Haddii aad guursato Muwaadin Mareykan ah (U.S.) ah ama sharci Deganaansho Rasmi ah leh, waxaa dhici karta inaad hesho Sharci Deganaansho ah oo ku salaysan guurkaa. Hadii guurkaagu 2 sanno ka yar jiro, waxaa lagu siin waxa la yiraa Martabada Degnaanshaha ee Shuruuda leh intii lagu siin lahaa Martabad Sharci Deganaansho ah oo rasmi ah. Kaarka Deganaanshaha Shuruudda lehi waxa uu shaqeeyaa 2 sanno uun [marmarka qaarkoodna waxaa loogu yeeraa “sharciga labada sanno ah (green card)] Martabada Degnaanshaha ee Shuruuda leh waa ay ka duwan tahay martabada Deganaanshaha ee Rasmiga ah. Deganaanshaha rasmiga ahi ma uu dhaco, xataa haddii uu kaarku dhaco . Deganaanshaha Rasmiga ah waxa uu shaqeeyaa 10 sanno waana la cusnoonaysiin karaa. Martabada Degnaanshaha ee Shuruuda leh waxa uu ku dhacaa 2 sanno waxa kaliya uuna sii jiri karaa iyadoo la xareysto foomka I-751.
Si aad ugu bedesho martabada Deganaansha Shuruuda leh, martabad Degnaansho oo Rasmi ah xaree Foomka I-1751 (Form I‑751), Codsiga looga Qaadayo Shuruudaha Deganaanshaha. Ogow: Deganayaasha Shuruudaha lahi waa INAYSAN xareysan foomka I-90 kaa oo loo adeegsado in lagu cusboonaysiiyo iyo in lagu bedelo kaararka Deganaanshaha Rasmiga ah. Haddii wali uu guur jiro, uuna xilahaagu uu yahay mid amaan ah oo diyaar ah, 2 labadiinu waa inaad wadajir u wada xareysataan foomka I-751. Waxa aad u baahan tihiin inaad arrintan sameysaan 90-cisho ka hor taariikhda dhicida kaarkaaga Deganaanshaha ee Shuruudalaha leh.
Laakiin, haddii xilahaagu uu yahay tacadiye ama xasad kuu daran yahay, ama haddii aad is furteen, waxa aad xareysan kartaa kaliyaa Foomka I-751 (Form I-751). Haddii aad kaligaa xareysanayso, uma baahnid inaad sugto ilaa 90-cisho ka hor inta aan kaarku dhicin. Waxa aad xareysan kartaa mar aad uga sii horeeysa taa. Waxaa fiican inaad xareysato inta aan kaarku dhicin, laakiin waxaa dhici karta inaad awoodo inaad xareysato ka dib kolka kaarkaaga Deganaanshaha ee Shuruudlaha ahi uu dhaco. Xusuusnow uun, martabadaaddu waxa ay dhici kolka kaarka Deganaanshaha Shuruudlaha ahi uu dhaco. Kolkaa, haddii aadan xareysan I – 751 ka hor inta aan kaarku dhicin, waxaa lagu gelin karaa wadadda dadka laga saarayo ama waxaa lagu geyn karaa maxkamad laanta socdaalku leedahay.