Amarka Amaan Helida iyo Amarka Reebida Khashkhashaadaha

Waxaa qoray
Education for Justice

Buugan yari waxa uu kaa caawin inaad fahanto waxa uu yahay Amarka Amaan Helida ah (OFP), sida lagu helo, iyo sida uu amarka amaan helidu (OFP) uu uga duwan yahay Amarka ka Reebida Khashkhashaaddda (HRO).

Buugan yar marmarka qaarkood waxa uu ugu yeeraa tacadi-gaystaha nin inuu yahay dhibanahuna uu yahay haween. Dhibanahu ama tacadi-gaystahu wuxuu noqon karaa rag ama dumar.

Cutub 2. Siddee ayaan ku helaa Amarka Amaan Helida ee (OFP)?

Siddee ayaan ku helaa Amarka Amaan Helida ee (OFP)

Si aad u hesho Amarka (OFP) waxa aad u baahan tahay inaad hesho foomamka, aad buuxiso, aadna ka xareyso maxkamada. Maxkamada aad tagaysaa waxa ay noqon kartaa mid ka mid ah meelahan:

  • degmadda aad ku nooshahay AMA
  • degmadda uu tacadi-gaystahu ku nool yahay AMA
  • degmadda tacadigu uu ka dhacay AMA
  • degmadda aad ku leedahay kiis qoys oo maxkamadeed
     

Khasab kuguma aha inaad bixiso khidmadaha dacwo xareysiga.  

Uma baahnid qareen.

Cutubkan intiisa kale waxa uu kuu sheegi talaabooyinka la qaado si loo helo Amarka Amaan Helida ee (OFP).

TALAABADDA 1: Soo hel Foomamka

Foomka aad u baahan tahay inaad u hesho Amarkaaga (OFP) waa “Dhaarta Codsadaha iyo Codsiga Amarka Amaan Helida ah.”  

  • Dhaartu (Affidavit) waa oraah xaqiiqda ku saabsan. Waxa aad ku bixin akhbaar aasaasi ah oo adigu kugu saabsan waxa aadna ku sharaxdaa tacadiga guriga ka jira. Khasab kuguma aha inaad ciwaankaaga ku qorto oraahda dhaarta (affidavit) ah.  Waxa aad waydiisan kartaa maxkamada in ciwaankaaga uu noqdo qarsoodi.
  • Codsigu waxa uu u sheegaa maxkamada waxa aad rabto maxkamadu inay sameyso. Waxa aad qori waxyaabaha aad doonayso maxkamadu inay ku amarto Amarka Amaan Helida ah (OFP).  (Eeg “Amaano noocee ah ayuu Amarka (OFP) aniga i siin karaa?” ee ku yaal bogga 4.)
     

Waxaa jira taakuleeyayaal gargaara dhibanayaasha dagaalka qoyska dhexdiisa ah dhibku ka soo gaaro. Adeegyadoodu waa bilaash waana qorsoodi. Si aad u hesho taakuleeye deegaankaaga ah:

  • Wac Khadka Heerka Qaran Dagaalada Qoysaska Ka Dhex Dhaca (National Domestic Violence Hotline) ee ah (800) 799-7233 ama (800) 787-3224 (TTY)
  • Gal shabakada Hay’ada (Violence Free Minnesota) ee ah vfmn.org ka dibna riix “Hel Caawimaad” si aad u hesho liiska ururada ka jira degmadaadda.
     

Waxaa jira 3 siyaabood oo aad ku heli foomamka:

1. Tag maxkamada ka dibna u sheeg inaad doonayso inaad xareysato Amaka (OFP).  Karaaniga maxkamada ayaa kolkaa ku siin foomamka aad u baahan tahay.  

  • Degmooyinka Hennepin iyo Ramsey, waxaa ka jira xafiisyo gaar ah oo kaa caawin kara dalbashada Amarka Amaan Helida ee (OFP). Caawimaadani waa lacag la’aan.
    • Degmadda Hennepin, wac Rugta Adeega Tacadiyada Qoyska (DASC) ee ah  (612) 348-5073
    • Degmadda Ramsey, wac Xafiiska Tacadiyada Qoyska/Khashkhashaadaha ee ah (651) 266-5130

       AMA

2. Ka hel Foomamka khadka (online) si kolkaa aad u sii buuxiso iyaga ka hor inta aadan maxkamada aadin.

  • Gal www.mncourts.gov/forms
  • Riix  “Domestic Abuse” (Tacadiga Qoyska)
  • Riix “Filing an Order for Protection” (Amarka Amaan Helida)
  • Si taxadar leh u akhri tilmaamaha.

       AMA

3. Ka buuxi kana xaree foomamka khadka (online) ka adigoo isticmaalaya habka maxkamada ee wareysiga Hagida iyo Xareysiga (ingiriisi kaliya). Barnaamijkan waxa uu caawiyaa inaad adigu sameysato foomamka si aad uga codsato maxkamada Amarka (OFP).  Waxa ay u shaqeysaa iyagoo adiga su’aalo ku waydiinaysa. Waxa ayna isticmaashaa jawaabahaaga si ay u buuxiso foomamka. Foomamkaaga kumbuyuutarka waa aad uga xareysan kartaa maxkamada. Ama waa aad daabacan kartaa foomamka waxa aadna la tagi kartaa maxkamada si aad u xareyso.

Si aad u bilowdo wareysiga Hagida iyo Xareysiga:  

  • Riix “Ask for a MN Restraining Order” (Waydiiso MN Amarka Nabadgelyada)

TALAABADA 2: Buuxi Foomamka

Foomka waxa uu leeyahay labo qaybood oo waaweyn. Ka dib kolka aad maxkamada siiso akhbaarta ku saabsan adiga noloshaada iyo cidii kale ee ilaalin u baahan, adigu:

  1. Waa inaad tilmaamto tacadiga
     
  2. U sheeg maxkamada caynka uu yahay ilaalinta aad u baahan tahay iyo sababta
     

1. Tilmaamida Tacadiga – Ka bixi Faah-faahin

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo tacadi ah. Maxkamadu waa inay go’aansato in xaaladaadu ay ka soo baxayso qeexitaanada sharciga ah ee tacadiga qoyska dhexdiisa ka dhaca. Bixi faahfaahinada ugu badan ee aad bixin karto iyo tusaalayaal khaas ah oo ku saabsan wixii dhacay.  Mar walba oo faahfaahino ay maxkamadu hayso, waa mar kasta oo ay si fiican u fahmi karto wixii dhacay. Si cad u sheeg wax walba. Ha isticmaalin erayada sida “waa uu igu tacadiyey ama “waa uu ii gacan qaaday.” Intii aad saa oran lahayd u sheeg maxkamada:

  • Gooma ayuu tacadigu dhacay? Isticmaal maalin cayiman.  Hadii aadan xusuusan maalinta tacadigu dhacay, u sheeg maxkamada bisha iyo sannadka ay dhaceen.
  • Xaggee ayuu tacadigu ka dhacay? Guriga? gaarigaaga? Shaqada?
  • Waxyeelo jireed ma ku soo gaartay? Hadii ay taasi jirto, u sheeg maxkamada sida wax laguu yeelay. Tacadi-gaystahu ma feer buu kugu dhuftay? Ma uu ku dharbaaxay?  Xabadka ma kaa riixday ka dibna gadaal-gadaal ma u dhacday?
  • Ma ku soo gaaray wax dhaawac ahi?  U sheeg maxkamada wixii nabaro, dillaac, ama calaamado madmadow ah oo jirkaagu yeeshay. Sarka dhiig ma ku lahayd ama ma ku lahayd dhiig iyana bushimaha? Gacantaadu ma kaa danqanaysaa meesha uu ka qabtay? Dhaqtar ma u tagtay?   
  • Muxuu yiri tacadi-gaystahaagu?  Isticmaal isla erayada uu u isticmaalay hanjabaada. Xataa hadii uu tacadi-gaystahu uu kuu dhaartay ama uu magacyo cay ah kuugu yeeray, waa inaad erayadaa uu isticmaalay laftooda aad ku qorto foomka.
  • Maxay ahayd shucuurtiisu? Wajigiisu ma uu guduudnaa kolkii uu kugu qaylinayey?  Ma ku kor taagnaa isaga oo feer u duuban yahay?
     

Kuwani waa labo tusaale, mid ma laha faahfaahin badan, midna waxa uu leeyahay faahfaahino aad u badan:

Tusaalaha Xun
Waa aanu murmaynay. Isagu waa uu igu qayliyey aniguna waa aan baqay.

Tusaalaha Fiican
Habeenkii Khamiistii la soo dhaafay ee ahaa bisha Oktoobar 11, 2020 ka, waxa aanu ka hadlaynay ilmahayaga. Kolkaa asagu waxa uu si qaylo ah u yiri, waa inaad sameyso waxa aan ku iraa samee hadii kale waa aad shalaayi doontaa. Gadaal ayaa uga baxay isaga kolkii uu dhinacayga soo aaday oo uu ii soo dhawaaday. Waxa aan dabada la galay gidaarka jikada. Agtayda ayuu taagnaa oo aad buu iigu dhawaa kolkaa calyadiisa wajigayga waa aan ka dareemayey kolkii uu kor qaylinayey. Waa ka baqayey isaga waayo qiyaastii bil ka hor ayuu igu yiri waa inaad waxa aan ku iraa samee hadii kale waa aad shalaayi doontaa, gacmaha ayuu i qabtay si aad u xun buuna ii ruxay.  Kolkaa ka dib meesha uu ka qabtay gacmahayga waa ay guduudatay waana ya i danqanaysay. Runtii waxa aan ka baqayey inuu mar kale wax i yeelo. Waxa aan ka dusay gacmihiisa ka dibna dibada ayaa u cararay.

2. U sheeg maxkamada caynka uu yahay ilaalinta aad u baahan tahay iyo sababta
Ka eeg liiska bogga 4 aad tusaalayaasha ku saabsan waxyaabaha aad ka codsan karto in ay maxkamadu sameyso. Haddii aad ka codsato maxkamadu inay sameyso waxyaabaha qaarkood, waa khasab in la qabto maxkamad dhagaysi. Ka akhri qaybta “Ma u baahnahay garnaqsi maxkamadeed si aan u helo Amarka (OFP)?” ee bogga 5 akhbaarta liiska ilaalinada ee u baahan dacwo dhagaysiyada.

U sheeg maxkamada sababta aad ugu baahan waxa aad codsanayso. Si cayiman u hadal bixina sababo ku saabsan sababta aad ugu baahan tahay wax. Tusaale ahaan, hadii aad codsanayso haynta ilmahaaga in laguu xukumo. U sheeg maxkamada sababta aad u doonayso haysashada ilmaha. Ilmahu ma ka baqayaan tacadi-gaystaha? Ma adigaa qofka inta badan ilmaha daryeelaa?

TALAABADDA 3: Xareyso Foomamka

La tag foomamka buuxsan maxkamada si aad u xareysato. Maxkamadaha qaarkood, karaaniga maxkamada ayaa kaa qaban foomka adiga ka dibna u dhiiba xaakimka.

Hadii aad isticmaashay wareysiga khadka (online) ka (“Hagid iyo Xareyn”) si aad u buuxiso foomamkaaga, waxa aad ku xareyn kartaa foomka kumbuyuutarka.

Kaliya uun xaakimka ayaa go’aansada haddii aad heli Amarka (OFP) iyo haddii kale.

Ka waran hadii karaaniga maxkamadu ama taakuleeyahu uu igu yiraa ma aad dalban karto Amarka (OFP)?

Hadii karaani maxkamadeed kugu yiraa ma aad dalban kartid Amarka (OFP):  

  • Waydii inaad aragto xaakim una sharax sababta aad ugu baahan tahay amarka
     

Haddii taakuleeye ama qareeni uu kugu yiraa ma aad dalban kartid Amarka (OFP):

  • Waxay u badan tahay inaad wali awoodo inaad dalbato.  Waxay u badan tahay inay kaliya adiga kuu sheegayaan inaysan u malaynayn in xaakimi uu ku siin doono Amarka (OFP). Waa inaad waydiiso sababta uu ugu malaynayo inaysan ahayn inaad mid dalbato. Sababahoodu waxaa dhici karta inay kaa caawiyaan inaad saxdo wixii khalad ah ee ku qoran foomamkaaga. Xaakimku kaliya waxa uu ku siin karaa Amarka (OFP) haddii uu tacadigu ka soo baxo shuruudaha qeexitaanka sharciga ee tacadiga qoyska dhexdiisa ah. Waxaa dhici karta inaad hilmaamtay inaad ku darto akhbaar ka soo baxda qeexitaanka.  

TALAABADDA 4: Diyaarinta “adeega”

Foomamka aad buuxin doonto si aad ugu codsato Amarka (OFP) waa khasab in lagu siiyo tacadi-gaystaha qaab cayiman. Arrintaa waxaa la yiraa “adeeg.” Taa macnaheedu waa qof kale oo aan adiga ahayn ayaa gacanta ugu geeya warqadaha tacadi-gaystaha. Shariifka ama askarta bilayska ah ayaa badanaa warqadaha geeya. Laakiin qof qaangaar ah ― oo aan adiga ahayn ―waxaa dhici karta in loo ogolaado isna inuu geyn karo warqadaha.  

Haddii aad adeegsato shariifka ama bilayska, wax kharash ah adigaa kaagama ay bixi taa.  Laakiin waxaa dhici karta inaad u baahato inaad adigu warqadaha u geyso shariifka. Askarta Shariifku badanaa waxaa ay joogaan maxkamada dhexdeeda ama meel aan ka dheerayn. Sii shariif dhamaan wixii akhbaar ah ee aad siin karto ee ku saabsan meesha laga heli karo tacadi-gaystaha. Degmooyinka qaarkood, karaaniga maxkamada isaga ayaa dhameeya hawsha ah gaarsiinta warqadaha askarta shariifka.

Ka waran hadii aanan aqoon meesha uu joogo tacadi-gaystahu?

Wali waa aad dalbsan kartaa Amarka (OFP).  Haddii uu karaanigu ku yiraa waxa aad u baahan tahay inaad taqaan meesha uu tacadi-gaystahu joogo, waxa aad siin kartaa:  

  • ciwaankii ugu dambeeyey ee lagu ogaa
  • guri saaxiib ama ehel oo laga yaabo inuu joogo
  • ciwaan shaqo
     

Hadii aadan aqoon meesha uu joogo tacadi-gaystahu, waydiiso in warqadaha loogu geeyo si kale. Arrintan waxaa loogu yeeraa “adeega sida kale” ah. Karaaniga maxkamada ama taakuleeyaha ayaa haya foomamka si ay kaaga caawiyaan inaad dalbato adeega sida kale ah.  

Haddii shariifku uu isku dayey inuu u geeyo warqadaha tacadi-gaystaha uuna ka dhuumanayo si aan warqadaha loogu keenin, waxaa dhici karta in laguu ogolaado inaad warqadaha loo tixgeliyo in loo “geeyey” iyadoo wargaysyada lagu daabacayo ogaysiis baafin ah oo tacadi-gaystaha la baafinayo.

Si warqadaha loogu tixgeliyo in loo geeyey iyadoo la daabacayo baafin, waa inaad ka xareysato maxkamada warqad dhaar ah oo oronaysa: 

  1. hay’adaha sharci ilaalintu (shariifka ama bilayska) ayaa isku dayey inay warqadaha u geeyaan laakiin ma aysan awoodin waayo tacadi-gaystahu waa dhuumanayaa si aan warqadaha loogu geyn

    IYO
     
  2. inaad boostada u dhigtay nuqul codsiga ah adigoo ugu hagaanijaya ciwaankii ugu dambeeyey ee lagu ogaa AMA ma aad taqaanid wax ciwaan ah oo uu leeyahay.  
     

Maxaa dhici hadii foomamka aan la geyn ka hor dhagaysiga maxkamada?

Waa inaad dacwada dhagaysiga maxkamada aad tagto! Hadii aadan imaan xaakimku waa uu diidi karaa Amarkaaga (OFP) Amaan helida ah. Haddii askarta shariifku ama bilaysku ay waayaan tacadi-gaystaha, waxa aad ka codsan kartaa xaakimka dacwada dhagaysanaya in tacadi-gaystaha warqadaha loo dhigo boostada ama ogaysiis baafin ah lagu daabaco wargays. Waa inaad buuxiso foom si aad u codsato in warqadaha si kale loogu geeyo tacadi-gaystaha. Waydiiso karaaniga maxkamada foomamka “adeegayda sida kale” ah.

Hadii ay tani dhacdo, xaakimku waxa uu qabtaa balan cusub oo dacwo dhagaysi ah. Waa inaad aado dhagaysiga dacwada kale si aad u hesho Amarkaaga (OFP).  Haddii aad haysato Amarka Ku Meelgaarka ah (Ex Parte OFP), maxkamadu waa inay soo saarto mid cusub oo soconaya ilaa iyo dhagaysiga dacwada soo socota.  

Warqadaha waa in markiiba loo geeyo tacadi-gaystaha, looguna geeyo waqtiga saxda ah ee la rabo in loo geeyo hadii kale ma aad heli kartid Amarka (OFP). Haddii uu dhib kaa haysto u geynta warqadaha tacadi-gaystaha, ka fakar inaad la hadasho qareen ama taakuleeye. Waxa ay kaa caawin karaan inaad kaligaa sameyso waxyaabaha uu dhibku kaa haysto sameyntoodu. Si aad u hesho qareen gal shabakada www.LawHelpMN.org/providers-and-clinics ama eeg liiska Xafiisyada Dhanka Sharciyada (Legal Aid Offices) ee ku yaal gadaalka buugan yar ee gacanta.  

TALAABADDA 5: Soo ogow in balantii dacwo dhagaysiga ahayd la qabtay iyo in kale?

Hadii aad heshay Amarka Amaan Helida ah ee ku meelgaarka ah  (Ex Parte OFP), tacadi-gaystahu waxa u codsan karaa dacwad dhagaysi xataa hadii aadan adigu codsan. Tacadi-gaystahu waxa uu haysaa 5 cisho oo maalmaha ganacsiga ah oo uu ku dalban karo dacwo dhagaysi ka dib kolka warqadaha maxkamada loo geeyo (uu helo foomamka). Haddii aadan ku helin ogaysiis boostada, mar walba maxkamada wac si aad u eegto in tacadi-gaystahu uu codsaday dacwo dhagaysi iyo in kale. Haddii aadan tagin dhagaysiga maxkamada, tacadi-gaystahu waa laga dhaafi Amarka (OFP). Adiguna wax ilaalin ah ma aad heli doontid.  

TALAABADDA 6: Tag dacwo dhagaysiga maxkamada

  • haddii aad codsatay dacwo dhagaysi, waa khasab in lagu qabto 7-cisho gudahood kolka uu xaakimku saxiixo Amarka ku meelgaarka ah (Ex Parte OFP). 
  • Haddii xaakimku uusan saxiixin Amarka ku meelgaarka ah (Ex Parte OFP), dacwada dhagaysigeedu waa inay ku dhacdaa 14-cisho kolka xaakimku uu saxiixo Amarka Dhagaysiga Dacwada. 
  • Haddii aadan codsaan dacwo dhagaysi laakiin tacadi-gaystahu uu codsaday, dacwo dhagaysiga waa khasab in la qabto inta u dhaxeeysa 8 ilaa iyo 10 cisho kolka uu codsado tacadi-gaystahu.
     

Haddii aadan tagin dhagaysiga dacwada ee maxkamada, xaakimku kuma siin doono Amarka (OFP). Xataa haddii aad horey u heshay Amarka ku meelgaarka ah ee (Ex Parte OFP), wax baraka ma leh balanta xaakimku uu qabtaa hadii aadan tagin maxkamada adigu.   

Haddii aadan tagi karin dhagaysiga dacwada maxkamada, codso in dhagaysiga dacwada maalin kale lagaaga dhigo. Arrinta waxaa la yiraa dib u dhigid. Maxkamadu waxa ay sameysaa tan kaliya haddii aad sabab fiican haysato. Tusaale ahaan, haddii aad isbitaal gashay ama aad isku dayayso inaad qareen wakiil kaa noqda hesho. Si aad u hesho dib u dhigida maxkamada waxa aad u baahan tahay inaad la soo xiriirto maxkamada, aadna u sheegto inaad dacwo dhagaysi la xiriirta Amarka (OFP) ga aad leedahay laakiin aad codsanayso in maxkamada dib laguugu dhigo. Iyaga ayaa kolkaa kuu sheegi doona waxa la saemeeyo. Maxkamad walbaa waxa ay leedahay qaab u gooni ah oo looga codsato dacwo dib u dhigida. Telefanka maxkamadaaddu waxa uu ku qoran yahay warqada ogaysiiska balanta ee dacwadaadda (warqada kuu sheegaysa kolka dhagaysiga dacwadaadu tahay).

Cutubka 3. Dhagaysiga Dacwada ee Maxkamada

Siddee ayaan ugu diyaar garoobaa dhagaysiga dacwada?

1. Daliil: Haddii aad haysato cadeymo aad doonayso xaakimku inuu eego, bilow inaad warqadahaaga isku duwato. Daliilahu waxa ay noqon karaan sawiro muujinaya dhaawacaaga, ama fariimo aad ka heshay tacadi-gaystaha. Haddii aad ku haysato wax dhambaalo (text) ama sawiro ah telefankaaga aadna doonayso in xaalkimku uu arko, waxa aad u baahan tahay inaad uga ka soo saarto telefanka dacwada dhagaysigeeda. La imow nuqulo daliilahaaga ah xilliga dhagaysiga dacwada. Mid nuqulada ah waxaa la siin xaakimka, midna waxaa la siin tacadi-gaystaha, midna adiga ayaa haysan. Hubi inaad dhamaan kuligood soo qaadato. Marka kale oo dambe ma aad keeni kartid ama ma aad oran kartid gurigii ayey jiraan oo ha dhow ayaan keeni karaa.

Waxaa roon inaad ka haysato nuqulo sugan dukumiintiyada sida warbixinada bilayska ama qoraalada caafimaadka. Waxa aad u baahan tahay inaad waydiisato bilayska ama dhaqtarkaaga nuqulada sugan.  Daliilaha maxkamada la keeno waxay noqon karaan:

  • Warbixinada bilayska iyo qoraalada caafimaad
  • Waxyaabaha tacadi-gaystahu uu jajabiyey sida telefan jaban ama dhar la jeexjeexay
  • Dhambaalo (texts), hanjabaad ah, wax la soo geliyey baraha bulshada ama warqado
  • Sawiro ah dhaawac ama alaab la jajabiyey oo aad u culus oo aan maxkamada la keeni karin
  • Rasiidyo muujinaya kharashaadka ay noqotay inaad u bixiso tacadiga awgii.  Sida quful cusub, hagaajinta albaab, gadashada telefan cusub ama kharashaad caafimaad.
     

Haddii aad ugu baahan tahay dukumiintiyo dhagaysiga dacwada awgeed ayna dhib kaa haysato inaad hesho, waxa aad isticmaali kartaa amar maxkamadeed (subpoena) si aad u hesho. Amarka Maxkamada (subpoena) waxa uu leeyahay meel lagu qoro dukumiintiyada aad u baahan tahay. Waydiiso karaaniga maxkamada foomamkaa iyo sida loo sameeyo. Waxaad kalood ka akhriyi kartaa amarka (subpoenas) waxa uu yahay hoose qaybta soo socota. 

2. Makhraatiyaasha: Makhraatiyaashu waa dad arkay tacadiga ama dhaawacyada ku soo gaaray ama maqlay in adiga iyo ilmahaaga la idiin dhaartay. Eeg inaad haysato wax makhraatiyaal ah oo imaan kara dhagaysiga dacwada. Haddii bilayska ama askarta shariifka la wacay, iyana waxa ay noqon karaan makhraatiyaal. Sidoo kale waxaa noqon kara makhraatiyaal dhaqaatiirta iyo kalkaalisooyinka daryeelay dhaawacyadaada. Haddii aad doonayso inaad xaakimka tusto warbixin bilays waydiiso askariga bilayska ah ee warbixinta qoray inuu maxkamada yimaado. Bilayska ahi badanaa dadka waa ay caawiyaan.

Waxaa dhici karta inay adag tahay in dhaqtaradu ama kalkaalisooyinku ay yimaadaan maxkamada. Laakiin haddii dhawaacaaga ama waxyaabaha aad ku tiri iyaga ay muhiim ku yihiin kiiskaaga, waa inaad waydiisato inay yimaadaan maxkamada. Hubi in makhraatiyaashaaddu ay og yihiin taariikhda, waqtiga iyo goobta dacwo dhagaysiga.

Ka waran hadii qof makhraati ii ahi uusan doonayn inuu maxkamada yimaado?

Haddii qof makhraati ahi uusan doonayn inuu maxkamada ikhtiyaar u yimaado, isticmaal foomka la yiraa amrida (subpoena). Waxaad kalood qori kartaa wixii warqado ah aad doonayso qofka makhraatiga ahi inuu u soo qaato dhagaysiga dacwada. Degdeg uga hel foomka amrida (subpoena) karaaniga maxkamada.  Waxa aad u baahan tahay waqti ay dadku ku helaan amridaha (subpoenas) dhagaysiga maxkamada ka hor. Ma jiraan wax kharash ah oo la isaga qaado foomka amrida (subpoena).  Laakiin waxaa jira kharash ku baxa waqtiga qofka makhraatiga ah iyo khasiraadyada kale ee imaanshaha maxkamada ku baxa.

Buuxi foomka amrida ka dibna u geey xafiiska shariifka si loogu geeyo dadka kale.  Taa macnaheedu waa shariifka ayaa qofka u geynaya. Waa inaad ku lifaaqdaa warqada jeeg ama jeega idman (money order) si aad u bixiso kharashaadka waqtiga iyo khasiraadyada kale  ee qofka makhraatiga ah. Waa inaad siisaa qofka makhraatiga ah $20 iyo 28¢ oo ah kharashka mayl walba oo uu makhraatiga u socodo ugana soo noqdo goobta maxkamada.  Waxaa dhici karta in lacagtani ay kuu soo noqoto.

Dhaqaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadlayaasha kale marmarka qaarkood dadka waxay ku soo dalacdaan khidmado saacad walba ah si ay maxkamada u yimaadaan. Diiwaano hayayaashu badanaa dadka kuma soo dalacaan khidmado saacad walba ah. Waxa aad ka codsan kartaa maxkamada inay bixiso khidmadahooda haddii aadan adigu awoodin inaad bixiso. 

Haddii aad danyar tahay aadana awoodin inaad bixiso khidmadaha, waydiiso maxkamada foomka la yiraa “In Forma Pauperis” (IFP) si aad u buuxiso. Foomkani waxa uu maxkamada ka codsadaa inay kaa yareyso khidmada ama ay kaa wada saamaxdo si kolkaa aadan u bixin. Waxaa aad isticmaali kartaa iyana wareysiga Hagaha iyo Xareysiga si aad u buuxiso foomamkaaga aadna kumbuyuutarka ugu xareyso. Si aad u bilowdo wareysiga Hagaha iyo Xareysiga:

  • Riix “Request a Fee Waiver” (Codsiga Saaxmixida Khidmada)
     

Ogow: Ka taxadar u isticmaalida qoraalada caafimaadkaaga dhagaysiga dacwada. Haddii ay ku jiraan waxyaabo xunxun oo adiga kugu saabsan sida isku day is-dil ama isticmaal maandooriye mid ka mid ah diiwaanada, adiga ayaa laguu isticmaali karaa si wax laguugu dhimo.

3. Sii baro: Akhri foomamka aad buuxisay si aad diyaar ugu noqoto waxa aad doonayso inaad tiraahdo. Waxaa dhici karta inay ku caawiso inaad kala hadasho waxa aad doonayso inaad tiraahdo taakuleeyahaaga ama cid kale oo aad ku kalsoon tahay ka hor dhagaysiga dacwada. Xusuusnow in hadalkaagu uu qayaxnaado aadna tusaalooyin badan bixiso.  

Isticmaal liis qoraal ah si uu kaaga caawiyo inaad sheekadaada diyaarsato. Tilmaam tacadigii ugu dambeeyey marka hore.

Isticmaal talada qaybta “TALAABADA 2:  Buuxi Foomamka” ee bogga 11 ee ku saabsan sida loo sheego sheekadaada iyadoo faahfaahin badan leh.

Shaqada fasax ma ka qaadan karaa si aan u aado dhagaysiga dacwada?

Shaqadaaddu kuguma ciqaabi karto adiga fasax ka qaadashada shaqada si aad u hesho Amarka Amaan Helida (OFP) ama si aad u aado dhagaysiga dacwadaadda. U sheeg qofka madaxda kuu ah ee shaqada ugu yaraan 2-cisho ka hor waqtiga dhagaysiga dacwada inaad shaqada ka maqnaan doontid. Qofka madaxda kuu ah ee shaqadu waa inuu akhbaartaada qarsoodi ka dhigaa hadii aadan adigu ku oran cid waa aad la wadaagi kartaa.

Haddii laga yaabo in tacadi-gaystahu uu goobtaada shaqada yimaado, ka siin nuqul qofka madaxda ku ah Amarka (OFP).  La socodsii dadka kale ee shaqada sida xog-haynta ama ilaalada Amarka (OFP) ah.

Talooyin ku saabsan maalinta maxkamadaadda

Sida aad u dhaqanto xilliga maxkamada waxa ay ku yeelan kartaa saameyn weyn kiiska. Kuwani waa wax talo ah:

  1. Horey u sii tag. U sheeg kanaaniga maxkamada inaad timid.
     
  2. U fiirso wax walba. Xaakimka ama karaaniga ayaa ku dhawaaqi kiiskaaga. Diyaar u ahow inaad bilowda hawsha kolka laguu yeero.
     
  3. Ilmaha maxkamada ha keenin. Ilmahu makhraati kama furi karaan maxkamada. Hel qof ilmaha kuu sii haya inta aad maxkamada jirto. Hadii aad keento maxkamada, xaakimku uma ogolaan doono gudaha maxkamada.
     
  4. Ku soo labiso dhar bilic leh nadiifna ah. Tani waxa ay tusi maxkamada qadarin in loo hayo.
     
  5. Is deji si edeb ahna ula hadal cid walba oo maxkamada joogta, xataa ku tacadiyahaaga.
     
  6. Sidii qof mas’uul ah u dhaqan inta aad maxkamada joogto
     
  7. Ha oran wax aadan doonayn in tacadi-gaystaha, qareenkiisu ama eheladiisu uu maqlo inta aad musqusha ama dibada maxkamada joogto.
     
  8. Si xushmadi ku dheehan tahay ula dhaqan xaakimka. Ugu Jawaab xaakimka “haa mudane”ama “haa ‘murwo.”
     
  9. Hadal waafi ah ku hadal. Ka jawaab su’aalaha adigoo oranaya “haa”ama “maya”.  Maxkamadu waxa ay u baahan tahay inay diiwaan geliso wax kasta oo maxkamada ka dhaca. Ma ay diiwaan gelin karaan jawaabahaaga hadii aad madaxa ruxdo. Ha calalin xanjo hana saaran gacmahaaga afka.
     
  10. Bixi Faah-faahin.
     

Ha

  • la murmin xaakimka
  • ka goyn hadalka xaakimka
  • la murmin qofka kale
  • ka goyn hadalka qofka kale

Muxuu xaakimku sameeyaa xilliga dhagaysiga dacwada?

Xaakim walbaa si gooni ah ayuu u maamulaa maxkamadiisa. Haddii aad haysato taakuleeye, waydii waxa uu ka og yahay xaakimkaaga.  

Xaakimo badani waxay ku bilaabaan dhagaysiga dacwada siin ay siiyaan tacad-gaystaha 3 waxyaabood oo uu kala dooran karo.

  1. qiro tacadiga ah
     
  2. inkir tacadiga, laakiin ogolow in Amarka (OFP) la bixin karo
     
  3. inkir tacadiga ka dibna aad maxkamad garnaqsi ah
     

Haddii uu tacadi-gaystahu doorto #1, kolkaa waa aad heli Amarkaaga (OFP).  Maxkamadu waxay ku diiwaan gelisaa sida tacadi-gaystahu uu wax kuu yeelay ama kuugu hanjabay adiga Amarka (OFP).  In tan la doortaa marmar dhif ah ayey dhacdaa.

Haddii uu tacadi-gaystahu doorto #2, waa aad heli amarkaaga (OFP). Laalkiin ma ay jiri doonto wax “helid” in tacadi dhacay ah. Taa macnaheedu waxa aad leedahay dhamaan ilaalinada Amarka (OFP). Laakiin ma ay jiraan wax qoraal ah oo ka hadlaya sida uu tacadi-gaystahu wax kuu yeelay ama uu kuugu hanjabay.

Haddii uu tacadi-gaystahu doorto #3, xaakimku waxa uu qabtaa dhagaysi dacwo garnaqsi ah. Xaakimiinta qaarkood waxa ay dacwada garnaqsiga ah qaadaan markiiba. Xaakimiinta qaarkood kalena waxa ay qabtaan dacwada garnaqsiga ah maalintaa aakhirkeeda ama waxa ay qabtaan maalin kale. Ma aad ogaan kartid in maxkamada garnaqsiga ah ay dhici isla markiiba sidaa awgeed diyaar la ahow daliilahaaga iyo makhraatiyaashaadda maalinta dacwo dhagaysiga.

Maxaa dhici haddii tacadi-gaystahu uu yimaado isagoo qareen wata?

Waxa aad ka codsan kartaa maxkamadu inay dib u dhigto dhagaysiga dacwada dhowr cisho si kolkaa aad u soo hesho qareen. Arrintan waxaa loo yeeraa dib u dhigid. Waxaa dhici karta maxkamadu inaysan ku siin dib u dhigid. Waa inaad diyaar u ahaato garnaqsiga maalinta la dhagaysanayo.  

Kala Qaadashada Amarada Amaan Kala Helida ah

Marmarka qaarkood tacadi-gaystaha isna waxa uu xareystaa Amarka Amaan Helida ah (OFP), isagoo sheeganaya inaad isaga ku tacadiday. Xaakimku waa uu dhagaysan karaa dacwada labada codsiba isla maalin. Haddii xaakimku uu go’aansado in labadiinuba aad isu gaysateen tacadi, xaakimku kolkaa waxa uu labadiinaba idinka kala siin karaa Amaro Amaan isa siin ah (OFPs).  Kuwaa waxaa la yiraa kala Qaadashada Amarada Amaan is siinta (OFPs) ah. 

Marmarka qaarkood tacadi-gaystaha waxa uu ogolaadaa Amarkaaga Amaan Helida ah (OFP) haddii  aad adiguna ogolaato inay kaa qaadan karaa adiga Amar Amaan Helid (OFP) ah. Haddii uu tacadi-gaystahu uusan xareysan codsi, xaakimku waa inuusan bixin amaro Amarada Amaan isa siinta ah.

Ka Taxadar!

Ha ogolaan amarka amaan isa siinta haddii aadan ka gaysan wax tacadi ah qoyska dhexdiiisa. Amarka amaan isa siinta waxa uu u sahli karaa tacadi gaystaha inuu waco bilayska laguna qabto iyadoo la leeyahay waxa aad gaysatay tacadi. Amarka amaan isa siinta ah waxa ay u keeni karaa dhibaatooyinka dhanka sharciga (immigration) ah dadka sharciga ku meelgaarka ah leh haddii amarku uu leeyahay waxa aad ku tacadiday qofka kale.

Maxaa dhaca xilliga dacwada garnaqsiga ah?

1. Adiga ayaa marka hore kiiskaaga soo bandhigi.
Waxaa aad sheegi sheekadaada ka dib kolka lagugu dhaariyo inaad runta sheegto.  U sheeg xaakimka sababta aad ugu baahan tahay Amarka (OFP). Arrintan waxaa la yiraa makhraati furid. Makhraatiga aad furaysaa waxa u ku salaysan yahay akhbaarta aad ku qortay foomamkaaga. Ka bilow tacadigii ugu dambeeyey ee laguu gaysatay ka dibna gadaal u raac wixii dhacay oo dhan. Xataa hadii jir ahaan wax lagu yeelay sannado ka hor, u sheeg maxkamada, U sheeg maxkamada wax walba oo aad ku qortay foomamka.

Isku day inaad ka jawaabto s’aalahan marka aad makhraatiga furayso:

  • Goorma ayuu tacadigu dhacay?
  • Xaggee ka dhacay?
  • Ciddee meesha joogtay?
    • Ma waxaad ahaydeen labadiina kaliya adiga iyo tacadiyaha? Cid kale xaadir ma ku ahayd xilligii tacadiga?
       
  • Maxaa dhacay?
    • Wax ma ku gaareen? Siddee?
       
    • Ma dhaawacantay?
       
    • Dhaqtar ma u tagtay?
       
    • Ma laguu hanjabay?
      • Tacadi-gaystahu muxuu yiri?
         
      • Muxuu ahaa hadalkiisu (siddee ayey u yiraahdaan)?
         
    • Maxay ahayd shucuurtiisu?
       
  • Ilmahaagu meesha ma joogay?
    • Wax mala yeelay mise loo hanjabay?
       
    • Siddee ayey u dhaqmayeen?
       
  • Ma ka baqaysaa tacadi-gaystaha?
    • Sabab?
       

Intii aad awoodo si cayiman u hadal. Bixi faahfaahinada ugu badan ee ku saabsan waxa aad ka xusuusato tacadiga.  Waa ay ku caawin kartaa inaad eegto xaakimka ee aadan eegin tacadi-gaystaha inta aad hadlayso. Haddii aad hayso daliilo ku saabsan tacadiga, kolkaa xaakimka u dhiib.   

Ka dib kolka aad xaakimka u sheegto tacadiga, ka hadal waxa aad rabto in xaakimku uu sameeyo iyo sababta. Ka eeg “Amaano noocee ah ayuu Amarka (OFP) aniga i siin karaa?” ee ku yaal bogga 4 waxa aad sameyn karto. U sheeg xaakimka:

  • sababta ay tahay inaad ilmaha adigu haysato
  • sababta aad ugu baahan tahay masaariifta ilmaha
  • sababta tacadi-gaystahu uusan u lahaan karin waqti waalid ama waqti waalid oo xadidan
  • sababta aad ugu baahan tahay inaad isticmaasho hantida iyo sababta aad ugu baahan tahay gaariga
  • sababta aad ugu baahan tahay in tacadi-gaystahu uu bixiyo qaan  
  • sababta loogu baahan yahay in tacadi-gaystahu uu gurigaada, shaqadaada, iyo ilmaha iskuulkooda ama xaruntooda xanaanada uu ka dheeraado
     

2. Tacadi-gaystaha ama qareenkiisa ayaa su’aalo ku waydiin kara adiga.
Kolkani ma aha waqti uu tacadi-gaystahu kugula murmi karo ama uu ku sheegi karo dhinaciisa sheekada. Su’aalahooda uga jawaab si run ah. Is daji. Xooga saar waxa laga hadlayo. Eeg xaakimka. Ha eegin tacadi-gaystaha ama qareenkiisa. Haddii aadan su’aasha fahmin, waydii xaakimka inuu su’aasha ku waydiiyo mar kale ama uu qaab kale kuu waydiiyo.

3. Haddii aad wadatay qof makhraati kuu ah adiga, waxa ay u sheegi xaakimka wixii maqleen ama ay arkeen.  
Arrintan waxaa la yiraa makhraati furid. Waa inaad waydiisaa qofka makhraatiga ah su’aalo. Qofka makhraatiga ahi xaakimka is-kalama uu hadli karo kaligii.

Tusaalooyin ah su’aalaha la waydiiyo makhraatigaaga waa:

  • Waa maxay magacaagu?
  • Xaggee joogtay (maalinta tacadigi dhacay)?
  • Yaa meesha joogay?
  • Maxaad aragtay?
  • Maxaad maqashay?
  • Siddee ayaan anigu u dhaqmayey?
  • Siddee ayuu tacadi-gaystahu u dhaqmayey?
  • Siddee ayey ilmahaygu u dhaqmayeen?
     

Haddii qofka makhraatiga ahi uu wato dukumiintiyo uu rabo inuuu tuso xaakimka, waydii inuu u dhiibo dukumiintiyada xaakimka.  

Marmarka qaarkood dhib ayaa ka jiri kara waxa qofka makhraatiga ahi yiraa kolka aysan xaadir ahayn kolkii uu tacadigu dhacayey. Marmarka qaarkood dhib ayaa ka jiri kara daliilaha sida warbixinada bilayska ama warbixinada dhaqaatiirta hadii uusan askariga bilayska ah ama dhaqtarku uusan maxkamada joogin. Kala tasho qareen dhibaatooyinkaa ka hor dhagaysiga dacwada haddii aad awoodo. Si aad u hesho qareen gal shabakada www.LawHelpMN.org/so/providers-and-clinics ama eeg liiska Xafiisyada Gargaarada Dhanka Sharciyada (Legal Aid Offices) ee ku yaal gadaalka buugan yar.

4. Tacadiyaha ama qareenkiisa ayaa su’aalo waydiin kara qofka makhraatiga kuu ah.

5. Tacadiyahu waxa uu soo bandhigaa dacwadiisa.
Tacadi-gaystahu waxa uu sheegaa sheekadiisa ka dib kolka uu ku dhaarto in uu run sheego. Tacadi-gaystahu waxa uu u dhiibaa dukumiintiyadiisa xaakimka. Waxa aad xaq u leedahay inaad aragto wixii dukumiintiyo ah ee uu doonayo tacadi-gaystahu in xaakimku arko.

6. Waa aad waydiin kartaa su’aalo tacadi-gaystaha
Ka dib kolka uu dhamaysto hadalkiisa (“makhraati”) waa aad waydiin kartaa isaga su’aalo. LAAKIIN, khasab kuguma aha inaad wax waydiiso.  

Markani ma aha mar la mudacayo ama aad ka jawaabayso waxa uu yiri. Su’aalo uun waydii. Haddii aadan wax su’aalo qabin dhib ma leh. Xaakimka ayaa go’aamiya in tacadi-gaystahu uu run sheegayo iyo in kale.

7. Haddii tacadi-gaystahu uu wato qof makhraati ah, waxa uu qofkaasi u sheegaa maxkamada waxa uu arkay ama uu maqlay
Kolka uu hadalkiisa dhamaysto, tacadi-gaystahu waxa uu heli karaa in qofka makhraatiga u ahi uu makhraatigiisa furo.  

8. Waxa aad waydiin kartaa su’aalo makhraatiga u ah tacadi-gaystaha. Waa aad waydiin kartaa su’aalo makhraatiga, laakiin khasab ma aha.

Cutub 4. Ka Dib Dhagaysiga Dacwada Garnaqsiga ah

Goorma ayaan heli doonaa xukunka xaakimka?

Ka dib kolka labadiinuba adiga iyo tacadi-gaystahu aad soo bandhigtaan dacwadihiina, xaakimka ayaa go’aamiya inaad hesho amarka (OFP) iyo in kale. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad sugto laakiin haddii uu xaakimku go’aansado inuu ku siiyo amarka (OFP), badanaa waxa heli nuqul amarka isla maalintaa.  

Marmarka qaarkood waxaa dhici karta in xaakimku uu u baahdo waqti uu uga fakaro garnaqsiga iyo inaad hesho amarka (OFP) iyo in kale.  Haddii taasi ay dhacdo waxa aad u baahan tahay inaad mar kale maxkamada ku soo noqoto maalinta aakhirkeeda ama maalinta xigta si aad u ogaato in laguu xukumay amarka (OFP) iyo in kale.

Haddii xaakimku uusan ku siin amarka (OFP), waa inuu kuu sheego sababta:

Kolka aad hesho amarka si taxadar leh u akhri.  Haddii ay ku jiraan wax khalad ahi, la hadal karaaniga maxkamada si aad u ogaato sida loo saxo amarka. Tusaale ahaan, haddii aad ku aragto ciwaanka ama taariikhda dhalashada oo aan sax ahayn, markiiba u sheeg karaaniga. Waxaa ay sixi waxa ayna ku siin amar cusub.

Xaggee ayaan ku xafidaa nuqulada amarkayga (OFP)?

Ka sameyso nuqulo amarkaaga (OFP) mar walbana nuqul adigi wado. Nuqulna boorasada ha kuugu jiro, midna gaariga ha kuugu jiro, midna shaqada ha kuu yaalo ama meel kasta oo kale ee looga baahdo. Bilaysku waxa ay u badan tahay inay tacadi-gaystaha ay u xiraan jabinta amarka (OFP) da haddii aad wadato nuqul amarkaaga ah.

Tixgeli siinta nuqulo amarkaaga (OFP) ah qolada guriga aad uga jirto, kormeerahaaga shaqada, bixiyeyaasha daryeelada xanaanada ilmaha iyo iskuulka ilmahaaga.

Ka waran haddii aanan ku qanacsanayn xukunka?

Racfaan waa aad ka qaadan kartaa go’aanka xaakimka. Racfaanku waa kolka aad ka codsanayso maxkamad kale inay dib u eegto go’aanka xaakimka. Maxkamadan waxaa la yiraa Maxkamada Racfaanada. Degdeg u samee arrintan! Waxaa jira waqti gaar ah oo cayiman oo quseeya arrintan. Xareysiga racfaanku waa uu adkaan karaa. La tasho qareen si aad u eegto hadii ay tahay inaad racfaan xareysato iyo hadii kale. Waa inay jiraan sabab sharciga ah oo la cuskanayo kolka racfaanka laga qaadanayo go’aanka xaakimka. Tusaale ahaan, hadii xaakimku uusan u hogaansamin sharciga oo kale.

Akhbaarta iyo foomamka loo baahan yahay si loo xareyso racfaan: 

  • Riix “Appellate Forms & Instructions (for self-represented litigants)” (Foomamka Maxkamada Racfaanka & Tilmaamaha (Dacwoodaha kaligii iska wakiilka ah))

Ka waran haddii tacadi-gaystahu uu jabiyo amarkayga (OFP)?

Wac bilayska. Bilaysku waa khasab inay xiraan tacadi gaystaha haddii ay rumaysan yihiin inuu jabiyey amarka (OFP). Khasab ma aha bilayska inay iyagu arkaan jabinta. U sheeg bilayska inaad haysato Amar (OFP) ah. Ka tus nuqul amarka (PFP). Waydii inay xiraan tacadi-gaystaha.

Jabinta amarka OFP waa dambi dhexe, tacadi gaystaha lagu helo jabinta amarka (PFP) da waa in lagu xukumaa ugu yaraan 3-cisho oo xabsi ah lana amro inuu casharo la talin ah qaato. Ciqaabta ugu badan waa 90-cisho oo xabsi ah ama ilaa iyo $1,000 oo ganaax ah. Laakiin ciqaabaha ay xaakimyadu amrani badanaa aad bay uga hooseeysaan kuwaa. Xeer-Ilaaliyahu waxaa dhici karta inuu ku soo waco si uu ku waydiiyo ciqaabta aad is leedahay tacadi-gaystahu waa in lagu xukumo.

Jabinta Amarka (OFP) ga 2 goor waa dambi darajo sare ah.  Tacadiyaha lagu helo jabin 2aad ee amarka waa khasab inuu soo guto ugu yaraan 10-cisho oo xabsi ah. Ciqaabta ugu badani wa 1 sanno oo xabsi ah ama $3,000 oo ganaax ah. Mar labaad ciqaabaha la amraa badanaa aad bay ugu hooseeysa kuwaa.  

Haddii tacadi-gaystahu uu hub isticmaalo kolka uu jabinayo amarka (OFP) taa waa dambi kabaa’ir ah (felony).  Sidoo kale iyana waa dambi kabaa’ir haddii tacadi-gaystahu uu jabiyo amarka (OFP) ga mar 3aad ama in ka badan, 10 -sanno gudahood. Ciqaabta ugu badan ee dambi kabaa’irka ahi waa 5-sanno oo xabsi ah iyo $10,000 ganaax ah.

Marmarka qaarkood, kolka tacadi-gaystahu uu jabiyo Amarka (OPD) da ah, waxaa kale oo uu geystaa dambiyo kale oo culculus inta uu jabaniyo amarka. Haddii taasi ay dhacdo, waxaa dhici karta in dambiyo kale iyana lagu soo oogo.

Waxaad kale oo xaakimka dacwadaada Amarka (PFP) ah ku jira aad waydiisan kartaa inuu ku helo tacadi-gaystaha dambi maxkamad yasid ah. Karaaniga maxkamada ayaa haya foomamka arrintan.

Amarka Amaan Helidu (OFP) ma dhamaan Haddii aan tacadi-gaystaha guriga u ogolaado?

Maya. Laakiin amaankaaga awgii waxaa roon inaadan u ogolaan guriga. Haddii tacadi-gaystahu uu guriga yimaado sababtoo ah inaad adigu ku tiri waa imaan kartaa, taasi wali waxa ay xadgudub ku tahay amarka (OFP).

Ka waran haddii aan haysto amar ilaalin ah oo ay bixisay maxkamad qabiileed?

Amarada ilaalinta ah ee ay bixiyaan maxkamadaha qabiilku waa khasab in la oofiyo haddii ilaalintu ay la mid tahay amarka (OFP).  La tag nuqul sugan oo amarka ilaalinta ee maxkamada qabiilka maxkamada ka dibna ka codso in la xareeyo. Ma jiraan wax kharash oo la iska rabo. Waxa aad tagi kartaa maxkamada degmadda:

  • aad ku nooshahay
  • degmadda uu tacadi-gaystahu ku nool yahay
  • degmadda tacadigu uu ka dhacay AMA
  • degmadda aad ku leedahay kiis qoys oo maxkamadeed
     

Ka siin nuqul amarka ilaalinta ah bilayska deegaankaaga ama xafiiska shariifka. Haddii tacadi-gaystahu uu jabiyo amarka, waa ay og yihiin inay u baahan yihiin inay xiraan isaga.

Ma ka qaadi karaa talaabooyin sharci ah oo kale tacadi-gaystaha?

Waa aad u sheegan kartaa qaan lacageed tacadi-gaystaha haddii uu dhaawac jireed ku soo gaaray ama ay ku gaartay waxyeelo dhanka qalbiga ah. Waxaa jiri karta iyana sharciyan mas’uul ka ahaan waxyaabo kale. Kala tasho qareen waxyaabaha aad kala dooran karo. Degdeg ugu samee arrintaa!  Waxaa jira waqti gaar ah oo cayiman oo quseeya arrintan.

Cutubka 5. Bedelida ama Dheereynta mudadda Amarka (OFP)

Sidee ayaan u bedelaa amarkayga (OFP)?

Waxa aad u baahan tahay inaad waydiisato maxkamada inay bedesho amarkaaga (OFP). Tani waxaa la yiraa wax ka bedelid amarka. Buuxi foomamka sharxaya waxa aad doonayso inaad bedesho iyo sababta. Kolkaa ka dib ka xaree foomamka maxkamada. Waxa aad ka heli kartaa foomamka halkan:  www.mncourts.gov/GetForms.aspx?c=17&f=323 (ingiriisi kaliya).

Maxkamadu waxa ay qabataa balan dacwo dhagaysi ah. Tag maxkamada una sheeg xaakimka sababta aad ugu baahan tahay in amarkaaga (OFP) wax laga bedelo. Haddii aadan maxkamada tagin xaakimku ma uu bedelayo amarkaaga (OFP) ah. 

Tacadi-gaystahu waxa uu igu yiri waa aan is bedelay waana inaad joojiyo amarka (OFP). Ma joojiyaa?

Go’aanka adiga ayaa iska leh. Waxa aad u baahan tahay inaad si taxadar leh aad ku fakarto. Marmar badan tacadi-gaystayaashu waxa ay yiraahdaan waa ka xunahay wixii dhacay, laakiin wax yar ka dib tacadigii meeshii ayuu ka sii bilowdaa. Tacadi-gaystahu ma soo dhamaystay barnaamijka tacadiga qoyska dhexdiisa ah ama kuwa la talinta ah? Mise tani waa hadal iska balanqaad ah? Ma balan qaaday inuusan mar dambe wax ku yeelayn ama kuu dhaaranayn hada ka hor laakiin ma uu sameeyey wixii uu yiri ma sameynayo? Sidee ayuu tacadi-gaystahu kuu tusay inay dhab tahay inuu is bedelay?   

Hadii aad baabi’iso amarka (OFP) waxa kaliya oo heli kartaa mid cusub hadii ay jiraan tacadiyo kale.

Waxa aad haysataa waxyaabo kale oo aad kala dooran karo oo aan ka hayn inaad baabi’iso amarka. Waxa aad bedeli kartaa amarka si aad u ogolaato inaad waxa xiriiri kartaan si aad la talin u wada aadaan. Taasi waxay kuu ogolaan inaad is aragtaan isagoon tacadi-gaystahu ku xadgudbayn amarka (OFP). Laakiin ilaalinada kale ee amarka (OFP) waa ay sii jiri. 

Amarkayga Amaan Helidu OFP dhawaan ayuu dhacayaa. Ma cusboonay-siisan karaa?

Waa aad cusboonay-siisan kartaa amarkaaga (OFP) haddii:

  • tacadi-gaystahu uu jabiyey amarka AMA
  • tacadi-gaystahu uu kuu hanjabay adiga AMA
  • aad wali ka baqayso tacadi-gaystaha AMA
  • tacadi-gaystahu uu dhawaan ka soo baxayo xabsi
     

Khasab ma aha inaad cadeyso inuu jiro kiis cusub oo tacadi qoyska dhexdiisa ka dhacay ah. Ma quseeyso haddii uu dhacay amarkaaga (OFP) iyo haddii kale ama haddii tacadi-gaytahu uu ogolaaday amarka (OFP) ga ah.  

Maxkamadu waxa ay ka dhigi karaa amarka (OFP) mid jiri kara ilaa 50-sanno haddii:

  • aad ka qaadatay 2 ama in ka badan oo ah amarada (OFPs) tacadi-gaystaha AMA
  • tacadi-gaystahu uu jabiyey 2 ama in ka badan oo amarka (OFP) ah
     

Haddii aad u codsatay amar (OFP) ah oo 50-sanno ah ilmo aan qaan gaarin, waxa ay u baahan yihiin inay mar kale codsadaan kaligood kolka ay gaaraan 18 sanno jir.

Cutubka 6. Guurida Kolka aad Haysato Amarka Amaan Helida ah (OFP)

Ka waran haddii aan ka guuro ciwaanka ku qoran Amarka Amaan Helida ee (OFP)?

Amarka OFP waa uu shaqeyn xataa haddii aad guurto.  Ka fakar in aad maxkamada iyo bilayska deegaankaaga aad siiso ciwaankaaga cusub.  Hubi inaad u sheegto in ciwaankaaga uu qarsoodi yahay. Haddii aadan u sheegin inuu qarsoodi yahay, tacadi-gaystahu waxaa laga yaabaa inuu helo ciwaankaaga cusub.

Ka waran haddii aan ku noolahay ama ka shaqeeyo gobol kale?

Waydiiso nuqul sugan oo amarkaaga (OFP) ah maxkamada soo saartay. La tag nuqulka sugan maxkamada degmadda aad ku nooshahay ama aad ka shaqeyso. Waydiiso in la xareeyo ama la diiwaan geliyo isagoo ah “xukun qalaad”. Sharciga ayaa fara gobolada kale inay aqoonsadaan ayna oofiyaan amarkaaga (OFP) ah kolka aad ka xareyso.

Waxa aan u baahnahay inaan guuro si aan amaan u helo. Ma ka bixi karaa heshiiska guriga aad ku daganahay?

Sharciyan waa aad ka bixi kartaa heshiiska guriga haddii aad tahay dhibane dhib ka soo gaaray dagaal qoyska dhexdiisa ah, xoogid ama daba-gal.  Waa khasab:

1. Inaad ka siiso qolada guriga

  • Nuqul Amarka (OFP) ama kan (HRO)

    IYO
     
  • Warqad saxiixan taariikhduna ku taal oo oronaysa waxyaaban:
    • inaad cabsi weyn ka qabto qofka magaciisu ku xusan yahay amarka
       
    • aad u baahan tahay inaad joojiso heshiiska guri degida
       
    • maalinta aad baxayso
       
    • waxa aad rabto in qolada gurigu ay ka yeesho alaabtaada

Waxaa aad eegi kartaa tusmada ah “Liiska Degmooyinka ee Xafiisyada Adeegyada Sharciga Minnesota” gadaalka buugan yar ee gacanta.

2. Bixi kirada bisha aad guurayso. Waxaa kaa dhumi lacagta dabaajiga ah ee kaa taal. Qolada guriga ayaa u qaadanaysa ogolaanta ay kuu ogolaanayaan inaad ka baxdo heshiiska guriga.

Haddii aadan haysan (ama aadan doonayn inaad hesho) amarka (OFP) ama kan (HRO), waxa aad siin kartaa qolada guriga aad uga jirto warqad oronaysa inaad aad tahay dhibane dhib ka soo gaaray dagaal qoyska dhexdiisa ah, xoogid ama daba-gal. Waxaa aad eegi kartaa tusmo ah “Ogeysiiska Ka Bixidda Heshiiska Kirada Oo Ugu Wacan tahay Cabsi (sida uu dhigayo sharciga Minn. § 504B.206)” gadaalka buugan yar ee gacanta.

Warqadani waa khasab inay ka timaado

  • maxkamad
  • hay’adaha sharci ilaalinta
  • daryeel caafimaad-bixiye shahaadi ah
  • taakuleeye dhibanayaasha dagaal qoyska dhexdiisa ah dhib ka soo gaaray AMA
  • la taliye qaabilsan la talinta dadka la xoogo
     

Haddii aad su’aalo qabto, la soo xiriir xafiiska gargaarka dhanka sharciyada (legal aid) ama taakuleeyaha dadka lagu tacadiyo. Si aad u hesho qareen gal www.LawHelpMN.org/so/providers-and-clinics ama eeg Liiska Xafiisyada Gargaarada Dhanka Sharciyada ah (Legal Aid Offices) ee ku yaal gadaalka buugan yar. Waxaad kaloo akhriyi kartaa qaybta “Meesha Laga Helo Caawimaad” ee bogga 35.

Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan ka bixida liiska heshiiska gurigaaga ka eeg warqada xogta aruursan ee “Dhibanayaasha Dagaal Qoyska Dhex Mara, Qashqashaadda, ama Fal Dambiyeedka La Xiriira Galmoodka: Xaqa Aad U Leedahay In Aad Ka Baxdo Heshiiska Kirada” ee www.LawHelpMN.org.

Cutubka 7. Amarada Ka Reebida Khashkhashaadaha

Waa maxay Amarka Ka Reebida Khashkhashaadu?

Amarka ka Reebida Khashkhashaadu waa amar ka deyn dhibka ah si looga hortago khashkhashaada. Ma aha kiis dambi ah. Waxaana qaada maxkamadaha madaniga ah.

Waa maxay khashkhashaadu?

Khashkhashaada macnaheedu waa falal, hadal, ama tilmaam gacameed uu isticmaalo khashkhashaadahu taa oo carqalad ku noqota amaankaaga, nabadgelyadaada, ama qarsoodigaaga. Taasi waxa ay noqon kartaa:

  • habjabaad ah waxyeelid adiga ama hantidaada
  • marmar badan inuu ku soo waco tacadiyahu
  • ku dabagalo ama kor ka ilaalin
  • marmar badan u soo dirid ama u keenid shayaal adiga,
  • hal mar u gacan qaadid ama xoog kula galmood ah (waxyeelid)
  • u dirida sawiradaada galmada la xiriira ee qarsoodiga ah cid kale

Ciddee heli karta amarka khashkhashaad ka reebida ah?

Cid walba ayaa heli karta Amarka ka Deynta Khashkhashaada (HRO) ah.  Xiriirka u dhaxeeya adiga khashkhashaadahu shaqo kuma leh helida amarkan. Khaskhkhshaadahu waxa uu noqon karaa qof qalaad, daris ama qof aad wada shaqeysaan.

Waalid ama qof ay hooyada ama aabaha is qabaan ayaa u heli kara ilmaha amarka khashkhashaada reebida, hadii ilmaha la khashkhashayo.

Haddii adiga ciddi ku khashkhashayso, marmarka qaarkood waa ay ku caawin haddii aad marka hore ugu sheegto ciddaa qoraal ahaan sida dhambaal (text) ama emayl inay joojiso khashkhashaada. Nuqul kala har sida aad ugu sheegtay inay joojiyaan shashkhashaada. Qor mar walba oo aad khashkhashaadaha afka ugu sheegtay inuu joojiyo khashkhashaada.

Waa maxay faraqada u dhaxeeya haysashada amarka (HRO) iyo kan (OFP)?

Amarka (OFP) ah, tacadi-gaystahu waa khasab inuu noqdo qof qoyska ka tirsan, waa khasab inaad adigu la noolaan jirtay qofkaa, ama waa khasab in ilmo idin ka dhaxeeyaan ama xiriir kale oo jecayl oo weyn. Amarka (HRO), shaqo kuma leh xiriirka ka dhexeeya adiga iyo tacadi-gaystaha. Haddii aad leedihiin xiriirka ah nooca u baahan tahay  inaad hesho amarka (OFP), waa inaad dalbato Amarka (OFP).

Qaar ka mid ah habdhaqanadu kama soo baxaan qeexitaanada sharciga ee tacadiga qoyska dhexdiisa laakiin waxa ay ka soo baxaan qeexitaanada khashkhashaadaha. Tusaale ahaan, nin aad horey saaxiib u ahaan jirteen ayaa marmar badan kusoo wacay isagoo leh waxa aan ka qaadan ilmahaaga. Haddii ay kaa xanaajiso in wicitaanadiisu ay istaagayn, taa kolkaa waxa ay noqon khashkhashaaad. Haddii wicitaanadiisau ay ku galiyaan cabsi aad naftaada u baqayso, taa kolkaa waa tacadi qoys ka dhe dhacay.

Siddee ayuu Amarka (HRO) ii ilaaliyaa aniga?

Maxkamaddu waxa ay amri kartaa khashkhashaadaha inuusan kula soo xiriirin adiga iyo qoyskaaga. Waxa uu u ogolaadaa bilaysku inay xiraan khashkhashaadaha waaran la’aan. Amarka (HRO) waxa uu jiri karaa 2 haddii uu khashkhashaadahu hadda ka hor jabiyey amaro amaan bixin ah.

Siddee ayaan ku dalbadaa amarka (HRO)?

Si aad u hesho amarka (HRO) waxa aad u bahaan tahay inaad soo hesho foomamka, aadna buuxiso, aadna ka xareysato maxkamada. Maxkamadu waxa ay ku ooli kartaa degmadda

  • aad ku nooshahay AMA
  • khashkhashaadahaagu uu ku nool yahay AMA
  • degmadda khashkhashaadu ka dhacday
     

Uma aad baahnid qareen.

Waxaa jira khidmad ku baxda dalbashada amarka (HRO). Laakiin maxkamadu waa ay kaa saamixi kartaa ama kaa yareyn kartaa khidmada haddii: 

  • aad danyar tahay oo aadan awoodin inaad bixiso khidmadaha. Waydiiso maxkamada in khidmadaha lagaa saamaxo. Arrintan waxaa la yiraa  (“In Forma Pauperis”) ama (IFP). Foomkani waxa uu waydiistaa maxkamada inay kaa yareyso khidmada ama ay kaa wada saamaxdo si kolkaa aadan u bixin. Waxaad kaloo isticmaali kartaa wareysiga Hagida iyo xareysiga ee khadka (online) ka si aad u buuxiso foomamkaaga aadna ugu xareyso kumbuyuutarka. Si aad u bilowdo wareysiga Hagida iyo Xareysiga:

                AMA

  • Waxa uu khashkhashaaduhu kugu sameeyey waa dambi. Waxa aad ka codsan kartaa karaaniga maxkamada liiska dambiyada. Qaar ka mid ahi waa: 
    • dabagalka, kor kala socod, ama kormeerid adiga ah
       
    • fal sharci-darro ah oo ujeedadiisu tahay in adiga lagugu dhaawaco ama wax lagu yeelo hantidaada
       
    • xad-talaabid — guriga joogistiisa adigoon ogolaan
       
    • wicid ama dhambaal (text) u dirid marmar badan
       
    • xoog kula galmood
       
    • faraxumeyn ilmo aan qaan gaar ahayn  
       

Talaabadda 1: Soo hel foomamka

Foomamka aad u baahan tahay inaad u hesho Amarkaaga (HRO) waa “Dhaarta Codsadaha iyo Codsiga Amarka Ka Reebida Khashkhashaada” iyo Warqada Akhbaarta Hay’adaha Sharci Ilaalinta”  

  • Dhaartu (Affidavit) waa oraah xaqiiqda ku saabsan. Waxa aad ku bixin akhbaar aasaasi ah oo adigu kugu saabsan waxa aadna ku sharaxdaa khashkhashaada. Khasab kuguma aha inaad ciwaankaaga aad ku qorto oraahda dhaarta (affidavit) ah. Waxa aad waydiisan kartaa maxkamada in ciwaankaaga uu noqdo qarsoodi.
  • Codsigu waxa uu u sheegaa maxkamada waxa aad rabto maxkamadu inay sameyso. Waxa aad qori waxyaabaha aad doonayso maxkamadu inay ku amarto Amarka khashkhashaada (HRO).
  • Warqada akhbaartu waxa ay ka caawisaa bilayska ama askarta shariifka inay soo helaan khashkhashaadaha si kolkaa loogu geeyo foomamkaaga.
     

Waxaa jira 3 siyaabood oo aad ku heli foomamka:

1. Tag maxkamada ka dibna u sheeg inaad doonayso inaad xareysato Amarka (OFP).  Karaaniga maxkamada ayaa kolkaa ku siin foomamka aad u baahan tahay.

  • Degmadda Ramsey, waxaa ka jira xafiis gaar ah oo kaa caawin dalbashada Amarka (HRO). Wac Xafiiska Tacadiyada Qoyska/Khashkhashaadaha ee ah (651) 266-5130.

   AMA

2. Ka hel Foomamka khadka (online) si kolkaa aad u sii buuxiso iyaga ka hor inta aadan maxkamada aadin.

  • Riix “Harassment” (khashkhashaada)
  • Riix “Petitioner’s Harassment Packet” (Warqadaha Khashkhashaada ee codsadaha)
  • Si taxadar leh u akhri tilmaamaha.
     

  AMA

3. Ka buuxi kana xaree foomamka khadka (online) ka adigoo isticmaalaya habka maxkamada ee wareysiga Hagida iyo Xareysiga (ingiriisi kaliya). Barnaamijkan waxa uu kaa caawiyaa inaad adigu sameyso foomamka si aad uga codsato maxkamada Amarka (HRO).  Waxa ay uu u shaqeeyaa isagoo adiga su’aalo ku waydiinaya. Waxa uuma isticmaalaa jawaabahaaga si ay u buuxiso foomamka. Foomamkaaga kumbuyuutarka waa aad uga xareysan kartaa maxkamada. Ama waa aad daabacan kartaa foomamka waxa aadna la tagi kartaa maxkamada si aad u xareyso.

Si aad u bilowdo wareysiga Hagida iyo Xareysiga:  

  • Riix “Ask for a MN Restraining Order” (Waydiiso MN Amarka Nabadgelyada)
     

TALAABADA 2: Buuxinta Foomamka

Waxaa jira noocyo badan oo kala duwan oo khashkhashaado ah. Maxkamadu waa inay go’aansato in xaaladaadu ay ka soo baxayso qeexitaanada sharciga ah ee khashkhashaada. Bixi faahfaahinada ugu badan ee aad bixin karto iyo tusaalayaal khaas ah oo ku saabsan wixii dhacay.  Mar walba oo faahfaahino ay maxkamadu hayso, waa mar kasta oo ay si fiican u fahmi karaan wixii dhacay. Maxkamadu kaliya waxa ay eegi akhbaarta ku qoran foomamkaaga si ay u go’aansato inaad hesho amarka (HRO) iyo in kale.

Foomamkaaga,  ugu sheeg maxkamada

  • Goorma ayey khashkhashaadu dhacday? Isticmaal maalin cayiman. Haddii aadan xusuusan maalinta khashkhashaadu dhacay, u sheeg maxkamada bisha ama maalinta asbuuca.
  • Maxay ahayd khashkhashaadu?  Ha isticmaalin eryada sida “waa uu i daba galay” ama “wax badan bay I soo wacday.”  Intii aad taa oran lahayd u sheeg maxkamda faahfaahino cayiman.  Tusaale ahaan:
    • Waxa aan arkay isaga oo dhex fadhiya gaarigiisa oo yaal gurigayga hortiisa maalin walba 5-tii-cisho ee la soo dhaafay. Shalay iyana waxa uu dabagal shaqada waxa uuna dhex fadhiyey maalintii oo dhan gaarigiisa ilaa aan  shaqada ka soo rawaxay.  
       
    • Ilaa iyo Oktoobar 15, 2020, waxay isoo wacday marmar badan ugu yaraan 15 goor maalintii. Waxa ay isoo wacday 26 goor shalay kaliya.
       
  • Muxuu kugu yiri khashkhashaadahu? Isticmaal erayada uu u isticmaalay hanjabaada. Xataa haddii uu khashkhashaadahu uu kuu dhaartay ama uu ku caayey, waa inaad ku qortaa foomamka erayada uu yiri.
     

TALAABADA 3: Xareyso Foomamka

La tag foomamka buuxsan maxkamada si aad u xareysato.

Haddii aad isticmaashay wareysiga khadka (online) ka ee (“Hagid iyo Xareyn”) si aad u buuxiso foomamkaaga, waxa aad ku xareyn kartaa foomka kumbuyuutarka.

Kaliya uun xaakimka ayaa go’aansada haddii aad heli Amarka (HRO) iyo haddii kale. Waxa ay ku qaadan kartaa 1-3 cisho xaakimku inuu go’aan ku gaaro.  

TALAABADA 4: Diyaarinta  “adeega”

Foomamka aad buuxin doonto si aad ugu codsato Amarka (HRO) waa khasab in loogu geeyo khashkhashaadaha qaab cayiman. Arrintaa waxaa la yiraa “habka adeega” ama “adeeg.” Taa macnaheedu waa qof kale oo aan adiga ahayn ayaa gacanta ugu geeya warqadaha khashkhashaadaha. Warqada akhbaarta ee Hay’adaha Sharci-Ilaalinta ee aad buuxisay waxa ay ka caawin bilayska iyo shariifka inay warqadaha maxkamada u geeyaan khashkhashaadaha.

Haddii aad adeegsato shariifka ama bilayska, wax kharash ah adigaa kaagama ay bixi taa.  Laakiin waxaa dhici karta inaad u baahato inaad adigu warqadaha u geyso shariifka. Askarta shariifku badanaa waxaa uu joogaan maxkamada dhexdeeda ama meel aan ka dheerayn. Sii shariif dhamaan wixii akhbaar ah ee aad siin karto ee ku saabsan meesha laga heli karo khashkhashaadaha. Degmooyinka qaarkood, karaaniga maxkamada isaga ayaa dhameeya hawsha ah gaarsiinta warqadaha shariifka.

Haddii maxkamadu aysan ku siin adiga amarka (HRO) aysana qaban balan dacwo dhagaysi. Khashkhashaadaha kolkaa looma geyn doono foomamkaaga.

Ma u baahnahay garnaqsi maxkamadeed si aan u helo amarka (HRO)?

Maya waa laga maarmi karaa.  Kiisaska qaarkood waxa aad heli kartaa Amarka (HRO) iyadoon la qaadin wax dacwo oo garnaqsi ah. Maxkamadu waxa ay ku siin kartaa Amarka (HRO) ah oo ku meel gaar ah (“ex parte”).  Taa macnaheedu waa iyadoon loo sheegin qofka dhinaca kale ee kiiska. Kani waa amar lagu siinayo waayo akhbaarta foomka ku qoran ayaa waxay muujinaysaa inay jirto khatar degdeg ah oo khashkhashaad ah. Waxa aad amarka heli ka hor inta uusan khashkhashaadahu helin fursad uu ku sheegto sheekada dhinaciisa.

Haddii aad hesho amarka ku meelgaar ah ee (ex parte HRO), khashkhashaadahu waxa uu codsan karaa dacwo garnaqsi ah. Shashkhashaadahu waxa uu haystaa 20-cisho oo uu ku codsan karo dacwo garnaqsi ah ka dib kolka warqadaha loo geeyo (uu helo foomamka). Haddii aadan ogaysiis boostada ku helin, mar walba maxkamada si aad u eegto in khashkhashaadahu uu codsaday dacwo garnaqsi ah iyo in kale. Hadii aadan tagin dacwada garnaqsiga ah, khashkhashaadahu waa loo xukumi karaa in la baa’biyo amarkaaga (HRO) ah. Wax ilaalin ah ma aad heli doontid.

Haddii xaakimku uu diido codsigaaga amarka (HRO), waxa aad codsan kartaa dib u eegid.  Xilligaa dhagaysiga dacwada dib u eegida ah, waxa aad u baahnaan doontaa inaad cadeyso in akhbaarta ku qoran foomamkaagu ay run tahay iyo in falalka shashkhashaadahu ay ka soo baxayaan qeexitaanada sharciga ah ee khashkhashaada.

Maxaa ka dhici xilliga dacwada garnaqsiga ah?

Waxa aad soo bandhigi kiiskaaga. Waxa aad u sheegi xaakimka waxa dhacay iyo sababta aad ugu baahan tahay Amarka (HRO).  Arrintan waxaa la yiraa makhraati furid.  Haddii aad hayso daliilo lagu cadeynayo khashkhashaada, u dhiib xaakimka kolkaa.

Daliilahu waxa ay noqon karaan telefoon wicida, fariimaha dhambaalada (text) ah ee cadeynaya in khashkhashaadahu uu marmar badan ku soo wacay ama dhambaalo (text) soo diray. Waxay kaloo noqon karaan sawiro, warbixinada bilayska ama qoraalada caafimaad haddii jir ahaan ama galmo ahaan wax lagu yeelay. Haddii aad ku hayso wax dhambaalo ah (texts) ama sawiro ah telefankaaga aadna doonayso in xaakimku uu arko, waxa aad u baahan tahay inaad uga soo saarto telefanka waxyaabahaa dacwada awgeed.

La imow nuqulo daliilahaaga ah xilliga dhagaysiga dacwada. Mid nuqulada ah waxaa la siin xaakimka, midna waxaa la siin tacadi-gaystaha, midna adiga ayaa haysan. Hubi inaad dhamaan kuligood soo qaadato. Marka kale oo dambe ma aad keeni kartid ama ma aad oran kartid gurigii ayey jiraan oo ha dhow ayaan keeni karaa.

Ka dib kolka aad soo bandhigto dacwadaada, tacadiyahu waa soo bandhigi isna kiiskiisa. Tani waa waqtigiisa uu ku sheegayo sheekadaiisa uuna ku tusi xaakimka wixii daliilo ah ee uu haysto.

Marmarka qaarkood, ka hor inta aan dacwadu bilaabmin, xaakimku waxa uu waydiistaa adiga iyo khashkhashaadahu inaad dhexdhexaadin aadaan. Khasab ma aha inaad heshiis gartaan xilliga dhexdhexaadinta. Haddii aad ka baqayso khashkhashaadaha xaakimka u sheeg. Waxaa dhici karta in aysan dhexdhexaadini dhicin haddii aad ka baqayaso khashkhashaadaha.

Ka waran haddii khashakhaadahu uu uu jabiyo amarkayga (HRO)?

Wac bilayska. Bilaysku waa khasab inay qabtaantacadi gaystaha haddii ay rumaysan yihiin inuu jabiyey amarka (HRO). Bilayska khasab ma aha inay iyagu arkaan jabinta. U sheeg bilayska inaad haysato Amar (HRO) ah. Waydii inay qabtaan isaga.

Jabinta amarka (HRO) waa dambi dhexe. Ciqaabta waxaa ku jiri kara xabsi iyo ganaaxyo. Ciqaabta ugu badan waa 90-cisho oo xabsi ah ama ilaa iyo $700 oo ganaax ah. Ciqaabaha ay xaakimyadu amraani badanaa aad bay uga hooseeyaan kuwaa. Ciqaabta jabinta amarada waa ay korortaa mar walba oo ay sii korodho tirada inta goor ee amarada la jabiyey.

Waxaa kale oo aad maxkamada ka codsan kartaa in lagu soo oogo khashkhashaadaha dambi maxkamad yasid ah. Karaaniga maxkamada ayaa haya foomamka arrintan.

Xaggee ayaan ku xafidaa nuqulada amarkayga Khashkhashaad ka Reebida ah?

Ka sameyso nuqulo amarkaaga (HRO) mar walbana nuqul adigu wado. Nuqulna boorasada ha kuugu jiro, midna gaariga ha kuugu jiro, midna shaqada ha kuu yaalo ama meel kasta oo kale ee looga baahdo. Bilaysku waxa ay u badan tahay inay khashkhashaadaha u xiraan jabinta amarka (HRO) da haddii aad wadato nuqul amarkaaga ah.

Tixgeli siinta nuqulo amarkaaga (HRO) ah qolada guriga aad uga jirto, kormeerahaaga shaqada, bixiyeyaasha daryeelada xanaanada ilmaha iyo   iskuulka ilmahaaga.

Cutubka 8. Dambi ku soo Oogida Tacadi-gaystayaasha

Dambi ma la gaystay? Maxaan sameeyaa?

Mar walba oo jir ahaan ama galmo ahaan wax lagu yeelo (waxyeelid), dambi ayaa la gaystay.  Siddoo kale waa dambi in tacadi-gaystahu uu jabiyo amarka (OFP) ama kan (HRO).

Wac 9-1-1 kolka dhibku dhaco. Badanaa bilayska waxa ay ka qoraan warbixino kolka 9-1-1 ka waco. Ma ay qoraan warbixin  mar walba oo la waco. Haddii aad wacdo bilayska, waydii inay qoraan warbixin. Waydiina inay nuqul kaa siiyaan warbixinta. Mar walba oo dambi la gaysto waxa aad waydiisan kartaa bilayska inay qoraan warbixin bilays. Haddii aadan bilayska wicin kolkii dhibka laguu gaystay, gadaal ayaad ka wici kartaa, waxa aadna waydiisan kartaa inay warbixin qoraan kolkaa.

Marna la ha ka soo qaadin in tacadi-gaystaha dambi lagu soo oogi doono sababtoo ah bilayska la wacay uun, tacadi-gaystaha oo la qabtay, ama bilayska oo warbixin bilays qoray. Haddii aad doonayso in xeer-ilaaliyeyaashu ay dambi ku soo oogaan tacadi-gaystaha, wac xeer-ilaaliya una sheeg taa. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad ku darto faahfaahino kale warbixinta bilayska. La socodsii xeer-ilaaliyaha inaad doonayso in tacadi-gaystaha dambi lagu soo oogo.

Waa ay ku caawin inaad soo kaxaysato taakuleeye ama qof ku gargaara kolka aad la hadlayso bilayska ama xeer-ilaaliyaha. Eeg “Meesha Laga Helo Caawimaad” ee bogga 35. Xareysiga warbixin bilays ama codsiga maxkamadeyntu waa mid dhib badan walwal badana keeni kara. Waa ay ku caawin inuu kula joogo qof ku gargaara.

Maxay tahay sababta aan u rabi karo in tacadi-gaystaha dambi lagu soo oogo?

  1. Waayo waxa aad tahay dhibane dambi laga galay.  Waa sharci-darro in wax la yeelo ama loo hanjabto cid kale.
     
  2. Haddii lagu helo tacadi-gaystahu waxaa dhici karta inuu xabsi ama ganaax qaabilo.
     
  3. Waxaa dhici karta inay joojiso dagaalka.
     

Haddii lagu helo dambi, tacadi-gaystaha waxaa dhici karta inuu xabi galo. Tani mar walba ma dhacdo. Waxa aad xaq u leedahay inaad u sheegto xeer-ilaaliyaha ama maxkamada nooca ay tahay ciqaabta aad is leedahay waa in la mariyo tacadi-gaystaha. Xeer-Ilaaliyahu waxaa dhici karta inuu tixgeliyo waxa aad rabto kolka uu go’aansanayo maxkamadeynta iyo xukun ku ridida tacadiyaha. Maxkamadu waxa ay amri kartaa inuu maro la talin ama dabiib tacadi-gaystahu. Maxkamadu waxay kaloo amri kartaa tacadi-gaystaha inuusan wax xiriir ah kula soo yeelan.   

Ku maxkamadeynta tacadi-gaystaha dambi waxa ay ku siisaa adiga wuxuun ilaalin ah waayo:

  • tacadi-gaystaha waxaa dhici karta in xabsi la geliyo
  • maxkamadu waxa ay amri kartaa in aan la wada xiriirin
  • maxkamadu waxaa dhici karta inay awoodi karto inay kormeerto falalka tacadi-gaystaha
  • Tacadi-gaystaha waxaa dhici karta inuu helo dabiib ku saabsan tacadiga qoyska dhexdiisa ah ama isticmaalka daroogo/khamri
     

Nidaamka maxkamaddu waa hal jid oo la adeegsan karo si la isugu dayo in la joojiyo dagaalada qoysaska dhexdooda ah. Dagaaladda qoysku badanaa ma istaagaan iyadoon caawimaad la helin.

Ka waran haddii aan go’aansado in aanan doonayn in tacadi-gaystaha dambi lagu soo oogo?

Haddii bilaysku arrinta ku leg leeyihiin, go’aanka ah dacwada soo oogidu ma aha mid aad adigu leedahay. Xeer-ilaaliyaha ayaa gaara go’aanka in cid dambi lagu soo eedeeyo iyo in kale ah. Waa aad waydiisan kartaa in xeer-ilaaliyahu inuusan dambi ku soo oogin tacadi-gaystaha, laakiin  isaga ama iyada ayey jirtaa taasi.

Xeer-ilaaliyahu waxaa dhici karta inuusan dambi ku soo oogin tacadi-gaystaha haddii aadan doonayn inaad makhraati furto. Laakiin marmarka qaarkood waxa ay haystaan daliilo kale waana ay ku soo oogi dambiyo tacadi-gaystaha.

Haddii bilaysku aysan arrinta ku leg lahayn waa inaad qortaa tacadiga xataa hadii aadan doonayn in tacadi-gaystaha dambi lagu soo oogo. Tani 2 siyaabood ayey wax u caawin kartaa:

  1. Haddii uu tacadi-gaystahu uu marka kale dagaal gaysto, waxa aad u baahan tahay inaad cadeyso waxa markaa ka hor dhacay.
     
  2. Haddii ay horey I jireen wax dacwado maxkamadeed ah sida amarka (OFP), haynta ilmaha, furiin, ama ilaalinta ilmaha, waxaa dhici karta inay kaa caawiso inaad cadeeyso in tacadi-gaystahu uu horey dagaal u sameeyey.
     

Waxyaabaha kale oo aad sameyn karto:

  • Haddii ay jiro warbixin bilays, ka hel haysana mar walba nuqul.
  • Haddii ay wax dhaawac ahi ku soo gaareen sawiro ka qaado. Waxa aad waydiisan kartaa inay bilaysku sawiro u qaadaan warbixintooda. Waxaa aad waydiisan kartaa saaxiib ama taakuleeye inuu sawirada kaa qaado adiga.  
  • Hubi in qoraalada aad sameysato iyo warqadaha aad soo aruuriso la dhigo meel uusan tacadi-gaytsahu ka heli karin.
  • Haddii ay wax ku gaaraan hel daryeel caafimaad. Waydiiso dhaqtarka ama kalkaalisada ku daryeelaya inay ku qoraan waxa kalifay dhaawaca ku gaaray diiwaanadaada caafimaad. Sheeko been ah HA ALIFIN oo ku saabsan sida dhaawacu kuu gaaray, sida “albaabku dhicid.” Waxaa dhici karta inay ha dhow adkaato in runta la ogaado haddii diiwaanadaada caafimaad aysan ku qornayn waxa runtii dhacay.
  • Sawiro ka qaad wixii hanti ah ee wax la yeelo. Haddii aad hagaajiso ama aad bedesho hanti nuqul ka hayso waxa aad sameysay. Meel dhigo alaabta wax la yeelay haddii aad u baahato ha dhow si aad u cadeyso waxa dhacay.
  • Meel ugu qoro xusuus qor ahaan tacadiga dhacay. Qor mar walba oo uu tacadi-gaystahu uu kuu gacan qaado, kuu hanjabo, ama wax ku yeelo. Meel ku qoro taariikhda iyo akhbaar cayiman.  

    Tusaale ahaan
    Bishii Juun 12, 2020 - Chris waxa uu igu tuuray darbiga musqusha. Waxa uuna uuna yiri, “Nasiib baad leedahay qori ma haysto.” Garabka ayaana wax iga gaareen.

Cutubka 9. Meesha Laga Helo Caawimaad iyo Foomamka

Meesha Laga Helo Caawimaad

Taakuleeyaha dhibanayaasha dhibku ka soo gaaro tacadiga qoyska ayaa waxa ay kaa caawin karaan inaad sameysato qorshayaal aan amaankaaga ku sugayso.  Taakuleeyeyaashu waxa ay caawiyaan ragga iyo dumarka lagu tacadiyey. Si aad u hesho barnaamijka tacadiyada qoysaska dhexdooda ah ee deegaankaaga: 

  • Wac Hay’ada (Minnesota DayOne) ee khadkeedu yahay 866) 223-1111
  • Gal shabakada Hay’ada (Violence Free Minnesota) vfmn.org
    • Ka dibna riix “Get Help (Hel Caawimaad)
       
    • Ka dibna riix “Find a program near you” (Hel Barnaamij kuu dhow)
       
    • Barnaamijyada waxay u qortaa degmaddu sida xarfahoodu u kala horeeyaan
       

XUSUUSNOW:  Cidna xaq uma leh inay wax ku yeesho ama kuu hanjabto. Waxa aad xaq u leedahay inaad amaan hesho.

Ma tihid qofka kaliya ee dhib kan oo kale ahi uu soo maray. Kaligaa ma tihid. Waxaa jira dad iyo sharciyo ku caawinaya. Taakuleeyayaal ayaa la heli karaa ku caawin kara iyo qareeno iyaguna ku caawin kara. Dadka ka soo shaqeeyey inay joojiyaan dagaalada qoyska dhexdiisa ah waxay soo ogaadeen in helida amarada (OFP) iyo/ama maxkamadeynta dambi ku soo oogida ahi AY CAAWIYAAN joojinta dagaalada qoysaska dhexdooda ah.

Foomamka Maxkamada

Amarka (OFP) (Amarka Amaan Helida) iyo foomamka la xiriira waxaa laga heli karaa shabakada laanta sharciyada ee Minnesota (Minnesota Judicial Branch) ee ah www.mncourts.gov/GetForms.aspx?c=17

Amarada (HRO) (Amarada Ka Reebida Khashkhashaada) iyo foomamka la xiriira waxaa laga heli karaa shabakada laanta sharciyada (ee Minnesota (Minnesota Judicial Branch) ee www.mncourts.gov/GetForms.aspx?c=22 (ingiriisi kaliya).

Haddii laan sharci lagu dhinac qoray foom, foomkaa waxaa laga isticmaali kara uun kaliya gudaha laantaa. Haddii eray “gobolka oo dhan” ay ku qoran tahay, foomkaa waxaa laga isticmaali karaa laan walba oo gobolka ah. 

Waxa kale oo aad ka buuxin kartaa kana xareyn kartaa foomamka khadka (online), adigoo isticmaalaya habka maxkamada ee la yiraa wareysiga Hagida iyo Xareysiga. Barnaamijkan waxa uu kaa caawiyaa inaad adigu sameyso foomamka si aad uga codsato maxkamada Amarada (OFP) ama (HRO).  Iska wareysi isku mid ah ayaa loo isticmaalaa labada amar ee  (OFP) ama (HRO).  Wareysigu adiga ayuu su’aalo ku waydiin ka dibna waxa uu isticmaashaa jawaabahaaga si uu buuxiyo foomamka. Foomamkaaga kumbuyuutarka waa aad uga xareysan kartaa maxkamada. Ama waa aad daabacan kartaa foomamka waxa aadna la tagi kartaa maxkamada si aad u xareyso.

Si aad u bilwdo wareysiga Hagaha iyo Xareysiga (ingiriisi kaliya):