Furiinka: Hagaha Aasaasiga Ah Ee Sharciga Minnesota

Waxaa qoray
Education for Justice

Buugan yar ee gacantu waxa uu sharxaa xaquuqdaada ku saabsan furiinada oo ay ku jiraan akhbaarta ku saabsan haysashada ilmaha, waqtiga waalidka, masaariifta ilmaha iyo xaqqa xilahu isku leeyahay, qaybinta hantida iyo deynta.

Eegida ama daabicida dukumiintiyada

Cutubka 2: Waa kuwee Arrimaha ay Maxkamadu Go’aansato Xiliga Furiinka?

Arrimaha quseeya furiinka

Kuwaasi waa dhamaan arrimaha loo baahan yahay in lagu go’aansado furiinka. Haddii labada dhinac aysan ku heshiin karin arrimahaa, maxkamada ayaa go’aansata. Hadii labada qof ee is furaysaa aysan ilmo isu lahayn, sedexda arrimood ee ugu horeeyaa ma ay quseeyaan iyaga.   

  1. Haynta Ilmaha

  2. Waqtiga Waalidka

  3. Masaariifta Ilmaha

  4. Xaqqa Xilaha

  5. Qaybinta Hantida

  6. Qaybinta Deynta

  7. Kaar caafimaadka

Maxkamadaha Minnesota badanaa waxa ay wax ka awoodaan dadka iyo hantida Minnesota. Awoodan waxaa la yiraa xukun hoos imaan. Hadii qof warqada maxkamada loogu geeyo meel ka baxsan Minnesota ama la waayo qofka ka dibna la baafiyo si shuruudaha warqad u geynta looga soo baxo, kolkaa waa la xadiday waxa ay maxkamadu go’aansan karo. Waxaa dhici karta kaliya inay maxkamadu awoodo uun inay:

  • kala dirto dadka isqaba (dhamayso)

  • go’aansato waqtiga waalidka ee ilmaha ku nool Minnesota

  • ay xukunto cidda yeelanaysa mulkiyada wixii hanti ah ee Minnesota yaal

Kolka xilaha loogu geeyo warqadaha furiinka gobol kale, kiis gaar oo quseeya masaariifta ilmaha ayaa la bilaabi karaa iyadoo gargaar laga helayo xafiiska masaariifta ilmaha ee Degmadda iyo xeer-ilaaliyaha degmadda. Hanaankan, Maxkamada Minnesota waxa ay u sheegtaa maxkamada gobolka kale in waalid ku nool gobolka kale lagu leeyahay masaariif ilmood. Ka eeg buugayada yar “Gundhiyada Masaariifta Ilmaha” wixii kale ee akhbaar ah: www.lawhelpmn.org/resource/child-support-basics.

Haynta

Waxaa ku jira 2 qaybood:

  • Haynta Sharciga

  • Haynta La Noolaanshaha ah

Haynta Sharciga ah

Haynta Sharciga ahi waxaa loogu yeeri karaa “haynta go’aan gaarida.” Haynta caynka ahi waxa ay ku shaqo leedahay xaqqa waalidku uu ku gaari karo go’aamo waaweyn oo ku saabsan nolosha ilmaha:

  • meesha uu ilnmahu iskuulka ka dhigaynayo

  • diinta

  • daryeelada waaweyn ee caafimaad

Maxkamadu waxa ay siin kartaa haynta sharciga ah mid ka mid ah labada waalid ama si wadajir ah ayey u wada siin kartaa labadooda. Tan waxaa la yiraa haynta sharciga ah ee la wadaago. Haynta sharciga ah ee la wadaago macnaheedu waa labada waalidba waxay leeyihiin xaq siman iyo waajibaad ku saabsan go’aamada waaweyn. Waxa ay u baahan yihiin inay isku raacaan kolka go’aan weyn loo baahdo in la gaaro. Maxkamadu waxa ay jeceshahay in labada waalid ay wadaagaan haynta sharciga ah aan ka ahayn in labada waalid aysan wada shaqeyn karin ama ay jirtay tacadi qoyska dhexdiisa ka dhacay. Haynta Kalida ah macnaheedu waa hal waalid ayaa gaara go’aamada waawey oo dhan.  

Hadii ay tahay haysashada sharciga ahi mid kali ah ama mid la wadaago, labada waalid mar walba waxa ay xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo iskuulka ilmahooda, daryeelada caafimaad iyo go’aamada kale ee waaweyn. Labada waalidba waa ay ka qaybgali karaan shirarka iskuulada, balamaha dhaqaatiirta ayna telefanka kula xiriiraan intii suurtagal ah ilmaha.

Haysashada Ilmaha

Macnaheedu waa la noolaanta ilmaha iyo gaarida go’aamada maalin walba ee ku saabsan daryeelka ilmaha. Hayshada Ilmaha ee kalida ah macnaheedu waa in ilmahu la nool yahay (inta badan) hal waalid.  Hayshada Ilmaha ee la wadaago macnaheedu waa in ilmahu uu la nool yahay labada waalid uuna u dhaxeeyo lana wadaago waqti labada waalidba.  Haysashada ilmaha ee la wadaago macnaheedu ma aha in waalidku uu waqti is le’eg uu ilmaha haysanayo. Waqtiga waalidku waa waxa xukuma inta uu le’eg yahay waqtiga uu ilmahu la joogayo waalid walba.

Sidee ayey maxkamadu u go’aansataa haynta ilmaha hadii waalidku aysan ku heshiin karin? 

Hadii qolyahu ay ku heshiin waayaan haynta ilmaha, kolkaa waa khasab inay maxkamadu go’aamiso arrinta. Maxkamadu waxa ay eegtaa 12 ka arrimood ee soo socda si ay u go’aansato waxa ay tahay maslaxada ilmahu. 12 ka arromoodi waa:

  1. Baahida ilmaha ee caafimaadka jirka, caadifada, caqiidada iyo baahiyo kale. Siddee ayey waalidka qorshayaashooda ku saabsan ilmahu uu u saameeyaa baahiyahaa iyo koritaanka ilmaha?   

  2. Ilmahu ma leeyahay arrimo caafimaad, oo maskaxda ah ama kuwa tacliineed oo gaar ah oo u baahan wax ka qabad waalid oo gaar ah ama helida adeegyo?  

  3. Imahu isagu muxuu jecel yahay?  Waxa ilmahu uu rabo waxaa dhici karta inay saameyn ku yeeshaan maxkamada hadii maxkamadu ay go’aansato in ilmahu uu awoodo, uu jiro da’ ku filan, uuna mas’uul yahay oo waxa uu rabo uu dooran karo.

Ogow: Ilmahaagu makhraati kama uu furi karo maxkamada. Ka taxadar sida aad ugala hadasho ilmahaaga kiiska maxkamada. Aad ayuu wax u yeelaa ilmaha dagaalka waalidka u dhaxeeya hadii uu iyaga soo gaaro. Marmarka qaarkood, xirfadle ay maxkamadu dooratay ayaa la kulma ilmaha si uu ugala hadlo waxa ay rabaan.

  1. Ma ka dhex dhacay dagaal qoysaska labada waalidka? Waa maxay faah-faahinada waxa dhacay, mise saameysaa waalidnimada ama amaanka iyo baahida ilmaha?  

  2. Waalidku ma qabaa wax dhibaato ah oo ah dhanka jirka, miyirka ama isticmaalka maandooriyeyaasha oo saameeya amaanka ilmaha ama baahidiisa horukac? 

  3. Sidee ayuu waalid walbaa u fidiyey daryeel hada ka hor?

  4. Diyaar u ahaanta iyo awoodida uu waalid walbaa ku sii wadi karo daryeelida ilmaha. Sidee ayuu waalidku uga soo baxaa ilmaha baahidiisa ah dhinacyada koritaanka, caadifada, caqiidada iyo dhaqanka? Waalidku ma noqon karaa mid joogta ugu hogaansama ugana soo baxa waqtiga booqashada ee waalidka? 

  5. Isbedelka guriga, iskuulka iyo beeshu ma saameeyaan ilmaha hagaagsanaantiisa iyo horukaciisa? 

  6.  Xiriirka ilmaha ee waalid walba, walaal, iyo cidii kaleba ee muhiim ku ah ilmaha. Qorshaha haynta ilmaha ee la soo jeediyey ma saameyn doonaa xiriiradaa dadka kale? 

  7. Inta badan waxaa u roon ilmaha inuu la qaato waqti ugu badan ee suurtagala ah labada waalidba. Maxkamadu waxa ay eegtaa arrintan waxay sidoo kale eegtaa hadii la qaadashada waqti yar mid labada waalid ahi ay si uun waxyeelo ugu gaysan karto  ilmaha.   

  8. Labada waalid mid walbaa ma ka caawin doonaa ilmahu inuu in badan oo joogta ah la xiriiro waalidka kale? (marka laga reebo marka ay jiraan dagaal qoyska dhexdiisa ah – eeg #4)

  9. Diyaar u ahaanta iyo awoodida waalidku ay ka wada shaqeyn karaan korinta ilmahooda. Waalidku ma wadaagi karaan akhbaar? Ma ka ilaalin karaan khilaafkooda ilmaha? Ma leeyihiin qaabab fiican oo ay ku xalin karaan khilaafaadka go’aamada waaweyn ee ku saabsan ilmahooda? 

Maxkamadu waa inay qorto gun xaarka (sababaha ay wax ugu go’aaminayaan siyaabaha qaarkood) dhamaan arrimahaa oo dhan. Maxkamadu waa khasab inay sheegto sida ay u go’aansatay waxa maslaxada u ah ilmaha. Maxkamada waa inay eegto arrimaha oo dhan ee aysan eegin uun hal arrin ah kolka ay go’aanka gaarayso.

Kiisaska qaarkood, maxkamadu ma ay gaari karto go’aan ku saabsan haynta ilmaha sababtoo ah ilmahu kuma uu noola ama kuma uu noolaan muddo ku filan Minnesota. Kiisaska caynkaa ah  maxkamadu ma ay laha awood sharci oo ay ku go’aansato haynta ilmaha.

Waa ku adag tahay waalidka lagu helo dambiyada dagaalka ama tacadiga ah qaarkood inay helaan haysasho ilmaha ama waqtiga waalidka. Wakiil maslaxada ilmaha qaabilsan loo la yiraa (“guardian ad litem”) ayaa loo magacaabaa si uu uga shaqeeyo maslaxada ilmaha uuna talooyin ugu soo jeediyo xaakimka.   

Waqtiga Waalidka

Kolka labada waalid ay kala baxaan, maxkamadu inta badan waxa ay rabtaa in labada waalidba ay ku lug yeeshaan nolosha ilmahooda. Waqtiga waalidku waa waqti uu waalidka mid walbaa ilmaha waqti la qaato. Shaqo kuma leh arrintani cidda haysashaha ilmaha loo xukumay ama nooca haysashadu ay tahay. Waqtiga waalidku waa waqti booqashada oo kale. 

Waqtiga waalidku waxaa goyn karta Maxkamada. Hadii ilmahu uu inta badan (badanaa) la nool yahay hal waalid, waalidka kale, (ee la yiraa “waalidka aan ilmaha hayn”) waxaa la siin karaa waqti waalid.  Maxkamadu waxay kaloo dejin kartaa jadwal waqti waalidka ah kolka labada waalid ay wadaagaan haynta ilmaha. Waqtiga waalidku waa inuu noqdaa mid ka shaqeeya maslaxada ilmaha.  

Si ay u gooyso waqtiga waalidka, maxkamadu waxa ay eegtaa arrimo badan sida da’da ilmaha, amaanka ilmaha, iyo xiriirkii uu horey ilmaha ula lahaa waalidka aan haynin. Waxaa jira 12 tobon arrimood oo maslaxada ilmaha ku saabsan oo khasab ay tahay in la tixgeliyo. Ka eeg qaybta “Haynta” ilmaha ee ka bilaabmaysa bogga 7.    

Guud ahaan, waalidka aan ilmaha hayni waxaa uu helaa ugu yaraan 25% oo waqti waalid ah. Tan waxaa la xisaabiyaa iyadoo la tiranayo tirada inta habeen ee ilmahu la baryo waalidka muddo 2-asbuuc ah. Tusaale haan, 25% waxa ay la mid tahay Sabti iyo Axad dhaaf iyo hal maalin asbuucii.

Diidida iyo faragashiga jadwalka go’an ee waqtiga waalidku waxa ay keeni kartaa waqti kale oo siyaado ah oo loo xukumo waalidka kale ee loo diiday waqtigiisa caadiga ah ee waalidka. Maxkamadu waxa ay eegi sababaha loogu hogaansami waayey jadwalka waqtiga waalidka. Hadii ay maxkamadu xukunto in waalid uu si ku talagal ah uu ugu diiday ama u faragashaday waqtiga waalidka kale in ka badan hal mar kolkaa maxkamadu waxa ay u xukumi waqti badan oo waqtiga waalidka ah waalidka loo diiday waqtigooda caadiga ah ee waalidnimada. Waxa kaliya oo laga reebaa taa waa hadii diidmadu waqtiga waalidku ujeedadeedu ahayd ilaalinta caafimaadka jirka iyo kan miyirka ee ilmaha. Maxkamadu waxa ay ciqaabi kartaa waalidka diiday ama faragashaday waalidka kale waqtigiisa caadiga ah ama waxay noqon kartaa arrin ay tix-geliso kolka ay go’aansanayso arjiga bedelida haynta ilmaha.  

Waqtiga Waalidka ee cayiman

hadii waalidku aysan ku heshiin karin jadwal, maxkamada iyada ayaa goyn jadwalka waqtiga waalidka. Maxkamadu waxa ay tixgelin da’da ilmaha, inta ay isu jiraan goobaha waalidku kala degan yihiin, jadwalka iskuulka, iyo hawlaha iskuulka ka dib la galo kolka ay goynayso jadwalka waqtiga waalidka.

Waalidku mar walba oo ay rabaan ayey ku heshiin karaan inay bedelaan waqtiga waalidka. Tusaale ahaan, labada waalid kii raba ayaa ka codsan kara kan kale inuu maalin ka boodo ama uu gudo waqti kale maalintaa.  Laakiin hadii labada waalid aysan heshiis ku ahayn isbedeladaa, waa khasab inay raacaan jadwalka waqtiga waalidka ee ku qoran amarka maxkamada.

Waqti Waalid oo dheeraad ah si loo bixiyo Hayn Ilmood (Child Care)

Maxkamadu waxaa dhici karta inay siiso waqti waalid oo dheeraad ah waalidka midkii si uu u hayo ilmaha kolka waalidka kale uu shaqaynayo.  Qorshaha caynka ah waa inuu xaq noqdaa uuna yahay wax maslaxad u ah imaha. Hadii aad tan codsato, maxkamadu waxa ay eegtaa:

  1. Sida ay labada waalid isu kaashadaan

  2. Sida ay labada waalid wadajir uga wada shaqeeyaan arrimaha waqtiga waalidka   

  3. Inuu jiray dagaal qoyska dhexdisa ka dhacay iyo in kale  

Maxkamadu ma ay yareyn karto lacagaha masaariifta ilmaha sababtoo ah amarka ay amartay ee haynta ilmaha ee caynkan ah.  

Dedejiyaha Waqtiga Waalidka

Maxkamadu waxaa dhici karta inay magacowdo “dedejiye” waqtiga waalid ah. Kani waa qof ka caawiya waalidka kolka ay qabaan khilaaf ku saabsan waqtiga waalidka. Dedejiyahu waxa uu dhagaystaa labada dhinac ee khilaafku u dhaxeeyo ka dibna waxa uu gaaraa go’aan.

Marmarka qaarkood maxkamadu waxa ay amartaa in go’aanka dedejiyahu uu yahay mid wax “qabanaya” (oo ay khasab tahay in la raaco) aan ka ahayn in hal dhinac uu maxkamad tago ka dibna maxkamadu bedesho amarka. Kiisas kale, go’aanku waa mid “aan-qabanayn” cidna khasabna ma aha inay raaco aanka ahayn in xaakim amaro in la raaco.

Maxkamadu ma ay fari karto waalidka inay isticmaalaan dedejiyaha waqtiga waalidka hadii labada waalid midkood uu sheegto inuu yahay dhibane tacadi loo gaystay.

Waalidku waa inay bixiyaan kharashka dedejiyaha waqtiga waalidka. Maxkamada ayaa go’aansan inta ay tahay inuu waalid walbaa uu ka bixiyo kharashkaa ka hor inta aysan magacaabin dedejiyaha. Hadii waalidku aysan awoodin inay bixiyaan khidmada dedejiyaha, maxkamadu ma ay fari karto waalidka inay isticmaalaan waqti waalid dedejiye. Dedejiyeyaashu waxaa dhici karta inaan laga wada heli karin degmooyinka oo dhan. 

Xadidida/Kormeerida Waqtiga Waalidka

Maxkamadu waxa ay ku xadidi kartaa waqtiga waalidka wax ka yar 25% waqtiga hadii ay u badan tahay inuu waxyeelo u gaysan karo caafimaadka jirka iyo kan horukaca ee ilmaha.  Waxay kaloo xadidi kartaa waqtiga waalidka hadii waalidka uu jabiyo amarka maxkamada ee waqtiga waalidka iyadoo aysan sabab fiicani jirin.

Maxkamadu waxa ay xadidi kartaa waqtiga waalidka iyadoo: 

  • xadidaysa saacadaha waqtiga waalidka ama aan ogolaanayn habeen bari

  • xadidaysa goobta waqtiga waalidku uu ka dhacayo

  • faraysa waalidku inuu arko uun ilmaha kolka uu waalidka kale xaadirka yahay (waqti waalid oo kormeer leh)

  • diida waqtiga waalidka

Maxkamadu sidoo kale waxay saari kartaa shuruudo waqtiga waalidka, sida in waalidka ilmahu uusan la noolayni uusan khamri cabin muddo cayiman ka hor iyo xilliga waqtiga waalidka. Maxkamadu waxay amri kartaa daryeel khamriga ama maandooriyaha ah in la helo.

Hadii waalid codsanaya waqti waalid hadda ka hor lagu helay dambiyada qaarkood, waalidkaasi waa khasab inuu cadeeyo in waqtiga waalidku uu yahay mid maslaxo u ah ilmaha: Dambiyadaa waxaa ku jira

  • qaatilnimo, dil

  • Gacanqaad

  • Af-duub

  • ka xayuubinta qof kale haynta ama xaquuqda waalidka

  • dhilaysi, qaban-qaabinta dhilanimo ku lug leh ilmo aad qaan gaar ahayn 

  • fal dambiyeed kufsi ah

  • sinno

  • nacabnimo u ciqaabid ilmo

  • dayac

  • habjabaad iyo argagax

  • dagaal qoyska dhexdiisa ah oo qof la ceejiyo

Xeerkani kaliya waxa uu quseeyaa ilaa xad qaar ka mid ah dambiyada iyo kaliya uun duruufo cayiman, sida hadii uu dhibanaha dambiga laga galay uu ahaa xubin qoyska ka tirsan ama in dambi ku helidu ay dhacday 5-tii sanno oo la soo dhaafay. 

Qorshayaasha Waalidka ee Ikhtiyaarka ah

Waalidku waxa ay ku heshiin karaan inay isticmaalaan “Waqti Waalid.” Waxa ay ka wada shaqeeyaana qorida qorshe sheega waqtiga waalid walbaa uu ilmaha haysanayo iyo sida ay ku gaari go’aamada ku saabsan ilmaha. Maxkamadu waa inay ansaxiso qorshahan waana khasab inuu noqdo wax maslaxo u ah ilmaha. Ka eeg  12 Arrimood ee Maslaxada Ilmaha qaybta “Haynta” ilmaha ee bogga 7.  

Qorshaha Waqtiga waalidku waa khasab inuu lahaado:

  • jadwal ah waqtiga waalidka walbaa ilmaha haysto IYO

  • cida gaaraysa go’aamo cayiman oo ilmaha ku saabsan IYO

  • Qaab lagu xaliyo khilaafaadka

Qorshaha waalidku waxa uu bedeliaa amarka haynta iyo waqtiga waalidka ah. Waxa uu u faahfaahsanaan karaa hadba sida waalidku ay rabaan. Tusaale haan, waxa aad sameysan kartaan qorshe ama hadafyo wada xiriiirid ah oo cayiman. Qorshahu waxa uu sharxi karaa cadadka inta goor ee telefan lagula soo xiriiri karo ilmaha ama ka qaybgalka ilmaha ee hawlaha sida ciyaaraha iyo muusikada.  

Waqtiga waalidku waa uu adeegsan karaa kalmado aan ka ahayn sida “gacan ku hayn” iyo “sharciyan hayn.” Laakiin, waa khasab in si cad loo sheego in waalidku ay wada leyihiin haynta sharciga ah ama gacan ku haynta ama waalidka gaarka u leh haynta sharciga ah ama haynta gacan ku haynta la noolaanshaha ah.  

Waalidka khasab kuma ah inay lahaadaan Qorshe Waqti waalid. Adiga iyo waalidka kale ayaa go’aansada hadii aad doonaysaan inaad sameysataan Qorshe Waalid. Hadii uu jiray tacadi qoyska dhexdiisa ka dhacay oo waalidka midkii uu ku tacadieyey kan kale ama ilmaha, waalidku kolkaa ma ay sameysan karaan Qorshe Waalid oo ay iyagu leeyihin.  

Masaariifta Ilmaha

Masaariifta ilmahu waa lacag uu waalidku bixiyo si uu u caawiyo inuu masaariifo ilmo (inta badan) aan la noolayn. Ilma walbaa waxa uu leeyahay xaq ah in ay masaariifaan labada waalidba. U soo gadida hadiyadaha, cuntada ama dharku looma xisaabiyo masaariif ilmood ahaan.

Erayga “masaariifta ilmahu” waxa ay leedahay sedex qaybood:

  1. Masaariifta aasaasiga ah

  2. Gargaarka kaarka caafimaadka

  3. Gargaarka Haynta ilmaha (Child care)

Masaariifta aasaasiga ahi waxa ay bixisaa kharashaadka nolosha ee ilmahaaga sida, cuntada, dharka, guriga iyo gaadiidka. Waxa ay u qaybisaa kharashaadkaas labada waalid iyadoo lagu salaynayo dakhliga.

Waalidka bixinaya masaariifta ilmaha waxaa la yiraa “waajible.” Waalidka helaya masaariifta ilmaha waxaa la yiraa “waajib-hele.” Cadadka masaariifta ilmaha ah ee uu waajib-lehu bixinayo waxa ay ku xiran tahay labadaba dakhliyada waalidka iyo inta uu yahay waqtiga waalidka ee ay ilmaha la qaataan. Mar walba oo uu ilmahu la hoydo habeenkii waalidka waajiblaha ah waa mar walbaa oo uu bixiyo masaariif yar. Arritan waxaa la yiraa qawimida kharashka waalidka.  Tani waxa ay yareysaa masaariifta aasaasiga ah si loogu xisaabiyo lacagta uu waajib-lahu uu ku kharash gareeyo ilmaha xilliga uu la qaadanayey waqtigiisa waalidka.

Hadii labada waalid waqtigooda haysiga waalidka ah iyo dakhligoodu ay is le’eg yihiin labada waalid midna ma bixiyo masaariifta aasaasiga ah. Hadii labada waalid waqtigooda haysiga waalidku iyo dakhligoodu aysan is le’ekayn, kolkaa waalidka dakhliga badan ayaa “waajible.” noqonaya. 

Gargaarida kaarka caafimaadku waxa uu bixiyaa kharashaadka daryeelada caafimaad iyo kuwa ilkaha ee ilmaha. Iyadoo dheer, masaariifta aasaasiga ah ee ilmaha, ayaa waalidka mid walbaa waxa uu mas’uul ka yahay qayb ka mid ah kharashaadka daryeelada caafimaad iyo kuwa ilkaha ee ilmahooda. Cadadkaasi waxa uu u salaysan yahay dakhligooda. Gargaarada kaarka caafimaad waxaa amarta maxkamada si ay u caawiso bixinta lacagta caymiska caafimaadka iyo kan ilkaha ee ilmaha. Waxaa kaloo ku jira lacagta jeebka laga bixiyo kolka la booqdo dhaqtarada ama wixii kale ee kharashaad caafimaad ama ilkaha ah oo uusan bixin kaarku.

Mar kasta oo maxkamadu ay gaarto go’aan ku saabsan masaariifta ilmaha, waa khasab in ay iyana go’aamiso gargaarka kaarka caafimaadka. Hadii ilmahu uu helo Kaarka Caafimaadka Dowlada ee (Medical Assistance) ama (MinnesotaCare), amarka maxkamada waxaa kaloo ku jiri kara amar ah dib ugu celin dowlada lacagta gargaarka kaararkan uga baxa.

Gargaarida haynta ilmaha (child care) waxa uu bixiyaa kharashka haynta ilmaha kolka ay waalidku uu shaqeeyo ama uu iskuul dhigto. Hadii ay degmaddu idin ka caawiso kharashaadka haynta ilmaha, lacagta haynta ilmaha waxaa la siiyaa gobolka ee lama siiyo waalidka kale.

Goynta Cadadka Masaariifta Ilmaha

Furiinka, maxkamada ayaa goysa cadadka masaariifta ilmaha iyadoo ku salaysan Habraacyada Masaariifta Ilmaha ee Minnesota. Maxkamadu waxa ay tixgelisaa dakhliga ama awooda dakhli lagu kasban karo ee labada waalid. Qaabkan xisaabinta masaariifta ilmaha ah waxaa la yiraa Saamiyada Dakhliga.

Masaariifta ilmaha badanaa waxaa la waafajiyaa cadadka habraaca. Laakiin maxkamadu waxa ay xukumi kartaa in cadad masaariifta ah oo ka koreeya ama ka hooseeya cadadka habraaca in la bixiyo iyadoo hadba ku xiran:   

  • dakhliga, hantida, kharashaadka, iyo baahida labada waalid iyo

  • baahida iyo kharashaadka ilmaha  

Tusaale ahaan waxaa dhici karta in la xukumo masaariif ilmood oo ka sareysa cadadka habraaca hadii ilmahu uu leeyahay baahi gaar ah oo dhanka caafimaadka ama tacliinta ah. Waxaa iyana dhici karta in la xukumo masaariif ilmood oo ka hooseeysa cadadka habraaca hadii bixinta cadadkaasi ay aad ugu adag tahay qofka bixinaya masaariifta ilmaha.

Si uu kaaga caawinayo inaad ogaato inta ay tahay cadadka masaariifta ilmaha ee ay dhici karto in la amro, ayaad  waxaa aad isticmaali kartaa xisaabiyaha masaariifta ilmaha ee khadka (online) ka ee  http://childsupportcalculator.dhs.state.mn.us/

Waxa aad u baahan tahay inaad og tahay waxa uu yahay dakhligaaga guud, waalidka kale dakhligiisa guud, iyo jadwalka waqtiga waalidka si aad u adeegsato xisaabiyaha. Akhri tilmaamaha. Waxa ay kuu sheegi sida loo isticmaalo iyo akhbaarta aad u baahan tahay. Mar walba oo akhbaar badan aad u buuxiso, waa mar walba oo ay akhbaara soo baxdaa ay sugnaan. 

Ka eeg buuga yar “Gundhiga Masaariifta Ilmaha” wixii akhbaar kale ah ee ku saabsan masaariifta ilmaha Masaariifta Ilmaha ee Aasaasiga ah.

Uga Reebida Canshuurta Dakhliga Mas’uul ka ahaan Cid kale

Hadii waalid uu ilmo gacanta ku hayo muddo ka badan sannadka barkii (183-cisho ama ka badan), waalidkaasi waa uu sheegan karaa uga reebid canshuurta dakhliga mas’uul ka ahaanta ilmaha. Waalid kale (waalid aan ilmaha hayn) ma sheegan karo ka reebida mas’uuliyada ee canshuurta aan ka ahayn in:

  • uu jiro heshiis qoran oo u dhaxeeya qolyaha  

  • Amarka Xukunku uu amro in waalidka aan ilmaha hayni uu sheegan uga reebida mas’uuliyada ilmaha canshuurta dakhliga.   

Waalidka ilmaha hayaa waa khasab inuu saxiixo foom ay leedahay hay’ada Adeega Canshuuraha Gudaha (IRS) oo siinaya sheegashada canshuur uga ka reebida ilmaha waalidka aan ilmaha hayn.

Masaariifida Xilaha (masruuf)

Waxtarka xilahu waa lacag lagu bixiyo gargaarida xilo hore. Labada qof ee isqabta kii raba ayaa sheegan kara waxtarka xilaha. Maxkamadu cidna uma xukunto waxtarka xilaha aan ka ahayn in  labada qof ee qabi jirtay uu mid leeyahay baahi qof kalena uu leeyahay awood uu ku bixiyo. Waxtarida xilaha waxaa dhici karta in loo xukumo dhowr sababood awgood. Kuwaa waxaa ku jira naafanimo, cudur, hadii labada qof uusan midkood shaqeynin sannado badan si uu u xanaaneeyo ilmaha labada qof ay wada dhaleen. Hadii uu jiro faraq weyn oo u dhaxeeya dakhligaaga iyo dakhliga xilahaaga, waxaa dhici karta inaad u baahato waxtarid xilood, si ay kaaga caawiso inaad naftaada dabarto.

Kiisaska qaarkood, maxkamadu waxaa dhici karta inay amaro masaariifida xilaha muddo gaaban inta uu xilahu iskuul ku noqonayo ama tababar shaqo ku jiro. Tan waxaa la yiraa masaariifta xilaha ee ku meelgaarka ah. Masaariif xilo oo rasmi ah waxaa dhici karta in la xukumo hadii maxkamadu ay go’aamiso in xilaha baahida qabaa uusan awoodin doonin inuu naftiisa isu gargaaro. Maxkamadu waxa ay tixgelisaa da’da, caafimaadka, tacliinta khibradaha shaqada, xirfadaha shaqada kolka ay go’aansanayso masaariifida xilaha.  

Hadii aad ogolaato inaad faraha ka qaado (saamax) sheegashadaada masaariifta xilaha, kuma soo noqon kartid maxkamada si aad u waydiisato masaariifta mar dambe. Hadii aad maxkamada waydiisato in loo ‘kaadiyo” masaariifta xilaha, maxkamadu markaa kuuma xukumi karto adiga masaariifta xilaha, laakiin waxaa dhici karta inay kuu xukunto mustaqbalka.  

Qaybinta Hantida

Dhamaan wixii hanti ah ee labada qof ee isqabta soo gashay xilligii guurka waxaa la yiraa “hantida Guurka.”  Hantida Guurku waxa ay noqon kartaa:

  • gawaarida

  • kuraasta, dharka, qalabka, iyo alaabta kale ee qoyska (ee la yiraa hantida shakhsiyanka ah)

  • lacagta ku jira bangiga, suuqa, iyo lacagta hawlgalbka

  • guri ama cariish (la yiraa hanti ma guurto ah)

Ma quseeyso cidda magaceedu ku qoran yahay ama gadatay. Labada qolaba waxay ku leeyihiin xaq siman hantida guurka. Hantida guurka waa khasab in si xaq ah loo qaybiyo. Badanaa, si xaq ah macnaheedu waa si sinaan ah. Maxkamadu waxa ay go’aansataa qiimaha dhamaan hantida oo dhan waxa ayna isku daydaa inay qaybiso si kolkaa qof walbaa uu u helo qiyaastii bar qiimaha guud ee hantida. Hadii labada qof midkood uu ku takri-fasho dakhliga qoyska ama uu khalad u isticmaalo ama uu iska qaato hanti, maxkamadu kolkaa waxa ay u xukumi kartaa hanti dheeraad ah qof kale si ay u siiso waxaa qofka kale qaatay. Hadii labada qof midkood uu leeyahay baahi gaar ah, maxkamadu waxa ay u xukumi kartaa hanti dheeraad qofka baahida qaba.    

Tusaale ahaan, hadii ay jiraan 2 gaari, badanaa, labada qof midba mid buu helaa. Arrintani gaar ahaan waa dhab hadii labada gaari ay qiimahoodu isku mid yihiin. Hadii uu jiro kaliya hal gaari, maxkamadu badanaa waxa ay u xukuntaa gaariga labada qof kan aadka ugu baahan. Alaab kale oo siyaadado ayaa waxaa dhici karta in loo xukumo qofka kale si kolkaa guud ahaan qiimaha hantida la wadaago ay isku mid u ahaato. Lacagta hawgabka meesha u taal iyo caymisyada nolosha iyana waa hanti la qaybsanayo.

Haddii guriga aad ku jiro ama dhul kale aad adigu leedahay, hantidaa dhulka waa in si xaq ah loo qaybiyo. Maxkamadu waxa ay amri kartaa in dhulka la gado si kolkaa labadiina mid walbaa uu u helo saamigiisa sida si ugu dhaqsaha badan. Waxaa iyana dhici karta inay maxkamadu u xukunto labada qof mid guriga ayna kan kale siiso hanti kale, sida lacagta hawlgabka meesha u taal oo la mid ah tan guriga uu xaqqa ugu yeelan lahaa. Hadii maxkamadu ay qabto in ay u roon tahay ilmahu inay guriga ku sii sugnaandaan, waxaa dhici karta inay u ogolaato ilmaha iyo waalidka hayaa inay guriga ku sii sugnaadaan ilaa iyo inta ilmahu ka gaarayaan 18-sanno jir. Kolkaana, ay guriga gadaan labada qofina ay kala qaybsadaan lacagta ka soo baxa gadida.  

“Waxyaabaha aan hantida guurka ku jirin” waa hanti uu labada qof midkood horey u lahaa guurka ka hor. Hadiyad ama dhaxal uu gaar u helay mid ka mid ah xilligii guurkaaga iyana sidoo kale waa wax aan ku jirin hantida guurka. Tusaale ahaan, hadii labada qof ee isqabta uu midkii waalidkii uu dhinto, uuna qofkaasi ka dhaxlo waalidkii guri cariish ah, cariishkaasi kolkaa waxa uu noqon qofkaa hanti u gaar ah oo aan ku jirin hantida guurka ee la wadaago. Qofkaasi isaga ayaa gaar u lahaan cariishka xilliga furiinka. Qaybo ka mid ah xaqqa dhaawac qofka soo gaara ama xaqqa shaqaalaha shaqada ku dhaawacma la siiyo waxaa dhici karta in iyana loo xukumo inay yihiin wax aan ku jirin hantida guurka.  

Haddii aad cadeyn karto in shay uu ahaa wax aan ku jirin hantida guurka, kolkaa maxkamadu inta badan waxa ay u xukuntaa hantidaa adiga. Maxkamadu waxaa dhici karta inay u xukunto hanti aan ka mid ahayn hantida guurka labada qof midkood oo aan lahayn taasi waa marka ay jiraan duruufo cayiman sida inay keeni dar-xummo aan xaq ahayn.

Alaabta qoysku inta badan waxaa kala qaybsada labada qof ama waxaa u qaybiya maxkamada iyadoon la go’aamin inay yihiin hanti ka mid hantida guurka ama aan ka mid ahayn.  

Qaybinta Daynta

Furiinka maxkamada ayaa go’aamisa xilaha bixinaya deynta la galay xilligii guurka. Deynta waa wixii lacag ah ee laga amaahday qof kale ama shirkad. 

Deyntu waxa ay noqon kartaa:

  • deynta kaararka deynta

  • deynta ardayda

  • amaahda guriga

  • amaahda gaarida

  • khasiraadyada caafimaad

Sharcigu waxa uu dhigayaa in loo qaybiyo deynta si aan “eex” lahayn. Taa macnaheedu mar walba ma aha si siman. Maxkamadu waxa ay eegtaa dhowr wax kolka ay qaybinayo deynta:

  • Cidda qaadatay daynta? 

  • Cidda ka faa’iiday deynta? 

  • Deynta ma waxaa la qaatay ka hor guurka, xilligii guurka, ama ka dib kolkii ay labada qof kala baxeen?   

  • Waa maxay dakhliyada labada qof?  Labada qof midkood ma leeyahay awood ka badan ka kale oo uu ku bixiyo?

  • Waa maxay hantida labada qof?  Hadii labada qof mid loo xukumay gaari kolkii hantida la qaybinayey, waxay u badan tahay kolkaa inay mas’uul ka noqdaan bixinta deynta gaarida lagu leeyahay.

Badanaa, wixii deynta ardayda ah waxaa mas’uulka ka ah labada qof kan qaatay.  

Ogow: Xataa hadii ay maxkamadi xukunto in hal qof ay tahay inuu bixiyo deynta, labada qof ee isqabta waxaa dacaweyn kara qofka ama ganacsiga lacagta laga deynsaday (Amaahlaha). Amaahlahu waa uu ka qaadi karaa talaabo sharci ah labada qofba. Haddii qofkii horey aad isu qabi jirteen uusan bixin deyntii la amray inuu bixiyo xilligii ifuriinka, adigu kolkaa waa aad qaadi kartaa talaabo sharci ah. Ka eeg “Ka Wadan hadii Xilahaygii hore uusan u hogaansanayn Xukunka iyo Amarka?” ee taal bogga 34 wixii akhbaar ah ee kale.

Kaarka Caafimaad

Kaarka Caafimaad ee Ilmaha

Haddii labada waalidba ay ka heli karaan kaar caaifmaad iyo mid ilkood shaqadooda ama ururkooda (union) shaqaale, maxkamadu waxa ay amartaa labada waalid midka kaarka fiican leh inuu kaarkiisa geliyo ilmaha. Hadii labada waalid mid kali ahi uu haysto kaar caafimaad, maxkamadu waxa ay amri waalidkaasi inuu ilmaha kaar caymis geliyo. Laakiin kharaska kaarka caymiska waxaa loo qaybiyaa labada waalid iyadoo qayb ka ah gargaarida caafimaad. Cadadka waalid walbaa uu bixinayo waxa ay ku xiran tahay dakhliga.

Marmarka qaarkood, labada waalid midna kama heli karo kaar caafimaad shaqada. Ama kaarka caafimaad ee waalidku ka heli karaa shaqada ama ururkiisa shaqaalahu waa ku qaali.

Hadii uusan jirin kaar caafimaad oo la heli karaa, maxkamadu waxa ay amri kartaa in labada waalid midkood in uu u dalbado Kaarka Caafimaadka ee [Medical Assistance (MA)] ama kan (Minnesota Care) ilmaha. Kaararkaasi waa Barnaamijyo gargaar ah oo ay dowladdu bixiso oo caawiya bixinta kharashaadka caafimaadka ilmaha.

Maxkamadu waxay kaloo amri kartaa waalidku inay bixiyaan wax walba oo uusan bixin kaarka caafimaadku. Kharashkaa waxaa badanaa loo qaybiyaa labada waalid. Cadadka la bixinayaana waxa uu ku xiran tahay waalidka dakhligiisa.

Kaarka Caafimaadka ee Qofkii aad Isqabi Jirteen

Furiinka ka dib, qof walbaa waa inuu helaa uuna bixiyaa kaar caafimaad. Maxkamadu waxa ay amri kartaa mid ka mid ah labada qof inuu u ogolaado in kan kale uu sii jiro kaariisa caafimaadka, laakiin tani marmar dhif ah ayey dhacdaa. Bixiyeyaasha kaararka caafimaad intooda badani uma ogolaadaan inuu ku sii jiro kaarkooda caafimaad qof xile hore ah. Hadii qofka la furay uusan iskii isagu u helin karin kaar caafimaad, wali laga laga heli karo kaar caafimaad qolada shaqada qofka kale ee ay isfureen, maxkamadu kolkaa waxaa dhici karta inay amarto in caymiska kaarka caafimaadka uu sii socoto. Labada qof midkii la doono ayaa la oran karaa bixi kharasha kaarkaa caafimaadka.

Caymiska Nolosha

Hadii maxkamadu ay amaro masaariif ilmood ama mid xilood, maxkamadu waxaa dhici karta iyana inay amarto in waajiilahu uu sii wado in caymiska nolosha lagu sii jiro. Hadii uu waajiblahu geeriyoodo, ilmaha ama xilaha ayaa hela manfacyada caymiska si ay ugu bedelaan masaariiftii ilmaha ama midii xilaha ee qofka geeriyooday uu bixin lahaa ee dhuntay. Hadii caymisku noloshu uu leeyahay qiimo lacageed, maxkamadu waxaa dhici karta inay u xukunto caymiska labada qof midkood, taa oo la mid ah sida loo qaybiyo hantida kale.

Cutubka 3: Talaabooyinka Quseeya Kiisaska Furiinka ah

Waa maxay talaabooyinka furiinku?

Inta talaabo ee ku jira kiisaska furiinka ahi waxa ay ku xiran yihiin in adiga iyo qofka aad isqabtaani aad ku heshiisaan wuxuun, in qofka aad is furaysaan uu ka soo jawaabo warqadaha maxkamada iyo arrimo kale. Hoos waxaa ku qoran talaabooyin aad u qaadayso 3 da jid ee uu furiinku mari karo. Xukunka iyo Amarku waa talaabada ugu dambeeya furiinka. Xusuusnow, kuwani waa tusaalayaal uun. Kiiskaaku waxaa dhici karta inuu sidan ka duwanaado. 

Tusaale 1: Adiga iyo xilahaagu waxa aad ku heshiiseen dhamaan arrimaha oo dhan

  • Talaabada 1: Arji wadar ah oo ay labada qoloba waxa saxiixday

  • Talaabada 2: Arji Wadar ah oo maxkamada laga xareeyey

  • Talaabada 3: Dhagaysiga Dacwada kama dambaysta ah (hadii loo baaho)

  • Talaabada 4: Xukunka & Amar

Tusaale 2: Qofkii aad isqabi jirteen uusan soo jawaabin kolkii aad xareysatay warqadaha

  • Talaabada 1: Warqadaha Dhaarta Dhaqaale, U Yeerida, iyo Arjigaba la Geeyey

  • Talaabada 2: Mudac la’i – Jawaab La’i

  • Talaabada 3: Warqadaha Mudac La’ida la Xareystay oo lagu Codsanayo Dacwo Dhagaysi  

  • Talaabada 4: Dhagaysiga Dacwada kama dambaysta ah (hadii loo baaho)

  • Talaabada 5: Xukun & Amar

Tusaale 3: Adiga iyo xilahaagu AYDNAAN ku heshiin dhamaan arrimaha oo dhan

  • Talaabada 1: Warqadaha Dhaarta Dhaqaale, U Yeerida, iyo Arjigaba la Geeyey

  • Talaabada 2: Jawaab iyo/ama Arji Mudac lahi ah

  • Talaabada 3: Shirka Hore ee Maareynta Kiiska

  • Talaabada 4: Qaabka Kale ee Xalinta Mudacyada (ADR): Dhexdhexaadin ama Qiimeynta Hore ee Qofka aan cida Raacsanayn (ENE)

  • Talaabada 5: Dhagaysiga Dacwada Nasteexada ku Meel Gaarka ah (Arji)

  • Talaabada 6: Qiimeynta haynta, Soo Aruurinta Akhbaarta, Baaritaanka Qofka loo xil-saaray Wakiilnimada Maslaxada Ilmaha (Guardian ad Litem)

  • Talaabada 7: Shirka Maxkamada Weyn ka sii Horeeya

  • Talaabada 8: Dacwo Qaadida Weyn

  • Talaabada 9: Xukunka & Amar

Ka waran hadii aan ku heshiinay arrimha furiinka oo dhan?

Hadii labada qof ee is furaysaa ay ku heshiiyeen arrimaha furiinka oo dhan waxa aad ku qori kartaan heshiiskiina foom waxa aad ka xareysan kartaa maxkamada si ay u ansaxiso. Heshiiska qoran waxaa la yiraa Arjiga Wadajirka ah. Arjiga Wadajirka ah waa khasab inay ku jiraan heshiiskiina ku saabsan arrimaha dhamaan arrimaha furiinka. Ka eeg “Cutubka 2: Waa kuwee Arrimaha ay Maxkamadu Go’aansato Xiliga Furiinka?” bogga 6 aad ee arrimaha furiinka.

Maxkamada ayaa haysa foomamka aad buuxin kartaan aadna ka xareyn kartaan maxkamada. Ka eeg “Anigu naftayda wakiil ma ka noqon karaa?”” ee bogga 5 wixii akhbaar ah ee ku saabsan sida lagu helo foomamkaa. Hadii aadan isticmaalin xulashada “Hage iyo Xareysi” foomamka aad la soo baxayso (download) waxaa la yiraa “Arjiga Wadajirka ah ee Ilmaha leh” ama “Arjiga Wadajirka ah ee aan Ilmaha lahayn.”

U Yeerida iyo Arjiga

Labada qof kan bilaaba dacwada furida waxaa la yiraa Codsade. Qof kalena waxaa la yiraa Jawaabe. Codsadaha iyo Jawaabaha waxaa la isku yiraa ‘qolyaha’ kolka laga hadlayo furiinka.

Si uu u bilaabo dacwo furiin ah, codsadahu waxa uu buuxiyaa waxa la yiraa “U Yeerida iyo Arjiga Kala Dirida Guurka.”  (“Summons and Petition for Dissolution of Marriage”). U Yeeridu waa warqado sharci ah oo u sheega jawaabaha inuu uga soo jawaabo Arjiga 30-cisho gudahood. Arjiga waa qoraal sharci ah oo siiya maxkamada akhbaar ku saabsan qolyaha is furaya iyo sida ay doonayaan in arrimaha loo go’aansado. Go’aamada ay maxkamadu gaarayso waxaa la yiraa nasteex. Arjiga waxaa kale oo uu maxkamadu u sheegaa sababaha nasteexa ay u codsanayaan.  

Warqadaha u Yeerida iyo Arjiga waa in loogu geeyaa Jawaabaha siyaabo cayman. Taa waxa la yiraa habraac ama adeeg. Taa macnaheedu waa in qof aan adiga ahayni uu gacanta ugu geeyo warqadaha jawaabaha. Waa inaad waydiisataa shariifka ama qof qaangaar ah – oo aan adiga hayan – inuu geeyo warqadaha u Yeerida iyo Arjiga. Waxaa dhici karta khidmad inaad bixiso hadii aad isticmaasho shariifka. Waxaad u baahan tahay inaad adigu ugeyso foomamka shariifka ama uu u geeyo qof kale oo qaangaar ah.  

Furiinku wuxuu si weyn u bilowdaa kolka loo geeyo qofka kale warqada u Yeerida iyo Arjiga. 

Hadii uusan ku soo jawaabin 30-cisho qofka kale, kolkaa asaga ama iyadu waxay noqon mudac la’i.  Taa macnaheedu waa codsadaha (xilaha dalbaday furiinka) waxaa loo xukumi karaa furiinka uu dalbaday iyadoon wax laga waydiin qofka kale.

Ka dib kolka warqadaha u Yeerida iyo Arjiga loo geeyo qofka kale, kolkaa wixii ka dambeeya labada qoloba waa ka mamnuucc gedida iyo ka takhalusida wax hanti ah ama is-khashkhashaadida. Cid walba waxaa la faraa ilaalinta wixii kaar caafimaadka ee uu qoysku lahaa. Hadii labada qof uu midkood ku takri-fasho lacag ay labada qof ay qoys ahaan u wada lahaayeen, ka dib kolkii uu helay warqadaha u Yeerida, kolkaa qofkaa waa inuu u sharxaa maxkamada sababta lacagta loogu takro-fashay.

Ka waran hadii aanan aqoon meesha qofka kale joogo?  

Hadii aadan aqoon meesha qofka kale joogo, aadana soo ogaan karin, waydii in foomamka loogu geeyo qaab kale. Taa waxaa la yiraa “adeega sida kale ah.” Waxa aad ka heli kartaa foomamka shabakada (website) ah www.mncourts.gov/GetForms.aspx?c=15&p=60 (ingiriisi kaliya). Waxaad kalood ka heli kartaa Ruga Iskaa-Isu-Caawinta (Self-Help Center) si ay kaaga caawiyaan adiga inaad codsato adeega sida kale ah. Maxkamadu waxaa dhici karta inay kuu ogolaato inaad warqadaha ugu geyso qofka kale adigoo:

  • boostada ugu dirida warqadaha u Yeerida iyo Arjiga iyadoo loogu hagaajinayo gurigiisa, guri ehelii leeyahay ama ciwaan shaqo

  AMA

  • lagu daabaco ogaysiis iyo baafin wargeys

Adeegan gaarka ah waxa uu bilaabaa dacwada maxkamada ee kiisaska qofka soo jawaabaya aan warqadaha maxkamada gacanta looga geyn karin.  

Jawaab iyo Mudac-Lahid

Hadii qofka jawaabaha ahi uusan ku raacsanayn nasteexada uu codsaday codsadahu, kolkaa qofka jawaabaha ah waa inuu soo xareystaa uuna u geeyaa warqadaha dacwadiisa qofka kale ka dibna uu soo xareystaa Jawaab iyo Mudac-Lahi.

Jawaabta uu qofka jawaablaha ahi uu maxkamada ugu sheegayo oraahaha ku qoran arjiga kuwa uu aaminan yahay inay run yihiin iyo kuwa ay aaminsan yihiin inay been yihiin. Mudac-Lahidu waxa ay makamadu u sheegtaa waxa qofka jawaabaha ahu uu doonayo maxkamadu inay go’aamiso iyo sababta. Jawaabta waxaa boostada loo dgigaa arjiilaha (ama qareenka arjiilaha). Ma aha khasab in qareenka gacanta looga geeyo.

Hadii qofka soo jawaabaha ahi uu helo Arjiga uuna ogol yahay wax walba oo ku qoran, kolkaa qolyahu waxa ay qori karaan heshiiska (la yiraa is-afgarad) ka dibna maxkamaday ka xareystaan.

Mudac La’i

Hadii qofka jawaabaha ahi uusan uga soo jawaabin Arjiga 30 gudahood ka dib kolkii loo geeyey, jawaabahu kolkaa madac la’ weeye.  Arjiilaha ayaa maxkamada u sheega in qofkii ay horey isu qabi jireen uusan soo jawaabin. Hadii loo baahdo kolkaa maxkamadu waxa ay qabataa dhagaysi dacwo mudac la’i ah. Maxkamadu waxay dhagaysiga dacwada mudac la’ida ay qabataa hadii labada qof ay ilmo ka dhaxeeyaan aysana qareeno lahayn. Arjilaha waa la dhaariyaa ka dibna waxa uu makhraati ku furaa in dhamaan xogaha loo baahan yahay si loo amro nasteexada lagu codsaday Arjiga. Inta badan dacwada dhagaysigeedu waa mid kooban fududna. Su’aalaha intooda badan waxaa looga jawaabaa “haa ama ‘maya.” Xaakimku waxa uu saxiixaa Xukunka iyo Amarka uu horey u soo diyaariyey arjilaha ama qareenku.

Furiinku waxa uu noqdaa kama dambays kolka maamulaha maxkamadu uu ka “diiwan geliyo” Xukunka iyo Amarka Habka maxkamada. Xukunka iyo Amarku waxaa ku qoran go’aanada kama dambaysta ah ee ay maxkamadu gaarto. Marmarka qaarkood waxa ay qaadataa asbuuc ama ka badan ka dib dacwo dhagaysiga mudac la’ida ah ka hor inta aan la diiwaan gelin Xukunka iyo Amarka. Kama jirto wax muddo sugitaan ah Minnesota—furiinku gabi ahaanba waa uu soo gabagabooyey kolka maxkamada laga diiwaan geliyo.

Si aad uga hesho muqul saxiixan Xukunka iyo Amarka la diiwaan geliyey, tag waaxda diiwaanada ee maxkamada Degmadaada.

Shirka Hore ee Maareynta Kiiska ah (ICMC)

Kolka aad xareysato warqadahaaga furiinka waxa aad mari wax la yiraa Shirka Hore ee Maareynta Kiiska (ICMC). Waxa aad heli foomka macluumaadka ee shirka (ICMC). Degmooyinku waxa ay leeyihiin nidaamyo kala duwan oo ku saabsan foomka macluumaadka ee (ICMC). Degmadaadu waxaa dhici karta inay u baahato inaad horey boostada u soo dhigto shirka ka hor, ama aad la timaado maalinta (ICMC). Ka eeg foomkaaga wixii faahfaahin ah ee ku saabsan waxa aad u baahan tahay inaad sameyso. Xusuusnow inaad ka hesho nuqul qofka kale ama qareenkiisa iyana.

Shirka (ICMC) waa marka ugu horeeysa ee aad tagayso Maxkamada Qoyska. Waxaana ka qabtaa 3 ilaa 4 asbuuc ka dib kolka aad xareyso furiinka.

Shirka (ICMC) waa kulan yar oo aad kulmaysaan xaakimka, adiga iyo qofka kale iyo qareenkaaga hadii aad mid haysato. Ujeedadduna waa in cid walbaa ay hesho fursad ay si xor ah ugu hadli karto laguna xaliyo inta u badan ee arrimo ah ee xal loo heli karto. Ma aha waqti maxkamadu ay ku dhagaysanayso mudac ama ay go’aan ku gaari. Waa waqti aad adigu kula kulmayso xaakimka ama qaaliga loo xil saaray kiiskaaga.

Hadii ay jiraan arrimo haray oo aan lagu xalin shirka (ICMC), xaakimku waxaa dhici karta inuu waydiisto qolyaha inay aadaan waxa la yiraa Qiimeynta Dhexdhexaadinta (ENE).

Qaab Kale ee Khilaaf Xalin ah

Kiisaska qolyahu dacwadu ka dhaxaysa aysan isku raaci karin haynta ilmaha ama waqtiga waalidka, maxkamadu waxa ay ka rabtaa qolyaha is dacawaynaya inay ka qaybgalaan barnaamij wacyi-gelin iyo waxbarid ah. Maxkamadaha qaarkood waxa ay leeyihiin barnaamijyo ay ilmahu ka qayb gali karaan. Barnaamijku waxa uu ka hadlaa saameynta furiinku iyo dib u qaabaynta qoysku iyo dacwada maxkamadu ay ilmaha ku yeelato. Wuxuu kaloo ka hadlaa barnaamijku hababka looga hortaggi karo khilaafaadka waqtiga waalidka iyo waxyaabaha la kala dooran karo si loo xaliyo muradana.   

Hadii aad haysato sabab fiican oo aadan uga qaybgali karin barnaamijkaa, waxa aad waydiisan kartaa maxkamadu inay kaa reebto.  

Hadii aad sheegato inuu jiray dagaal qoyska dhexdiisa ah, kolkaa khasab kuguma aha inaad ka qayb gasho iska fasalka wacyi-gelinta waalidka ee uu qofka kale ka qaybgalayo. Maxkamadu waa inay bixiso amar tilmaamaya sida qolyahu si amaan ah uga qaybgali karaan barnaamijka.

Barnaamijkan waxaa jira khidmad lagu bixiyo oo dakhliga ku xiran. Hase yeeshee, waxaa dhici karta inuu bilaash yahay hadii lagaa reebay bixinta khidmada xareysiga furiinka markii horeba.   

Xeerarka maxkamaddu hadda waxa ay u baahan yihiin in labada dhinacba ay isku dayaan qaabab kale oo lagu xalin karo arrimo kiiskooda. Qaabka kale ee khilaaf xalintu waa barnaamijyo kale oo caawiya inaad heshiis gaartaan adinku. Waa muhiim inaad isku daydaan inaad adinku heshiis ka gaartaan arrimaha furiinka. Xaakimku marnaba uma ogaan karo xaaladiina qoys si la mid sida aad adinku u og tihiin. Hadii adiga iyo qofka aad isfuraysaan aad heshiis gaartaan kolkaa wuxuun awood ah ayaad ku yeelanaysaan waxa ka soo baxa kiiska.

Heshiisyadu waxa ay dhacaan kolka dhinac walbaa uu ka tanaasulo wax yar. Waa inaad tagtaa dhexdhexaadinta ama waxa la yiraa (ENE) adigoo diyaar u ah tanaasul inaad samayso. Waxaa idiin badbaadi waqti iyo lacagba hadii adiga iyo qofka aad is furaysaan aad ka wada shaqaysaan inaad go’aansataan arrimaha kiiskiina.

(ADR) waa hab ikhtiyaar iyo qarsoodiba ah. Waxa aad uga wada hadashaan (ADR), ha noqoto dhexdhexaadin ama (ENE), lalama wadaago maxkamada ama cid kale.

Qiimeynta Dhexdhexaadinta Hore ee Bulshadu (SENE) waa hab ay maxkamadaha qaarkood isticmaalaan si ay isugu dayaan inay xaliyaan haynta iyo waqtiga waalidka ee ilmaha iyadoo maxkamada dibada laga joogo. Barnaamijka (SENE) waxaa maamula 2 qiimeeyeyaal oo dhexdhexaad ah oo ah khibradlayaal xirfad gaar u leh xeerarka qoyska.  Waxa ay noqon karaan qareemo ama cilmi-nafsi yaqaano. Degmo walbaa waxa ay dejisaa hanaanada, waqtiyada, iyo khidmadaha, waxa ayna haysataa liisaska qiimeyeyaasha. Adiga iyo qofka kale ee aad isfuraysaan waa inaad ka doorataan qiimeeyeyaal liiska ay degmadu idin siiso. Qof walbaa waxa uu u sheegtaa qiimeyeyaasha waa uu rabo marka ay noqoto haynta iyo waqtiga waalidka iyo sababta. Kolka ay dhagaystaan labada qofba, qiimeeyeyaashu waxay u sheegaan qolyaha waxa ay u malaynayaan inay maxkamadu amri doonto hadii kiiska maxkamad weyn loo gudbiyo.  

Qiimeynta Dhexdhexaadinta Hore ee Dhaqaalaha (FENE) waa hab la isugu dayo in lagu xaliyo arrimaha dhaqaalaha quseeya iyadoo maxkamada dibada laga joogo. Habka (FENE) waxaa maamula 1 qiimeeye oo khibrad iyo xirfad gaar ahba u leh xeerarka qoyska. Qiimeeyahu waxa uu noqon karaa qareen ama xisaabiye.  Habka (FENE) waxa uu kaa caawin adiga inaad garato masaariifta ilmaha, masaariifta xilaha, qaybinta hantada (sida hantida dhulka, gawaarida ama lacagta hawgalbka), qaybinta deynta, ama wixii kale ee arrimo dhaqaale ah ee aad qabto.

Dhexdhexaadintu waa habka Qaabka Xalinta Khilaafaadka ee (ADR) ah.  Dhexdhexaadinta, labada qof ee is-furaysaa waxa ay isku dayaan inay dhexdoodu heshiiyaan iyadoo uu caawinayo qof sedexaad oo dhexdhexaad ah oo la yiraa dhexdhexaadiye. Dhexdhexaadiyahu waxa uu ka caawiyaa labada qof ee is-furaysa inay falanqeeyaan arrimahooda, ayna tanaasul la yimaadaan ayna gaaraan heshiis ay iyagu leeyihiin.

Dhexdhexaadintu si fiican ayey wax u caawin kartaa waayo labadiinuba wax aad isku raacsan tihiin natiijada soo baxaysa intii aad si weyn ugu dagaalami lahaydeen uuna xaakimku go’aanka adiin gaari lahaa. Dhexdhexaadinta ku saabsan haynta iyo waqtiga ilmaha si fiican ayey wax u caawin kartaa waayo labadiinuna waxaa aad sii wadi doontaan inaad waalidka u sii ahaateen ilmaha labadiinuna waxaa sii wadi wadajir uga shaqeynaysaan arrimaha waqtiga waalidka.

Hadii aadan fahmin waxyaabaha ama aadan dareensanayn inaad leeyahay awood la mid ah tan qofka kale ee aad is-furaysaan, dhexdhexaadintu kolkaa xaq ma noqonayso. Waxa aad joojin kartaa habka markii aad rabto adinkoon heshiis gaarin. Kaliya waa inaad isku daydaa uun inaad waan-waan ka shaqeyso.  Laguguma khasbi karo inaad ogolaato wax aadan doonayn.

Waxaa dhici karta inaadan u baahnayn inaad ogolaato ENE ama dhexdhexaadin hadii:

  • Aad qofka kale ka baqayso.  

  • Qofka kale uu kugu tacadiyey.

  • Qofka kale uu qareen leeyahay laakiin aadan adigu lahayn mid.

  • Aad dareensan tahay inaadan daacad uga hadli karid walaacaaga qofka kale hortiisa.

  • Aad dareesan tahay in qof kale uusan daacad ahayn.   

Barnaamijka Wacyi-gelinta Waalidka

Kiisaska labada qof ee is-qabtaa ay ilmo ka dhaxeeyaaan aysana isku raaci karin haynta ilmaha ama waqtiga waalidka, kolkaa waa inay ka qayb galaan barnaamij wacyi-gelinta furiinka ah. Qaar ka mid ah barnaamijyada waxaa lagu qaataa khadka (online) ka qaarna fasal la wada joogo ayaa lagu qaataa. Maxkamada ayaa ku siin akhbaar ku saabsan meesha laga helo barnaamijka.  

Barnaamijku waxa uu ka hadlaa saameynta furiiinka iyo kiisaska maxkamadu ay ku yeeshaan ilmaha iyo qoysaska.  Wuxuu kaloo ka hadlaa barnaamijku hababka looga hortaggi karo khilaafaadka waqtiga waalidka iyo waxyaabaha la kala dooran karo si loo xaliyo muradana.   

Hadii aad haysato sabab fiican oo aadan uga qaybgali karin barnaamijka, waxa aad waydiisan kartaa maxkamadu inay kaa reebto.

Hadii aad sheegato inuu jiray dagaal qoyska dhexdiisa ah, kolkaa khasab kuguma aha inaad ka qayb gasho iska fasalka wacyi-gelinta waalidka ee uu qofka kale ka qaybgalayo. Maxkamadu waa inay bixiso amar tilmaamaya sida qolyahu si amaan ah uga qaybgali karaan barnaamijka.

Waxaa jira khidmado lagu bixiyo barnaamijyadan oo dakhliga ku xiran. Hase yeeshee, waxaa dhici karta inuu bilaash yahay barnaamijku hadii lagaa reebay bixinta khidmada xareysiga furiinka markii horeba.   

Dhagaysiga Dacwada Nasteexada ku Meelgaarka ah

Kolka arrini ay u baahan tahay in kiiska horaantiisa la dhameeyo, labada qof midkood ayaa maxkamada waydiisan kara in la qabato dhagaysiga nasteexada ah. Taa waxaa loogu yeeraa codsiga dhagaysiga dacwada ku meelgaarka ah. Arimaha u baahnaan kara go’aanka ku meelgaarka waxay noqon karaan:

  • haynta  

  • waqtiga waalidka

  • masaariifta

  • cidda guriga ku noolaan doonta

  • cidda isticmaali doonta gaariga

Qofka codsiga maxkamada hor keenaya waxaa loogu yeeraa qolada dacwada wada.  Qofka kalena waa qolada jawaab-celinta.  Qofka jawaabta celinayaa waa khasab in loo geeyo warqadaha dacwada, oo ay ku jiraan codsiga nasteexada ku meelgaarka ah iyo warqad Dhaar. Codsigu waa warqadaha sharciga ah ee u sheega maxkamada waxa uu yahay nasteexada ku meelgaarka ah ee ay maxkamada ka codsanayaan.  Dhaarahu waa oraahyo qoran oo la saxiixay iyadoo la dhaarsan yahay, oo u sheega maxkamada sababta ay u codsanayaan nasteexada.

Waxaa jira muddo cayiman oo ogaysiis lagu siinayo qofka kale ka hor dhagaysiga dacwada oo ay khasab tahay in la raaco. Kolka maxkamada la hor keenayo ama laga jawaabayo codsiyada. Warqadaha codsiga waa khasab in boostada la dhigo ama gacanta looga geeyo qofka kale waqti cayiman ka hor.

Dhagaysiga dacwada nasteexada ku meelgaarka ah, xaakimku waxa uu eegaa dhamaan warqadaha labada dhinac ay soo xareeyeen. Qolyaha ama qareenkoodu waxaa dhici inay bixiyaan mudac kooban oo ku saabsan codsiyadooda. Maxkamaduna waxaa dhici karta inay su’aalo waydiiso qolyaha, laakiin, waa dhif in maxkamadu ay gasho dacwo dheer oo makhraati la furayo xiliga nasteexada ku meelgaarka ah.

Dacwada dhagaysigeeda ka dib maxkamadu waxa ay soo saartaa amar dejiya xeerarka ay u hogaansamayaan labada qofka ilaa iyo inta ay dacwada furiinka ahi ka dhamaanayo.  

Maxkamadu waxa ay haysaa foomamka lagu codsado nasteexada ku meelgaarka ah (ingiriisi kaliya):

  • Gal  www.mncourts.gov

  • Riix “Get Forms” (hel Foomamka) ee qoraalka taxanaha ah ku yaal  

  • Riix “Divorce/Dissolution” (Furiinka/Kala Dirida)

  • Riix “Temporary Relief with Children” (Nasteexada Ku Meelgaarka ah ee ilmaha leh) ama “Temporary Relief without Children” (Nasteexada Ku Meelgaarka ah ee aan ilmaha lahayn)

Wakiilka Maslaxada ilmaha

Wakiilku waa qof fal sameeya si uu ilaaliyo ama u caawiyo cid kale. Erayga (“Ad litem”) macnahiisu waa “dacwada qaan-sheegadka ah. Kiisaska qaarkood maxkamadu waxaa dhici karta inay u magacowdo wakiil maslaxada ilmaha qaabilsan si uu u soo baaro wax uuna ugu istaago maslaxada ilmaha.  Ilaaliyaha maslaxada ilmaha looma wada magacaabo kiisaska furiinka ah oo dhan. Kolka maxkamadu ay gaarto go’aano ku saabsan haynta ilmaha, ilaaliyaha maslaxada ilmaha waxaa la magacaabaa uun hadii maxkamadu ay u malaynayso in ilmaha lagu tacadiyey ama la dayacay.   

Wakiilkamaslaxada ilmahu waxa uu u sheegaa maxkamada waxa u roon ilmaha sida haynta iyo waqtiga waalidka. Waxay kaloo soo sameeyaan baaritaan madax-banaan. Waxa ay la hadlaan ilmaha, waalidka iyo daryeel-bixiyeyaasha kale. Waxay gaar ula hadli karaan la taliyeyaasha iskuulka, macallimiinta iyo saaxiibada, iyo adeegyada maxkamada iyo shaqaalaha haynta ilaalinta ilmaha.

Waxa ay u qoraan warbixin maxkamada oranaysa waxa ay qabaan in maxkamadu ay amarto. Maxkamada khasab kuma aha inay sameyso waxa uu yiraa wakiilka ilmahu waa in la sameeyo, laakiin waxa ay u qaadataa warbixinta wakiilka wax aad u culus.

Waa muhiim inaad la shaqeyso wakiilka ilmaha. Warbixintoodu waxa ay caawin kartaa ama wax yeeli kartaa kiiskaaga.

Wakiilka maslaxada ilmahu waxaa dhici karta inuu bilaash ama khadmid ku shaqeeyo. Hadii ay khidmadi jirto, maxkamadu waxa ay sheegi kartaa cidda bixinaysa. Hadii aad qaadato kaalmada (MFIP) ama gargaaro kale oo dowladdu bixiso, hadii aad leedahay qareen ay kuu qabatay hay’ada gargaarada sharciyada (legal aid), ama hadii aad danyar tahay, waxaa dhici akrta inaad bixiso khidmad yar ama aadan gabi ahaanba waxba bixin.  

Qiimeynta Haynta Ilmaha

Hadii labada qof aysan isku raaci karin waqtiga haynta ilmaha, maxkamadu waxa ay amri kartaa in la sameeyo waxa la yiraa qiimeynta haynta ilmaha. Qiimeynta haynta ilmaha waxay u qaabishaa degmo walba si iyada u gaar ah. Degmooyinka qaarkood waxaa qiimeyntooda sameyn kara adeegyada maxkamada, adeegyada degmada ama qiimeeye gaar ah. 

Qiimeeyahu waxa soo baaraa waalid walba awoodiisa uu ku daryeeli karo kuna korin karo ilmaha. Qiimeeyahu waxa uu wareystaa labada waalidba. Waxa ay la xiriiraan saaxiibada, iyo ehelka, macallimiinta, la taliyeyaasha iskuulka dhaqtarada iyo xirfadlayaasha kale ee arkay qoyska. Qiimeeyahu kolkaa ka dib waxa uu u qoraa warbixin maxkamada waxa uuna soo jeediyaa talooyin ku saabsan haynta ilmaha.  Labada waalidka badanaa waxaa laga rabaa inay bixiyaan kharashaadka baaritaanka haynta ilmaha iyadoo ku salaysan awoodooda dhaqaale ee ay ku bixin karaan. Maxkamada khasab kuma aha inay aqbasho talada qiimeeyaha laakiin, waxa ay u tixgalisaa wax aad u culus.  Waa maslaxadaada inaad la shaqeyso qiimeeyaha. Uga jawaab su’aalahooda si daacad ah siina wixii akhbaar dheeraad ah ee ay ku waydiistaan.

Is-Afgaradka

Dhamaan inta dacwada furiinka ahi ay socoto, labada qof ee is-furaysaa waa inay sii wadaan inay isku dayaan inay waanwaan ka gaaraan kiiska. Hadii labada qof ay jiraan waxay heshiis ku yihiin (iyagu ha wada hadlaan ama dhexdhexaadin ha noqotee), waxay xareysan karaan heshiis qoran oo saxiixan oo la yiraa Is-afgarad. Maxkamadu badanaa waa ay aqbashaa heshiiska qolayaha. La soo xiriir maxkamada ka dib kolka aad xareysato heshiiska Is-afgaradka ah si aad u eegto inaad u baahan tahay dacwo dhagaysi si aad u soo gaba-gabayso dacwada furiinkaaga.  

Helitaanka

Hadii labada qof ay heshiin waayaan, kiiska waxaa lagu dhamayn karaa uun maxkamad. Maxkamada ka hor, waxaa dhici karta inay ku anfacdo inaad hesho daliilaha iyo akhbaarta uu qofka kale hayo.  Arrintan waxaa loogu yeeraa helitaanka.  Helitaanka badanaa waxaa la sameeyaa kolka qolyaha ay wakiilo ka yihiin qareeno. Waxaa jira dhowr nooc oo helitaano ah oo ay ku jiraan:

  • waraysi ka qaadida qofka kale ama makhraatiga iyagoo la dhaarshay dibadana ka jooga maxmakamada (oo la yiraa wareysiyo)

  • su’aalo qoraal oo uu qofka kale uga soo jawaabo qoraal ahaan isagoo dhaarsan 30-cisho gudahood oo la yiraa wax waydiino)

  • dalab qoran oo ah in qof kale uu u ogolaado qareenku inuu eego warqado muhiim ah ka hor maxkamada weyn (oo la yiraa codsiyada soo saarida dukumiintiyada)

Shirka Maxkamada Weyn ka Horeeya

Hadii qolyahu aysan gaari karin heshiis, maxkamadu waxay u gudbisaa kiiska maxkamad weyn oo lagu kala baxayo. Ka hor Maxkamada weyn, maxkamadu waxay qabataa shir maxkamada weyn ka sii horeeya. Shirkaa maxkamada weyn ka sii horeeya:

  • waxa uu ka caawiyaa labada qof inay waanwaan ku dhameeyaan dacwada oo aan maxkamad la aadin  

  • waxa uu cadeeyaa dhinacyada khilaafku ka jiro waxa uuna go’aamiyaa inta uu yahay waqtiga aad u baahan tihiin xilliga maxkamada weyn la qaadayo

Marmarka qaarkood qolyahu waxa ay ku gaaraan heshiis shirka maxkamada weyn ka sii horeeya. Hadii ay taasi dhacdo, qolyahu kolkaa waxa ay u sheegi maxkamada “iyadoo la qorayo” macnaha waa la qorayaa wixii la yiraa. Qolyahu ama maxkamadu waxa ay qoraan Is-Afgarad si loo soo gaba-gabeeyo furiinka. Hubi inaad fahamto dhamaan qodobada heshiiska. 

Hadii qolyahu aysan heshiin karin, kiiska waxaa loo gudbiyaa maxkamad weyn inay go’aansato.

Dhaarta Dhaqaalaha

Hadii masaariif ilmood ama mid xilo ay u baahan tahay in la gooyo, waalid walbaa waxa uu soo xareystaa “dhaarta dhaqaalaha” ka hor shirka maxkamada weyn ka sii horeeya. Waxaa jira arrimo muhiim ah oo ay tahay inaad ku lifaaqdo dhaarta dhaqaalaha:  

  • dabada jeegta 3-dii bilood ee ugu dambaysay  

  • oraah rasiidyo ah iyo kharashaadka, hadii aad iskaa u shaqeysato

  • nuqul ah canshuur-celintii ugu dambaysay ee aad xareysatay oo ay ku jiraan foomamka (W-2, 1099) oraahda hay’ada shaqaalaha shaqo la’aanta wax siisa ama oraahda xaqqa shaqaalaha shaqada ku dhaawacma

  • dukumiintiyo kale oo cadeynaya wax kale oo dakhli ah  

hadii aadan soo xareysan dhaarta dhaqaalaha, maxkamadu waxaa dhici karta inay gooyso cadadka masaariifta ilmaha ah ama kan masaariifta xilaha iyadoo ku salaynaysa daliilaha uu qofka kale maxkamada keenay.  

Garnaqsiga Maxkamada

In aad u yar oo kiisaska furiinka ah ayaa garnaqsi maxkamadeed gaara waayo kiisaska intooda badan horey ayaa waanwaan looga gaaraa. Garnaqsiga Maxkamada ka hor, maxkamadu waxa ay soo saartaa Amarka Garnaqsiga. Amarkaasi waxa uu bixiyaa faahfaahinada ku saabsan maalinta garnaqsiga, inta ay maxkamadu socon doonto, iyo kolka adiga iyo qofka kale aad iswaydaarsanaysaan bandhigyada. Fiiro gaar ah u lahow waqtiyada kama dambaysta ah ee Amarka garnaqsiga. Hadii aadan u hogaansamin awaamiirtaa waxaa dhici karta inaadan si buuxda u soo wada bandhigin kiiskaaga xiliga garnaqsida.

Bandhigyadu waa waxyaabaha aad doonayso maxkamadu inay eegto xilliga maxkamada garnaqsiga ah. Waxaad u baahan tahay inaad warqadahaaga soo diyaarsato maxkamada ka hor aadna nuqulo ka siiso qolada kale. Amarka Maxkamadu waxa uu ku siin waqti kama dambays ah oo ku saabsan kolka la rabo in la iswaydaarado bandhiyada iyo kolka la rabo inaad nuqulo siiso maxkamada.  Bandhigyadu waxa ay noqon karaan wax walba oo gargaaraya nasteexada aad codsnayso sida:

  • jeegta dabadooda cadeynaysa dakhligaaga

  • nuqulada khasiraadaha kaararka amaahda ama xisaabaadka bangiyada

  • qoraalada iskuulka ama kuwa caafimaad ee ilmahaaga

  • miisaaniyadaada bil walba

Codsadaha ayaa marka hore kiiskiisa soo bandhiga.  Codsadahu waxa uu maxkamada u sheegaa sheekadiisa ka dib kolka lagu dhaariyo inuu runta sheego. Waxa ay maxkamada u sheegaan waxa ay codsanayaan iyo sababta. Tani waa makhraati fur. Kolka aad makhraatiga furayso si cad oo cayiman u hadal. Hadii codsadahu uu haysto bandhigyo waa inuu maxkamada hadda siiyaa.

Kolka uu codsadahu dhamaysto sheekadiisa, kolkaa qofka kale ama qareenkiisa ayaa su’aalo waydiin kara codsadaha. Markani ma aha mar uu qofka jawaabaha ahi uu mudici karo ama sheegan karo sheekadiisa. Codsadahau waxa uu si run ah uga jawaabaa s’aalaha qofka kale. Kolka aad ka jawaabayso su’aalaha is daji kana fiirso su’aasha. Hadii aadan fahmin su’aasha, waydii xaakimka in mar kale su’aasha lagu waydiiyo ama qaab kale laguu waydiiyo.  

Hadii codsadahu uu wato qof makhraati u ah, kolkaa weeye kolka ay makhraatigooda furayaan. Codsadaha ayaa su’aalo waydiiya qofka makhraatiga ah. Qofka makhraatiga ahi xaakimka is- kalama uu hadli karo kaligii. Kolka codsadaha iyo makhraatigiisu ay dhamaystaan hadalkooda, qofka jawaabaha ah ama qareenkiisa ayaa su’aalo waydiin kara qofka makhraatiga ah.

Ka dib kolka uu codsadahu soo bandhigo dacwadiida, kolkaa weeye markiisa uu qofka kale ku soo bandhigayo dacwadiisa. Qofka kale ee jawaabaha ahi waxa uu maxkamada u sheegaa sheekadiisa ka dib kolka lagu dhaariyo inuu runta sheego. Waxa ay maxkamada u sheegaan waxa ay codsanayaan iyo sababta (makhraati). Kolka ay makhraatiga furayaan waa inay si cad oo cayiman u hadlaan. Hadii qofka jawaabaha ahi uu haysto bandhigyo, waa inuu maxkamada siiyaa. Hadii uu qofka jawaabaha ahi dood ka qabo codsadahu wixii uu maxkamada ka sheegay, waa inuu sheegaa sababta uu u aaminsan yahay in codsadahu wixii uu maxkamada ka hor yiri ay khalad ahaayeen.  

Kolka uu qofka jawaabaha ahi uu dhamaysto hadalkiisa, codsadahu kolkaa su’aalo ayuu waydiin karaa. Ka dib kolka makhraati furida qofka jawaabaha ah qofka makhraatiga u ah ayaa isna makhraati fura, kolkaa codsadahu waxa uu su’aalo waydii karaa makhraatiyaasha.  

Kolka dhamaan makhraati furida oo dhami ay dhamaato uuna qofka jawaabaha ahi uu u soo jeediyo mudaciisa gunaanadka ah xaakimka ee ku saabsan sida ay doonayaan in arrimaha kiiska loo xukumo. Ka dib mudacyada gunaanadka ah maxkamadii garnaqsigu waa dhamaatay.  

Xaakimku waa uu ku dhawaaqi karaa go’aankiisa aakhir maxkamada garnaqsiga ah. Ama isaga ama iyadu waxa ay qaadan karaan waqti ay uga soo fakaraan kiiska ka dibna ay mar dambe xukun soo saaraan.  Sida sharcigu dhigayo, xaakimku waxa uu haystaa 90-cisho oo ku go’aansanayo kiiska. Kolka xaakimku uu gaaro go’aankiisa kama dambaysta ah, waxa uu soo saaraa Xukun iyo Amar waxa uuna u diraa qolyaha dacwadu ka dhaxayso.  Kolkaa furiinku waxa uu dhamaan kolka garaaniga maxkamadu uu diiwaan geliyo Xukunka iyo Amarka maxkamada. Xukunka iyo Amarka waa go’aanka ugu dambeeya ee kiiska.

Talooyin ku saabsan maalinta maxkamadaada

Sida aad u dhaqanto xilliga maxkamada waxa ay ku yeelan kartaa saameyn weyn kiiska.  

  1. Horey u sii tag.  U sheeg kanaaniga maxkamada inaad timid.

  2. U fiirso wax walba.  Diyaar u ahow inaad bilowda hawsha kolka laguu yeero.

  3. Ilmaha maxkamada ha keenin.  Ilmahu makhraati kama furi karaan maxkamada.  Hel qof ilmaha kuu sii haya inta aad maxkamada jirto.  Hadii aad keento maxkamada, xaakimku uma ogolaan doono gudaha maxkamada.

  4. Ku soo labiso dhar bilic leh nadiifna ah. Tani waxa ay tusi maxkamada qadarin in loo hayo.

  5. Is deji si edeb ahna ula hadal cid walba oo maxkamada joogta, xataa ku tacadiyahaaga.

  6. Sidii qof mas’uul ah u dhaqan inta aad maxkamada joogto.

  7. Ha oran wax aadan doonayn in qofka kale ee jawaabaha ah ama qareenkiisu ama eheladiisu ay maqasho inta aad musqusha ama dibada maxkamada joogto.

  8. Si xushmadi ku dheehan tahay ula dhaqan qareenka. Ugu Jawaab xaakimka “haa mudane”ama “haa ‘murwo.”

  9. Hadal waafi ah ku hadal. Ka jawaab su’aalaha adigoo oranaya “haa”ama “maya”.  Maxkamadu waxa ay u baahan tahay inay diiwaan geliso wax kasta oo maxkamada ka dhaca. Ma ay diiwaan gelin karaan jawaabtaada hadii aad madaxa ruxdo. Ha calalin xanjo hana saaran gacmahaaga afka.  

Ha La

    • murmin xaakimka

    • goyn hadalka xaakimka

    • murmin qofka kale

    • goyn hadalka qofka kale

Cutubka 4: Furiinka Ka Dib

Ka waran hadii aanan ku qanacsanayn heshiiska?

Racfaan waa aad ka qaadan kartaa go’aanka xaakimka. Racfaanku waa kolka aad ka codsanayso maxkamad kale inay dib u eegto go’aanka xaakimka. Maxkamadan waxaa la yiraa Maxkamada Racfaanada. Degdeg u samee arrintan! Waxaa jira waqti gaar ah oo cayiman oo quseeya arrintan. Xareysiga racfaanku waa uu adkaan karaa. La tasho qareen si aad u eegto hadii ay tahay inaad racfaan xareysato iyo hadii kale. Waa inay jiraan sabab sharciga ah oo la cuskanayo kolka racfaanka laga qaadanayo go’aanka xaakimka. Tusaale ahaan, hadii xaakimku uusan u hogaansamin sharciga oo kale.

Akhbaarta iyo foomamka loo baahan yahay si loo xareyso racfaan (ingiriisi kaliya): 

  • Gal shabakada (website) maxkamada: https://mncourts.gov/CourtOfAppeals.aspx 

  • Riix “Appellate Forms & Instructions (for self-represented litigants)” (Foomamka Maxkamada Racfaanka & Tilmaamaha (Dacwoodaha kaligii iska wakiilka ah)

 

Ma bedeli karaa Xukunka iyo Amarka?

Go’aanka ay maxkamadu gaarto waxaa lagu sharxaa waxa la yiraa Xukunka & Amarka. Hadii ay wax isbedelaan ka dib Xukunka & Amarka, qaar ka mid ah go’aanada waa la bedeli karaa furiinka ka dib sida:

  • haynta  

  • waqtiga waalidka

  • masaariifta ilmaha

  • masaariifta xilaha (aan ka ahayn xaqqa helida masaariifta xilaha faraha laga qaaday ama la diiday, ama aad ugu heshiiseen qoraal ahaan inaydaan isku dayin inaad bedeshaan cadadka masaariifta xilaha ah ee laguu xukumay)

Go’aamada kale, sida qaybinta hantida, kaliya waxaa la bedeli karaa hadii:  

  • laqdabo (akhbaar been ah la bixiyey)

  • uu jiray khalad aan la ogaan karin ka hor maxkamada garnaqsiga ah ama dhagaysiga dacwada mudac la’ida ah

  • ku xad gudubka xaquuqdaada intii dacwadu socotay (tusaale ahaan, inaan si quman laguugu keenin u Yeerida iyo Codsiga)

Khidmadaha bedelida Xukunka & Amarka

Hadii aad rabto inaad maxkamada hor keento codsi ah in waxa laga bedelo Xukunka & Amarka, waa inaad bixisaa khidmad codsiga oo ah qiyaastii $100.

Haddii aad danyar tahay aadana awoodin inaad bixiso khidmadaha, waydiiso maxkamada khidmad ka saamixid. Tani waxaa loogu yeeraa (“In Forma Pauperis”) ama IFP.  Foomkani waxa uu maxkamada ka codsadaa inay kaa yareyso khidmada ama ay kaa wada saamaxdo si kolkaa aadan u bixin. Kala soo bax (dowload) foomamka la buuxinayo shabakada maxkamada ee ah https://www.mncourts.gov/GetForms.aspx?c=19 (ingiriisi kaliya).

AMA, waxa aad ka buuxin kartaa kana xareysan kartaa foomamkaaga ka saamixida khidmadaha adigoo isticmaalaya wareysiga maxkamada ee Hagaha iyo Xareynta. Si aad u bilowdo wareysiga  Hagaha iyo Xareysiga:

Hadii aad heshay khidmad ka saamixid xilligii furiinka, waxa aad u baahan tahay inaad codsato mid cusub hadii ay ka soo wareegtay markaa muddo 1 sanno ah.

Bedelida Haynta

Maxkamadu waa ay bedeli kartaa jadwalka haynta ilmaha hadii xaalada ilmaha ama waalidku ay isbedesho loona baahdo amar cusub si loo ilaaliyo maslaxada ilmaha. Maxkamadu kaliya waxa ay eegtaa xaqaa’iqa isbedelay wixii ka dambeeyey amarkii hore ama xaqaa’iqa aan la ogeyn kolkii amarkii hore la soo saarayey. Maxkamadu waxa ay bedeli kartaa haynta kaliya kolka:

  • Labada qolaba ay isku raacaan in la bedelo AMA

  • Waalid ilmaha hayaa uu u ogolaado in ilmahu uu la qabsado (qayb buuxda) guriga waalidka kale AMA

  • Guriga hadda ee ilmahu uu khatar ku yahay caafimaadka jirka iyo kan madaxa ee ilmaha, ama koritaanka ayna bedelida haynta ilmahu ay ka waxyeelo yar tahay joogida guri aan amaan ahayn, AMA

  • Waalidka inta badan ilmaha hayaa uu ka codsaday maxkamada inuu ilmaha ula guuro gobol kale maxkamaduna ay tiri maya – laakiin waalidku uu si kastaba ha noqodee uu guuray.

Si loo bedelo amarka haynta, waalidku waa inuu maxkamad ka xareystaa codsi. Waalidku waa khasab inuu haysto makhraatiyaal, warqadaha dhaarta ama dukumiintiyo kale si uu u cadeeyo in mid ka mid ah sababaha kor ku xusani ay dhacday.

Ogow:  Waalidku waa inuu sugaa 1 sanno laga bilaabayo waqtiga haynta ilmaha markii ugu horeeysay lagu go’aansaday amarka Xukunka iyo Amarka ka hor inta codsanin isbedelo. Ma quseeyso hadii codsiga bedelida la ogolaaday iyo hadii kaleba.

Xadidaadyadaa waqtigu ma quseeyaan arrinta hadii:

  1. Labada waalid midkood uu marmar badan kas ugu diiday in waalidka kale uu arko ilmaha, ama

  2. Guriga iminka ee uu ilmahu u khatar ku yahay iyaga

Maxkamadu sidoo kale waxay tixgelisaa isbedel hadii waalidka ilmaha hayaa uu diiday ama faragaliyey waqtiga waalidka ee waalidka kale. U diidida ama faragelinta jadwalka waqtiga waalidku waa arrin ay maxkamadu tixgelin karto kolka ay go’aansanayso codsiga bedelida haynta ilmaha. Maxkamadu waxa ay eegtaa sababaha waqtiga waalidka loo diiday.  

Wax ka Bedelida Amarka Masaariifta ilmaha

Labada waalid kii raba ayaa codsan kara in wax laga bedelo amarka masaariifta ilmaha markii uu rabo isagoo xareysanaya codsi wax looga bedelayo (bedelid) masaaariifta.  Xaakimka ama qaaligu kaliya waxa ay wax ka bedeli karaan amarka masaariifta ilmaha hadii ay jiraan wax “weyn oo iska bedelay” baahida ilmaha ama dhaqaalaha waalidka taa oo ka dhigi amarka hadda aad haysato mid aan xaq ahayn. Maxkamadu ma ay bedeli doonto amarka maxkamada hadii cadadka masaariifta ilmahu uusan hoos ama kor aadayn ugu yaraan 20% ama $75. 

Kuwani waa waxyaabaha bedeli kara amarka masaariifta ilmaha:

  • isbedel weyn oo ku yimi dakhliga ama baahida labada waalid

  • isbedel weyn oo ku yimi baahida ilmaha

  • qaadashada cayr

  • kharash caafimaad oo siyaado ah ee ilmaha ku baxa

  • kharash cusub ama mid hore oo isbedelay oo ku saabsan haynta ilmaha

  • inuu ilmahu qaan gaaro  

Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan masaariifta ilmaha, ka eeg buuga yar ee Masaariifta Ilmaha ee Aasaasiga ah

Ka Wadan hadii Xilahaygii hore uusan u hogaansanayn Xukunka iyo Amarka?

Dib u Eegida 6 da Bilood ah  

Hadii labada waalid midkood uusan u hogaansamin Xukunka iyo Amarka, waalidka kale waxa uu codsan karaa dacwo dhagaysi dib u eegid ah. Waa khasab inaad ku codsato dib u eegida 6da bilood ee ugu horeeysa.  Ma aha wax iskood u dhaca.  Foomka lagu codsado dib u eegida waxaa lagu lifaaqay amarkaaga Xukunka iyo Amarka. Waxaad kale oo aad ka heli kartaa shabakada (website) maxkamada:

  • Gal shabakada www.mncourts.gov (ingiriisi kaliya

  • Riix “Get Forms” (Hel Foomam)

  • Riix “Family” (Qoys)

  • Hoos tag ka dibna riix “Six-Month Review Hearing Request Instructions” (Tilmaamaha Codsiga lix-bilood dib u eegida ah) ee ku hoos jira “Form/Packet Name”

Kolka dacwada la dhagaysanayo, maxkamadu waxay eegtaa in labada qoloba ay raacayaan xeerarka Xukunka iyo Amarka ee masaariifta ilmaha, haynta iyo waqtiga booqashada waalidka. Maxkamadu ma ay bedeli karto amarka laakiin waa ay ku ganaaxi kartaa waalidka u hogaansamid la’aanta amarka.

Fulinta Amarka Masaariifta Ilmaha

Hadii masaariif ilmood la amray laakiin aan la bixin, talaabooyin lagu fulinayo amarka ayuu qaadi karaa waajib-lahu ama xafiiska masaariifta ilmaha ee degmaddu. Waalidku waxa uu codsan karaa in laga caawiyo masaariifta ilmaha xataa hadii uusan cayr qaadan. Degmaddu waxa ay leedahay jidad ay ku caawin in la hubiyo in masaariifta ilmaha la soo qaado:    

  • Si toos ah uga soo goynta masaariifta ilmaha jeega shaqada.

  • Ku maxkamadeynta yasid maxkamadeed oo lacag bixin la’aanta ah.

  • U qaadashada lacagta canshuurta ka soo noqota masaariifta ilmaha.

  • Xayiraadka shatiyada xirfadaha ama laysinka gawaarida.

  • Qabsashada gawaarida iyo hanti kale.  

  • Diidida codsiga dal-ku-galka (passport) waalidka.

Si aad u hesho akhbaarta lagala xiriiro xafiiska masaariifta ilmaha ee degmadaada, wac khadka (651) 431-4400 ama booqo shabakada (website) Waaxda Adeegyada Bulshada ee ah: https://secure.childsupport.dhs.state.mn.us/mcso/participants/Action/Links/ChildSupportTopics

Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan adeegyada masaariifta ilmaha, ka akhri warqada xogta aruursan ee gobolka ee, “Sharaxaada Masaariifta Ilmaha (IV-D) iyo adeegyada dakhli ka reebida-kaliya (Aan ahayn-D) ee Minnesota xiriirkan (link): https://edocs.dhs.state.mn.us/lfserver/Public/DHS-2973-ENG.

Ku Maxkamadeyn Yasid Maxkamadeed

Hadii qofkii aad horey isu-qabi jirteen uusan u hogaansamayn Xukunka iyo Amrka, waxa aad maxkamada hor keeni kartaa codsi ah “Maxkamad yasid”. Yasidu waa cawil-celin madani ah kolka qof la amro inuu wax sameeyo, uu ogaa amarka, uu lahaa awood uu ugu hogaansamo amarka, laakiin uusan u hogaansamin amarka. Waxaa jira hanaano aad u adag oo ay leeyihiin codsiyada maxkamad yasida ahi, waayo hadii qofkii aad is-qabi jireen lagu helo dambi yasid ah uuna mar labaad fulin waayo amarka, xabsi ayaa la dhigi karaa. Yasida ama waqtiga xabsiga waxaa loogu talagalay inay ka dhigaan qof mid amarka u hogaansama. Macnahoodu ma aha in loo isticmaalo ciqaab ahaan hadii amarka la raaci waayo.

  • Gal www.mncourts.gov (ingiriisi kaliya

  • Riix “Get Forms” (Hel Foomamka)

  • Riix “Divorce/Dissolution” (Furiinka Kala Dirida)

  • Hoos tag ka dibna riix “Contempt Motion for Divorce Decree” (Yasida Maxkamada) ee ku hoos jira “Form/Packet Name”

Akhri tilmaamaha. Waxa ay kuu sheegi sida loo buuxiyo foomka loogana xareysto maxkamada.  

Deynta Aan La Bixin

Hadii qofkii aad horey isu-qabi jirteen la amray inuu bixiyo deyn laakiin uusan bixin, deyn bixiyeyaashu waxaa dhici karta inay adiga kugu khasbaan inaad bixiso hadii aad markii hore saxiixday deynta. Tani waa wax dhici kara wax kastaba ha yiraahdo amarka furiinkuye.  Hadii ay taasi dhacdo, waxa aad waydiinsan kartaa maxkamadu inay amarto qofkii aad is-qabi jirteen inuu lacagtaa dib kuu siiyo adiga. Maxkamadu sidoo kale waxa ay ku heli kartaa qofkii aad is-qabi jireen maxkamad yasid maadaama uu jabiyey amarkii maxkamada.  

Ka waran hadii aan dhib ku qabo waqtiga waalidka?

Hadii aad dhib ku qabto waqtiga waalidka, isku day inaad kala shaqeyso waanwaan qofkii aad is-qabi jirteen. Hadii aadan qofkaa toos ula hadli karin, ka fakar inaad u tagto la taliye ama dhexdhexaadiye ka hor inta aadan maxkamad dib ugu noqon. Mar walba oo adiga iyo qofkii aad isqabi jireen aad barataan inaad ka wada hadashaan arrimihiina aadna xalisaan, waa mar walba oo xiriirkiina waalid u wada ahaanta ilmahu uu sii fiicnaado. Hadii waalidku ay mar walba oo arrini ay jiro ay maxkamad aadaan, waxa ay khasaarinayaan wax badan oo waqti iyo lacag ah maxkamaduna kolkaa waa ay idin ku wareeri adinka.  

Waa aad aadi kartaa maxkamad si aad u hesho amar lagu bedelayo ama lagu dejinayo jadwal waqti waalid ah ama waqti booqasho waalid oo kormeer leh. Maxkamadu waxa ay amri kartaa dhexdhexaadin ka hor inta aan laguu ogolaan inaad codsi maxkamada hor keento. Hadii labada waalid midkood uu u diido waqti waalidka, kan kale waxaa uu aadi karaa maxkamad si uu u codsado waqti badan oo waqtiga waalid ah ama xataa uu u bedelo haynta. Maxkamadu waxa ay eegtaa inay jiraan sababo fiican oo ah diidmada waqtiga waalidka ah. Ku tacadiga ilmaha ayaa noqon kara sabab fiican oo ah diidmada waqtiga waalidka.    

Bixin la’aanta masaariifta ilmahu ma aha sabab lagu diidi karo waqtiga waalidka. Maxkamadu waxaa dhici karta inay amaro waqti waalid oo dheeraad ah hadii ay go’aansato labada waalid midkood waxa uu sabab la’aan u diiday waqtiga waalidka.

Ka wadan hadii mid ka mid ah labada waalid uu rabo inuu ka guuro gobolka?

Hadii waalidka imaha hayaa (ilmahu inta badan la nool yahay) uu rabo inuu gobolka ka guuro, waa inay ogolaansho ay ka helaan waalidka kale. Ogolaanshahu waa inuu qoraal noqdaa. Hadii ay iska baxaan iyagoon ogolaansho haysan, waa dambi taasi waxaana laga qaadan karaa ilmaha. Hadii waalidka kale uusan ogolayn guurida, waalidkaasi waa inuu maxkamad aado.

Waalidka ilmaha hayaa waa inuu tusaa maxkamada in guuridu ay ilmaha maslaxo u tahay aan ka ahayn in waalidka ilmaha hayaa uu yahay dhinabe dhib ku soo gaaray dagaal qoyska dhexdiisa ah oo uu geystay waalidka kale. Maxkamadu waxa ay eegtaa dhowr arrimood, sida heshiisyada waqtiga waalidka, baahida caadifadeed ee ilmaha, iyo n geedigu uu yahay qorshe loo dheeraynayo ilmaha waalid kale si uusan u arkin.  Kolkaa maxkamada ayaa go’aamisa in waalidka ilmaha haya iyo ilmahuba ay guuri karaan iyo in kale.

Af-Duubka

Waalidiinta uu u dhaxeeyo muranada ku saabsan haynta iyo waqtiga waalidku marmarka qaarkood waxa ay la baxsadaan ilmaha si uu uusan waalidka kale u arag. Kaxaysiga ama qarinta ama soo celin la’aanta ilmaha ka dib waqtiga waalidka waxa ay noqon kartaa dambi aad u culus.

Minnesota waxa ay leedahay sharci dambi ka dhigaya in waalid uu ka xayuubiyo kan kale xaquuqdiisa waalidnimo ee haysashada iyo waqtiga waalidka. Sida sharcigani dhigayo, ma aha khasab inaad haysato amar maxkamadeed oo ku siinaya hayn iyo waqti waalid. Hadii waalidka kale uu ilmaha qarinayo, waxaa dhici karta inaad tusto maxkamada in xaquuqdaadii waalidnimo ee haysashada iyo waqtiga waalidka lagaa xayuubiyey. Jabinta sharcigani waxa ay keeni kartaa xabsi ku xukun gaaraya ilaa iyo labo sanno iyo hal maalin, $4,000 oo ganaax ah, ama labadaba.

Hadii waalid uu ilmo u kaxayso si uu uga ilaaliyo ilmaha tacadi ama hadii waalidka kale uu ogolaado kaxaysiga , kolkaa sharcigu ma quseeyo arrimaha caynkaa ah.

Waxaa jira sharci la yiraa Sharciga Ka Fulinta Haynta Ilmaha ee Goob walba (UCCJEA) ee ka ilaaliya waalidku inay ilmaha la aadaan gobol kale si ay isugu dayaan in ka helaan amar ka duwan kan hadda jira. Sida uu dhigayo sharciga la yiraa (UCCJEA), maxkamadaha gobolada kala duwani waxa ay leeyihiin habraacyo si ay uga caawiyaan go’aansiga maxkamada gobolka ee ay tahay inay go’aamisnayso haynta ilmaha. Maxkamadaha waxaa lagu dhiirii galiyaa inay falanqeeyaan arrimha ayna iska ilaaliyaan khilaaf u dhaxeeya gobolada.  Badanaa, maxkamada gobolka uu ilmahu markii ugu dambaysay ku noolaa lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa leh awooda go’aansiga haynta ilmaha.  Hadii maxkamad goboli ay jaa go’aansatay haynta ilmaha, sharciga (UCCJEA) waxa uu ka ilaaliyaa maxkamad gobol kale ahi inay bedesho amarka haynta ilmaha, aan ka ahayn in maxkamadii koowaadi ay diido inay wax sameyso ama aysan mar dambe wax xiriira ah oo fiican la lahayn ilmaha iyo qolyaha.

Hadii ilmahaaga lagaa kaxayso, ama hadii uu waalidka kale diido inuu soo celiyo ilmaha ka dib waqtiga waalidka, kolkaa la xiriir bilayska ama qareen markiiba.  

Siddee ayaan u wareejiyaa hanti?

Hanti ma guurto ah (dhul)

Hadii maxkamadu ay xukunto mulkiga guri ama hanti kale oo ma guurto ah, Xukunka iyo Amarku waxa uu si cad u tilmaamaa sida wareejintu ay tahay inay u dhacdo. Marmar badan Xukunka iyo Amarku waxa u faraa in qofka kale uu saxiixo Joojinta Xaq u Sheegadka Dhulka

Joojinta Xaq u Sheegadka Dhulka waxa uu ku wareejiyaa xaquuqdiisii dhulka qofka kale ee dhulka haysta hadda. Joojinta Xaq u Sheegadka Dhulka iyo Xukunka iyo Amarku waxaa laga xareeyaa Diiwaan-geliyaha Degmadda ama Diiwaan Geliyaha mulkiyada dhulka. Hadii dhulka la diiwaan geliyey (la yiraa hantida Torrens), waxaad sidoo kale u baahan tahay nuqul labaad oo ah warqada mulkiilaha dhulka. Joojinta Xaq u Sheegadka Dhulka iyo Xukunka iyo Amarka waxaa lagu “xusaa” Diiwaangeliyaha Mulkiilaha ka dibna warqad cusub oo mulkiile ayaa la soo saaraa.  Hadii Joojinta Xaq u Sheegadka Dhulka aan la saxiixin aana la bixin, kala tasho qareen iyo/ama Diiwaan-geliyaha Degmadda ama Diiwaan Geliyaha Mulkiyada Dhulka si aad u ogaato waxa la rabo in la sameeyo.   

Marmarka qaarkood, Xukunka iyo Amarka waxa uu yiraa uma baahnid Joojinta Xaq u Sheegadka Dhulka, Xukunka iyo Amarka kaligood ayaa wareejin kara mulkiyada dhulka.

Qofka kale waxaa dhici karta in loo xukumo sheegad ama amaahda si loo siiyo saamiga ay ku yihiin hantida qiimaheeda. Sheegadku waa qaan u sheegad hantida. Labada qof kan helay gurigu waxaa qofka kale uu ku leeyahay cadadka sheegadka ama amaahda. Xukunka iyo Amarku badanaa waxaa uu qabtaa waqti ay kasab tahay in la bixiyo lacagta guriga lagu leeyahay. Hadii qaan sheegadka aan lagu bixin waqtigii  loo qabtay in lagu bixiyo, qofka lacagtu ka maqan tahay waxa uu ka codsan karaa in xaqqiisa la siiyo, ama la bedelo Xukunka iyo Amarka. Kiisaska amaahda ah, amaah-bixiyahu waxaa uu la wareegi karaa guriga.

Hantida Shakhsiyanka ah

Hadii laguu xukumay hanti shakhsiyan ah oo aan gacantaada ku jirin, qofkii aad horey isu qabi jirteeni waa khasab inuu kuu keeno ama uu kuu ogolaado inaad ka soo qaadato. Hantida shakhsiyanka ah waxaa ku jira, lacag bangi ku jirta, alaabta guriga lagu isticmaalo iyo kuraasta, ama gaari.

Marmarka qaarkood, Xukunka iyo Amarku waxa uu cadeeyaa sida hantida la isu waydaarsanayo ama waxa uu qabtaa waqti kooban (sida 30-cisho) oo is waydaarsigu uu ku dhacayo. Hadii Xukunka iyo Amarku uusan cadeyn, labada qof ee is-furaysaa iyaga ayaa iska af-garan kara arrinta. Qofka la amray inuu siiyo hantida qofka kale waa khasab inuu ku siiyo qofkaa hantida muddo macquul ah gudaheed ka dib kolka Xukunka iyo Amarka la soo saaro.  Waa inay noqotaa qaab labada qofba u salhan. Hadii aad ka baqayso qofkii aad horey isu qabi jirteen, waxa aad waydiisan kartaa mas’uul ka tirsan hay’adaha sharci ilaalintu inuu kaa caawiyo inaad soo qaadato hantidaada.

Warqada mulkiga gaariga ama guryaha la qaado waxaa dhici karta inay ku wada qoran yihiin labada magac ama macaga qofka aan loo xukumin hantida. Hadii ay taasi jirto warqada mulkiga gaariga waa khasab in loo saxiixo lana siiyo qofka kale ee loo xukumay hantida.

Hadii qofkii aad horey isu-qabi jirteeni uusan ku siin hantida, waxaa aad ka codsan kartaa maxkamadu inay amarto shariifku inuu kaa caawiyo helida hantida. Maxkamadu waxay kaloo u sheegi kartaa bangi inuu ku siiyo lacagta ku jira bangiga ee laguu xukumay. Waxay kaloo u sheegi kartaa gobolka inuu bedelo macaga ku qoran warqada mulkiilaha ee gaarida iyo guryaha la qaado.

Marmarka qaarkood Waaxda Gaadiidku  (Department of Motor Vehicles) waxa ay ku siin warqad mulkiile oo cusub hadii aad tusto Xukunka iyo Amarka kuu xukumaya gaariga adiga.  Amarku waa khasab inuu leeyahay gaarida lambarkiisa la yiraa (V.I.N.) oo ay u qoran tahay.

Labada qof kan loo diido hantidiisa waxaa kale oo uu ka dacawoon karaa Maxkamada Dhedhexaadinta, Maxkamada (Qaamaha yaryar) si uu sheegto wixii qaan ah ee ka maqan ee gaaraysa ilaa iyo $15,000. Khidmada xareysiga waa ay yar tahay qof kastaana isaga ayaa isu hadli kara isaga oo aan qareen la’aan

Wixii kale ee akhbaar ah ee ku saabsan Maxkamada Dhexdhexaadinta gal:

https://www.lawhelpmn.org/self-help-library/money-debt-taxes/conciliation-court-and-collecting-money