidnimada lagaaga qaaday aysan aheyn in aadan daryeeli karin ilmaha. Dib u akhri amarka maxkamadda si aad u ogaato go’aanka maxkamdda oo aad xaqiijiso in DHS ay heyso macluumaadka saxa ah ee waxa dhab ahaantii dhacay.
Haddii shaqada lagaaga joojiyey sababo la xiriira go’aanka maamulka (aan aheyn fal dambiyeed) Is Daba Marinta gargaarka Dadweynaha.
Haddii lagugu soo eedeeyey oo kaliya is daba marin gargaarka dadweynaha oo aan aheyn faldambiyeed, waxa aad racfaan uga qaadan kartaa degmada ee halka aad hesho gargaarka. Weydiiso dhageysiga DHS. Haddii aad racfaan ka qaadato iyada oo la dhaafay taariikhda ama aad ka gaarto xuquuqda aad u leedahay dhageysiga, dib uma furi kartid dacwadda is daba marinta gargaarka dadweynaha si lagaaga dul qaado shaqo joojinta. Sidoo kale ma codsan kartid qarinta diiwaanka ama cafiska nooca shaqo joojinta waayo ma aha fal dambiyeed.
Isku Day In Aad Hesho Fasax Aad ku Shaqeyso Xitaa Haddii Shaqada Lagaa Joojiyey
Haddii aadan ku guuleysan in shaqo joojinta laga saaro diiwaankaaga, weli waxa aad isku dayi kartaa in aad ka shaqeyso shaqada. Waxa aad sidaas yeeli kartaa haddii aanay shaqo joojintu aheyn mid rasmi ah oo kaa hor taagan in aad ka shaqeyso shaqo macaamiisha toos loogu adeegayo. Waxaa jira waxyaabo aad isku dayi karto.
Codso “in dhinac la iska dhigo”
Inta badan waxa aad heysataa 30 maalmood ka dib marka ay DHS kaa joojiyaan shaqada aad ku cadeyso in aadan khatar ku aheyn bukaanka aad u fidineyso daryeelka. Waa in aad sharaxaad ka bixisaa waxa dhacay, sida aad isu bedeshay, oo aad sheegtaa sababta laguugu aamini karo bukaanka. Tilmaamaha sida arrintaas loo sameeyo waxa aad ka heli kartaa ogeysiiska la socda ogeysiiska shaqo joojinta. Mudadda ugu dambeysta ee aad soo gudbinayso waxa laga yaabaa in aysan ka badneyn 15 cisho. Waa muhim in aa warqadda si taxadar leh u akhriso oo aadan dhaafin taariikhda kama dabeysta ah.
Haddii aad ku guuleysato, waxa aad dib ugu noqon kartaa shaqadii lagaa joojiyey iyada oo aan kor kala socosho dheeraad ah lagu dul saarin. Haddii aad shaqada bedesho ka dib marka laguu ogolaado in dhinac la iska dhigo, waxaa si toos ah laguugu ogolaanayaa mid cusub oo dhinac la iska dhig ah marka ay jiraan xaaladaha qaarkood. Xalaadahaas waa:
- Shaqada lagaama joojin karo fal dambiyeed culus.
- Leesinka loo shaqeeyaha cusub waa mid la mid ah loo shaqeeyahaagii hore.
- Majiraan macluumaad cusub oo sheegaya in aad khatar ku tahay dadka aad u adeegeyso ee loo shaqeeyaha cusub.
- Dhinac u dhigidii hore ee laguu ogolaaday ma aheyn mid ku kooban macmiil gaar ah.
Haddii laguu ogolaado dhinac iska dhigid oo aad codsato shaqo cusub, wargeli loo shaqeeyaha cusub in horey laguugu ogolaaday dhinac iska dhigid.
Weydiiso “Kor kala socosho”
Loo shaqeeyaha ayaa weydiisan kara “kor kala socosho” DHS. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in aad ks sii shaqayso shaqadaada laakiin si joogta ah kor lagaala soconayo. Loo shaqeeyaha kaliya ayaa weydiisan kara kor kala socoshada, sidaa weydiiso madaxdaada inay sidaas codsadaan sidii aadan heli karin “dhinac iska dhigid.” Dhawr bilood ayey DHS ku qaadaneysaa in ay go’aan ka gaaraan codsiga “kor kala socoshada.”
Waxyaabaha kale ee aad sameyn karto
Sug muddada shaqada lagaa joojiyey. Haddii shaqo joojintu aysan ahayn mid joogta ah oo lagaaga joojinayo in aad macaamiisha si toos ah ugu adeegto, waxa aad sugi kartaa mudada shaqada lagaa joojiyey. Mudadaas waa mid u dhaxeysa 7-15 sano taasi ay dhibaatadu dhacday ee aan diiwaanka laguu gelin iyo 7-15 sano ka dib marka lagaa saaro kor kala socoshada ama xabsiga guriga (“dhameystirto shuruudaha”).
U guur gobol kale. Minnesota waxa ay leedahay sharciyada ugu adag ee baaritaanka taariikh dambiyeedka ee dadka toos ugu adeega macaamiisha. Waxa aad ka fikiri kartaa in aad gobol kale ka shaqeyso oo sharciyadooda macaamiisha toos loogu adeego ka fudud yihiin.
Xirfadda Bedelo Dhamaan shaqooyinka macaamiisha ama dadka nugul toos loogu adeego oo dhan waa la baaraa taariikh fal dambiyeedka shaqaalaha. Xirfado waxaa jira uusan khuseyn baaritaanka adag ee taariikh dambiyeedka qofka sida shaqaalaha dukaamada iyo adeegga cuntada. Waxa aad si ku meel gaar ah ama joogta ah u bedeli kartaa xirfadda,taasoo ku xiran sida ay u culus tahay shaqo ka joojinta.
Xagee ayaan heli karaa caawinaad?
Xagee ayaan heli karaa caawinaad?
Xafiiska Gargaarka Sharciyada ee deegaanka ayaa ku caawin kara haddii aad ka soo baxdo shuruudaha. . Si aad u ogaato xafiiska gargaarka sharciyada degaanka soo booqo www.lawhelpmn.org/providers-and-clinics.
Qareenada mutadawiciinta ah ayaa laga yaabaa in ay ku caawin karaan haddii aadan ka soo bixin shuruudaha legal aid:
Shabakadda Qareenada (Volunteer Lawyers’ Network) – 612- 752- 6677
Shabakadda Qareenada (Volunteer Barnaamijka) – 218- 723- 4005
Kuliyadda Sharciyada ee Mitchell Hamline - 651-290-6351
Qareeno gaar ah waxa aad ka heli kartaa adiga oo la xiriira Adeegga Qareenada ee ururka Qareenada ee Minnesota www.mnfindalawyer.com.