Waxa aad xaq u leedahay inaad codsato in dhismaha goobta aad kiraysato wax laga bedeli hadii aad ugu baahato sabab ah naafanimdaada awgeed. Kuwaa waxaa la yiraa “ladifada macquulka” ah. Isbedeladaasi waxa ay noqon karaan kuwa gurigaaga gudihiisa ama dibadiisa lagu sameeyo – oo ay ku jiraan albaabka weyn ee sarta laga soo galo iyo wiishasha guryaha la degan yahay ku jira.
Tusaale ahaan, waxa dhici karta inaad codsato isbedel guriga gudihiisa lagu sameeyo sida:
- Biraha musqulaha la geliyo ee la qabsado
- Haan-daraabka albaabka oo wax laga bedelo
- Alaabka oo kaabad lagu xiro
- Alaab waasac ah in la helo si uu kursiga lagu socdaa uu mari karo
Waxaa dhici karta inaad bixiso qaar ka mid ah isbedeladaa aan ka ahayn:
- in guriga cidda lehi ay gargaar dhaqaale ka hesho dowladda ama
- in guriga la dhisay ka dib 1991, kolka isbedeladdu ay ahayd inay dhaqangalaan sharciyan.
Haddii aad haysato ka Reebida Medical Assistance, waxa aad codsan kartaa caawimaad si aad u bixiso kharashka wax ka bedelida guriga.
Intooda badan guryaha cusub – ee la dagay ka dib Maarso 1991 – inay lahaadaan heerar fiican oo gelitaanadooda ah waxa dadka fara sharciga kolkaa la sameeyey. Kuwaa waxaa ku jira, wiishka/goobaha la wadaago, alaabada, musqulaha, iyo kijooyinka.