Buux foomka la yiraa (Form AR-11), ee Kaarka Ciwaan Bedelida dadka qalaad (Alien’s Change of Address Card). Ka xaree foomka khadka (online) ka foomka ama daabac ka dibna boostada dhig. Waxaad kaloo ku soo sheegi kartaa ciwaan bedelida telefan. Shabakada (website) hay’ada (USCIS) waxaa la heli karaa iyadoo ah Afafka Ingiriiska iyo Isbaanishka ah, waana aad ku buuxin kartaa Kaar khadka (online) ka isagoo ah Af Ingiriis ama Isbaanish ah. Laakiin foomka la daabici karo waxaa la heli karaa isagoo afka Ingiriiska uun ah.
Kadka (Online) ka:
Si aad uga xareysato khadka (online) ka, gal shabakada hay’ada (USCIS) ee www.uscis.gov/AR-11. linkiga lagu sameeyo ciwaan bedelida waxa uu ku qoran yahay boggan. Sidoo kale hubi inaad riixdo linkiga “Ciwaan Bedelid” (“Change of Address”) aadna akhrido tilmaamaha hay’ada (USCIS) ee ciwaan bedelida. Hubi inaad daabacato bogga cadeynta kolka aad dhamaysato. Taasi waxa ay caawin inaad cadeyso inaad u sheegtay hay’ada (USCIS) ciwaankaaga cusub.
Waxa ay ku qaadan kartaa hay’ada (USCIS) 3-4 asbuuc inay ka cusboonaysiiso ciwaankaaga. Ciwaan bedelida aadka degdega u ah, waxaa fiican in lagu sameeyo telefanka.
Ogow: habka iyo ciwaanka xaraysiga bedelida ciwaanadu waa ay ka duwan yihiin kuwa kale hadii kiiskaagu uu ku shaqo leeyahay:
- Codsiga (VAWA) (dagaalka qoyska dhexdiisa ah)
- Codsiga Fiisaha T (T Visa) (dhibanayaasha tahriibinta) ama
- Codsiga Fiisaha U (U Visa) (dhibanayaasha dambiyada)
- Saamixida I-751 oo ku salaysan dagaalka qoyska dhexdiisa ah/tacadi.
Habka kiisaskaasi waa uu ka duwan yahay kuwa kale xataa hadii aad noqoto (LPR) ama hadii aad codsato dhalasho ama inaad noqoto muwaadin (Form N-400).
Gal http://www.uscis.gov/addresschange si aad ugala hadasho qareen qaabilsan laanta socdaalka (immigration) kiisaskaa.
Boosto ku dirida:
Hadii aad doonayso inaad boostada soo dhigto foomka, gal www.uscis.gov/AR-11. Riix, Kaarka Ciwaan Bedelida Dadka Qalaad AR-11, Alien’s Change of Address Card Form (PDF, 301 KB). Linkiga ayaa fura foomka. Waa aad ku buuxin kartaa kumbuyuutarka ka dibna daabici kartaa ka dibna gacanta ku buuxin kartaa.
Ka dib kolka aad buuxiso, ka sameyso nuqul aad adigu meel dhigato. Waa ra’yi wacan inaad ku dirto foomka boostada sugan aadna codsato rasiidka soo noqoshada. Xafiiska boostada ayaa ku sheegi sida arrintan loo sameeyo. Kolkaa waa ogaan kolka hay’ada USCIS ay hesho. Waadna cadeyn kartaa inaad dirtay hadii aad u baahato.
Telefanka:
Hadii aad u baahan tahay inaad degdeg u cusboonaysiiso ciwaankaaga, wac hay’ada (USCIS) Khadkeeda Adeega Macmilka ee ah 1-800-375-5283. Hadii aad u malaynayso in warqadaada shaqada ama kaarkaaga deganaanshaha rasmiga ah dhawaan boostada laguugu soo diri, waa ra’yi fiican in la waco hadii ciwaankaagu uu isbedelay. Waxa aad u baahan tahay inaad siiso dhamaan isla akhbaarta aad ku bixin lahayd Foomka AR-11, laakiin ma aad buuxinaysid foomka.
Aakhirka ku wada hadalka telefanka, Wakiilka Adeega Macmilka ee Hay’ada USCIS ka waa inuu ku siiyaa lambarka cadeynta ah. Qoro kaa. Sidoo kale waxaad waydiin kartaa in cadeyn laguugu so diro boostada. Adeega Macmilka ee Hay’ada USCIS kolkaa waa inay kuu soo dirtaa warqad cadeynaysa wicitaankaagii telefanka. Meel dhigo warqdan ka timi hay’ada USCIS! Hadii aadan warqada uga helin hay’ada USCIS 30-cisho gudahood, kolkii aad wacday ka dib, mar kale wac.
Qabanqaabiyeyaasha:
Hadii aad tahay muwaadin Mareykanka ah (U.S.) ama qabanqaabiye aan wali muwaadin noqon, waa khasab inaad cusboonaysiiso ciwankaaga adigoo buuxinaya Foomka I-865 ee Ogaysiiska Bedelida Ciwaanka ee Qabanqaabiyaha. Foomkan waa in boostada loogu soo diraa Hay’ada USCIS, lagamana xareyn karo khadka (on-line) ka. Ka daabaco shabakada hay’ada (USCIS), ee ah www.uscis.gov/I-865.
Hadii aadan ahayn muwaadin aadse tahay qabanqaabiye, waa inaad xareystaa labadaba Foomka AR-11 iyo Foomka I-865.