Qorshaha Shaqaaleynta MFIP
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa Qorshayaasha shaqada ee MFIP ka, sidda lagu helo, iyo waxa la sameeyo haddii aadan raaci karin kaaga.
Diyaarinta Qorshaha Shaaqaaleynta (EP)
Dhamaan waalidiinta ama dadka caruur korinaya ee la siiyo MFIP waa in ay la shaqeeyaan la taliyaha xagga shaqada ama qoraan Qorshe Shaqaaleyn (EP). EP waa in la qoraa 3dii bilood ee kasta ama marka uu habka shaqo raadinta, hadba kan soo hor mara. Haddii aadan la imaan waxyaabaha laguu diro, waxaa lagugu soo rogayaa ciqaab. Waxa ay taasi ka dhigan tahay in dhamaan ama qeyb ahaan lagaa jaro gargaarka MFIP. Akhri warqadda xogtra urursan ee MFIP iyo Ciqaabta Shaqaaleynta FSS.
Waxaa jira sharciyo u degsan inta dhaqdhaqaaq ee lagaa doonayo in aad la timaado qorshaha EP.
- Haddii aad tahay qoys hal waalid ka kooban oo ilmahaagu da’doodu tahay 5 jir ama ka yar, waa in aad la timaadaa dhaqdhaqaaq ah 87 sacadood bishiiba.
- Haddii aad tahay qoys hal waalid ka kooban oo ilmahaagu da’doodu ka weyn tahay 5 jir, waa in aad la timaadaa dhaqdhaqaaq ah 130 sacadood ah bishiiba.
- Haddii qoysku ka kooban yahay laba waalid, waa in aad isku dartaan sacadihiina oo ay noqdaan ugu yaraan 55 saacadood todobaadkiiba.
Waxaa laga yaabaa in la taliyahaaga xagga shaqada uu hayo saacdo dheeraad ah oo ka baxsan qorshaha. Waxaa kale oo suurogal ah in aad dooran karto saacado badan oo dheeraad ah si aad u hesho heynta caruurta. Laakiin ma aha in lagu ciqaabo marba haddii aad la imaneyso saacadaha shaqada ee kor ku xusan. Haddii lagugu handado in gargaarka lagaa joojinayo, la xiriir xafiiska gargaarka sharciga ee degaanka.
EP Caadiga Ah
- addii aad shaqeyneyso saacadaha shaqada ee ugu yar ee kor ku xusan, waxa ay taasi noqoneysaa dhaqdhaqaaqa kaliya ee ku xusan qorshaha.
- Haddii aadan shaqeyn saacadaha ugu yar, la taliyaha xagga shaqada ayaa kuugu daraya hawlo dheeraad ah.
- Haddii aadan shaqeyneyn, la taliyaha xagga shaqada waxaa laga yaabaa in uu kuu diro shaqo raadin dheeraad ah ama aad ka qeyb qaadato hawlo shaqo raadin ah. Waxyaabaha waxaa ka mid noqon kara qoritaanka taariikhda shaqada ama tababar ku saabsan ka qeyb galka wareysiga shaqada. Haddii aadan shaqo helin 3 bilood gudahood, waxaa laga yaabaa in aad qabato shaqo mutadawac ah.
- Dhiganaya Waxbarasho (waxbarashada dadka waaweyn, fasalada GED, fasalada ESL, waxbarasho laba sano ama afar sano oo jaamacad ah) ayaa ka mid noqon kara qorshaha. Akhri warqadda xogta urursan MFIP: Waxbarashada iyo Tababarka.
- Haddii ay jiraan waxyaabo aad dooneyso in aad sameyso sida ilmahaaga oo aad balanta dhakhtarka u kaxeyso ama waxyaabo ay maxkamada ku amartay, kala hadal la taliyahaaga xagga shaqada. Waxaa lagu darayaa qorshahaaga. Ama waxa aad ka qeyb qaadan kartaa Adeegga Dajinta Qoyska (hoos ka akhri).
Maxaan yeelayaa haddii aanan sameyn karin dhamaan waxyaabahaas oo dhan?
Ma jiraan waxyaabo noloshaada qeyb ka ah oo adkeynaya in aad shaqeyso saacada lagaa doonayo? La socdsii. Waxaa suurogal ah in wax laga bedeli karo qorshaha shaqaaleynta ama laguu wareejiyo Adeegga Dajinta Qoyska (FSS). FSS waxa la siiyaa gargaarka iyada oo laga doonayo in ay shaqeeyaan saacado ka yar intii hore. Akhri warqadda xogta urursan Adeegga Dajinta Qoyska (FSS).
Qorshaha Shaqaaleynta ee MFIP iyada qorshaha shaqaaleynta FSS waxaa laga yaabaa in ay ka yar yihiin saacadaha shaqada ama saacadaha shaqo raadinta. Waa mid ku xiran xaaladaada. Haddii uu dhakhtar ku yiraahdo ma shaqeyn kartid ka qaado, foomka qaado la taliyahaaga xagga shaqada oo ka soo buuxi dhakhtarkaaga. Kala hadal la taliyaha xagga shaqada dhibaatada ku heysata iyo sida ay kuugu adag tahay in aad shaqeyso iyada oo suurogal ay tahay in waxyaabo kale laguu diro. Haddii la taliyaha xagga shaqada uu kuu diro waxyaabo aadan qaban karin, la xiriir gargaarka sharciga (legal aid).
Waxaa wax laga bedeli karaa qorshaha shaqada ama laguu wareejin karaa FSS haddii:
1. Aad tahay 60 jir ama ka weyn
2. Aad xanuunsan tahay ama naafo tahay.
Aad codsatay SSI ama RSDI ama aad heli karto cadeyn dhakhtar oo aad in aad xanuunsan tahay ama aad tahay dhaawac:
- going to last more than 30 days, and
- so bad that you can’t look for a job or go to work or work 20 hours or more a week. Pregnancy can be a disability, if you show that you can’t work because of it.
3. Waxaa Guriga Kugula Nool Qof Weyn Ama Ilmo Daryeel Iyo In Guriga Lala Joogo
Dhakahtarka ka keenso cadeyn:
- In qofku xanuunsan yahay ama uu yahay naafo.
- In ay taasi qaadaneyso wax ka badan 30 maalmood.
- In lagaa doonayo in aad guriga la joogto oo aad xanaaneyso qofkaas.
- Ama cadeyn muujineysa in qofku ka soo baxay shuruudaha ku xisan in guriga lagu hayo ama adeegga maareynta.
4. Waxaa Guriga Kugula Nool Ilmo Ama Qof Weyn Oo ka Soo Baxay Shuruudaha Ku Xiran Adeegga Caafimaadka Ee Gaarka Ah
Tusaale ahaan ilmo aad uga jiran xagga dareenka ama qof weyn oo xaaladda caafimaadkiisu daran tahay. Cadeyn ka keen dhakhtarka ama cilmi nafsiga ee xaaladda bukaanka. Lagaama doonayo in aad cadeyso in lagaa doonayo in aan qofkan guriga la joogto si aad uga soo baxdo shuruudan.
Haddii aad ka soo baxdo shuruudaha ku xiran MFIP waa laguu “hakinayaa.” taasi waxa ay ka dhigan tahay in weli lagu siinayo MFIP 60ka bilood ka dib bil kasta oo aad ka soo baxda shuruudaha. Weydii la taliyahaaga xagga shaqaaleynta si aad u hubiso in bilahaas hakad la geliyey oo aan laguu xisaabin.
5. Waxa Aad Tahay Qoys Dhinabe Ah Dagaalka Qoyska Dhex Mara
Waxaa lagaa doonayaa in aad ku darto codsiga ka baajinta rabshadaha qoyska dhex mara Qorshaha Shaqaaleynta. Codsiga waa inuu qoraa adiga, la taliyayahaaga xagga shaqada, iyo u doodaha dhibanayaasha dagaalka qoyska dhex mara. Marka aad heysato ogolaashaha ka baajinta ee dagaalka qoyska dhex mara, waxaa laguu xisabaayaa waxyaabaha aad qabato ee aad naftaada ku badbaadineyso. Lagaaama doonayo in aad qabato hawlaha qaarkood haddii aadan sameeyn dhamaan.
Haddii aanu kula shaqeyneyn u doodaha dhibanayaasha dagaalka qoyska dhex mara, la taliyahaaga xagga shaqada ayaa mid kugu xiraya. Si aad ula xiriirto u doodaha qoyska, soo wac (866) 223‑1111. Bilaha laguu aqoonsaday codsiga ka baajinta qoyska looma xisaaabayo 60ka bilood ee u go’an MFIP.
Akhri warqadda xogtra urursan ee MFIP iyo Ciqaabta Shaqaaleynta FSS.
6. Waxa Aad Mareysaa Xaalad Qalalaase Ah Ee Qoys Iyo Shakhsi
Ma raaci kartid qorshaha shaqaaleynta qalalaasaha dartiis. Waxaa laga yaabaa in degmadu ku weydiisato cadeyn muujineysa xajmiga qalalaasaha. Tusaale ahaan qalalaasaha qof ama qoys ahaaneed waxaa ka mid ah hoy la’aanta, ogeysiis guriga lagaaga saarayo, in aad ku nooshahay hoyga dadweynaha, korontada iyo biyaha oo lagaa goosto, iyo xaalad caafimaad oo degdeg ah.
7. Ma heysatid dhalashada Mareykanka waxaadna wadanka joogtaa wax ka yar sanad waadna ka soo baxday shuruudaha ku xiran MFIP.
8. Sababaha kale
Haddii uu dib u dhac xagga maskaxda ah kaa heysto waxbarashada ama caqligaagu yar yahay oo ay kugu adag tahay helitaanka shaqada, ama uu jiro fal dambiyeed kaa hor taagan shaqada, ama ay jiraan sababo kale oo shaqada kaa hor taagan, la socodii la taliyahaaga xagga shaqaaleynta. Waxa aad xaq u leedahay in wax laga bedelo qorshaha shaqaaleynta ama FSS.
Ilmo yar ayaad xanaaneyneysaa
Haddii aad heysato ilmo ka yar hal sano, waxa aad dooran kartaa in aadan shaqeyn adiga oo la socodsiinaya la taliyahaaga shaqaaleynta si aad ula joogto ilmaha. Waxa aad sidan dooran kartaa ilaa 12 bilood inta aad nooshahay. 12ka biloodka waxa aad u qaadan kartaan hal ilmo ah ama aad u kala qaadan kartaa laba ilmood ama ka badan haddii aad ku talo jirto in aad ilmo badan dhasho.
Qoyska laba waalid ka kooban, mid ka mid ah ayaa dooran kara waqtiga, qoyska oo dhan waxa ay xaq u leeyihiin 112 bilood - ee ma aha 12 bilood waalid kasta.
Waalidka da’doodu ka yar tahay 20
Waalidiinta da’doodu ka yar tahay 20 ee weli ku jira dugsiga sare ama barnaamijka GED laga doonayo in ay shaqeeyaan. La taliyahaaga shaqaaleynta ayaa eegaya tegitaankaaga dugsiga.
“Sabaha keeni” kara in aadan shaqeyn
Waxaa laga yaabaa in ay jiraan “sabab kale” oo keeni kara in aadan qaadan tababarka shaqaaleynta. Sabahaaas waxaa ka mid noqon kara in aadan heysan gaadiid ama qof caruurta kuu haya, ama balanta MFIP ku soo beeganto xilliga dhageysiga maxkamadda ama saacadaha shaqada.
“Sabaha kale ” ma fududa sida lagu cadeeyo. Haddii ay jirto sabab kale oo aad kaga maqnaato kulanka, la soo xiriir la taliyaha xagga shaqada si uu balanta u bedelo. Mar kasta oo aadan sameyn karin qodobada ku xusan qorshaha shaqo shaqaaleynta ama shaqo raadinta, u sheeg la taliyahaaga xagga shaqada sababta. Sidan saxa ah u samee!
Haddii Aadan Shaqeyn Karin, Samee Dhamaan Waxyaabaha Ku Xusan Qorshahaaha Shaqaaleynta
Haddii aadan shaqeyn karin, la socodsii la taliyahaaga xagga shaqada markiiba! La imoow cadeyn ku saabsan sababta. Weydiiso in wax laga bedelo qorshaha shaqada ama laguu wreejin karo FSS. Haddii aanay midna kuu ogeleyn, weydiiso in ay qoraal kuugu sheegaan. Ka dibna u qor waraaq racfaan ah. Akhri warqadda xogta urursan Racfaanka Gargaarka Qoyska ee DHS.
La soo xiriir xafiiska degaankaaga ee gargaarka sharciyada si ay kuu caawiyaan. Halkan ayaad ka heleysaa xafiiska degaankaaga www.lawhelpmn.org/providers-and-clinics