Dhibayaasha Dambiyada iyo “Fiisaha U”
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa sidda martabadda sharcigaagu ay isu bedeli karo haddii adiga ama qof xubin ka ah qoyskaagu aad tihiin dhibane dambi laga galay iyo sidda loo codsado fiisahan (visa) nooca gaarka ah.
Waa maxay waxa la yiraa Fiisaha U?
Fiisaha U du (U visa) ama martabada U ee muhaajirka la siiyaa waxaa marmarka qaarkood la siiyaa dadka aan ahayn muwaadiniinta Mareykanka ah (U.S.) ama aan degaansho rasmi ah la lahayn ee ah dhibanaasha dambiyada qaakood loogu gaysto Mareykanka (U.S.). Hadii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah (xilo, ilmo, walaal, waalid) uu yahay dhibane dhib loogu gaystay U.S., waxaa jiri kara qaabab adigu aad martabad uga heli karto laanta socdaalka (immigration). Waxaa dhici karta inaad awoodo inaad codsato fiisaha U.
Fiisaha U ama martabada U ee muhaajika la siiyaa waxa uu adiga ku siin 4-sanno oo sharci aad ku joogi kartid wadanka, 4-sanno oo warqad shaqo ah, iyo fursad aad ku dalbato sharci deganaansho oo rasmi ah. Dadka qaarkii waxaa la siiyaa “go’aamin lilaahida ah’ inta ay sugayaanka go’aanka fiisaha U (U visa), waayo go’aamaddu waxa ay qaadan karaan sannado badan. Go’aaminta lilaahida ahí (BFD) waxa ay bixisaa sharci dib uga dhigid saarida ah iyo warqad shaqo. Waxaa kaloo jirta fursad u maciin ah oo la xiriirta qaar ka mid ah kiisaska maxkamadaha laanta socdaalka (immigration) ah ee masaafurinta ama saarida ah. Hase yeeshee, codsiga fiisaha U (U visa) waxaa go’aansata hay’adda Muwaadinimada iyo Adeegyadda Laanta Socdaalka (immigration) ee Mareykanka (U.S.) ee (USCIS)], ee ma ay go’aansato maxkamadda laanta socdaalku (immigration).
Ciddee ayaa codsan karta fiisaha U?
Hadii adiga, xilo, ilmahaaga, walaalahaa, ama waalidkaa ay yihiin dhibanayaal dambi laga galay U.S, waxaa dhici karta inaad codsato martabada U. Xataa hadii qofka qoyska ka tirsan ee dambiga looga galay Mareykanku (U.S.) uu yahay muwaadin Mareykan (U.S.) ah waxaa dhici karta inaad wali xaq u yeelato martabada U.
Hadii aad codsanayso martaba U, xilahaaga iyo ilmahaaga aan guursan ee ka yar 21 sanno waa ay kula codsan karaan adiga da’ kastaba ha jiraane. Hadii aad ka yar tahay 21 sanno kolka aad codsanayso martabada U, waalidkaa iyo walaalahaaga ka yar 18 ka sanno ee aan wali guursani iyana waa ay kula codsan karaan.
Sidoo kale, hadii aad ahayd dhibane loo gaystay dambiyada xaqqa loogu yeesho martabadan oo ka dhacay wadanka (U.S.) dhexdiisa meel kasta ha noqotee, waxaa dhici karta inaad codsato fiisaha U. Waxaa iyana dhici karta inaad codsato fiisaha U hadii aad ahayd dhibane dambiga loo geystay isagoo wadanka (U.S.) meel dibada ka ah jooga laakiin dambigaasi uu xadgudub ku ahaa sharci wadanka (U.S.) uu leeyahay. Waa aad codsan kartaa fiisaha U xataa hadii aadan hada joogin wadanka (U.S.).
Ma aha in dhamaan dhibanayaasha dambiyada laga galaa ay heli karaan fiisaha U. Waxa ay ku xiran tahay dambiga, haddii aad caawiso baaritaanka, sida uu dambigu kuu saameeyey, iyo waxyaabo kale. Eeg qaybaha hoose ee xaq u yeeladka ku saabsan.
Hadii aad aaminsan tahay in adiga ama qof kale oo qoyskaaga ahi ay dhici karto inuu xaq u yeesho martabadan, wac qareen qaabilsan sharciyada laanta socdaalka si uu kuu caawiyo.
Dambiyo caynkee ah ayaa xaq u yeesha?
Kuwani waa liis ay ku qoran dhamaan dambiyadda xaqqa u leh sharci siinta. Haddii aad ahayd dhibane loo geystay mid ka mid ah dambiyadda hoos lagu xusay, waxa aad xaq u yeelan kartaa fiisaha U (U visa). Ogow: dambiyada la midka ah kuwan ama isku dayga gaysiga dambiyo ayaa iyana la adeegsan karaa si loo codsado martabada muhaajirka ee U.
| Kufsi | Ku shaqaysi | |
| Jir-dil | Gumaysi | |
| tahriibin | Qafaalasho | |
| Faraxumayn | Af-duubid | |
| Dagaal qoys | Xanibaad sharci-darro ah | |
| Galmo xoogid ah | Handadaad | |
| Dabagal | Baad | |
| Xiriir galmo oo tacadi leh | Dilid ka’ma ah | |
| Dhilaysi | Dilid | |
| Ku takri falad galmo | Gacan qaad dambi kabaa’ir ah | |
| Gudniinka fircooniga ah | Makhraati u Caga juglayn | |
| Xoog ku haysasho | Is hortaagid nimaadka cadaalada | |
| Adoonsi | Been sheegi | |
| Kaxaysi |
Musuqmaasuqa qandaraasyada xoogsatada (ogaan u qorosho, u qalqaalin, qorosho qof jooga dibada (US) iyadoo ujeedaddu tahay in lagu keeno wadanka US heshiis been ah.
Maxaa ka dhigaya inaan xaq u leeyahay?
Waa inaad cadeyso kuwan soo socda:
- Adiga (ama qof qoyskaaga ka mid ah) uu yahay dhibane dambi laga galay U.S. Waxa aad u baahan tahay inaad cadeyso in dambigu dhacay. Cadaymahu waxa ay noqon karaan warbixin bilays, ashtako loo geeyey wasaaradda shaqaalaha, ama qoraalo hay’adda ilaalinta ilmaha. Cadeymaha kale iyada wax waa caawiyaan, sida qoraalada caafimaad, warqado ay soo qoraan makhraatiyaal ogaa dambiyada. Waxaad kaloo u baahan tahay inaad qorto oraah dhaar ah oo ku saabsan xaqaa’iqa dambiga iyo sida dambigu uu u saameeyey noloshaada. Hubi inaad ku darto warqada magacaada oo qoran, saxiixaaga, iyo taariikhda. Khasab kugu aha inaad ku hor saxiixdo qof nootaaya leh, laakiin waa aad sameyn kartaa hadii aad rabto.
- Adiga (ama qof qoyskaaga ka mid ah) uu lahaa ama hadda u wali leeyahay dhibaatooyinka waaweyn oo jirka ama caadifada ah oo dambiga awgii u soo gaaray. Tusaale ahaan, in caafimaad darro kuu haysato dambiga awgii, waydii dhaqtarkaagu inuu kuu qoro warqad ku saabsan dhibaatooyinkaaga caafimaad. Ama hadii ay ku haystaan dhibab dhanka caadifada ah, waydii in dabiibahaaga ama la taliyahaagu uu kuu qoro warqad ku saabsan dhibaatooyinkaaga. Waxaad sidoo kale ka codsan kartaa cid walba oo og sida dhibku kuu soo gaaray inay kuu qorto warqad. Hadii aadan u tagin dhaqtar ama dabiibe laakiin tacadi laguu gaystay, ku tilmaam tacadiga oraah qoraal ah.
- Aad ka caawisay, aad ka caawinayso, ama aad ka caawin doonto mas’uuliyiin inay dambi baaraan ama ay maxkamadeeyaan cid. Waxa aad u baahan tahay inaad hesho Shahaadada Weyn ee (Form I-918 Supplement B) oo ay saxiixday hay’ad sharci ilaalin. Kala hadal qareen helida shahaadada ka hor inta aadan la xiriirin hay’ada sharci ilaalinta. Mas’uul ka warqaba sida aad u caawisay baarida dambiga ayaa awood loo siiyaa inuu ku siiyo shahaado saxiixan. Mas’uulkaasi waxa uu noqon karaa:
- mas’uul bilays
- xeer-ilaaliye
- xaakim
- Hawlwadeen hay’ada ilaalinta ilmaha
- mas’uul laanta socdaalka ah, ama
- mas’uuliyiin gobolka ama federaal ah
- Lagu ogolaan karo, ama aad heshay ruqso. Laanta Socdaalku waxa ay isticmaashaa kalmada “la ogolaan karo” si ay uga hadasho waxyaabaha taariikhdaada ka midka ah ee kaa hor istaagi kara inaad fiiso ama martabad hesho sida martabada U ee muhaajirka ee ku meelgaar ka ah. Qaar ka mid ah waxyaabaha kaa hor istaagi kara inaad noqoto qof “la ogolaan karo” waa:
- si sharci-darro ah ku soo gelida wadanka Mareykanka (U.S.)
- gaysiga dambiyada qaar ka mid ah – xataa hadii aan lagugu maxkamadayn ama aadan xabsi aadin ama aad kaliya bixisay ganaax. Eeg warqadayada xogta aruursan ee Sidda Dambi ku soo Eedeyntu ay u Saameyn karto Sharcigaagga (immigration).
- Been u sheegtay mas’uuliyiinta laanta socdaalka
- Sheegashada inaad tahay muwaadin Mareykan ah (U.S.) adigoon ahayn muwaadin
- si sharci-darro ah u codeynta
- ka tagida (U.S.) ka dib kolkii aad sharci-darro ku joogtay halkan ugu yaraan mudo 6 bilood ah
Hadii aan tahay qof aan la ogolaan karin, waydiiso hay’adda Muwaadinimada iyo Adeegyadda Laanta Socdaalka ee Mareykanka (U.S.) ee (USCIS)saamixid. Codsiga saamixida waxaa la yiraa Codsiga Foomka 1-192 (Form I-192) ee Ruqsaha Ogolaanta soo Gelida iyadoo la yahay Muhaajir aan soo guurin.
Kala tasho qareen taariikhdaada. Qareenku waxa uu kaa caawin inaad go’aansato inaad u baahan tahay inaad xareysato codsiga saamixida iyo hadii ay jirto cadeyn ay tahay inaad la dirto codsigaaga. Waxa aad u baahan tahay inaad qorto oraah sharxaysa sababta ay tahay in laguugu ogolaado inaad wadanka sii joogto iyo sababta aadan u doonayn inaad ku noqoto wadanka aad u dhalatay.
Waa maxay faa’iidooyinka Martabada U ee Muhaajirku?
Hadii laguu ansaxiyo martabadan:
- waxaad heli ogolaansho aad Mareykanka (U.S.) ugu noolaato 4 sanno
- waxaad heli ogolaansho aad uga shaqeyso Mareykanka (U.S.) 4 sanno
- ka dib 3 sanno kolka aad ku noolaato Mareykanka (U.S.) adigo leh martabada U, waxaa dhici karta inaad awoodo inaad codsato deganaansho rasmi ah (green card)
- waxaa dhici karta inaad ku dari karto codsigaaga xilagaaga, ilmaha yaryar, waalidka iyo ilmaha aan wali guursan. Qofka qoyska ka mid ah ee caawin karaa waxa ay ku xiran tahay da’aadda ama da’dooda.
- Xataa hadii aadan ku darin qaraabada hada, waxaa dhici karta inaad ha dhow caawin karto.
Intee ayey ku qaadataa hay’adda USCIS in ay eegto fiisahayga U (U visa)?
Bishii Sebtembar ee 2025, hay’adda USCIS waxa ay soo saarayeen go’aanadda kama dambaysta ah ee kiisaska fiisaha U (U visa) ee la xareeyey ka hor Abriil 30, 2017. Waxaa jira kaliya uun tiro cayiman oo ah fiisaha U (U visa) oo hay’adda USCIS ay bixin karto sannad walba, kolkaa waxaa jira waqti dheer oo la sugo in go’aan la helo.
Hay’adda USCIS waxa ay ku siin kartaa waxa la yiraa Go’aaminta lilaahida ahí (BFD) inta hawsha codsigaaga fiisaha U ( U visa) ay socoto. Waxa aad heli BFD marba haddii aad soo diro dhamaan dukumiintiyadda uu u baahan yahay codsigaagu aysana jirin wax dhibab waaweyn ah oo ka jira kiiskaaga. Ma jiraan wax siyaado ah oo aad u baahan tahay inaad sameyso si aad u hesho BFD. Wanaaga jiraa waxaa weeye waxa ay qaadataa waqti ka yar kuwii hore in la eego kiisaska BFD ah. Bishii Nofeembar 2025, 80% kiisaska BFD ee fiisaha U ((U visa) ahi waxa ay ku qaadanayeen 2.5 sanno in hay’adda USCIS ay eegto, dhamaysana hawshooda.
USCIS waxa ay uga shaqeysaa hawsha codsiyada sida loo soo kala hor xareysto. Kolkaa, waa muhiim inaad u xareysato codsigaaga fiisaha U (U-visa) sida si ugu dhaqsaha badan si aad u ceshato booskaaga laynka sugitaanka. Ka eeg inta ay ku qaanayso USCIS inay bixiso BFDs inay go’aan ka gaarto codsiyada fiisaha U da adigoo galaya shabakada www.uscis.gov.
- Hoos u riix falaarta ilaa aad tagto “Manage Your Case”
- Riix “Check processing Times”
- Hoos u riix falaarta ilaa aad tagto “Form” (Foom) hoos gee falaarta ka
dibna dooro “I-918 Petition for U Nonimmigrant Status” - Hoos u wad “Forms Category” taxaalka fallaarta hoos u jeeda wad ka dibna dooro waxa kaliya oo la dooran karo oo ah, “Petition for a noncitizen who is a victim of a qualifying criminal activity, and their qualifying family members (Time from Initial Filing to Bona Fide Determination (BFD) Review).”
- Hoos u riix falaarta ilaa aad tagto “Field Office or Service Center” taxaalka fallaarta hoos u jeeda wad ka dibna dooro “Service Center Operations (SCOPS).” Hadda, kani waa midka kaliya ee la dooran karo.
Wax Badan oo Kale oo ku Saabsan BFD yadda
BFD wuxuu iskiii ula yimaadaa fal dib u dhigid ah iyo kaar shaqo. Falka dib u dhigida ahi waa ilaalin ku meelgaar ah oo dib looga dhigayo qofka masaafurin.
Haddii aad ka hesho ogaysiiska BFD ah hay’adda USCIS ah laakiin aadan ku helin warqad shaqo dhowr asbuuc gudahood, waxa aad dalban kartaa kaar shaqo adigoo isticmaalaya Foomka I-765 (Form I-765) kana diraya nuqul ogaysiiska BFD.
Helida BFD iyo kaarka shaqaddu inta kiiskaaga hawshiisu socoto ma bixiyo hubaal ah in fiisaha U (U visa) laguu ansaxin doono. Waxaa dhici karta inay noqoto sannado ka hor inta fiisaha U (U visa) laga ansaxinayo xataa haddii aad hesho BFD iyo kaar shaqo.
Haddii aadan helin BFD iyo kaar shaqo inta fiisaha U (U visa) ah codsigiisa hawshiisu socoto, waxa aad heli doonaa kaar shaqo haddii fiisahaaga U (U visa) codsigiisa la ansaxiyo.
Eeg warqadayada xogta aruursan ee Sidda Lagu Helo Ogolaansho looga Shaqeyn karo Minnesota.
Siddee ayaan uga ogaan karaa wax kale arrintan?
Gal www.uscis.gov
- Kor kore ee bogga, riix “Humanitarian” ee hoos timaada “Topics”
- Bogga Humanitarian, riix batoonka yiraa “Victims of Crime and Abuse”
- Riix “Victims of Other Crimes”
Lambaro Telefano Muhiim ah:
- Ka wac xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga 1-(877) 696-6529
- Domestic Abuse Service Center (Rugta Adeega Tacadiga Qoyska Dhexdiisa) ah: 612-348-5073
- Minnesota 2-1-1: ka wac gobolka oo dhan si laguu caawiyo
- Ama ka eeg caawimaad barnaamijyadda kale ku jira barta: www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.
DIGNIIN!
Aad iyo aad u taxadar ka hor intaa aadan u gudbin codsi USCIS. Marmarka qaarkood, hadii codsigaaga la diido, waxaa lagu gelin karaa hanaanka dadka la masaafurinayo. Khatartu hada waa ka weyn tahay tii waagii hore. Hadii aadan la hadlin qareen ka dib Janaayo 1, 2025, mar kale la hadal mid ka horta aadan xareysan. Hadii aad horey u gaysatay dambiyada qaarkood – xataa hadii aadan waligaa maxkamad tagin ama xabsi gelin oo aad bixisay uun ganaax, aad been u sheegtay dowlada ama waxyaabo kale waxaa lagu gelin karaa hanaanka dadka la masaafurinayo. XUSUUSNOW: USCIS waxa ay eegi kartaa DHAMAAN taariikhda oo dhan, xataa hadii dambiyada lagaa tirtiray.
Ka hel qareen caawimaad qaabilsan sharciyada laanta socdaalka. Qareenku waxa uu kaa caawin karaa inuu hubiyo in wax walbaa hagaagsan yihiin!
Si aad uga hesho caawimaad meel kuu dhow gal www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics