Maya. Shaqadaadu kaama aar gudan karaan (aarsi) hadii aad adigoo daacad ah aad sheegato inaad tahay dhibane loo geystay takoorid ama khashkhashaad sharci-darro ah. Hadii shaqada lagaa eryo ka dib kolka aad soo sheegto takoorid waxaa dhici karta inaad dacaweyn karto shaqada.
Marmarka qaarkood waa ay adag tahay in la cadeeyo waxa takoorid ama shashkhashaad ah iyo waxa aan ahayn. Hadii aad dareensan tahay in takoorid lagugu sameeyey ama lagu khashkhashay, wac mid ka mid ah hay’ada hoos ku xusan.
Qaansheegadka sharciga ah ee ku saabsan takoorid ama khashkhashaad waa in lagu xareystaa muddo cayiman gudahood kolka ay dhacdo. Waqtigani waxa uu ku xiran yahay dacwada iyo hay’ada aad ka xareysato. Laakiin mudadda waqtiga la xareysan karaa waa ay yar tahay. Degdeg u wac cid ama waxaa waayi kartaa fursad aad ku ilaaliso xaquuqdaada.
Wixii akhbaar kale ama helid caawimaad ku saabsan sheegashadaada, u waco hay’adahan:
Minnesota Department of Human Rights
Freeman Building
625 Robert St. North
St. Paul, MN 55155
Telefan: (651) 539-1100 ama 1-(800) 657-3704
TTY: (651) 296-1283
http://mn.gov/mdhr/
Equal Employment Opportunity Commission
330 South 2nd Ave., Suite 720
Minneapolis, MN 55401
Telefan: (612) 335-4040
TTY: (612) 335-4045
www.eeoc.gov
Minneapolis Department of Civil Rights
City Hall, Room 239
350 South 5th St
Minneapolis, MN 55415
Telefan: (612) 673-3012
TTY: (612) 673-2044
http://www.ci.minneapolis.mn.us/civilrights/complaint/index.htm