Akhbaarta Dhallinyarada Muhaajiriinta ah
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa waxyaabo muhiim ah oo dhalinyaradda muhaajiriinta ahi ay tahay inay ogaadaan oo ku saabsan xaquuqdooda iyo waajibaadkooda.
Xaqa aad u leedahay waxbarashada
Minnesota waa ku khasab in ay siiso waxbarasho bilaash ah DHAMMAAN carruurta gobolka ku nool. Iskoolka waad aadi kartaa xataa haddii aadan lahayn sharciga socdaalka.
- Carruurta jirta 7-16 waa in ay aadaan iskool
- Dhallinta jirta 16-17 waa in ay aadaan iskool haddaysan si rasmi ah uga bixin
- Kuwa baranaya afka ingiriisku xuquuqo bay leeyihiin. Eeg warqaddayada xogta aruursan ee Bartaha Afka Ingiriiska: Xaquuqdaada ah Helida Tacliin Sinaan ah
Sidee baan u ogaan karaa xaaladdayda sharciga socdaalaka?
- Ma taqaan lambarkaaga ajnabiga (alien number)? Sidoo kale waxaa la yiraa lambarka “A”, waa lambar 8 ama 9-tiro ah oo ka bilowda “A.” waxa uuna ku qoran yahay intooda badan warqadahaaga sharciga. Haddii aad taqaan, ka wac adeega macmilka ee laanta socdaalka khadka ah 1-800-375-5283 ka dibna waydii waxa ay martabaadda sharci ay tahay.
Haddii uusan kiiskaagu ku jirin kiisaska maxkamada laanta socdaalka, wali waa aad wici kartaa khadka ah 1-800-898-7180. Khadkani waa khad iskii u shaqeeya, waxa aad gelin lambarkaaga “A” waxa uuna ku siin akhbaar ah martabada kiiskaaga ee laanta socodaalka.
- Haddii aadan haysan lambarka ajnabiga (alien number), waxa aad xareysan kartaa waxa la yiraa Codsiga Sharciga Xoreynta Akhbaarta [Freedom of Information Act Request FOIA]. Foomka G-639 (Form G-639). Waa lacag la’aan. Waxa aad ku buuxin kartaa kuna xareyn kartaa fooma khadka (You can fill and file the form online). Taasi waa jidka ugu fudud ee lagu helo akhbaartaada. Gal barta www.uscis.gov riixna foomka “(Forms)” ka dibna riix “(All Forms)”. Hoos u wad liiska foomamka ilaa aad ka gaarayso “(G-639)”. Waxaad kaloo wici kartaa lambarka adeega macmilka ee laanta socdaalka ee kor ku xusan si aad u hesho foom warqad ah. Buuxi ka dib boostada dhig. Waxa aad heli CD dhowr bilood ka dib ay ku duuban yihiin nuqulo ka hadlaya taariikhda kiiskaaga laanta socdaalka.
- Waxaad kaloo isku dayi kartaa inaad sameysato balan InfoPass ah si aad ula hadasho qof. laakiin waa ay adkaan kartaa in akhbaar sidaa lagu helo. Ka hel akhbaar barta ah: https://my.uscis.gov/en/appointment/v2.
DIGNIIN: Ha u tagin laanta socdaalka hadii aadan sharci lahayn, la amray in wadanka lagaa saaro, aad maxkamadaha laanta socdaalka ah aad mareyso ama aad is leedahay wadanka waa lagaa saari karaa hadddii lagu qabto.
- In aad muwaadin Maraykan (U.S.) tahay baa dhici karta:
- Haddii mid ama labadaada waalid uu ahaa muwaadin markii aad dhalatay, ama
- Haddii aad ka yarayd 18, haysatay kaarka degganaanta joogtada ah (green card), oo aad la noolayd waalid muwaadin ah,
waxaa dhici karta in aad si toos ah muwaadinnimo ku heshay.
La hadal qareenka arrimaha socdaalka haddii aad u malaynaysid in aad tahay muwaadin. Qareenku wuxuu kaa caawini karaa ogaanshaha in aad muwaadin tahay asagoo kaa caawinaya helitaanka caddayn muwaadinnimadaada ah. Eeg warqaddayada xogta aruursan ee Dhalashada Muwaadinimada Mareykanka (U.S.) Cadeynta Muwaadinimada Ilmahaaga.
Sidee u ilaashadaa dukumintigayga?
Haddii aad u malaynaysid in waalid ama qof kale uu kuu haynayo dikumintigaaga, ka samayso koobbiyaal oo waydiiso inuu koobiyadaas kuu hayo qof weyn oo la aammini karo oo iskoolkaaga ama bulshada ka tirsan.Waxaad kale oo dikumintiga ku daabici kartaa fayl kobiyuutar oo galisid iimeelkaaga ama kaydiyaha kalawdka (cloud) wax lagu kaydiyo sida “OneDrive”, “Dropbox”, “Google Drive” iyo “Box.”
Warqado sharci ma lihi, dugsi sarena waan ka qalinjabinayaa dhowaan. Ma dalban karaa muwaadinnimo
- Kaliya Dadka deganaanshaha sharciga ah (green card) ayaa codsan kara muwaadinimo.
-
Qofku wuu qaadan karaa kaarka degganaanta joogtada ah haddii qaraabo dhow sida waalid ama walaalkiis ama walaashiis, ay u xereeyaan dalab dalkugal. Qofka qaraabada ah oo xeraynayaa waa in uu yahay muwaadin Maraykan ama haystaa kaarka degganaanshaha joogtada ah. Sanooyin bay qaadan kartaa, ayadoo ku xiran qaraabannimada, mase jiro sugitaan ama sugitaanku aad buu u gaaban yahay haddii qofka xeraynayaa yahay muwaadin Maraykan ah.
-
Haddii aad leedahay ehelo dhow oo diyaar u ah in ay kuu xereeyaan dalab, kala hadal qareen habraaca la maro.
-
Haddii aad qof ilmihiis tahay, (ama xaas ama waalid), kaasoo ah muwaadin Maraykan ama haysta sharciga degganaanshaha oo kuu gaysta waxyeello caqliga ama jirka ah, waxaad iskaa u dalban kartaa kaarka degganaanshaha joogtada ah adigoo adeegsanaya sharciga loo yaqaan VAWA. Waxaa laga yaabaa in aad kaarkaaga dalban kartid adigoo aan ka bixin Maraykanka. Qareen baad u baaha tahay.
Ma haysto qof ehelo dhow ah oo ah degganaade joogto ah ama muwaadin Maraykan. Ma jiraan waddooyin kale oo aan ku heli karo kaarka degganaanshaha?
- Haddii adiga ama qof ka mid ah qoyskaaga dhow uu ahaa dhibbane dambi weyn lagu sameeyey, waxaa suurtowda in aad dalban kartid dalkugalka loo yaqaan fiisaha U. Fiisaha U wuxuu kuu suurto gelinayaa in aad joogtid Maraykanka, Si sharci ah u shaqaysid, oo aakhirkana aad dalbatid degganaansho joogto ah. Adiga ama dhibbanaha midkiin waa in uu gacan ka gaystaa baaritaanka ama maxkamadaynta danbigaas. La hadal qareen oo eeg warqaddayada xogta aruursan ee Dhibanayaasha Dambiyada iyo Fiisaha “U” Victims of Crimes and “U” Visas
-
Haddii waalidka midkood ama labaduba ay ku waxyeelleeyeen, ku dayaceen, ama ay kaa dhaqaaqeen, waxaa laga yaabaa in aad dooran kartid xaaladda gaarka ah ee soogalootiga da’yarta ah. Tan waxaa loogu talo galay carruurta ku jirta haynta ku meelgaarka ah (foster care) ama ka qayb ahaa kiis la xiriira hayntooda ama daryeelkooda ee maxkamadda gobolka. Tan heliddeeda macnaheedu waa in aad helaysid kaarka deganaanshaha joogtada ah oo 5 sano ka dibna dalban kartid in aad muwaadin noqotid. Laakiin waligaa sharci uma dalbi kartid waalidkaa. La hadal qareen.
-
Waxaa kale oo aad ku qaadan kartaa kaarka degganaanshaha joogtada ah haddii uu korintaada (adoption) qaato qof ah muwaadin Maraykan inta aadan gaarin 16. Haddii isla qoyskaasi ay horay u korsadeen walaalka ama walaashaa, waxaad ahaan kartaa 18. Waa in aad la nooshahay kuwa korsiga waalid kuugu noqday 2 sano oo waa in ay ku hayaan labo sano oo ka horreysa ama ka dambaysa la wareegga korriimadaada. Haddii la helo shuruudahaas, kuwa waalidka kuugu noqday korintu waxay kuu dalbi karaan in aad noqotid degganaade joogto ah.
-
Haddii aadan doonayn in aad ku noqotid dalkaagii oo ay sababtay cabsi aad ka qabtid in lagugu cadaadiyo sinjigaaga, diintaada, asalka aad ka soo jeedid, muwaadinnimadaadii asalka ahayd, meesha aad bulshada uga jirtid ama fikrado siyaasadeed daraaddood, waxaad xaq u yeelan kartaa isdhiibid.
-
Helitaanka isdhiibiddu waa wax lagu gaari karo helitaanka kaarka degganaanshaha joogtada ah. Haddii aad ka wentahay 18 ama aad la soo gashay ilaaliye (guardian) waa in aad faylka buuxsatid sanad gudihiis laga bilaabayo maalintaad soo gashay Maraykanka. Wac u Doodayaasha Xuquuqda Aadanaha (612)341-9845 ama ugu dir iimeel halkaan hrights@advrights.org
Maxay yihiin dambiyada da’yarta ama ficillada kale oo dhaawici kara fursaddayda aan ku heli karo degganaanshaha joogtada ah?
Haddii aad mustaqbalka rajaynaysid in aad qaadatid kaarka degganaanshaha joogtada ah, waxyaalahaan ayaa dhaawici kara fursaddaada aad ku noqonaysid degganaade ama muwaadin.
- Tahriibinta daroogada ( gadidda daroogada, ama u haysashada in aad gaddid)
- Isticmaalka ama qabatinka daroogada
- Xaalad jirka ah ama dhimirka oo kaa dhigaysa in aad khatar ku tahay naftaada ama kuwa kale
- Jabinka xukunka qof lagaa ilaalinayo ama jabinta amar in aadan la xiriirin qof “no-contact”
- Dhillaysi
- Tahriibinta dad soo gala Maraykanka
- Been sheegid lagu doonayo helitaanka muwaadinnimada Maraykanka
- Codayn
- Guursasho ujeeddadeedu tahay sharciga socdaalka
- La saaxiibidda ama ku biiridda kooxo taageersan colaad
- Xubin ka noqoshada burcadda (gangs) ama inboolisku kugu shaabbadeeyo in aad xubin ka tahay burcad
Badanaaba, da’yarta “wax hallayntoodu” dhib uma gaysato kaysaska sharciga socdaalka. Laakiin, tani mar walba run ma’aha. Tusaale, haddii dambi laguugu xukumo sidii qof weyn adigoo ka yar 18, xukunkaasi wuxuu sharciga socdaalka ku leeyahay cawaaqib la mid ah sidii adigoo 18 ka weyn. Markaad gaartid 18, danbiyadii lagugu xukumay waxay adkayn karaan in aad noqotid degganaade joogto ah ama muwaadin. Dawladda Maraykanku waxa KALE oo ay ku galin kartaa dacwadaha tarxiilka. Haddii aad leedahay rikoor ah dambiyada da’yarta ama kan dadka waaweyn, la hadal qareen.
Warqado sharci ma lihi, walina waxaan ku jiraa dugsi sare, waalidkayna lama nooli. Wax mucaawino dawladeed ah ma heli karaa?
- Haddii aad ku jirtid xaalad caafimaad oo deg-deg ah ama aad uur leedahay, waxaad heli kartaa waxa loo yaqaan Kaalmo Xaalad Caafimaad oo Deg-deg ah (Emergency Medical Assistance). Aad xafiiska adeegyada aadanaha ee degmadaada. Eeg warqaddayada xogta aruursan ee Gargaarka Caafimaad ee Dedega ah Emergency Medical Assistance.
-
Waxaad aadi kartaa meelaha cuntada laga qaato oo aan dawladdu lahayn
-
Eeg warqaddayada xogta aruursan ee Manfacyada Dowlada ee Dhallinyarada Government Benefits for Youth
10 wax oo aad u baahan tahay in aad ogaatid adigoo markii aad tahay dhallin aan haysan warqado sharci
1. If immigration tries to talk to yo Haddii laanta socdaalku isku daydo in ay kula hadlaan,
- Ha saxiixin wax warqado ah hana la hadlin ilaa aad qareen la hadashid
- Haddii aad magacaaga siinaysid, ha isticmaalin magac been ah ama dikuminti been ah.
- Laanta socdaalku haddaysan haysanin barwada baaritaanka, kuma khasbanid in aad albaabka ka jawaabtid.
- Haddii aadan tegin garnaqsiga maxkamadda socdaalka, kullayba waxay soo saarayaan amar in lagu tarxiilo ah.
2. Sharciga marna ha jabin oo is dhowr.
- In Meelaha qaarkood boolisku waxay la xiriirayaan laanta socdaalka
- Meelo kalena booliska la xiriiri mayaan
- haddiise aad gashid dambi, waxay adkaynaysaa in aad sharci heshid mustaqbalka.
- Haddi lagu xiro ama lagu geeyo xabsi, laanta socdaalku waxay ku gelin karaan hayn si ay u ogaadaan in aad dalka sharci darro ku joogtid oo iskuna dayi karaan in ay ku tarxiilaan.
- Gaari ha kaxaysan adigoo aan lahayn leysin ansax ah iyo caymiska baabuurta
3. Qareenkaaga u sheeg xaaladdaada sharci
- Haddii dambi lagugu soo eedeeyo, hubi in qareenka ku difaacayaa uu ogyahay xaaladdaada sharci
- Hubi in aad ogaatid waxa ay u gaysan karto xaaladdaada sharci wax walba oo aad dooratid oo la xiriira maxkamadda dambiyada. Wax yaalaha qaar ayaa maxkamadda dambiyadu aysan ka soo qaadin xukun dambi, laakiin laga soo qaadaa xukun dambi marka la eego xagga laanta socdaalka.
4. Ka bixidda Maraykanku wuxuu keeni karaa xaalado adag oo ah xagga laanta socodka
- La hadal qareenka laanta socodka ku takhasusay inta aadan ka bixin Maraykanka.
5. Xeree oo bixi canshuurta adigoo adeegsanaya ITIN (Individual Tax Identification Number).
- Tani waxay kobcin kartaa fursaddaada aad ku helaysid sharci mustaqbalka
- Ha isticmaalin nambar sooshal secuuriti (social security) oo been ah markaad canshuurta xereynaysid.
- Ha samayn khayaano canshuur xereynta, adigoo sheeganaya carruur aan kula noolayn ama canshuur-dhaaf aadann xaq u lahayn.
6. Wac booliska haddi aad tahay dhibbane dambi.
- Waxaa laga yaabaa in aad u qalantid fiisaha U oo loogu talo galay dhibbaneyaasha dambiga. Eeg warqaddayada Dhibanayaasha Dambiyada laga galo iyo Fiisaha “U” Victims of Crimes and “U” Visas.
7. Haddaad ilmo dhashid kaa caawini mayso helidda sharciga.
- Ilmuhu waxa kali ah oo ay dalab sharci u xereyn karaan waalidkood markuu ilmuhu gaaro 21 sano jir.
8. Waligaa ha dhihin waxaan ahay muwaadin Maraykan ah haddii aadan ahayn muwaadin Maraykan ah!
- Tani waxay dhaawici kartaa fursado aad ku heli lahayd kaarka degganaanshaha.
- Taas waa lagugu tarxiili karaa
- Waligaa ha isticmaalin dikumintiga qof muwaadin Maraykan ah, oo ay ku jiraan dikumintiga Boorto Riikaan (Puerto Rican)
- Ha isku qorin codayn hana ka codayn doorasho la iska rabo muwaadinnimada Maraykanka.
9. Ha codayn hana isku qorin codayn
- Taas waa lagugu tarxiili kar
10. Hayso dikumintiga magacaagu ku qoran yahay sida biilasha ama risiidyada.
- Mustaqbalka inaad u baahatid baa dhici karta si aad u caddaysid in aad Maraykanka joogtay taariikh go’an ama xilli mucayin ah.