Waxa al sameeyo haddii aad gafto dacwo Qaadid laanta Socdaalka ah (Immigration) (Sida loo xareysto Codsi Dib u Furida ah)

Waxaa qoray
Education for Justice
Markii ugu dambeysay ee wax la soo geliyey
06/2026

Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxa la sameeyo haddii aad gafto dhagaysi maxkamadda laanta socdaalka uuna xaakim amro in lagaa saaro wadanka United States. Waxa ay kula wadaagi sidda loo waydiisto maxkamadda inay kaa qaado amarka saarida aha ayna kuu ogolaato inaad soo bandhigto kiiskaaga si aad uga hortagto masaafurin. Waxa ay leedahay tusmo ku saabsan codsiga aad u baahan tahay inaad ka xareyso maxkamadda. 

Waa in aad isticmaasho warqadan xogta aruursan ah haddii aad gaftay dacwo qaadidaadii laanta socdaalka (immigration) aadna haysato amar saarid ah. Waa aad og tahay inaad haysato amar saarid ah marba haddii aad hesho warqad uu saxiixay xaakim oo oronaysa waxaa aad gaftay dacwo qaadidaaddii waxaana la amray in wadanka lagaa saaro. Waxa aad ka eegi kartaa kiiskaaga khadka (online) ee bogga https://acis.eoir.justice.gov/en/Ma AHA inaad isticmaasho warqadan xogta aruursan ah haddii aad tagtay dhamaan dacwo dhagaysiyadaaddii xaakim na uu xukumay inaadan joogi karin wadanka Untied States. Ma AHA inaad isticmaasho warqadan xogta aruursan ah haddii aad heshay amar saarid ah oo uu saxiixay sarkaal ka tirsan hay’adda ICE ee uusan saxiixin xaakim. Haddii aadan hubin waxa uu amarkaaga saariddu leeyahay la tasho qareen qaabilsan sharciyadda laanta socdaalka (immigration).   

Warqadan xogta aruursan ah waxaa sameeyey iskaashiyo dhexmaray hay’adaha Immigrant Law Center of Minnesota, Mid-Minnesota Legal Aid, Southern Minnesota Regional Legal Services, The Advocates for Human Rights, iyo the Volunteer Lawyers Network. Waxaana gargaaray maalgeliyey laga helay Waaxda Adeegyadda Bulshadda ee Gobolka Minnesota (State of Minnesota Department of Human Services).

Waxa dhici haddii aan gafo dacwo dhagaysi

Nidaamka Dib u Furida Kiiskaaga

Tusaalayaal Daliilaha lala Diro Dacwada

Codsi Tusmo ah oo ku Saabsan Sidda Dib Loogu Furo Amar Maqnaasho ah